SOOMAALIYEEY NIN DOORKII
DISHAYE MAXAA KUU LAABAN
(Waa tuma gacanta
dahsoon ee wax ka ugaarsata Masaajiddada)
Tani iyo intii ay burburtay
dowladii milatariga 1991 waxaa dalka ka dhacay dambiyo waa
weyn oo laga galay ummadda soomaaliyeed oo ay geysteen kuwo
iyaga la mida waxaa mararka qaarkood is leedahay waxaa dalka
ka dhacay dambi kasta oo dunida yiilay waxaana maalin walba
maqleysaa dambi ka xoog badan mid aad hore u maqashay waxaad
qabsanaysaa dhabanada, waxayna arrintu barako ma leh gaartay
markii masjid dhexdiis lagu dhex dilay dad Cibaadeysanayay,
waxaana maalmahan dambe soo baxay shaqasiyaad u gaarsana
kuwa galaya masaajidka iyo kuwa ka soo baxaya , gaar ahaan
waxay falalkaanu dhacaan Salaada Subax , waxaan soo
xasuustay wareysi haatan ka hor uu bixeyay nin Yahuudi ah oo
sanadihii sideetameeyadii Masaajidka Qudus ku dhex dilay 35
qof oo dukanayay salaada subax waxaana la weydiiyay su’aal
ahayd haddii aad doonayso in aad dad fara badan layso maxaad
falkaaga ula beegsanweyday waqtiga salaada duhur aad
haheleysid dad fara badan wuxuuna ku jawaabay “dadka dukada
salaada subax waa dad qatar ku ah Yahuudda sidaa darteed
kuwa dukada salaadaha kale waa ay ka karti badan yihiin”.

Masjidka Sheekh CabdiCasiis |
Muqdisho | SAWIRKA:
allrefer.com |
Dhacdadan uu sameeyay
ninkan Yahuudiga ah waxa aad ku dhaweynaysaa ama aad is
leedahay kuwa masaajidyada dadka ku laaya waxa ay xiriir la
leeyihiin Yahuudda, waxaana oran karnaa waa dhaqan laga soo
minguuriyay Yahuudda oo iyadu u taagan dibdaabyada dadka
Muslimiinta ah, haddaba dhacdooyinka maalmahan lala
beegsanayo oo isla markaa lagu dilayo dadka aqoonta leh waa
wax ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soo jireenka
ah ee suuban oo soomaalida lagu yaqaan.
Dilalkan lala beegsanayo
dadkaan ayaa waxaa uu keeni karaa in Soomaaliya la waayo
cid ku hagta wadda toosan , wuxuuna yiri mar aan wax ka
weydiiyay dhacdooyinkaan foosha xun Abwaan Cabdi Faarax
Dhuunkaal “inta aqoonta leh waxay wax barteen waqtigii
Midowga Soofiyati waxaana la doonayaa in dadkaasi la baabiyo
si ay guurto aqoonta oo la waayo dad ummadda u iftiimiya
waxa wanaagsan” wuxuu intaa sii raaciyay “dadka aan waxa
caabudin waxa ay ixtiraamaan ama ay dhowraan dadka aqoonta
leh annagoo haysana diinta Islaamka maxaan u tixgalin weynay
Culamadiinka, Takhaatiirta, Aqoonyahanada iyo Saaraakiisha
sarsare ee Ciidamada”.
Waxaa inoo suurogashay
inaan wareysi la yeellano Gen. Cali Xaashi Baraale, oo isagu
ku xeel dheer arrimaha la xiriira baaritaanka kiisaska
noocan oo kale ah, isagoo arrintaan ka hadlayana wuxuu yiri:
“Laba weji ayay ku yimaadaan ugaarsiga ka dhaca Masaajidda,
mid waa mid lala xiriirinayo kooxaha diinta oo iska soo
horjeeda, midna waxaa lala xiriirinaya howlaha Mareykanku
wato ee loogu yeero la dagaalanka argagaxisada, waxaana la
doonayaa in laga cabsado masaajidda oo aan la tagin” wuxuu
intaas sii raaciyay “Anigu dhowr jeer ayaan ka joogsaday
inaan tago masaajidka markaan u cabsaday Nafasdayda, waxaana
u soo jeedinayaa kooxaha ku gambanaya inay arrimahaasi ka
waantoobaan oo ay u soo jeestaan sidii loo dhisi lahaa qaran
Soomaaliyeed”.
