Faallada Somalitalk ee Doorashada
Madaxwaynaha Dawladda FKMG...
- Faalladii SomaliTalk ee
Octoobar 2004
Qaabkii Doorashada iyo Codbixinta
Waxaa lasoo gaaray kaddib markii
laba-sannadood dalka Kenya shir uga socday Hoggamiyaasha kooxaha
isku hayey Soomaaliya, in lagu dhawaaqo ninkii noqon lahaa
Madaxwaynaha Soomaaliya, muddo badan ayaa shirkaan dib loo dhigay
ama uu u ekaa mid aan waxba ka soo baxayn, dad fara badana quus ay
ka muujiyeen, haddaba wax walba waxay leeyihiin waqti aysan dhaafayn,
Oktoobar tobankeedii Saacada Afrikada Bari mayrkay ku aadanayd
1:30pm ayaa waxaa bilow day in loo yeero Xildhibaanadii Baarlamaanka
Soomaaliya si ay ugu codeeyaan ninka ay la rabaan inuu hoggaamiyo
wadanka shanta sano ee soo socota.
Waxay Nasiib u yeesheen dad
farabadan oo jooga daafaha dunida in ay si toos ah barnaamijkii
doorshada ugala socdaan khadadka Internetka, iyo in badan oo jooga
Woqooyiga America khaasatan Minnesota inay u dareeraan Goobo tirsan
sida: Riverside Restaurant oo ay ka heli karaan TV-ga STN oo
loo sugayey Mudo sida Dowlada ka dhalan doonta Kenya, kaas oo si
toos ah (live) u soo tabinayey doorashada Madaxwaynaha bilow ilaa
dhamaad.
Soomaalida Minneapolis oo
daawanayey doorashadii madaxweynaha | Sawirka SomaliTalk.com
Waxaa cidna ogayn qofka soo baxaya oo
loo dooran doono iyo qaabka ay u dhacayso doorashadu, waxaa markiiba
dadbadan ku qanceen qaabka codbixinta oo ahaa qaab aad looga soo
shaqeeyey, sanduuqada codka lagu ridayey oo aah mid dhalo ah oo
loojeedo waxa gudihiisa ku jira, taasna waxaa kasii daraa markii
codkii lagu tiriyey dadka hortooda iyadoo Musharaxiinta dad matalaya
ay goob joog ay ka ahaayeen. Arintaas oo cod bixinta ka dhigtay
mid qiimo weyn u leh shacabka Soomaaliyeed maadaama qofka ugu codka
bataa uu ku helay codkaas si xor ah.
Sanduuqyada codbixinta oo ahaa dhalo looga jeedo xaashiyaha cod
bixinta ee lagu ridey | Sawirka
AP
Wareegii koowaad ayaa waxaa soo baxday natiijadii Musharaxiinta tartameyey oo ay kasoo gudbeen lix
Musharax, oo uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf.
Waxaa is garab fadhiya C/laahi
Yuusuf iyo C/laahi Cadow
Waxoogaa biririf kadib
waxaa lasoo gaaray xiligii Wareega labaad, intuusan bilaabanba waxaa
tanaasulaad muujieyey saddex musharax inaysan galeyn wareega labaad,
waxaa isku soo haray saddex Musharax, wax xoogaa kadib waxaa soo gaba
gaboobay cod tirintii halkaas oo ay isku soo hareen Laba cabdulaahi,
oo iyagu markii hore la is agfa riisiyey sida in la ogyahay inay
isku soo hari doonaan, iyagoo ay ka muuqatay daris wanaag iyo wada
hadal mar mar, waxaa kaloo wajigooda ka muuqday labadoodaba dhiilo
ah tolow malagaa guugalaysan mise waad guulaysan.
C/lahi Yusuf |
C/lahi Caddow |
Max'ed Qanyare |
C/rxman Jama |
C/Qasim Salad |
Ing. Caddow |
Waa lixda musharax ee u
gudbey wareega labaad, kana soo gudbey wareega oo ay ku
tartameen
26
musharax. |
Waxaa isla markiiba bilaamay cod
tirintii wareega sadexaad intaan wax qumanba la tirin waxaa dhacday
cilad farsamo oo xaga dabka ah oo hakisay mudo dhan halsaac cod
tirintii, taasoo shaki galin kartay dadka aan goob jooga ahayn in
wax la isdaba mariyo.
