sonkorow iyo caano geel
S: Dr Ibrahim waxaan ku weydiin lahaa, waxaa jira dadbadan oo
cudurka sonlorowga qaba, marka qaar kamida dadka ayaa waxaa ay isla
dhexmarayaan, waxaa cudurkaan u dawaa caanaha geela, isla markaa waxaan
maqlay dad aybaba kaga guurtay, walow amarka ilaahay iska jiro, marka
arintaani dhawr mar ayaan maqlay, waxaanan ku noolahay wadamada yurub, oo
wali ma anan tijaabin, balse maxaad ka ogtahay arintaas adiga oo mahadsan? [Da'da
34]
J: Ilaa iyo hadda wax daawo ah looma helin cudurka gaadi sonkorowka ah.
Annigu ma maqal in caano geel ay daaween karaan cudurkaan. Mida kale, wali
ma maqal cudur rasmi oo caano kali ah lagu daaweeyo. Waa dhab in caanuhu
leeyihiin nafaqo badan, laakiin daawo in ay leeyihiin waa wax aanan maqal.
mahadsanid.
Hilmaanka
S: Asalamu Caleykum.
Waxaan rabay inaan wax ka ogaado hilmaanka. Wax alla wixii aan gacanta ku
qaado wexey u badan tahay inaan iloobo ama hadii aan meel dhigo aan kaga soo
tago. Xusuusteyda kale aad ayey u wanaagsan tahay oo wixii aan mar akhriyo
ma iloobo ama hadii aan u baahdo inaan wax xifdiyo si dhibyar ayaan markiiba
ku xifdiyaa. Mudo hada laga joogo sanad iyo bar kahor ayaan jaamacada ka
qalin jabiyay wax dhib ahna waxbarashadu iguma heyn. Wax dhibaato ah oo aan
qabo ma jiraan. Mana lihi wax balwad ah nooceydoonto ha ahaatee. Da'deydu
waa 31 xaas iyo caruur leh. Hadaba maxaa iigu wacan ilowga wixii aan gacanta
ku qaado??? Mahadsanid [Age: 31]
J: Hilmaanka cuduro badan ayaa keeni kara. Laakiin inta badan waa wax ku
dhaca dadka waaween (ka ween 60 sano). dadka yar yar ee sidaada oo kale ah,
hilmaanka badankiis lama xiriiro cudur ee waxuu la xiriiraa arrimo ku
saabsan camilka/emotions iyo nolosha/sida uu qofka u masquulsan yahay.
Haddii aadan hurto fiican helin ama aad ka walwalsan tahay arrimo ku saabsan
nolosaada ama qaraabadaada, waa dhici kartaa in hilmaankaadu bato. haddii
caafimaadkaagu fiican yahay, waxay u badan tahay in aad hilmaanka wax uka
qaban kartit adiga oo noloshaada iskuduba rida , helana waqti aad ku nasato.
haddii uusan caafimaadkaaga fiicneen, oo uu hilmaanka ka mid yahay wax la
xiriira caafimaadkaaga, waxaad u baahan tahay in lagu baaro. Cudur kali ah
oo la yaqaan oo keena hilmaan ma jiro. Mahadsanid.
Cimilada qabow
S: Asalaamu calaykum.
waxaan joogaa wadan cimiladiisu ay qabow iyo kulayl isu badasho waxaa igu
dhaca marka ay hawadu isbadalayso xanuun kaas oo astaamihiisu yihiin sidan,
qumanka ayaa i xanuuna indhaha iyo wajiguna waa ibararaan, barar aan saaid
ahayn. jawaab wanaagsan [Age: 25]
J: Waan la socdaa in somali badan ay aaminsantahay in hawada (gaar ahaan
tan qaboob) jirka wax u dhinto. Fikradaani kuma eka somalida ee waa mid
dhaqama kale ay qabaan. laakiin waxay dhibaato ka dhacday in daraasaadka
lagu sameeyey arrintaan eey ilaa iyo hadda sheegayaan in hawadu aysan jirka
waxba yeeli karin. Marka kuuma sheegi karo cudur la yaqaan oo dhab ah oo
arrinta aad sharaxday keeni kara. Buugaagtana kuma qorna, anniguna aqoon uma
lehi. haddii ay kuu suuroobayso markii aad arrimaha aad sheegayso aad isku
aragto, u tag dhakhtar oo tus waxa ay yihiin. mahadsanid.
