SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. IBRAHIM
March 28, 125
Daabaco Boggan | Print
QAYBTA::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 |

 Su'aalo & Jawaabo

> TB-da laf dhabarka
> Shig-Shig
> Sanboor
> walwal
> xiniino yar
> macaanka


TB-da laf dhabarka

S: Age: 30 - Spinal TB
Waad mahdsantahay. Walaal waxaan kuu sheegi lahaa in muddo ahba inaan qabay TB-da gasha lafdhabarta, markii aan dareemay inaanan caadi ahayn ayaan lasocodsiiyay dhakhtarkayga wuxuuna ii sheegay inaan culayskaga dhimo. Balse mudo dabadeed ayaa la iga qaaday MRI scan wuxuuna cadeeyay in L2, iyo T12 ay TB ku dhacday waxaa dabadeed la ii qoray sadex daawo mudo afar bilood kadib mid ayaa lajoojiyay hadda waxaan isticmaalaa Rifinah iyo vitimine F.waxaana daawada qaadanayaa mudo 7 bilood ah. hadaba walaal
1- mudo intee le'eg ayaan ku dawoobayaa.
2- malagayaabaa in lafdhabartu ay caadi ku soo laabato.
3-mase dhici kartaa in ay markale igu soo laabato hadii aan daawada dhamaysto.
4-maxaase ugu wacan inay igu dhacdo TB anigoo qaatay BCG markaan ahaa 13 jir.

J: Sida aad la socoto TB-da waxay inta badan ku dhacdaa sambabaha. Laakiin waxay gaari kartaa meelkasto oo ka mid ah jirka sida lafdhabarka ama xitaa maskaxda. Waa run in TB-da gasha lafdhabarka ay aad u halis tahay oo ay ka adag tahay daawenteedu tan sambabaha gasha. haddaba haddii aan u soo noqdo su'aalahaadii:

1) Mudada aad daawada qaadanayso waxay ku xiran tahay sida ay wax u jiraan iyo caafimaadkaaga kale. Inta caadiga ah 9 bilood ayaa daawo dadka qaarkii lagu siiyaa. Laakiin way dhici kartaa in aad u baahan tahay mudo sanooyin ah. Maadaama ay adag tahay in lafdhabarka si sahal ah loo daaweeyo. Waxaanse aamin sanahay in dhakhaatiirtaadu ay jaawaab rasmi ah ku siin karaan haddii aad weydiiso su'aashaan.

2) ma hubo in lafdhabarka ay caadi ku soo noqonayso, laakiin haddii cudurka la daaweeyo, waxay u badan tahay in ayan sii xumaan oo halkeeda ay wax ku ekaadaan.

3)Waa dhici kartaa in ay mar kale soo noqoto, lakiin taasi waxay ku xiran tahay sida hadda loo daaweeyo iyo haddii daawadu wax tarto. waxaa kale oo ay ku xiran tahay haddii aad adiku la kulanto cudurka mar labaad.

4)Waa runtaa in BCG dadka somalia jooga badankood ay qaateen. Inkastoo BCGda ay dadka qaarkiis ay ka celisay TB, 100/100 ma aha. oo waxaa jira dad badan oo la tilaalay oo mar denbe TB ku dhactay sidaada oo kale. Waa sababtaa tan keentay in BCG aanan hadda wadamada qaarkood oo ay TB-da ku badan tahay laga isticmaalin sida India meelo ka mid ah. haddii BCG ay tahay talaal rasmi ah oo la isku raacsan yahay in ah si rasmi ah qofka oga celinayso TB, waxaad arki laheed iyada oo laga isticmaalo meelkasta aduunka. Mida kale, BCG waxaa laga sameeyaa TB ku dhacda lo'da oo ma aha mid laga sameeyey TB-da ku dhacda dadka. Labadaa TB waxbay ku kala kadisan yihiin oo isla hal ma aha.

Haddii aan soo koobo jawaabteeda, waxaan ku oran lahaa waxaa aad u muhiim ah in aad raacdo talada dhakhaatiirtaada si rasmi ah, sababta oo ah TB-da waa cudur aad halis u ah laakiin haddii si rasmi ah wax looga qabto la daaween kara. In aad ku guulaysan doonta arrintaan in in kale waxay ku xiran tahay adiga dagaalkaaga, sida dhakhaatiirtaadu kuugu dadaasho iyo tii rabi. mahadsanid.

