Sanboorka
S: Dr.Ibrahim, marka hore Ramadaan wanaagsan marka labaad waxaan
doonayaa inaan wax ka ogaado cudurka Somalida u taqaan Sanboorka
calaamadihiisa iyo sida lagu daaweyn karo. Mahadsanid.
J: Sanboorka calaamadihiisa waxaa ka mid ah
- diif badan oo aan caadi aheen
- Indhaha oo ku cuncuna
- cabur fara badan.
Waxaan oo dhan inta badan waxay yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii qofku uu
la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo. Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa
waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay wax uusan dooneen. Maadaama inta badan
sanka laga neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirka
dooneen sanka. marka diifka iyo waxyaabaha la midka ah waxaa keenaya jirka
oo la dagaala maya waxii uusan jirka rabin.
Sidee lagu daaweeyaa? inta badan sadex nooc bay daawo ka imaan kartaa.
- Adiga oo ka taga meeshii uu jirka waxa uusan rabin laga heliyey
- adoo jirka u sheega in uusan si halis ah u dagaalamin
- adiga oo jirka taba bara oo u diga in uu imaan doono wax jirka uusan
jecleen.
Maxaan ula jeedaa arrimahan?
- haddii aadan sanboor lahaan jirin oo aad magaalo cusub u guurtid oo
aad isku aragtid sanboor badan, macnaheedu waxaa laga yaabaa in ay tahay
wax ka baxa magaaladaan ayaa jirkaagu jecleesan. haddii aad ka guurtid
magaaladaas waxaa laga yaabaa in sanboorkaagu isga tago.
- Daawada dadka badankood ay qaataan waxa ay u suuro gelinaysaa jirka
in uusan si halis ah ula dagaalamin waxa uusan jecleen sida busta oo
kale. marka daawooyinka aad aragtay ee farmishiyaha laga soo iibsado
sidaan bay u shaqeeyaan
- dadka qaar baa cirbado lagu duraa oo ah cirdabo u suura galinayo
jirka in jirka la taba baro oo loo sheego in haddii ay la kulmaan waxa
jirka uusan jecleen sida busta, in uusan la dagaalamin.
Waxaan kugula talin lahaa haddii aad sanboor xun qabtid in aad araktid
dhakhtar si ay ugu horeen u ogaadaan in waxa uu sanboor yahay, waxa keenay
iyo sida ugu fiican ee loo daaween karo. mahadsanid.
S: Dr.Ibraahim waan fahmey waxyaalihii aad iiga soo
sheegtey cudurka Sanboorka, waxaan markale rabaa inaan ogaado in isla
cudurkan uu keeno cuduro kale hadii uu tusaale ahaan ku hayo muddo badan.
Waxaan maqley in uu keeno cudurada sida neefta oo kale iwm. Mahadsanid
J: Sanboorka ma keeno neef ama cudur kale. inta badan wax uu u
dhimayo jirka ma jirto. dhibaatadiisu waxa ay tahay oo kali ah in uu qofkaa
aad u dhibaateeyo. Sida aad sheegtay waa run in sanboorka iyo cuduro kale ay
mar mar isla socdaan. sida neefta oo kale. Laakiin taas macnaheedu ma aha in
sanboorku keenay neefta. waxaa jirta in dadka neefta qaba intooda badan ay
qabaan sanboor. sababta oo ah in waxa keena neefta iyo waxa keena sanboorka
qaarkii (ma aha kuligee) way xiriiraan.
Mida kale qofka qaba neefta haddii ay la kulmaan wax ay sanboor ka
qaadaan, waxay dhibaateynaysaa neeftoodii. Laakiin ma aha in sanboorku
keenay neefta. Mida kale, sidii aan horey kuugu sheegay, sanboorku kuligii
isku nooc ma ahaa, qaar waxaa jira la socda cuduro kale. Midka dadka
badankood qaabaan oo ah diifka badan iyo cuncunka badan ee indhaha, inta
badan wax saas ah uma geysto caafimaadka intiisa kale. mahad sanid
Cudurka Kawasaki
Q: The reason for my message is simply to ask you about the
kwazaki disease related to heart ailments if you know anything about it or
simply could translate into Somali. By the way thank you for starting useful
and wonderful service for your fellow countrymen and women.
J: Waa sida aad ku sheegtay cudurka la yiraahdo kawasaki waxuu
keena wadno xanuun. Cudurkan sida aad ka dareemeyso magaciisa waxaa markii
ugu horeysa arkay nin Japanese ah sanadka markii uu ahaa 1967. markii hore
waxaa loo maleen jiray in uu yahay cudur iska sahlan. laakiin gadaal baa
laga ogaaday in uu halis yahay. Cudurkan ilaa iyo hadda si rasmi ah looma
yaqaan waxa keena. laakiin waxa uu ku dhacaa caruurta da'deedu ka yar tahay
5 sano (inta badan). wax yaabaha lagu garto waxaa ka mid ah:
- qando
- busbus (Rash)
- Indho caseen (Conjuctivitis)
- Qanjir barar (cervical lymphadenitis)
- Barar faruuraha ah iyo cirridka afka iyo gacmaha iyo lugaha.
Dhibaata ugu weyn ee uu keeno cudurkaan waa wadno xanuun. Waxuu ka mid
yahay cudurada ugu muhiimsan ee caruurta ee keena wadno xanuunka. Inta badan
caruurta u dhimata cudurkaan waxaa dila wadnaha oo istaaga. Cudurkaan waa
laga helaa wadamada horay u maray iyo kuwa soo koraayaba. Waxaa muuhiim ah
in si dheg dheg ah uu qofku u arko dhakhtar haddii cudurkaan lagu maleenayo,
sababta oo ah in inta badan si loo joogiyo wax yaabaha uu u keenayo wadnaha
waa in la daaweeyaa. haddii aad su'aal intaa ka badan haysid ama aad jeclaan
laheed in aad su'aalo gaar ah weydiisid, waxaan kugula talin lahaa in aad
fiirisid boga
www.Newwellness.org oo aad si toos ah dhakhaatirta ku taqasustay
caruurta aad su'aal u weydiin kartid. mahadsanid.
Xawada
S: Waxaa dhib igu ah soo bixitaanka shahwada oo markasta ma soo
wada baxdo oo way igu ceshoontaa oo xogaa yar ayaa iga soo baxo inta kale ma
soo baxdo oo markaa waxaan dareema xanuun aad u balaaran, waxaan rabaa inaan
kula socodsiiyo sidii uu xanuun iigu bilaabmy waxay ahay 1992 anigoo safar
oo gaari dusha ka saaran soomaaliya ayaa waxaan na soo weeraray koox tuugo
markaas ayaan gaarigii dushiisa ka booday waxaana ku dhexdhacay geed waxaana
dhacday in qori ka mid ah geed uu iga galay dabada ama saxarada halka ay ka
timaado waxaana iska soo saaray isagoo dhiig leh oo xanuun ba'an ayaa i
qabatay.
Waxaana imid Nairobi waxaan dhaqaale xumo awgiis ima suurto gelin inaan
dhaqtar fiican helo, waxaan imid (waddan Yurub ah) oo haba yaratee way ii
diideen in baaritaan sax igu sameeyaan waxayna dhaqtar uu iibaray sidataan
waxuu dabada iga geliyey fartiisa isagoo dhahayo waxaan eegayaa protaste ka
dib waxuu yiri waad caafimaad qabtaa ma la iidirin wax baarid, sidakale wax
dhibaato ah ma qabo xagga u tegitaan xaaskeeyga balse dhibaatada waxaa weeye
marka ugu danbeeyso biyaha iga imaanayaan waxaa iga soo baxayo xoogaa yar
inta kale way igu ceshoobayaam oo maalmo ka maalin ka daba waxaa ka
dareemayaa wax dheecaan oo urayo oo aan tuhmayo iney yihiin biyhii oo ka
weecday jidkii Alle oo ka soo baxeen meesha laga saxaroodo.
J: Biyaha raga waxaa sameya xaniinyaha. Waxaa lagu keydiyaa
xaniinyaha. ka dib marka aad xaaskaaga ku tegtid ayaa jirku waxuu u
sheegayaa xaniinyaha in ay soo daayaan biyaha. Biyaha waxaa soo qaada laba
xidid (mid midig iyo mid bidix) kuwaas oo keena ibta hortiisa. Laakiin inta
aysan biyahu soo gaarin ibta, waxaa kaloo biyo badan oo ah nafaqo ku biiriya
waxa la riyaahdo Prostateka. Dad waa jiraan qaba dhibaato la yiraahdo "retrograte
ejaculation" oo macnaheedu yahay in biyaha meeshii xididku u soo qaadi lahaa
ibta, ayey dib ugu noqon xaniinyaha. Oo wax yar baa soo gaaraya ibta.
Haddii aadan ii sheegin arrintii shilka aheed iyo in wax biyo la moodo ay
ka imaanayaan halka saxarada ka imaato, waxaan dhihi lahaa waxa ku haaya waa
"retrograte ejaculation" oo aan kor kuugu soo sharxay. Laakiin markii aan ka
fakaro arrinta kale ee la xiriirta shilka ee aad ii sheegtay, waxaa dhici
karta in aad dhaawacday xididka ka soo qaada xaniinyahay biyaha. Kaas oo
laga yaabo in uu dib ugu laabtay dhinaca dabada. Maadaama ay labo xidid soo
qaadaan biyaha, waa suuro gal in mid fiican yahay oo ah kan kuu keenaya ibta
inta yar ee biyaha ah ee aad isku aragto. Laakiin waxaa suuro gal ah in
midka kale uu dhaawac may oo uu biyaha u qaado dhinaca dabada. Inta badan
haddii dhawac yimaado gudaha ah, waa suuro kal in jirku si aan caadi aheed u
daawoobo. waxaan tusaale kaaga soo dhigayaa dadka qaba shuban caloolaadka
qaarkii. haddii ay qabaan cudur dabada wax yeeleeya, mar marka qaarkood
waxaan ku aragnaa in saxaro ka imaado ibta (xubinta taranka ragga). waxaan
arrintaa ula jeedaa in dabada iyo meesha kaadida ama biyaha isku wada
dhowyihiin oo ay xiriiraan.
Hadaba waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtarka ku noqotid oo aad u
sheegtid sida aad iigu sheegtay. waxay sameen karaan raajato gaar ah oo u
suurta galinaysa in ay arkaan sida xididka biya qaada uu u shaqeenayo.
haddii ay kuu suuroobayso, warso in ay kuu diraan nooca dhakhaatiirta loo
yaqaan Urologist. kuwaas oo ah kuwa ku taqasusay arrimaha raga. aad baad ugu
mahadsan tahay su'aashaan wanaagsan.
Kabuubyada Lugaha ah
S: kabuubyo lugaha ah ayaa igu soo kordheysa, sonkor baan ka
shakiyeyna, waxaa la igu sheegey inaanan qabin, maxaad igula talin laheyd,
aad baadna u mahadsan tahay
J: Sida aad u sheegtay cudurrada keeni kara kabuubyada lugaha
waxaa ka mid ah kaadi sokorowga. Waad nasiib fiican tahay haddii aanan
cudurkaa lagugu sheegin. Waa cudur aad u dhibaato badan. Laakiin
dhibaatooyin kale oo la xiriira caafimaadka ayaa iyaguna sidoo kale keeni
kara kabuubyada lugaha. Waxaa ka mid ah Vitamin (fitimiin ) yari, kaar ahaan
nooca loo yaqaan B-vitamins. ha noqoto b12 ama b6.
Waxaa kaloo ka mid ah daawooyinka qaarkood (iima aadan sheegin in daawo
aad qaadato). Mida kale kabuubyadu isla mid ma aha, nooca kabuubyada waxay
ku xiran tahay waxa keena kabuubyada. haddii aad ula jeedo kabuubyo in aadan
si fiican wax uga dareemeen lugaha, taasi waa nooc. Haddii aad ula jeedo in
luguhu ku xanuunayaan, taasina waa mid kale. Haddii aad ula jeedo in ay
luguha ad mootid in muruq kalay, taasina waa nooc kale.
sababta aan u kala saarayo nooc yadaan waxaa weeye in wax ka qabashadoodu
ku xiran tahay nooca kabuubyada iyo waxa keenay. Inkastoo aanan soomaalida
si fiican iskula faham saneen kabuubyo, inta badan waxaan ula jeednaa
dareenka oo hoos u dhacay. Sida adiga oo ku jiifsaday gacantaada mudo dheer
oo ka dib dhaqaajin waayey waxna ka dareemi waayey. Inta badan arrimahaas
waxaa keena waxa aanu dhahno dareenwade (nerves). Qaar kalena waxay la
xiriiraan xididada dhiiga qaada (Blood vessels).
Sida kali ah oo lagu ogaan karo waxa kuu keenaya kabuubyada waxaa weeye
in lagu baaro. Waxaan ku talin lahaa haddii ey kuu suuro galeyso in aad ku
noqotid dhakhtarkii kaa baaray sokorowga, u sheeg in wali kabuubyada ku
hayso. si uu dhakhtarka u fiiriyo wax yaabaha kale ee keeni kara kabuubyada.
Aad iyo aad baad ugu mahadsantahay su'aasha fiican.
Caadada
Cudur La'aanata iyo pinpales
Jawaab: Daawada caadada cudur la'aanta ah ee
joogtada ah waxay ku xiran tahay waxa keena. marka aad tiri
caada cudur la'aan ah, waxaan filayaa in aad uga jeedo caado
aan dhibaato kale la socon, sida xanuun, ilmo la'aan,
miisaan dhac. Sida runtii ah, waa yartahay caado joogta ah
oo aan dhibaato ka dembeen. Inta badan su'aashu waa maxaa
keenay in caadadu joogto noqoto (joogto oo aan ula jeedo mid
aanan istaakeen). haddii arrintaan ay ku hayso, waxaad u
baahan tahay in dhakhtar aad aragtid.
Su'aal: Arrinta labaad ee ah "pinpales" oo aan
maleenayo in aad ula jeedo nabarada ka soo baxa wajiga. Inta
badan waa sahal in la daaweeyo. lakiin daawada inta badan
wax tarta waxay u baahan tahay in uu dhakhtar kuu qoro. Inta
badan, dadka cudurkaan qabo la siiyaa daawo la yiraahdo
Ret.A (cream). Taa haddii ay shaqeyn waydo waxaa lagu daaya
Antibiotics. mar marka qaarkood waxaa lagu daraa steriod
creams. laakiin, sida aad u kala dooranayso iyo in ay kuu
haboontahay waxay u baahan tahay in dhakhtar ku argo.
Mahadsanid.
Dhiig Karka
Su'aal: Dear Dr. Ibrahim, waxaa maalin dhaweed
lagu sheegay dhiig kar hooyaday oo jirta 55 sano. Anigu
waxaan ahay nin jira 30 sano. Caafimaadkayguna waa fiican
yahay. Ma u baahanahay inaan dhakhtar arko?
Jawaab: Dhiig karku waa halis. waxaa halis saa'id
ah ka dhigaya in qofku uusan sida badan laheen xanuun u
digaya in caafimaadka uusan fiicneen. Dhiig karka si sahal
ah ayaa loo controlikaraa. Waxuu qofku u baahan yahay in uu
qaato daawo joogta ah. Dhiig karka qaarkiis waa la iska
dhaxlaa. Haddii hooyadaa lagu sheegay, adigana halis baad u
tahay. Waxaad u baahan tahay haddii aad dhakhtar leedahay in
aad u sheegtid arrintaan si laguu baaro. Mahadsanid.
Su'aal: Marka hore Dr. Ibrahim waxaan ku leeyah
ramadan wanaagsan. Dr. Ibrahim su'aashaydu waxa waaye cell
phone-ka waxaa dad badan ka maqlay in ay leeyihiin "waxaa
laga qaada cudurka layiraahdo CANCER", marka waxaan rabay
inaa ii faahfaahisid sida cancer-ka looga qaado? markale,
ramadan wanaagsan. Columbus, OH.
Jawaab: cell phoneka waxaa uu la mid yahay wax
yaabo badan oo la isticmaalo sida "remote" controlka
baabuurta iyo waxii la mid ah. Waa runta in dood badan ay
wali ka socoto aduunka oo ku saabsan in cell-phoneka uu
keeno cancer. Laakiin ilaa iyo hadda wax rasmi ah oo
arrintaan rumaynaya ma jiraan.
Haddii aan u soo noqdo su'aashaadii aheed sidee buu
cancer u keena, waxaa horey loo ogaa in haddii aad "radio
waves" aad ku shidid jirka qaarkiis (experimental animals)
in jirku kukulaanayo. Kulaykaas oo keeni kara in isbadal ku
dhaco jirka (the tissue/cells). Laakiin taasi waa haddii la
isticmaalo "radio wave" fara badan. Laakiin, radio waveka ka
baxaya cell-phoneka ma badna, wax huba in uu dhibaato keeni
karana ma jiraan.
Mida kale, dawladaha sida Canada iyo USA way fiiriyaan
inta "radio wave" ee sheeyaasha cusub sida cell-phoneka ee
isticmaalaan. Haddii ay arkaan in radio wave fara badan ka
baxayo oo halis keeni kara, looma ogolaado in la iibiyo.
Marka si kooban, ilaa iyo hadda ma jiraan wax aqoon rasmi ah
oo orranaysa cell-phoneka cancer buu keenayaa. Dad badan way
aamin sanyihiin arrintaa, laakiin lama hubo. Waa suurogal in
mustaqbalka arrintaan la ogaan doono. haddii aad leedahay
baabuur u baahan in aad remote control ku furtid, waxaa ka
soo baxaya radio wave aad uga badan kan ka soo baxaya cell-phoneka.
mahadsanid.
Su'aal: dear Dh.Ibrahim waxaa jeclahay in ku
waydiiyo waxa aan leeyahay bahasha loo yaqaano baabasiirta
taasoo aan mudo leeyahay, Markaa waxa aan jeclahay in aad
warbixin iga siiso sida ay ruuxa u saameyso iyo sida loo
dawaynkarayo iyo in aad ii sheegto waxyaabaha caawinayaa in
lagaga bogsado. Waad Mahadsantahay. Rabadaan wanaagsan.
Jawaab: Haddii aanan fahmin su'aashaada iga raali
noqo. Waxaan u arkaa in aad i weydiinayso waxa somalida u
taqaan Baabasiir... oo aan aamin sanahay in loo yaqaan
Hemorrhoids. Haddii su'aashaadu aysan aheen tan, waxaan kaa
codsanayaa in aad su'aasha igu soo celiso adaga oo ii
sharxaya dhibaatada ku haysa.
Hemorrhoids oo aan aamin sanayahy somalida in ay u taqaan
Baabasiir, waa cudur xanuun keena laakiin aanan inta badan
qofka si halis ah wax ugu dhimin. Boqolkiiba 50 (50%) dadka
ka weyn 60 sano waa qabaan cudurkaan. Inta badan uu ku yar
yahay dhalinyarada. Cudurku waxuu leeyahay laba nooc oo kala
ah 1) mid gudaha ah (internal Hemorrhoids) iyo 2) mid
dibatada ah (external hemorrhoids). Kan dibada ah inta badan
qofka ayaa taaban kara ama arki kara. Kan gudaha ma sahlana
in qofku arko. Inta badan waxaa cudurku yahay xididada
dhiiga qaada ee ku yaal dabada oo barara. Baabasiirka ka
gudaha ku yaal inta badan ma xanuun badna, sababta oo ah
xididada xanuunka qaada way ku yaryihiin dabada gudaheeda.
Laakiin baabasiirka dibada ah (external) marka uu bararsan
yahay aad buu u xanuun badan yahay, sabata oo ah xididada
xanuunka qaada oo aad ugu badan dabada afkeeda.
Maxaa laga qaban karaa? waxay ku xirantahay nooca iyo
sida ay dhibaatada kuu hayso. haddii aad xanuun badan
leedahay, waxaad marka hore sameem kartaa in aad calooshaada
jilcisid. Waxaad taa ku sameen gartaa adiga oo qaata daawo
caloosha jilcisa, ama cuna raashinka caloosha jilciya sida
tufaaxa, khudaarta, iwm. Haddii xanuun badan jiro waxaad
iibsan gartaa daawo loogu tala galay xanuunka noocaas ah oo
farmashiyayaasha lagu gado. Haddii ay jirto dhiig, waxaad u
baahan tahay in dhakhtar ku arko.
Marka, sida ugu haboon ee aad wax uga qaban karto
arrintaan waaa adiga oo tusa dhakhtar si uu u arko nooca
baabasiirka iyo in aysan jirin arrimo caafimaad oo ka halis
ah baabasiirka oo mar mar loo maleeyo baabasiir. mahadsanid.
Daawada Baabasiirka
Su'aal: Fadlan waxaa doonayaa in aad ii sheegtid dawada
bawasiirta oo aan aheen qalin
Jawaab: waxay ku xiran tahay sida dhibaatada kuu hayso
iyo nooca baabasiirka (hemorroids). haddii eesan jirin dhiig
bax dhakhtarkuna horey kuu arkay oo uu xaqiijiyey in aad
qabto baabasiir caadi ah, waxaad isticmaali kartaa marka
hore kuwaan: Sitz Bath; Anusol cream; hydrocortisone cream
with analgesic, iwm. Kuli waxaa laga helaa farmashiyaha.
haddii kuwaan ay wax ku tari waayaan, waxaad weydiin kartaa
dhakhtarka in uu kuu qoro "analgesic cream" ka xoogbadan
kuwa farmashiyaha yaal. Mahadsanid
Q: Dear Dr. Ibrahim: waxaan ahay nin 45 sano jira oo dagan dalka
England. Waxaan dhawaan la igu sheegay kaadi sokorow (diabetes). Haatan
meelna ma la'i oo xanuun ima haayo. Ma u baahanahay in aan daawo qaato?
A. Aad iyo aad ayaad ugu baahan tahay in aad dhaawo qaadatid
haddii uu dhakhtarkaaga ku taliyey. Haddii aadan daawada si joogta at u
qaadan waxaad halis u tahay cudurada soo socda: 1) wadno xanuun (heart
disease); 2) Qalal (stroke); 3)Cudur kalyeed (Kidney disease); 4) Indha beel
(blindness) 5) Xubno go (loss of limbs).
Q: Dear Dr. Ibrahim: waxaan ahay gabar jirta 26 sano. Waxaan ku
noolahay xamar. dad fara badan oo ka mid ah reerkeyga ayaa lagu sheegay
kaadi sokorow (diabetes). ma la iska qaadaa cudurkaan?
A: Kaadi sokorowka la iskama qaado laakiin waa la iska dhaxli
karaa.Taasoo ah haddii waaridkaa ama walaalahaa lagu sheeko cudurkan,
adikana halis baat u tahay.Haddii ay kuu sooroobayso in aad dhakhtar aragtid,
waxaa haboon in lagu baaro. Haddii aadan hada qabin cudurka, wali halis baat
u tahay markii uu cimrigaaga saa'ido (50-60 sano).