migraine headache
S:> DR.ibrahim Waxaan kuwaydiinayaa inaan qabo waxa layiraahda
migrain ama madax xanuun laakiin xanuunka mar walaba ima qabto markii uu
iqabtana waxaan isku arkaa indhaha ayaa waxa la moodo faniin dab ah ibaxo
waana lala boodaa indhaheygana majacli inta faniinka dabka aad moodo ihayo
inaan furo oo uma adkeysan kari iftiinka madaxana markaa sidaran ayuu
iixanuunaa hadaba walaal arintaas sidee wax looga qabankaraa ama maxaa daawo
uah? [Age: 62]
J: Migraine madax wareerka la yiraahdo waa mid la imaada arrimaho
ka mid ah mida aad soo sharaxday. Indhaha calaamada aad ku arkayso waxay ka
mid yihiin madax wareergka. Inta badan wax yar ayeey ka hormaraan, laakiin
waa qeyb ka mid ah madax wareerka. dadka qaar baa waxay isku arkaan matag
ama lalabo iyo mar mar iyaga oo urinaya wax aan caadi aheen. maxaa laka
qaban karaa? ma jirto daawo gaar ah oo caalaamada migraine ee indhaha wax ka
qaban karta si gaar ah. xalku waxuu ka imaan karaa iyada oo wax laga qabto
madax xanuunka leftiisa maadaama ay wada socdaan. Taasi waxay leedahay
daawooyin kala duwan oo loo qaato si uusan Migraine si deg deg ah dib kuugu
soo noqon. waxaan kukula talin lahaa in aad dhakhtarkaaga u sheegtid sida
aad iiku sheegtay si ay u fiiriyaan daawooyinka kugu haboon ee kaa caawini
kara arrintaan. mahadsanid.
Cabasho Gogosha ah
S: salaama. waxaan ahay nin somaliyeed oo xas ah, waxay dhibaato
ka taagan tahay haweenaydaydii oo kasoo taagan u tegiddii(sexual
intercourse). macnaha iima baahna in aan u galmoodo, markastana waxay
leedahay caawa idaa ama iyadoon raaalli ka ahayn ayaan khasbaa. markaa
haddii an sidaa ku jiro waxaan isaga baqayaa in aan naago kale doonto inigoo
muslim ah. wax ku cusub ma aha ilaa maalintaan guursaday sidaas ayey ahayd.
markaa ma jiraan wax daawo oo dareenkeeda kicinaya. fadlan su'aasha waa iga
daacad walaahi.(serious) weeye. [ Age: 34]
J: Dhibaadada ku haysa waa mid rasmi ah oo aanan adiga kugu egeen.
Xalka waxuu ka imaanayaa iyada oo la fahmo sababta. Aan tusaale ku siiyo.
haddii aan maanta kuu sheego in nin aanu saaxiibo ahaan jirnay uu iga
goostay. Oo uusan dooneen in uu ila hadlo. Haddii aan damacsanahay in aan
arrinta wax ka qabto, ma waxaan raadin daawo maskaxdiisa madasha, misa
waxaan raadin sababta keentay in uusan ila hadlkin.
waxaan kukula talin lahaa in aad adiga iyo xaaskaagaba raadisaan cid
idinka caawini karta dhibaatada. Waxayna u baahan tahay wada hadal rasmi ah
oo idin dhex mara adiga iyo xaaskaaga. Wadamadaan markii arrintiina oo kale
iimato, qoys ahaan waxaa dadku isku dayaa wax la yiraahdo "family
counseling." haddii ay idin suurobayso in aad la hadashaan qof somaali ah oo
ah "counselor" waxaan aamin sanahay in ay taasi haboon tahay. mahadsanid.
