SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. IBRAHIM

 Su'aalo & Jawaabo

> Dhalmo la'aan
> xaniinyo xanuun
> constipation
> siliyow iyo jiriirico
> gacmo qaboob
> talo weydiin
> cunug caano diiday
> Gallbladder removed/qalliin
> dhabar xanuun
> QAWAD


Dhalmo la'aan

S: [Age: 39]
salamucalaykum Dr Ibraahin.
Waan ku salaamay walaal,waxaa jirta in aan isu heysto in aan guray(yacni aan dhalmo yareeyay) ka dib marki illaa afar sano ay xaaskaygu ii dhalin Alle mahaddii 3 gabdhood bay horay iigu dhashay marka walaal waxaan rabay inaad ila eegtid daawadan la yiraahdo Proxeed,sharraxaaddeeda waxaad ka heli kartaa WWW..COM,marka walaal luuqaddana(englishka)kuma fiicni marka wixi talo ah iga soo sii daawadaas oo la yiri waxa ay samaysaa nooc fiican oo sperm ah. Mahadsanid. wassalamaualaikum.

J: marka hore si dhalmo u dhacdo wa in ninka oo sameeya shahwada iyo naagta oo sameysa ukunta ay laduba caafimaad qaabaan.

waxaad ii sheegtay in xaaskaagu horey caruur kuugu dhalay laakiin aysan dhalin ilaa mudo dheer. Su'aasha meesha ku jirtaa waxay tahay maxaa dhacay mudadaan? Ma nasiib un baa misa waxaa jira wax la xiriira dhalmada oo dhibaato gaartay? haddii dhibaato ay jirto qofkee qaba? Ma adiga oo ninka ah misa xaaskaaga oo dhumarka ah? markaa ka dib ayey haboon tahay in la fiiriyo sidii loo xalin lahaa dhibaato haddii ay jirto. Sida ugu haboon oo arrimaha aan soo xusay loo eegi karo waa adiga oo la tashada dhakhaatiirta ku taqasustay dhalmada.

hadaba haddii aan u soo noqdo su'aashaadii ku saabsaneed PROXEED, waa run in tani tahay Nutritional Supplement- oo macnaheedu yahay wax lagu daro cunada qofka uu cunayo. Waa run in dadka sameeya daawadaan ay yiraahdaan qofka ninka ah dhalmadiisa ayey ka caawintaa. Waxay kale oo ay yiraahdaan wax dhibaato ah ma laha. waxaan ka xumahay in aanan kuu sheegi karin in labadaan arrimood midkoodna ay run tahay. sababta oo ah aqoon uma lihi daawadaan waligeyna ma siinin dad aan anigu dhakhtar u ahay, mana aha daawo ay FDA (hay'ada u qaabilsan hubinta daawooyinka runta ah ee mareekanka) ogolaatay.

marka, waxaan ku talin lahaa haddii aad caruur doonayso, kuuna suuroobi weyday, awoodna aad u leedahay in aad aragto dhakhtar, u tag dhakhtarka una sheeg ujeedadaada. mahadsanid.

xaniinyo xanuun

S: aad iyo aad ayaad ugu mahadsahntahay sida sharafta ah ee aad wax nagala qabaneysid.waxa aan ka cabanayaa xiniinyaha ama dhikilaha,waliba dhikesha midig ayaa waxa ey i xanuuneysey ilaa mudo 4 sano ah laakin si isdaba jooga ma aha ee waa mar mar.dhawaan ayaan imid dalkan ingiriiska oo ey dhaktaradoodu u badan yihiin dumar taas oo aan tusi kareyn xiniinteyda marka loo eego diinteena muslinka ah.waxa aan badana dareemaa xanuunkaa marka ey qabow tahey.
wa alaikum ma salaam {Age: 21}