Waxaan wax ka weydiiyay
qaabkee ayaa loo xallin karaa arintaan, waxa uuna yiri Gen.
Cali Xaashi Baraale: “Nin baa laba fallaar lagu soo riday,
midbaa uga dhacday barida, midna waxay uga dhacday garabka,
markaasaa la yiri war laba fallaarood tee lagaa gooyaa oo
lagaa saaraa, markaasuu yiri war midda barida iiga taal iga
bixiya si aan u fariisto, tan kale ha inoo dambeysee,
haddaba ummaddu waxay u baahan tahay fadhi si loo helo qaran
soomaaliyeed oo ah kan ugu muhiimsan ee ka hortagi kara
kooxaha musaajidda ka ugaarsanaya”. Wuxuuna sheegay in
gooray ahaataba mar uun kooxahaasi lala xisaabtami doono.
Waxaa kaloon wareysannay C/nuur
Xaaji Maxamed oo ka mid ah Aqoonyahannad Soomaaliyeed,
wuxuuna yiri "masaajidyada waa meelaha qof Bini Aadan ah
uusan ka maleysaneyn in lagu dilo ama ha u socdo ama ha kaa
soo baxo, watigaasna waa waqtiga gofkii loo baahanayahay lgu
gaai karo, midanna waa mid ugub ku ah umadda Soomaaliyeed,
waxaana looga bixi karaa iyadoo la hello qaran soomaaliyeed"
Dhacdooyinkan isdaba jooga
ah ee lagu beegsanayo dadka aqoonta leh isla markaana lagu
sugayo albaabka hore ee masjidka waa dhacdo xunuun badan
waxayna dadka qaar ay ku fasiraan inay ka dambeeyaan labo
kooxood qolo u adeega cadowga soomaaliyeed iyo kuwo ay madax
martay arimaha qabiilka waxayna sheegeen dadka qaarkood in
arintaani ay tahay mid ugub ku ah umadda soomaaliyeed,
waxayna soomaalidu tiraahdaa “haddii ay qaylo yeerto waxaa
la oran jiray aan u carrarno dhinaca Masaajidka”, “balse
waxay arintu taagantahay masaajidkiiibay qayladii ka soo
yeertay”.
Dad fara badan oo soomaali
ah ayaa si gardaro ah loogu dilay dalka iyagoo waxba
galabsan hase yeeshee kuwa gardara ugu xun la gaarsiiyay
waxaa ka mida kuwa iyaga oo masaajid ku sii socda isbaaro
loo dhigtay dabadeedna la dilay,. Dhacdadii ugu xumeyd
waxay ahyad markii nin macalin dugsi quraan ah oo ka soo
baxay masjid salaadii subax dabadeedana inta la dilay laga
furtay macawistii iyo saacad uu xirnaa, balse arintaan waxaa
ka dhiidhiyay dadka xaafada Hodan oo iyagu sameystay ciidamo
madani ah oo roondo ku mara waqtiga salaada subax iyo
waqtiga salaada cisha ah “adigu waxaad ka hadlaysaa qof
masaajid u socda oo la dilay ama ka soo baxay ee waxaa
dhacay kuwo iyaga oo nool inta masaajidka laga qafaashay loo
gacan galiyay cadowga soomaaliyeed ayay tiri Haweenay lagu
magacaabo Faadumo Cali. Oo aan kula kumey suuqa Bakaaraha
“Soomaalidu waxay Ab iyo
Isir u leedahay in qof u soo magangalay loo gacangaliyo
cadowga maanta arintaas way is badeshay oo dad ummada
soomaaliyeed u soo martiyay ayaa loo gacan galiyay cadowga
ummadda soomaaliyeed oo weliba loo geeyey meydkooda” ayuu
yiri Nin Oday ah oo lagu magacaabo Faarax Xasan”.