Shig-Shig

S: Bismilaah: Dr Ibraahim iyo Bahda Somali Talk ba waxa u dirayaa amaan Balaaran. Intaas ka dib aniga Dr: Su'aa shaydu waa: Waxan ahay nin jira 30Yrs. waxan wax ka bartaa wadan shisheeye, waxa dhib igu haya xanuunka loo yaqaan Shig-Shigist(Hadalka oo aan shigo ama qaar aan soo saari kari waayo). mararka qaarkood waxay igu kalliftaa aniga oo isleh macallin su'aal weydii inaan ag tago oo aamuso, waayo waxaan soo saari kari la ahay ereyada qaarkood. waxan filayaa inaad ujedadayda fahantay. waxan kaa sugayaa Talo wanaagsan
Waad mahasantahay, WCWW.

J: Waxaan ka xumayahy in aanan aqoon fiican u laheen sida wax looka qaban karo shig-shiga. Waa jiraan dad daaweeya arrintaan oo isticmaala behavioral treatments. Waxaan kukula talin lahaa in aad raadiso dadka daaweeya arrintaan. Mahadsaind.

Sanboor

S: salaamu calaykum walaal waxaan isku arkay labadii sano ee la soo dhaafay waxaan u kala garan waayay inuu yahay sanboor.flu ama hargab wuxuu leeyahay afar calaamadood hindhiso.duuf farabadan.indho cuncun .cabur sanku i xirmo oo marararka qaarkood aan afka neefsado . waxaan ku noolahay dalkan ingriiska mudo shan sano ah . ilaahay hakaa abaal mariyo waad mahadsantahay.

J: Cuduraka ku haayo waaxuu eela egyahay sanboor. Daawadiisa ma dhib badna. Laakiin waa in aad u tagtaa dhakhtar. mahadsanid.

walwal

S: Age: 18 - Dr. waxaan ku waydiin lahaa oo kale waxaan isku arkay markii aan cashar xafido in aan ilaawayo teeda kale cabsida aan isku arakay waa mid walawal u badan.? wasalaamu calaykum

J: Ilowga iyo walwalka badan way isla socdaan inta badan. haddii aad fakarto oo aad xal u heshid walwalka badan, waxay u badan tahay in ilowga kaa yaraado. haddii walwalka kuu suuroobi waydo in aad adiga wax ka qabato, u tag dhakhtar. mahadsanid.

cabsi fara badan

S: Age: 18- Asalaamu calaykum. Dr. waxaan ahay arday somaliyeed oo wax ka barta dalka malaysia marka waxan isku arkay 1- cabsi aad iyo aad u fara badan iyo walwal. 2- waxaan isku arkay ilaawsho fara badan marka fadal iiga soo jawaab iina soo sheeg tilaabooyinka aan aan qoodo. wasalaamu calaykum

J: waxay u badan tahay in cabsida iyo ilowga fara badan ay isla socdaan. Maxaa keeni kara? waxaa dhici karta in uu jiro waxa la yiraahdo Stress. Kaasoo macnahiisu yahay in qofku uu aad iyo aad u walwalsan yahay. waxaa kale oo dhici kara in ay ku hayso waxa la yiraahdo anxiety disorder. Oo ah cudur si fudud loo daaween karo haddii aad u tagtid dhakhaatiirta ku taqasustay maskaxda (psychiatrist). Kama wado in aan hubo in waxa adiga ku haaya ay tahay Anxiety disorder, ee waxaan ka wadaa waa suuro gal. haddii cabsida ay tahay mid kheyra caadi ah oo kuu diidaysa in aad noloshaada caadiga ah wadatid, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar aragtid. Haddii ay tahay mid aanan sidaa u sii balaarneen, waxaad isku daydaa in aa kala xaajooto dad aad ku kalsoon tahay oo aad aminsan tahay. mahadsanid.