Waxaase si fiican loo arkayey sanduuqyada
Waraaqaha codbixinta kujiraan, iyadoo uu xilkasnimo dheeraad ah uu
muujiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka guud ahaan shirka iyo ku habsagii
sanduuqii furaa ee markaas gacanta lagu hayey oo mudadii halka saac
ahayd aan meela uga nuuxsan, taas oo la oran karo waa howl karnimo
dheeraad ah oo uu muujiyey, mudana in looga mahad celiyo Shariif
Xasan Sheikh Aadan.
Waxaa dib u bilaabatay cod tirintii
wageerigii saddexaad taasoo ninkii ku dhawaaqyey uu aad ugu
celceliyey magaca C/laahi Yuusuf ilaa uu marmar ku khaldo Musharaxa
kale ee latartamaya, xoogaa yar kadib waxaa lagu dhawaaqay inuu
yahay Madaxwaynaha kusoo baxay doorashada C/laahi Yuusuf Axmed,
islamarkiiba waxaa aqbalay in laga guulaystay C/laahi cadow, halka
C/laahi Yuusufna uu khudabadiisii ugu horaysay halkaas ka jeediyey,
khud-badaas oo koobnayd mahad naqna u badnayd ayaa lagu soo xiray
shirkii doorasha Madax waynaha Soomaaliya.
Doorashadii kadib
Guushuu gaaray C/laahi Yuusuf iyo
riyadiisii rumowday muddo dheer kadib ayaa dadku ka bixiyeen faallo
dheer oo u arkeen siyaabo kala duwan:
-
Waxaa aad loola yaabay soo bixida
C/laahi Yuusuf oo dadka intiisa badan aysan filayn iyo waliba ku
guulaysigiisa tiro aan inaba caadi ahayn
189 cod.
-
Doorashadii dadku waxay u arkayeen
mid u dhacday si cadaalad ah maadaama wax qarsoon aysan jirin,
xildhibaanadii la tartamyeyna qaylo kasoo yeerin.
-
Inta badan dadku waxay muujiyeen
soo dhawayn iyo farxad dowladaa Soomaaliyeed oo dhalatay
taageero iyo hambalyona way u direen.
-
Dad fara badan baa u riyaaqay
iyagoon jeclayn C/laahi maadaama Baarlamaanka intii badnayd ay
doorteen.
-
Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey
laakiin aamus ku jawaabay iyagoo khayr alle ha ka dhigo ku
ducaynaya.
-
Madaxwayne C/laahi oo muujiey wax
yaabo aan lagu aqoon, dabac sanaan iyo Ha la i cafiyo anna waan
cafiyey dadka.
-
Dad fara badan baa walaac ka
muujinaya sida Dowlada C/laahi Koonfur uga shaqayn doonto
siiba Xamar, iyadoo laga qiyaas qaadanayo fashilkii ku dhacay C/qaasim
oo kasoo jeeda Xamar.
-
Dadka intiisa badan waxay qabaan
in aan la hor ordin Dowladaan cusub oo loo kaadiyo laguna
qiimeeyo waxay la timaado.
TAAGEERADA DAWLADU HESHAY:::
|
Maxaa Laga Filayaa Dowlada Cusub
Waxaa aad loo dhowrayaa qaabka uu u
dhiso Madaxwaynaha cusub, C/laahi Yuusuf, dowladiisa iyo cida uu u
magacaabo Raysul Wasaaraha iyo waliba qaabka uu dadwaynaha
Soomaaliyeed uu ula hadlo oo sugaya khud booyinkiisa iyo hadalada
kaga aadan dhinac yada bulshada ee kala duwan.
Waxaa iyana Muhiim ah Dowladan
Cusub taageerada ay ka hesho Caalamka haday noqon lahayd mid aqoonsi
iyo mid dhaqaala deg deg ahba.
Waxaa kaloo lagu qiimaynayaa Siduu
ula dhaqmo Madaxwayne C/laahi dhinac yada ay isku hayeen xag
siyaasadeed iyo xag shaqsiyadeedba, haddaan si kale u niraahno dad
yowga ay isku hayeen si guud iyo si gaaraba.