koronto gacan
S: Dhaqtar Ibraahinow Ilaahey hakaa jaaza mariyo sida aad
walaalahaa ugu dadaaleysid intaas keddib waxaan isku arkay jac ama wax la
moodo maaso ka baxda fahayga, badanaa markaan qabto shey bir ah ama xitaa
biyaha ayaan la kulmaa maaso faraheyga ka baxdo oo weliba waxaan maqlaa
shanqar qac ah oo ka yeerta faraheyga isla markaana waxaan dareemaa sidii
iney koronto aanan awood lahayni i qabsatay waxaan dib ula soo boodaa
gacanta arrintaa waan ka naxsanahay weyna igu soo badneysaa, goortii iigu
horreysana waxaa laga joogaa taban sano ku dhowaad Asalaamu caleykum [Age:
26]
J: haddii gacantaadu aysan dhaciif aheen; haddii aad si caadi ah wax u
dareemayso; wax dhibato ah oo aad ka walwalshaa ma jirto. Arrinta aad ii
sharaxday waxaa la yiraahdaa Static Electricity. Oo wax dhibaato ah jirka
uma keento lamana xariirto caafimaadka. Maxaa lagu karan waxaan in aysan
dhibaato caafimaadka u keeneen? haddii ay aheen laheed wax dhibaato leh, ma
adan noolaateen toban sano. si bay wax noqon lahaayeen. Jirku uma dul
qaateen dhibaato caafimaad oo rasmi ah mudo intaa le'eg. Inta ka dib, haddii
arrintaan aad is leedahay noloshaada ayey wax u dhintay (oo ay aad kuu
murugo galinayso), waxaan kukula talin lahaa in aad u tagtid dhakhtar si
laguu baaro. mahadsanid
caado
dhiig badan
S: ASALAAMU CALAYKUM DR IBRAHIM WAXAAN RABAA INAANKU WEYDIIYO
SUAAL KU SAABSAN CAADADA MARKA AAN CAADAD HELO DHIIG AAD UBADAN AYAA IGA
YIMAADA DHAQTQR AYAAN LA XIRIIRAY WAXAY IGUSAMEEYEEN HYSTRECTOMY WAXNA
LAIGUMA ARKIN MAXAY KULA TAHAY WAXA SABABAY? THANKS [Age: 27]
J: Inta badan waa dhacdaa in haddii caadada ay keento dhiig bax
fara badan oo halis kalinaya qofka naftiisa in hysterectomy la sameeyo.
Laakiin inta badan sababaha keenay in dhiig bax fara badan dhaco waa wax la
xubsan karo.
Waxayaabaha dhiig baxa qayr caadiga ah keeni kara waxaa ka mid ah wax la
yiraahdo Fibroids. Oo ah buro ka soo baxda ilma galaynka. Buradaani inta
badan (over 80%) wax dhibaato ah oo aanan ahaan dhiig bax fara badan markii
caadadu timaado mooye wax kale ma keento. Laakiin buradu inta badan way
weenaataa oo mar mar waxaad mooda qofta qabta in ay uur leedahay. Inta badan
buradaan iskuma badasho cancer, laakiin dad yar oo ay cancer isku basho waa
jiraan.
inta badan buradaan haddii ay keento dhiig bax la xiriira caadada oo
halis ah labo mi baa la sameeyaa 1) hysterectomy - oo ah in ilmo galeenka oo
la bixiyo iyada oo dhan. 2) in burada wax laga gooyo si ay u miisaan yaraato.
Haddii hysterectomy la sameeyo, dhibaatada way xalismeysaa, laakiin qofka
caruur ma yeelan karo. Haddii burada wax laga gooyo, qofka wali caruur wuu
yeelan kara, laakiin buradu dib bay inta badan u soo weenaataa. Sababta
adiga laguuku sameeyey hysterectomy waxa ay ku xiran tahay sida
dhakhaatiirtaadu wax u aragtay.Mahadsanid.
koranto wax u eg gariir
S: Dhaqtar waad salaaman tahay marka hore, su,aashan oo ah tii ugu
horaysan aan ku waydiiyo waxay tahay mararka qarkood markaas wax taabo is
leeyahay waxaan dareemaa in koranto wax u eg gariir oo kale igu soo boodo .Mana
aqaano afkena iyo ka qalaad waxa lagu yiraahdo ma xanuun baa mise waa wax
kale? [Age: 31]
J: waxaa afka englishka lagu yiraahdaa "Static Electricity" Cudur
ma aha. Haddii ay cudur aheen laheed, mar mar ma noqoteen ee waxay noqon
laheed mid mar kasta ah. Arrintaan waa wax dadka oo dhan mar mar isku arkaan
oo waxay la xiriirtaa waxa aad taabanayso iyo waxa aad sameenaysay inta
aadan wax taaban. Laakiin wax dhibata ah ma caafimaadka uma keento.
Mahadsanid.
menopause symptoms
S:marlabaad ayaan eaxaan rabaa in aan ku waydiiyo suaasheydii
ahayd maxaa lagu gartaa calaamadaha Menapouska? Please si fiican iigu soo
sharax hadii aad awoodo, [Age: 45]
J: Menopause symptoms (calaamadaheeda) waxaa ka mid ah: 1. Hurdo
xumi (insomnia); kuleel qeyra caadi ah (hot flashes and sweating); hilmaan
badan (troubles with cognition); foojignaan la'aan (difficult
concentrating); camal xumi (mood changes): cawrada oo dheecan yaraata
(vaginal dryness). Mahadsanid.
Hepatitis B
S:titoore markale ayaan waxaan fursad u helay inaan suaal kale ku
weydiiyo. xaaskayga waxaa lagu sheegay inay qabto hapitats B ama cagaarshoow
nooca "B" ga ah markii aan isbaaray la iguma sheegin inaan qabo hapitats B,
suurta gal miyaa inaan qaado maxaase ka hortag ah aan sameen karaa cudarkan
rabaawiga ah, hadiiba layiri waxaa lagu kala qaadaa falgal. mahadsanid
totore markale. [Age: 32]
J: Su'aashaan horey ayaan uga jawaabay. haddii aad fiiriso qeybta
"Su'aalihii hore looga
jawaabay" waxaad arki doontaa sharax dheer
oo ku saabsan Cagaarshowga ama Hepatitis B..
Si kooban, waxay ku xiran tahay meesha ay xaaskaaga cagaarshowgeeda
marayo. markasta ma aha in la kala qaado. Sida taa lagu ogaan karo waa iyada
oo dhiig laga qaadaa. marka waxaan ku talin lahaa in aad dhakhtarkaaga u
sheegtid si uu kuu baaro ama uu kuu siiyo talaalka hepatitis B. Mahadsanid.
xaniin barar
S:xaniinta bidxda ayaa xoogaa ibarsan [Age: 27]
J: xaniinyo barar haddii ay ku dhacdo qof yar, inta badan waxaa keena
sadex saboobood midkood 1) xaniinyaha oo biyo galaan (dheecaan). Taasoo inta
badan iska taga. 2) Infection ku dhaca xididka shahwada ka soo qaada
xaniinyaha 3) cancer.
Sida lagu kala saari garo sadexdaan arrimood waxay ku xiran tahay sida
bararku yahay. Haddii baraku yahay mid aad moodo kiintaal biyo laga buuxiyey
oo xanuun badan laheen. Waxay u badan tahay tan kowaad. haddii qofku uu
yahay qof sexually active ah oo cudurada sida jabtada horey ugu dhacday,
hadana si deg deg ah u arkay barar yar oo la taaban karo oo hal xaniin ah,
oo xanuun badan haddii la riixo. waxay u badan tahay in xaalku yahay
infection (tan labaad). haddii bararku yahay mid aan xanuun laheen oo aad
moodo in dhagax oo kale yahay, waxaa qofka looga baqaa cancer (testicular
cancer).