madax xanuun

S: Age: 30 - Salaamucalaykum Dr. Ibrahim salaankadib waxaa inmuddo ah ihayey xanuun xagga madaxa ah illaa & imminkana aan xal uhelin sanadku markuu ahaa 1990, ayaa malinmalmah kamid ah anigga oosalaad maqrib kujira waxaa labada lugood iga soobilawday qabow,aanuqaatay inlugaha nafta lagasooqaadayo qabowgu marba-marka kadanbaysa korayuu usoosoconayay ilaa uumadaxa kasoo gaadho markaas ayuu wadnuhu bilaabay garaac siyaado ahwaxaan noqday sidii qofxiskiisu doorsoomay dhakhtar ayaa laidhigay anigoo cabsi joogta ah yeeshay daawooyin aykamid yihiin (Neurobion Injection)ayaan qaadan jiray inkata oon wax iskaga gartay hadana wali waxaan dareemaaxanuun badan oojiradaasi igureebtay hdakhaatiir xagga (Neurolig)ayaan laxiriiray way madaxa qayta Nervska kusheegeena majiro maxaad igulatalin lahayd Mar-marka qaarkood markaan gaadhi wado een High-way saarahay makala garankaro qiyaasta uu iijiro gaadhiga idhinacsocda guux badan ayaana kadareemaa madaxa marakaqoraxdu kulushahay

Sida aad iiku sharaxday waa adag tahay in aan fahmo dhibaatada ku haysa. Mida kale ma karano daawada aad soo xustay (neurobion). maxaan ku talin lahaa? Waxaan ku talin lahaa in aad ka tagtid neurologist aad haddda aragto oo aad mid cusub raadisid una sheegtid dhibaatada ku haysa./ mahadsanid.

macaanka

S: walaal waxaad noga warantaa aniga waxaan ahay 32 jir waxaan igu macaan waxaan donayaa malinwalba inaan sameyo fitness kaniina waan qataa oo heer sare ah dhaqtar waan uu tagaa markaa inuu iga baxo malaga yabaa hadaan ku wado

J: macaanka mid baxa ma aha. Laakiin waa muhiin in aad daawooyin watid. mahadsanid.

xiniino yar

S: Age: 30- waxaan ahay 30jir malihi xaas. waxaa ay mushkiladeydu tahay xiniin yahayga oo aad uyar ood moodid sida xiniin 10 jir ah adaba Dr Ibraahiim taasi wax khatar ah mugu yeela neysaa dhinaca dhalmada. waxaan rajey inaad jawaabta igu soo siisid E-mailkeyga.

J: Xaniinyaha inta ay la egyihiin iyo dhalmada iskuma xirna. mahadsanid.

cidiyo xanuun

S: Age: 23 -asalaama calaykum warxmatulaah. marka hore waxaan kuleeyahy dr.ibraahin (jazaakalaahu khayran )inaad noofaa iidayso intaas dabadeed su'aashaydu waxa weeyaan intabadan cidiyahayga suulasha ayaagala jiidhka dhexdiisa aad ayayna ii xanuuniyaan mudo dheerna ima bog sadaan markaa maxaan ku dawaynkarayaa anigoon qaliin samayn .waad mahad santahy

J: Si fiican uma aanan fahmin su'aasha.

Laakiin haddii aan ka jawaabo inta aan fahmay, waxay u egtahay in aad leedahay cidiyaha suulka ayaa i xanuuna. iima aadan sheegin in ay tahay suulka lugaha ama kan gacmaha. Inta badan xanuunka ka imaada suulka lugaha waxaa uu la xiriiraan waxa la yiraahdo fungus oo ah cudur aan si salhan u tagin oo cagaha ku dhaca. Waxaa jira dawooyin lagu gado farmashiyaha oo loo yaqaan antifungal creams/lotion oo loogu tala kalay arrimahaas. Laakiin waa in aad si joogta ah oo mudo dheer ah u isticmaashaa.

Haddii ay tahay suulka ganacta, inta badan Fungusku uu ku yar yahay gacmaha. Waxaase dhici kara in aad leedahay dry skin oo keenaya in meesha cidiyaha iyo hilibka suulka iska galaan in ay xanuun keento. Sida ugu fudub ay arrintaa lagu daaween karo haddii uusan infection jirin waa iyada oo qofku isticmaalo cream/lotions si maqaarku u ahaadu mid had iyo jeer qoyan. Mida kala waa in qofku uu si joogta ah u jaraa cidiyaha. haddii arrimahaan wax ku tari waayaan, waa in aad argataa dhakhaatiirta loo yaqaan Dermatoloigst. Mahadsanid.

Qore: Dr. Ibraahim

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD