MASAAJIDDA OO DADKA LAGU LAAYO;
ARRIN KU SOO KORORTAY SOOMAALIYA
(Dhacdooyin naxdin leh oo la ururshay)
Tan iyo markii ay billowdeen
dagaallada sokeeye inta qoryaha wadata mooyee inta kale waxay la
kulmeen dhibaatooyin waaweyn oo aan kala sooc lahay, haddaba, waxaa
ka mid ahaa dilalkaas kuwa loo gaysanayo ka mid ahaa dadka
masaajidda ku jira, kuwa u socda, kuwa ku dhex tukanaya amaba ka
yimid.
Dilalka dadka loogu gaysanayo
masaajidda ayaa waxay noqodeen kuwo xadkoodii ka baxay, waxaanan soo
qaadan doonaan deegaanno ka mid ah Soomaaliya oo ay ka dhaceen
dhibaatooyin dadka loogu gaystay masaajidda, innagoo raacin doonnna
fikradaha kala duwan ee ay ka qabaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee
nabaddoonka ah.
Inksatoo guud ahaan soomaaliya ay
ka dhaceen dhibaatooyin dadka loogu gaysanayo masaajidda ayaa
haddana waxay si xowli ah u soo xoogaysteen waayihii dambe. Waana
sidan sidii ay u dhaceen oo kooban:
GOBOLKA MUDUG
Gaalkacyo:
Dagaal dhex maray laba kooxood oo kuwa diinta ah ayaa wuxuu sababay
in Masaajid ku yaalla magaalada Buurtinle in daaqadda looga geliyo
bamboo dad tukanayay waxaana halkaas ku dhintay dhowr ruux oo ka mid
dadkii masaajidda ku tukanayay, waxaana dilkaan gaystay koox lagu
magacaabo Timo-weynta oo ah iyagu nooc ka mid ah suufiyiinta
Soomaalia.
GOBOLKA JUBBADA HOOSE
KISMAAYO:
Waxaa horraantii sagaashameeyadii dil loogu gaystay masaajid ku
yaalla magaalada Kismaayo iyagoo tukanaya dad tiradoodu gaarayso
4-ruux, waxaana dilkaan u gaystay nin kale oo masaajidda gudihiisa
kula tukanayay, wuxuuna dilkaan u dhacay sidan: “Dilkaan oo ahaa mid
ku yimid qaab aano qabiil oo kale ah ayaa waxaa ninka wax dilaya oo
ahaa nin dhallinyaro ah uu bambo la soo galay masaajidka, wuxuuna
isku beegay laba ka mid ah 4-ta ruux ee bambada ku dhimatay, waxaana
markii la rukuucayay rakcadii koowaad ee salaaddaas oo ahayd middii
duhurka uu kala soo baxay jeebka bambadii uu ku watay, wuxuuna si
toos ah ugu tuuray kuwii uu markii horeba doonayay inuu dilo, iyadoo
bambadiina ay keentay inay disho 4-ruux, waxayna sidoo kale
dhaawacyo cul-culus u geysatay tiro kale oo dad ah. ALLAHA U
NAXRIISTO.
GOBOLKA BAY
DIINSOOR:
Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay
dhowr sano ka hor, iyadoo masaajid dhexdii lagu dilay wadaadkii
imaamka ka ahaa masjidkaas oo lagu magacaabi jiray Sheekh C/qaadir
Sheekh Yuusuf kaddib markii la tukaday Salaadda subax. Waxaana dilka
wadaadkaas gaystay nin ka mid ahaa xertiisa, wuxuuna ninkaa wax
dilay uu toorrey ka suray Sheekhiisa luqunta illaa uu ka naf baxay,
waxaana ninka dilaya uu ahaa nin ka tirsan xertiisa oo uu xittaa
isagu soo koriyay dabadeedna uu ku daray naag, wuxuuna deggenaa
Sheekha Gurigiisa. Waxayna arrintani keentay layaab iyo amakaag ku
dhacay dadkii deegaankaas iyo intii kale ee maqashay, lamana garanyo
halka uu ku dhibcay ninkii dilkaas foosha xun u gaystay sheekhiisa.
ALLAHA U NAXRIISTO.