Sida kali ah oo lagu kala sooci karo sababta keentay bararka waa adiga oo
dhakhtar arka. saddexda arrimohood oo aan soo xusay waxaa ugu halis ah
Cancerka. Kaas oo ah cudur nimanka yar yar (20-40 sano) ku dhaca. Waa
cancerka ugu salhan in la daaweeyo haddii si deg deg ah loo arko oo uusan
fidhin. Marka waxaan ku talin lahaa in aad bararka tustid dhakhtar.
mahadsanid.
xanuun xusulada ah
S: titoore waxaan isku arkay xanuun xusulada labada gacmood inta
badana waxaan dareemaa markaanseexdo habeenkii kabaabyo iyo dareenka
gacmahayga oo waayo marmarka qar intan soo baraarugo ayaan taataabtaa sidii
ooy leeyihoon dareen waana kabaabyo iiFASIR ARIN TITOORE MAHADSANID. [Age:
32]
J: Arrinta kabaabyada gacmaha ah oo dadka mar mar ka kicisa
hurdada waa mid layaqaan oo aan kuu sharxi doono. hase ahaatee, inta badan
suxulada kaliya ma aha.
Waxaa jira cudur la yiraahdo Carpel Tunnel Syndrome oo macnahiisu yahay
sidaan: xididada ka imaada qoorta iyo dabarka oo wada fartiimaha ka imaada
ama aada maskaxda sida xanuunka ama kabaabyada waxay soo gaaraan gacmaha
ilaa fara. Marka ay soo marayaan garabka ama suxulka ama gacanta meesha u
dhow fara waxay xididadaan hoos maraan wax aad moodo buunto (tii baabuurtu
soo baraysay oo kale). haddii buuntada ciriiri noqoto, xididada ma jecla oo
waxay kuu sheegayaan in dhibaato jirto. Waa adiga oo meel loogu tala galay
in ay maraan labo qof ku ciriiriyo 10 qof. marka markii ay xididada
dareemaan ciriiriga, waxay keenaan xanuun, ama kabaabyo; ama dareenka oo
yaraada.
Su'aashu waxay tahay maxa jeena ciriiriga? Inta badan sababo fara badan
oo la xiriira caafimaadka ayaa ciriiriga keeni gara. Mar mar dad waxaa jira
ciriirigaan uu ku dhaco shaqada ay qabtaan awgeed. Sida haddii aad tahay
makaanik markasta wax furaya ama xiraya. Marka markii xididadu dareemaan
ciriiriga ayaa waxaa afka dhakhaatiirta lagu yiraahdaa Carpel Tunnel
Syndrome. Sida lagu daaween karo waxay ku xiran tahay waxa ciriiriga keenay.
Laakiin inta aadan daawada ka fakarin waa in la hubsadaa in dhibaatadu tahay
Carpel Tunnel Syndrome. Waxaa lagu hubsan karaa adiga oo lagaa qaado test la
yiraahdo EMG. Ama adiga oo arka dhakhtar.
Carpel Tunnel Syndromeka waxa lagu yaqaan waxaa ka mid ah waxyaabaha aad
soo xustay. Laakiin cudurkaan kaliya ma aha kan arrimahaan keeni kara. marka
waxaan kugula talin lahaa haddii arrintaan wali ku dhibayso, u tag dhakhtar.
mahadsanid.
MAHADNQA
titoore waxaan kaaga mahad celinaayaa sida xirfada ay ku dheehan tahay ood
cudarka ihayo durbadabiiba u garatay,anon wax habayaraatee shaqada aan qabto
kuu fasirin. waa runtaa oo waxaa keenay shaqada an qabto waa shaqo aad u
culus waxaan ka shaqeeyaa qaybta ASSEBLY oo waxaan mudo 12saac rakibaa
machino tiro badan anigoo isticmaalaya faraha iyo gacmaha.
Aad iyo aad baad u mahadsantahay, waxaan deganahay USA, kasiiwad meeshaas
dadaalkaaga hadii aan suaalkale qabo anaa kusoo weydiindoona iiiinshaaa
allaah, titoore hadii aad web-page leedahay emailka iigu soodir waxaan
kafaaiidaysan doonaa macluumaadkaaga ama hadii aaad soosartay waxbuugaag ah
"HEALTH