J: haddii xanuunka uu jiray ilaa afar sano, waxay u badan tahay in eesan aheen wax halis ah. Laakiin sidaa ay tahay waxaan ku talinayaa in aad si deg deg ah dhakhtar u tustid. Inta badan xanuunka noocaan ah waxaa keeni kara 1) infection- gaar ahaan cudurada la iska gala qaado 2) wax la xiriira dhiiga soo gaara xaniinyaha iyo sida ay uga baxaan 3) cancer- kaansar oo ku dhici kara raga da'dooda u dhaxeeyso 20-40 sanno sida adiga oo kale. Waana mid aad loo daaween kara haddii la arko inta uu yaryahay. Waa sababtaa tan keenayso in aad si deg deg ah u tustid dhakhtar ama dumar ha ahaado ama nin. Haddii aadan doonayn in aad xaniinyahaaga tustid dhakhtarad dumar ah, weydiiso in aad aragtid dhakhtar nin ah. mahadsanid.
Su'aal laxiriirta: 

constipation

S: Waad mahadsantahay Dikroon marka hore.
Dirgtoor waxay dhibaato iga haysataa saxarada oo si dirqi aha ayaan u saxarooda iyadoo mararka qaarkood aan 1 saac aan ku jiro musqusha,waxayna ila tahay inay sabab u tahay caloosha oo ifadhida.Waxaan jeclaan lahaa sidii aan misaankayga u kordhin lahaa.
mahad sanid [Age: 23]

J: Si saxaradu u fudhudaato waxaa qasab ah in ay jilicdo. Jileyca saxarada waxay ku xiran tahay waxa aad cunto in badan. haddii aad cunto baasto iyo bariis iyo hilib iyo canjeero oo kali ah, way adagtahay in saxaro jilicsan imaato. Haddii aysan saxaradu jilicsaneed way ku dhibaysa. Isku day haddii ay kuu suuroobayso in aad cuntid qudar badan; miraha loo yaqaan fruits (sida tufaaxa iyo wax la mid ah); sidoo kale isku day in aad cuntid si joogta ah high fiber cereals oo aad ku quraacan kartid. Biyo badana cab; excericena samee. haddii intaani wax tari weydo, waxay noqon in aad fiiriso daawooyin loogu tala galay arrimahaan. mahadsanid.

siliyow iyo jiriirico

S: s.c.w.barakatu dr.maxaa lagu yiraadaa english ilkaha oo ku sililyooda? iyo jiriiricyo aad isku arkato iyadoo eeyan jirin qabow? mase keeni kartaa dhibaato? [Age: 24]

J: Haddii caafimaadkaaga kale uusan waxba qabin, dhibaato uma argo sililyow ama jiriirico. wax dhibaato ahna iyagu ma keenaan. mahadsanid.

gacmo qaboob

S:[Age: 23]
Asalamu calaykum Dr Ibrahim waxaa shido iga haysataa calaacalaha gacmahayga iyo cagta cad ood moodid in biyo baraf leh la dhex dhigay, xiliyada qaboowguba (winter) ha u darnaadee. Maxaa sababaad u malaynaysaa?. Mahadsanid DR.

J: haddii aadan sigaarka cabin oo gacmaha ama lugaha aysan midabkooda badalmayna, wax dhibaato ah uma arko qabowga. Haddii aad aheen laheed qof da' weyn way suuro gal ahaan laheed in aanu ka walwalilaheen in aad leedahay cuduro keenaya in dhiija u si aan dhaqso aheen u garin lugaha ama gacmaha. Laakiin 23 sano jir taa inta badan kuma dhacdo. haddii aad ku noosahay wadamadaan qabow, isku day in aad xiliyada qabowga aad xirato Gloves iyo Socks aad u culus. Mahadsanid.

talo weydiin

S:[Age: 33] Asalaamu calaykum. Walaal waxaan naftayda iyo taadaba u dardaarmayaa cabsida Alle. walaal waxaan ku noolahay dalka denmark, waxaa i haysata wax aan ku tilmaami karo maskax la aan, waxaan jeclahay inaan xifado kitaabka quraanka ah, markan xifdiyo lab oo kaliyaa,waxaan iloobaa kii igu hireeyay. bal maxaad igula talin laheed?
wabillaahi towfiiq.

J: wax aan kukula taliyo ma aqaan. wax cudur iima muuqdaan. Allaha kuu fududeeyo waxa aad damacsantahay. mahadsanid.

cunug caano diiday

S:[Age: 30] W/calaykum Dr Ibrahim waxan qabaa su'aal ah:waxan dhaley laba wiil midka weyn waa 2 iyo shan bilood illaa intuu Raashinka bilaabey wixii la siiyo waa soo mantagaa cunto siintiisuna waxay igu qaadataa 45min cabbaar buuna afka ku heynayaa in kastoo uu qatanyeyna waa habeenkii xalay ahaa ootegey inay Baahiyi qabato hadaad tirado cunto siina wuu soo mantaga waxa dhacda in mararka qaarkood isagoo hurdA uu soo boodo uuna mantago marka dhakhtarow talo maxaa ah dhakhaatiirtana(Holland)waxba ma qabo ayey leeyihiin

J: caruurta inta badan cuntada ma diidan haddii ay gaajo jirto oo uusan cudur jirin. Haddii cudur jiro u diidayo raashinka waxaa lagu kartaa in uu cunuka miisaankiisu hoos u dhaco ama uusan korin. Waa jiraan cuduro keena matag markii wax la siiyo caruurta qarkood. Laakiin haddii matago la xiriiro cudur, waa sidii aan kuu sheegay oo cunugu miisankiisa sidii la rabay uma korayo. Marka waxaan kukula talin lahaa in aad cunuga u geysid dhakhaatiirta ku taqasustay caruunta (pediatrician)si loo baaro halka koristiisa ay mareyso iyo meesa miisaankiisu joogo markii loo bar bar dhiko caruurta caafimaadka qabta. Haddii ay dhakhaatiirtu aragto in uusan cunuga meeshii laga rabay uusan joogin, way baarayaan sababta. mahadsanid.

Gall-bladder removed/qalin

S:[Age: 24] Asalaama caleykum Dr Ibraahim waxaan ku weydiinayaa su aal la xiriirta qaliin leygu sameeyey Dr ibraahim mudo laga joogo hal sano iyo bar ayaa waxaa leyga saaray taasoo aad ixanuuni jirtay intii aan lay qalin ,hada waan fiicnahay laakiin maadaama xubin ilaahay ugu talo galay ay maqan tahay Dr ibraahim maxaa talo ah oo aad isiin lahayd sida xaga cuntada ,iyo sida caafimaad kaygu ku sii fiic naan lahaa? waad mahad santahy

J: Si aan uga jawaabo su'aashada, aan marka hore kuu sharxo waxa Gallbladderka la yirahdo uu qabto. Gallbladderka waa boorso yar oo ku dhex taal beerka. Beerku waxuu soo daaya ceeyaan la yiraahdo Bile. Dheecaankaas waxaa lagu kaydiyaa gallbladderka. markii aad cunto cuno leh subag (fat) jirgu waxuu u sheegaa gallbladderka in uu soo daayo dheecaankaas. Dheecaankaas la yirahdo Bile, waxuu caloosha u suuro galinayaa in cunadii aheed subaga iyo waxa la midka ah (fatty foods) la shiido oo markaas jirku qaato. haddii Bile uusan jirin, caloosha ma shiidi karto cunaadaas. marka jirgu ma qaadan karo.

hadaba haddii aan u soo noqdo su'aashaadii, gallbladderka sidii aan kuu sheegay waa meel wax lagu keediyo, ma aha meel wax soo saarta. marka haddii lagaa saaro gallbladderka ma u baahanaysaa weeye su'aasha? Jawaabta waa maya (inta aanu hadda ognahay). Sababta oo ah beerka ayaa soo saara Bileka. marka qofka aanan laheen gallbladder uu cuno raashin subag badan, beerka ayaa soo deenaya dhecaankii ahaa Bile. Madaama lagaa saaray maxay dhibato ah oo ay keeni karta? marka hore tani waa wax ay kula qabaan malyuumaad qof.