Tirakoob haddii lagu
sameeyo dadka la dilay iyagoo ku sii jeeda masjid ama ka soo
baxaya, amaba ku dhex cibaadaysanaya la dilay waxay
gaarayaan dhowr iyo labaatan ruux, waxaana ugu cabsi weynayd
markii Masjid ku yaallada Degmada Madiina lagu dhex dilay
Sheekh lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Siciid oo u
dhashay Qowmiyadda Orommada, waxaana la doonayay in isaga oo
ku dhex jira masjidka la qafaasho balse waa uu diiday
wuxuuna ku adkaystay inaan marnaba loo gacan gelin doonin
cadowga Soomaaliyeed, halkii ayaana lagu dhex dilay.
Sidoo kale, Magaalada
Jowhar ayaa masjid ku yaalla waxaa lagu dilay maalin qura
40-ruux oo u taagan sallaadda Ciidda, waxaana dilkaas ka
dambeeyay kooxo dabley ah oo la sheegay inay dadka
deegaankaas isku haysteen beero iyo xoolo. Waxaa kaloo
iyana magaalada Gaalkacyo iyana lagu dhex dilay dhowr ruux
oo masaajid ku cibaadaysanayay kaddib markii mid ka mid ah
dariishadaha masaajidka looga soo dhex tuuray bam, waxayna
arrintani aad aragagax uga muujiyay Shacabka Soomaaliyeed
meel walba oo ay joogaan.
Sidoo kale waxaa masjid ku
yaalla Magaalada Muqdisho lagu dhex dilay wadaad lagu
magacaabi jiray Sheekh Maxamed, waxaana dilkiisa ka
dambeeyay kooxo kale oo wadaado ah, waxaana lala
xiriirinayaa arrimo diineed, gaar ahaan isqabqabsiga u
dhexeeya dariiqooyinka ka jira dalka.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay
waxaa lagu dilay dhowr ruux, haddii aan soo qaadannno masjid
ku yaalla Deegaanka Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho goor
uu ka soo baxay sallaadii cisha waxaa lagu dilay
Guddoomiyihiin hore ee Bankigii Barakaat Cabbaas Cabdi Cali,
kaddib markii ay jidka u galeen kooxo dabley, waxaase
dhacdadaan baaritaan xoog leh ku sameeyay Maxkamad ka mid ah
Maxdkamasda Islaamiga ah ee Muqdisho ka jira, waxayna ku
guulaysteen inay gacantga ku soo dhigaan ruuxii falka
gaystay, waxaana lagu dilay goor galab gaab ah meel fagaare
ah.
Soomaalidu waxay tiraahdaa
mayd kee u dambeeyay: kii hadda la sii siday, waxaa
horraantii bishaan la dilay General Maxamed Cabdi goor uu ka
soo baxay Salaadda Subax masjid ku yaalla xaafadda shibbis,
ilaa iyo haatanna lama garanayo sababihii loo dilay
Generaalkaasi, hase ahaatee warar ayaa waxay sheegayaan in
loo dilay Jeneraalkaas arrimo la xiriira fikirkiisa ku
aaddan keenista ciidammo shisheeye.
Waxyaabaha kale ee la
yaabka leh ee ka dhex dhacay masaajidda ka mid ah kaddib
markii qoriga Hoobiyaha ah ee la soo tuuray uu ku habsaday
masjid ku yaalla degmada Wardhiigley oo ay ku naf waayeen
dhowr ruux oo markaas u taagnaa salad, waxaa kale oo aad u
naxdin badnaa markii masjid ku yaal xaaadda Labadhagax lagu
dhex dilay Axmed Cawaalle Orfane, isaga oo xilligaas
tudkanayay salaaddii Taraawiixda, waana dhacdo murugo leh oo
go;ila maskaxda Umadda Soomaaliyeed.
Isku soo duuboo
dhacdooyinkaan ka dhex dhacay masaajidda waxaa lala xiriirin
karaa dhowr amuurood, kuwo ku yimid ugaarsi qabiil iyo kuwo
ku yimid arrimo diimeen gaar ahaan khilaafyada u dhexeeya
dariiqooyinka diimeed ee ka jira dalka, kuwo ku yimid waxa
loogu yeeray kooxaha argagaxisda, kuwo ku yimid dowlado
shisheeye oo iyagu doonayn inay dalka ka soo baxaan dad
aqoon diimeed leh ama kuwo maadiyeedba.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com