Soomaaliya waa dal la xaalufiyey oo
xataa aan lahayn guryo ay hay'adaha dawladu ka hawl geli karaan,
hantidii qaranka oo dhamina waxay ku burburtay dagaalkii sokeeye ee
14ka sano, sidaas daraadeed waxaa dawladda la gudboon in ay karti
dheeraad ah ka muujiso sidii ay shacabka ugu wacyi gelin lahayd in
ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka, aaminaadda shacabkuna waxay
mar kasta ku xiran tahay sida laga arko dawladda.
Khudbadii Dhaarta
Waxaa loo qabtay Madaxwaynaha
Cusub xaflad lagu maamuusayey dhaarintiisa oo aad looga shaqeeyey,
ayna kasoo qayb galeen madax sar sare oo Africa u badan, halkaasna
ay hambalyo uga soo jeediyeen madaxwaynaha iyo shacabka, kuna
booriyeen inay la shaqeeyaan dowladaan cusub, Madax waynahana waxay
xasuusiyeen in masuuliyad wayn dusha loo saaray.
Xafladii
dhaarinta madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen
madaxda wadamada Soomaaliya deriska la ah, marka laga reebo
Itoobiya oo uusan ra'iisul wasaaraha dalkaasi ka muuqan
xaflada dhaarta iyo kulankii ka dambeeyey ee IGAD ee looga
hadlaayey arimaha Soomaaliya... |
Madaxweynaha
Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu
dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh
Aden, khamiis,
Oct. 14, 2004, Nairobi | Sawirka AP |
Hadaan usoo noqono Khudbadii C/laahi
Yuusuf Axmed waxay ahayd khudbad wacyi galin ah, wuxuuna dadka ka
codsaday hub dhigid iyo wada shaqayn, beesha caalamkana isagoo ku
cecelinaya wuxuu waydiistay taageero Ciidamo shisheeye, iyo
dhaqaalaba leh.
Haddaan faalo kooban kabixino
khudbadii Madaxwaynaha, inteeda badan waa wanaag sanayd, waxaana
xusid khaas ah mudan qodobkii ku wajahnaa Waqooyi galbeed, waxaase
dadka indha indheeya siyaasada iyo Soomaalida dhagaysanaysay
khudbadii inteeda badan markiiba kala soo baxeen saddex qodob oo
mudan taxadar:
Shidane Arone oo
16-jir ahaa oo sannadkii 1993 ay ciidamada kanada ku dileen
Soomaaliya, kaas oo
dacwadiisii ilaa hadda ka socoto dalka Canada. Wiilkan
Soomaaliga ah oo aad loo garaacay, waxaa dilkiisa lagu soo
eedeeyey ilaa siddeed askari oo Canaadiyaan ah. Kyle Brown oo kamid ah askartaas ayaa
lagu helay dembiga ah dil-aan-ukas ahayn, waxaana lagu
xukumay shan sano oo keliya. Clayton Matchee oo
asagana dembiga lagu soo eedeeyey ayaa markiiba is-daldaley,
laakiin ma dhiman waxase la sheegay in maskaxda dhaawac ka
gaarey, kaas oo ilaa hadda dacwadiisu socoto, waxaana la
filayaa in baarlamaanka Canada soo saaro xeer waafaqsan
xukunka maxkamada sare oo xukunkeeda kama dambaysta ah uu ku
beegan yahay June, 2005.
|
1. Ciidamada shisheee oo wadanka la
keenayo, Soomaalida aan ku cusbayn dhibkii ay ka tageena ilaa hadda
ka dhawaaqaya dhaga Soomaalida, waxaa xusid mudan Wiilkii yaraa ee
Kanadiyaanku ku faraxumeeyeen Baladwayne Iyo dhibaatooyin kale oo aan lasoo koobi
Karin.
HALISTA
CUDURKA AIDS-KA |
Waraysi:
Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS
& ka Akhri
Halkan
Dhammaadkii 2003 waxaa lagu qiyaasay in dunida
inta qabtey cudurka AIDS ay gaarayeen ilaa 37.8 million oo
qof. Qiyaastii saddex meelood oo laba meelood (2/3) oo
dadkaas ka mid ah waxay ku nool yihiin qaarada afrika inta
ka hooseysa saxaraha (25 million). EEG:
www.unaids.org
|
Haddaan usoo noqono ciidamada Afrikaanka dhibkooda iyo dheeftooda
waxaan shaki lahayn dhibaatadooda in badan tahay, walibana xaga caafimaadka wadanka
oo dhan ay qal qal galin karaan sababi karana dhimasho iyo bukaan
socod joogta ah, sida macluumaadka lahayo sheegayo ciidamada Madaxwaynuhu codsaday in ay aad u qabaan cudurka dilaaga
ah ee AIDS-KA taasoo la oran karo waxay sababi kartaa cawaaqib xumo kadaran dowlad
la’aanta, waxaana haboon in aad looga fiirsado taxadarna laga
muujiyo, keenista ciidamo shisheeye.