GOBOLKA SHABEELLADA DHEXE
JOWHAR: Arrin naxdin
badan ayay ahayd dhacdo ka dhacday Degmada Jowhar ee Gobolka
Shabeellada dhexe, waxayna dhacdadaasi ahayd in mar qura 40-ruux
lagu dilo masjid gudihiis degmadaas xilli ay tukanayeen salaadda
Ciidul Adxada goor subax ah, waxayna xilligaan ahayd horraatii
dagaallada sokeeye, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo aad
u fara badan, waxaana dilkaan foosha xun gaystay koox kale oo
iyaguna ka tirsanaa dadka deegaanka oo ay beryo yar uun ka hor isku
qabsadeen dhul beereed ku yaalla deegaankaas, waxaana arrintaan ka
naxay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamay inay
tahay dhacdadii ugu foosha xumayd ee ka dhacday gudaha Soomaaliya.
Dadkaas dhammaantood ALLAHA U NAXRIISTO.
GOBOLKA BANAADIR

Muqdosho |
MUQDISHO: Magaalada
Muqdisho ayaa ah iyadu halka ugu badan ee ay ka dhaceen falalka lagu
laynayo dadka masaajidda ku xiran, dhacdooyin la yaab leh oo gaaraya
illaa 9-dhacdo ayaa ka dhacay Masaajidda Muqdisho, waana kuwan
dhammaantood hoos ku qoran:
1. Dabayaaqadii sagaashamaadkii
ayaa lagu dilay masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho nin lagu
magacaabi jiray Oorfane isagoo tukanaya salaadda tawiixda, waxaana
dilkiisa gaystay rag malleeshiyo ahaa, waxaana sababta loo dilay
lagu sheegay inay ahayd aano qabiil oo u dhexeysay ninka la dilay
reerkiisa iyo kuwa wax dilay reerkooda. ALLAHA U NAXRIISTO.
2. Waxaa horraantii 2000, lagu
dilay masaajid ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho nin sii
galaya masaajid oo lagu magacaabi jiray: Sheekh Cusmaan iyadoo la
sheegay in loo dilay arrimo la xiriira aargoosi qabiil, waxaana
dhacdadaan oo aan goob-joog u ahaa uu ninkii masaajid ku soo dhex
dhacay iyadoo loo istaagay gudashada salaadda cisha, waxaana laabta
kaga yaallay dhowr xabbadood, waxaana ninkan la dilay uu ku dhex naf
baxay masaajidka, iyadoo ay taasi keentay in salaaddii cisha ay dib
u dhacdo illaa qaddar dhan 2-saacadood oo isku xigta. ALLAHA U
NAXRIISTO.
3. Waxaa iyadana la dilay wadaad
ka tirsan wadaaddo kitaab ka raacan jiray masjid ku yaalla isla
Magaalada Muqdisho, waxaana wadadaadkaan loo dilay muran la xiriira
dhanka diinta oo ay isku qabteen koox kale oo wadaaddo ahaa, waxayna
kooxdii waddaadada ahaa ee masaajidkaas u yimid inay carqaladeeyaan
culummada wax ku barata ay faas madaxa kaga jareen wadaad ka
tirsanaa kuwa kitaabka ka raacan jiray Masjidkaas, markii ay faaska
ku dhufteen dabadeed ayay luquntii kaga jareen Billaawe (Tooreey),
waxayna taasi keentay in halkaas ay ka dhacaan daggaal xoog leh oo
dhex maray labadii kooxood ee culummada ahaa, waxayna arrintaasi
keentay in dagaallo goos goos ah ay dhex maraan culummadii is qoomay,
waxay kaloo dhacdadan keentay in sidoo kale masaajid dhexdiis lagu
dilo nin kale oo wadaad ah oo ka mid ah isla kooxdii ninkaan hore
laga dilay. ALLAHA U NAXRIISTO.
4. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa
ka dhacay dhacdo kale oo yaab lahayd taasoo ku saabsanayd in laba
ruux oo masaajid ka kala ahaa Imaam iyo Mu’adin ay gowraceen oo ay
qudha ka jareen nin wadaad ahaa oo isna ka tirsanaa dadka masaajidka
ku tukada, waxayna arrintaas u dhacday sidan: “Ninka la dilay ayaa
ka mid ahaa dadka deggan xaafadda Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho,
waxaana dilkaan ka dambeeyay naag uu qabay oo ay isku dhaceen,
waxayna naagtii abbaartay labadan qofood ee aan kor ku soo sheegnay
ahaana kuwa dilka gaystay oo ay ehelo ahaayeen iyadoo u sheegtay in
ninkaan uu yahay nin aan u wanaagsanayn isla markaana dhiba, waxayna
labadii nin iyo naagtiiba go’aan ku gaareen inay shirqool u dhigaan
wadaadka la dilay, waxayna naagtii habeen habeennada ka mid ah u
yimid labadii nin ee mu’adimka iyo imaamka ka kala ahaa masaajid ka
mid ah masaajidda ku yalla degmada xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho
waxayna u sheegeen in arrintii ay ku ballansanaayeen ay fulinayaan
marka waaberigu soo dhawaado, waxayna addinkii koowaad ee habeenkaas
u yimaadeen haweeneydii iyagoo u sheegay inay soo addimayaan
dabadeedna ay ku fulin doonaan ninkeeda fal gowrac ah, waxayna
labadii nin isku raaceen masaajidka iyagoo soo addimay adinkii dhexe
ee salaadda subaxa, waxayna dabadeed soo abbaareen gurigii uu
deggenaa wadaadkii la dilay iyagoo ku fuliyay dil gowricid ah.
ALLAHA U NAXRIISTO. Muddo yar dabadeed ayaa waxay arrintiaasi
keentay in loo dilo labadii dilka gaystay iyo laba ruux oo kale.
5. Sidoo kale waxaa qudha laga
jaray wadaad u dhashay Qowmiyadda Orommada oo isagu markiisii hore
ka yimid dalka Itoobiya, waxaana lagu dilay masjid hortii xilli uu
ka soo baxay Masaajid ku yaalla degmada Madiina ee magaalada
Muqdisho iyadoo dilkiisa la sheegay inay ka dambeeyeen dad iyaguna
ka yimid Dalka Itoobya oo la sheegay inay baxsadeen dilkiisa kaddib,
waxaana dilka loo gaystay wadaadkaan la sheegay inay ka dambeeysay
Itoobiya, iyadoo lagu eedeeyay wadaadkaan la dilay inuu ka tirsanaa
wadaadada Al-Itixaadka loo yaqaan ee ay dowladda Itoobiya ku eedayso
inta badan inay ka dambeeyeen qul-qulatooyinka ka jira dalkeeda.
ALLAHA U NAXRIISTO.
6. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo
kale lagu dhex dilay masaajid gudihiis degmada Madiina, magaciisana
ma suurogelin inaan helno, waxaana wiilkaas yar loo dilay arrimo
aano qabiil ah, waxaana lagu dhex dilay masaajid ku yaalla deegaanka
xoosh ee Madiina, iyadoo ay dilkiisa ka dambeeyeen dabley la sheegay
inuu dhibaato u gaystay ruux ay qaraabo yihiin. ALLAHA U NAXRIISTO.
7. Ruux ayaa la dilay isagoo u
sii socda masaajid salaaddii subax, waxaana dilkiisa ka dambeeyay
kooxo burcad ah oo la sheegay inay doonayeen inay ka furtaan macawis
uu watay, wadaadka oo marayay jid cidlo oo ku beegnaa masaajidkii uu
u socday ayay joojiyeen laba dhalinyaro ah oo midi uu watay tooreey,
waxayna ku amreen inuu macawista siibo, wuu u furay macawistii
isagoo xaggooda u tuuray, waxaana u soo haray dhar ay ka mid yihiin
shaarkii uu watay iyo surweel lugo gaab oo uga hooseeyay macawista
uu sitay, wuxuuna u sheegay inuusan wadan wax lacag ah oo uu u
socday masaajidka. Intaa kaddib waxay ku amreen in dharka kale ee u
haray uu siibo, taasoo uu diiday inuu sameeyo, waxayna caloosha kaga
dhufteen tooreydii ay wateen wuxuuna wadaadkaasi u geeryooday
dhaawicii soo gaaray. ALLAHA U NAXRIISTO.
8. Horraantii bishii Oktoobar ee
kal hore ayaa guddoomiyihii Bankiga Al-Barakaat Cabbaas Cabdi Cali
lagu dilay deegaanka suuqa xoolaha kaddib markii uu ka soo baxay
masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, waxaana dilkiisa ka
dambeeyay rag ay isku hayb yihiin oo la sheegay inay ka tabanayeen
inuu shaqooyin ka casilay, waxaana dilka Cabbaas uu si weyn u
saameeyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waayo wuxuu ahaa
guddoomiyihiin bankigii Al-barakaat, wuxuuna ahaa nin inta badan
dadku ay yaqaannaan. ALLAHA U NAXARIISTO. Muddo yar dabadeed dadaal
ay sameeyeen maxkamadaha islaaamiga ah ee Muqdisho ay gacanta ku soo
dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka Cabbaas Cabdi Cali gaystay,
isagiina waxaa la marsiiyay sharciga islaamka oo waa la daldalay.
9.
05/11/2004
ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay koox dabley ahi dhaawac uu
markii dambe u geeriyooday u geysteen Jeneraal Maxamed Cabdi Maxamed
oo ka yimid masaajid ku yaalla degmada uu deggen yahay ee Shibbis,
waxaana Jeneraalka la dhaawacay isagoo albaabka gurigiisa taagan.
Dilka loo gaystay Jeneraal Maxamed Cabdi ayaa ahaa dhacdo ka nixiyay
inta badan dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gudaha iyo dibadda
Soomaaliya. Illaa iyo haatan si toos ah looma garanayo cidda ka
dambeysa dilkiisa walow ay dadku sheegayaan inay ka dambeeyeen dad
diidan in dalka la keeno ciidammo shisheeye ah oo uu Jeneraalku aad
u soo dhaweeyey in ciidamo shisheeye dalka la keeno, waxa uuna
Jeneraalka oo ka hadlay keenista ciidammada shisheeyaha ah yiri
sidan: “Ciidammo Shisheeye haddii dalka la keeno, ma ahan kuwo
fasahaadinaya dadka sida ay qabaan kuwo aan wax badan ka aqoon
dhaqanka ciidammada, hana ogaadaan ciidammo haddii dalka la keeno
waxay uun degeyaan xeryo loogu talo galay, iyadoo xilliga loo baahan
yahay ay qabanayaan shaqooyinka loo diro oo qura”. ALLAHA U
NAXRIISTO.
Isku soo wada duuboo dadka ku xiran
Masaajidda ee ay dhibaatooyinku ku dhaceen ayaa tiradoodu gaaraysaa
illaa 100-ruux, waxaase aniga oo waqtigu igu yaraa ii suurogashay
inaan ka war helo caddad dad ah oo ay dhibaato ku dhacday Kontomeeyo
ruux, waxaanan rajeynayaa inaan xilliyada soo socda idiin soo
gubinno tirada hartay. Dadkaan ayaa waxay u dhiteen siyaabo kala
duwan sida aad horayba ugu soo aragteen qaybaha kore ee qoraalka,
waxayna u kala dhinteen: aano qabiil ahaaneed oo loo soo raadsaday,
kuwo u dhintay is qabqabsi u dhexeeyay dadka ay ka soo jeedaan iyo
kuwo kale oo ay is qoomeen, kuwo u dhintay is jiir dhex maray
kooxaha diimaha ee ka jira gudaha Soomaaliya. waxaan ILAAHAY ka
baryaynaa inuu isku soo duwo quluubta dadka walaalaha ee muslimiinta
ah ummaddana uu xaqa fahamsiiyo. Aamiin……Aamiin……Amiin….Aamiin.
Siyaasiyiinta iyo fikraddooda ku
aaddan falalkaan
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaan
iyagu si toos ah uga hadlin dhacdooyinkaan iyo wax ay ka qabaan,
waxaase qaar ka mid ah ay sheegeen in dhacdooyinkaan ay ka mid
yihiin kuwa sida dabiiciga ah u dhaca oo aan loo baahnayn in la
buunbuuniyo, arrintaan ayaa la yaab iyo amakaag ku noqotay inta sama
jecel, waxaase dad aan wareystay oo ka mid ah aqoonyahannada
Soomaaliyeed ay ii sheegeen in hadalka ka soo yeeray siyaasiyiintu
uu yahay mid ay ku ilowsiinayaan inta niyadda wanaagsan leh
dhibaatooyinka ay ka dhex wadaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ii
sheegay wiil aqoonyahan ah oo dhawaan jaamacad dhaqaalaha ah kaga
soo baxay dalka India oo magaciisa iigu soo koobay C/risaaq: “Runtii
dhibaatada ku dhacaysa dadka waxaaba ka weyn midda ku dhacaysa dadka
ku xiran masaajidda oo ah cuqubo kale keenina karta inuu RABBI nagu
sii fogeeyo dhibka iyo halaaga aan ku jirno, dhan kale Siyaasiyiintu
wax dad ah oo ay dan ka leeyihiin ma jirto, waayo waxay moodayaan
ruuxii dhaqaaqaba inuu iyaga cadow ku yahay, waxaanan oran karaa
waxa dilalka dadka masaajidda ku xiran ka dambeeya waa siyaasiyiinta
iyo inta xumaha jecel oo dhan”.
Culummada iyo fikraddooda ku
aaddan falalkaan
Dhan kale culimada ayaa iyaguna aad
uga wel-welsan dhibaatooyinka lala beegsanayo dadka ku xiran
masaajidda oo ay ku tilmaameen inay tahay arrin ay ka dambeeyaan
dalalka dariska ah qaarkood, waxayna sheegeen culummadu inay tahay
arrintaan mid aysan dadka Soomaaliyeed dhaqan u lahayn: “Ummadda
Soomaaliyeed waa ummad 100% muslim ah, mana la oran karo ruux
Soomaaliyeed oo saafi ah ayaa dadka ku ugaarsanaya masaajidda ee
waxaan oran lahaa arrintan waa mid ay ka dambeeyaan kooxo
masiixiyiin ah oo dalka dibaddiisa ka soo bixinaya amarrada lagu
laynayo Culummada Soomaaliyeed iyo inta kale ee diinta jecel
masaajidda ku xiran”.
Waxaan sidoo kale la kulmay mid ka
mid ah culummada Soomaaliyeed oo isna magaciisa iigu soo koobay
Sheekh C/llaahi, wuxuuna yiri isagoo ay wejigiisa ka muuqato caro
xoog leh: “Laynta dadka masaajidda ku xiran waxay soo billaabtay
muddo dheer ka hor, waxaana la laayay culummo fara badan oo
Soomaaliyeed, iyadoo la diidan yahay fikradaha ay qabaan ee saliimka
ah iyo sida ay ALLE S.W. ugu xiran yihiin, waxaana oran lahaa
looguma simin culummada dil keliya, balse waxaa dhacday marmar badan
in Culummo inta la qafaashay gacanta loo geliyay Dowlado Kirishtaan
ah, waxaana lagu eedeeyay culummadaas inay yihiin Argagaxiso, maya
runtii ma ahan argagaxiso ee waa arrin la doonayo in lagu cirib tiro
culummada Soomaaliyeed isla markaana la doonayo in laga baabi’iyo
diinta islaamka gudaha Soomaaliya”.
Gabar Wadaad ah oo diiday inay
sheegto magaceeda ayaa iyaduna qabta fikrad la mid ah midda uu qabo
Sheekh C/llaahi, waxayna tiri: “Runtii ugaarsiga culummadu waa mid
lagu carqaladeynayo diinta islaamka iyo dadkeeda, waxaanan ognahay
in diintu ay u baahan tahay dad difaaca, marka waxay noqotay in
ruuxii xittaa masaajidka ku xiran la dilo, haddaba sidee bay noqon
haddii dadku ay isku raacaan jihaad iyo wixii la mid ah ee diinta
lagu difaacayo?, waxaan fikrad ahaan qabaa anigu in la leyn lahaa oo
nin walaa naag midna laga tageen, waxaanan Soomaalida ku oran lahaa
inta ay goori goor tahay tashada oo iska qabta kuwa diintiina iyo
culummadiina dhibaatooyinka u geysanaya” waxayna hadalkeeda raacisay
“Waxaan Soomaalida oran lahaa waxaad ku sifowdeen reer
banii’israa’iil oo kale oo iyagu caadaystay inay culummadooda iyo
nebiyadooda dilaan, waadna ogtihiin oo waxayna arrintaas ku
mutaysteen TIIH iyo halaagyo la mid ah, waadna aragtaan meesha aad
taagan tihiin haddii aad arrintaan sii waddaanna waxaad dhaxlaysaa
kuwaas iyo kuwo la mid ah oo ka sii xanuun baxan”.
Dhegeyso:
Shiikh C/qaadir Nuur Faarax
KULAABO
BOGGA HORE EE FAALLADA DECEMBER::::
Wabillaahi Towfiiq
W/D: MAXAMED XUSEEN JICMAALE (JANTIILE)
E-mail:
jantiile12@hotmail.com