Qalistana waa wax la sameenayey ilaa iyo in ka badan 50 sanno. Ilaa iyo hadda lama waa yaryihiin dad u darsaday gallbladderka. maxaad cuni kartaa? sababta lagaga saaray waxay aheed xanuunka ka sogow in aad cuntid waxaad rabto. laakiin la soco in mar mar waxa keena gallbladderka in la saaro iyo raashin xumida ay isla xiriiraan(waxaan ka wadaa gallbladder problamkiisu wuu ku badan yahay dadka cuna raashinka qeyra caadiga ah oo high-calorie iyo fat leh). Marka waxaan kukula talin lahaa in aad cuntid raashin jirkaga u fiican oo nooc kasta leh. ma maqli jirtay Qeyru umuudi awsaduha (af carabigii waan helmaamay). Taasi wali way shaqeysaa markii ay noqoto raashinka. haddii aad u baahan tahay talo shaqsi ahaan oo la xiriira waxii aad cuni laheed, la tasho Nutritionist- oo ah dadka ku taqasusay raashinka. mahadsanid.

S:[Age: 20] anigo ka cabanaayo kor cuncun. korka cuncunayo waxuu igu belaawday mar kaan urka yeeshtay,wilena uran leeyahay marmarna korka wuu e cuncunaa espcially habeenkii.waxaan rabaa in aad ee shegtid dibatada keenayso kor cuncunka.

J: Su'aashaan si faahfaahsan ayaan horey uga jawaabay. haddii aad fiiriso qeybta Su'aalihii hore looga jawaabey, waad arki doontaa mid ku saabsan cuncunka. haddii jawaabtaas ku anfici weyso, igu soo celi su'aasha. Mahadsanid.

dhabar xanuun

S: [Age: 26] marka hore asallaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu Dr. waxaan kajiranahay dhabarka waxaana kajiranaa mudo dheer oo gaaraysa illaa 16 sano mana ahan dhabarka oo dhan laakiin waa daqeyga siiba midka midig lahta dhabarkana way fiyoowdahay sida lamoodo marka aad taabato daqeyga waxaa kayeeraya shirqan yar oo bujujuq camala markastana imaxanuuno ee hadba markaan mudo joogo ayuu ixanuunaa hadii la'iga riixo amaba anigu aan iska riixo marka ugu horeysa oo aan dareemo in uu isoohayo xanuunku waan roonaanayaa, halmar ayaan dhakhtar laxariiray xanuunkaas aawadiis waxuuna ii sooqoray Boomaato asagoo kusheegay in seedaha ay yihiin waxa wax qoba laakiin nasiindaro maqaadan daawadii la'iisoo qoray. Runtii igama ah kaftan ee waa jiro dhab ah oo ihaysa. Mar labaad iyo ASSALLAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU.

J: Marka hore waad ku mahadsantahay sharaxa su'aasha. Sida aan ka fahmah su'aashaada waxaad leedahay dhabar xanuu, inkastoo xanuunkaadu uu u badan yahay dageyga midigta ah. Inkasto oo ay adagtahay in aan aniga oo aanan ku arag ama kaa qaadin raajito/iyo dhiig aan ku iraahdo waxaad qabtaa cudur gaar ah, waxay iilaa egtahay in xanuunka ku haayo uu la xiriiro wax la yiraahdo Sacroiliatis. Taas oo macnaheedu yahay in dahabarka labadadiisa geesood (midig iyo bidix) iskaleen (joint) ku yaal ay hayso nooc ka mid ah waxa la yiraahdo Arthritis (ama soomaalidu u taqaan rumatiismo).

Waxaa jira noocyo fara badan oo ah arthritis. Qaarkood waa la iska dhaxlaa, waxaana keena wax yaabo la xiriira jirka difaaciisa (immune system). Taasoo keenaysa in mar mar jirka soo daayo wax yaabo wax yeelaya iskaleenka iyo carjowda dhabarka, kaar ahaan dageyada (sacro-iliac joints). Taa waxay keenaysaa xanuun mar mar aad mood in uu u fidhayo miskaha iyo xitaa mar mar lugta. Mar mar haddii aad riixdo dagayga waxaad moodaa in cagantaada ay xanuuninayso. Inta badan, markii uu qofka ku dhaco hargab iyo wax la mid ah, dhabar xanuunka wuu soo saa'idaa.