2. Odayga oo sheegay inay jiraan
dad qas ka shaqeeya qasna ka wada Soomaaliya, uusana qar sanayn,
waayo baladii aad qarsato waa ku qarsataa, marka horena walaalow in
lagu dayeyo kadibna la iska qabanayo ilaa dantaa ku jirtee, isla
markaasna odayga wuxuu sheegay inuu ahaa nin dagaal hadana ka
tanaasulay, uuna ahaa 25 sano kahor ninkii ugu horeeyey oo jabhad
hubaysan madax u noqday, hadaba taasi miyey san ahayn qaska odaygu
sheegay, waxaase is waydiin leh yaa wayso u dhowrayd 14-kii sano oo
lasoo dhaafay.
3. Mudane C/laahi wuxuu kaloo afka
ku dhuftay inay jiraan ururo kaloo hubaysan uusana doonayn inuu
magacaabo laakiin u baahan in dadka lagu soo daro oo la dhaqan
toosiyo, taasoo dad badan u fahmeen Madaxwaynu inuu Wadaadada weer
qaaca kaga dhigay, tasoo muujinaysa xinifta ka dhaxaysa isaga
iyo wadaada, oo dad badan filayeen inuu dib u dhigan doono, maadaama
uu hadda cusubyahay una baahan yahay taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Isku soo xooriyoo maanta dowladda
cusub waxay haysataa buug cusub waxayna ku xirantahay hana qaadkeedu
hadba sida ay wax ugu qorto buugaas cusub iyo tix galinta rabitaanka
dadkeeda.
Gabar
Soomaaliyeed oo indhashareer xuiran oo calanka Soomaaliyeed
luleysey, xafladdii calemo saarka madaxweynaha Dawlada
Federaalka Soomaaliya... |
Madaxweyne
C/laahi Yuusuf Axmed,
xafladii caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya ee
shanta Sano ee soo socota | Sawirka AP |
Maxaa Lagudboon Dowlada Cusub
- Ø Inay muujiso Cadaalad
iyo xaq soorid.
- Ø Inay san Ku kicin wax
yaabo Diinta lidi ku ah oo Kicin kara Shacaka Soomaaliyeed ee
Muslimka ah.
- Ø Inay Raysul wasaare u
doorato nin kasoo jeeda Koonfurta Soomaliya kasbana kara
Shacabka Reer Muqdisho.
- Ø Inay muujiso wada tashi
fara badan cid kastoo muhiim ah ama ka hor imaan karta dowda.
- Ø Inay xaq dhowrto rabitaanka
shacabka Soomaaliyeed
- Ø Inaysan Caburin
Saxaafada Xorta ah
- Ø Inaysan qiimayn
yuuyahay ee ay qiimayso muxuu yahay
- Ø Inaysan iska indha
tiring shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah oo fursad u helay
14-kii sano oo burburka inay bartaan diintooda kuna dhaqmaan
inay san sina u aqbalayn ka yeelayn cidna waxii kasoo horjeeda
Diintooda.
- Ø In ay dawladdu wax ka qabato
arimaha bulshada sida: caafimaadka, waxbarshada, biyaha,
korontada, wadooyinka, iwm.
- Ø Inay muujiso Cadaalad
iyo dulqaad iyo tanaasul dhinac walba ah.
Ugu danbaytii waxaan u rajaynaynaa
dowlada cusub khayr, dad waynaha Soomaaliyeedna inay tijaabiyaan
dowladaan ee aysan ka hor imaan iyadoon wali dhaqaaqin, kuna
qiimeeyaan hadba waxay la timaado.
Faallada Soomalitalk ee Doorashada
Madaxwaynaha.
Wixii Talo iyo tusaalayn
ah ee la xiriira faalladan waxaa
lagala soo xiriiri karaa
Email:
tifatire@somalitalk.com
###