Noocyo kala ka disan oo ka mid arthritis ayaa keeni kara Sacroiliatis. Laakiin mida dadka kala dhaxlaan oo adoo yar la isku arki karo waxaa la yiraahdaa Spondyloarthropathy. Inta badan cuduradaani daawo rasmi ah ma laha. Laakiin waxaa jira daawooyin u suuro kalinaya qofka in uusan xanuun badan u dul qaadan. Hadaba si loo hubsado in aad qabto cudurka aan sheegayo iyo in uu yahay mid kale oo la xiriira, waxaad u baahan tahay baaris fiican. Waxaan ku talin lahaa haddii ay ku suuroobayso in aad aragto dhakhaatiirta ku taqasustay arthritis oo la yiraahdo Rhematologist. waxay u badan tahay in ay kaa qaadaan dhiig iyo raajito gaar ah, ka dhibna ay kuu sheegaan sida wax u jiraan iyo waxa laga qaban karo. Mahadsanid.

dhabar xanuun

S:[Age: 34] Waad salaaman tahay Dr. waxaan dhowaan isku arkay dhabar xanuun aanan qabi jirin, xanuunkuna wuxuu u badan yahay hoosta( dabagibinta) ilaa haba u badnaatee miskaha, dhakhtarna waan tegay waanu i baaray waxbana ma qabtid ayuu igu yiri ee xoogaa naso, marka welina xanuunku waa i hayaa maxaad u malaynaysaa! thanx

J: Inta badan haddii ayasn jirin cudur kale ama dhaawac kaa gaaray dhabarka, dhabar xanuunka waxaa keena wax wadamadaan looga yaqaan Musculoskeletal Low Back Pain- taasoo macnahiisu yahay in xanuunku ka imanayo wax la xiriira lafaha iyo muruqyada dhabarka. Milyamaad qof ayaa qaba xanuunka noocaan ah. Intiisa badan wax taga ba aha. laakiin intiisa badan daawo rasmi ah ma laha. Inta badan waxaa dadka lakula taliyaa in ay nastaan; miisaanka iska ridaan;exercise loogu tala galay dhabar xanuunkana sameeyaan. mar mar qofka waa la siiyaa daawo xanuunka u roon ama muruqa jilcisa. Waxaan kugkula talin lahaa in aad dhakhtarkaaka ku noqotid una sheegtid in aad wali xanuunsan tahay. Ka dibna aad sameesid waxa uu kukula taliyo. haddii aad ka shakisan tahay dhakhtarkaas, raadso mid kale. mahadsanid.

QAWAD

S: [Age: 23] ASALAMU CALEYKUM QAWATKA MAXAA KEENA? MAXAAA LA ISAGA DAWEEYAA? DHOWR DAAWO AYAAN U ISTICMALAY WUUNA IGA HARI LA'YAHAY. EE MAXAAN KU SAMEEYAA? WABILAHI TOWFIIQ.

J: Soomalida waxa ay u taqaan QAWAD waa noocyo kala ka duwan oo guligood ah skin conditions (cuduro ku dhaaca maqaarka). Qaarkood waxay la xiriiraan wax ka dhaxeeya maqaarka iyo waxa jirku u isticmaalo in uu iskaga difaaco infectionka iyo waxa la mid ah (immune system). Dadka qaarkiis immune systemkooda ayaa si aanan la fileen wax uku dhima maqaarka. Si taas ookale loo daaweeyo waa iyada oo qogfka la siiyo boomaatooyin u sheegaya jirka in uusan maqaarka wax yelin (steroid creams, etc). Marka, daawada waxay ku xiran tahay waxa keena dhibatada. Waxaan kukula talin lahaa in aad haddii ay kuu suuroobayso aragtid dhakhaatiirta ku taqasustay maqaarka oo loo yaqaan Dermatologist. waxaana qasab ah in daawda ay ku siiyeen si joogta ah u isticmaashid. mahadsanid.

 

Qore: Dr. Ibraahim

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD