Sawirradii oo dhan halkan ka daawo
http://picasaweb.google.com/suldaan2007/SheekhSecondarySchool#
Akhristayaashii faraha badnaa ee ila soo xidhiidhay
iyo kuwii sida joogtada ah ula socday qoraalladii
taxanaha ahaa ee “Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee
Somaliland” waxaan ka raalli gelinayaa daahitaanka aan
la soo daahay qoraallada –cudurdaarkaygu waa Socdaalkii
Dheeraa inaan weli ku jiro oo Sweden ku maqnaa –
Waxaan iyana si guud oo kal iyo laab ah ugu
mahadcelinayaa saaxiibaddayda dacaladda adduunka jooga
ee sawirrada iyo warbixintaydu daltabyada ku reebtay ee
sida qiiraysan iigu soo dira emaillada iyo telefoonnada,
kuwaas oo aanan intooda badan ku warcelin – waxaan
leeyahay saaxiibbayaal fari kama qodna – waanan qaatay
taladiina iyo dhiirigelintiinaba, mana mudni ammaanta
badan ee aad ii soo dirteen.
Arartaa, halkaa markaan ku dhaafo; Socdaalkii dheeraa
– maanta waxaan idinku geynayaa meeshii ay ka soo baxeen
haldoorkii ummadda, meeshii indhaha la inoogu dilaaciyey,
goob taariikh weyn ku leh horumarka tacliineed ee
Somaliland, waa Iskuulkii Sheekh ee Secondariga ah,
iskaga iyo ka maanta jaamacadda laga dhigay ee Camuud
iyo Dayaxa oo Sanaag ku yaal ayaa ah meelaha tacliinta
tayada leh laga aasaasay; siiba dugsiga Sheekh wuxuu
noqday mid ardaydii ka soo baxday ay u ciidamisay dalkan
yar ee Somaliland. Magacyada waaweyn ee laga yaqaan
dalkeenna ee hoggaaminta iyo aqoonta sare lagu bartay
waa ardaydii Dugsiga Sare ee Sheekh. Waxa la dhisay
badhtamihii qarnigii tegey, wuxuu ku yaal Magaallada
Sheekh meel ilaa laba kiiloo mitir dhanka galbeed ka
xigta. Wuxuu ka kooban yahay guryo la seexdo, fasallo
wax lagu dhigto, goobo lagu cayaaro, tiyaatar wax lagu
daawado, meel weyn oo lagu cunteeyo, masaajid lagu
tukado, barxad weyn oo lagu nasto, beero dhexdooda lagu
hawo qaato, guryihii macalimiinta – qayb cusub oo
hablaha gaar loogu sameeyey.
Waxaannu wada soconney, Hinda Max’ed Jaamac oo
wiilkeedu Dugsiga dhigto iyo Abwaan Hadraawi oo
maalintaa ay ku soo casuumeen dhallinyarada dhigata
dugsiga, Waaxdooda Suugaanta Soomaalida – Somali
Literature Council oo uu guddoomiye ka ahaa wiil yar oo
halabuur ah – Cabdilaahi-Shaacir - oo runtii si diirran
noogu soo dhoweeyey Dugsiga, weliba gabay qurux badan oo
uu abwaanka (Hadraawi) ku ammaanayo, kuna soo dhoweynayo
halkaa nooga tiriyey.
Weligay
maan tegin dugsigaa, haddana Shiikh iyo buurta Dawga
inta jeer ee aan maray tiro ma leh; Shiikh waa magaallo
qurux badan oo hawo fiican, marka kulka kul ugu darrani
ka dhacayo dalkeenna, iyadu waa qabaw, marka jiilaal
cargaagtamo ee dhirtu engegto, iyadu waa barwaaqo, marka
xagaa dabadheeraado iyadu waa dhedo – gu iyo jiilaal,
dayr iyo diraac waa cagaar, markasta waxa laga helaa
Seytuun, marka gaadhi isla kaa soo taago ayaa saxansaxo
iyo qabow naftu ku raaxaysanayso ku qaadayaa, marka
indhuhu ku dhacaan meel barwaaqo ah oo buuro ku gedaaman
yihiin, guryuhu qaarna buurtaa saaran yihiin, kuwana
buurta kale, ayaad u qushuucaysaa quruxdeeda. Dhowr qof
baannu isku raacnay in Shiikh tahay magaallada keliya ee
Istiraajiyad iyo qurux ahaan ba ugu qalanta Caasimadda
Somaliland. Intay xadka u jirto, intay badda u jirto,
waxyaalaha dabiiciga ah ee ay leedahay, biyaha
durdurrada ah, jawiga qabow iwm. Maalinay noqotaba
Shiikh caasimad bay noqonaysaa –
Dugsiga Sare ee Shiikh waxyaalihii iga yaabiyey ee uu
lahaa waxa ka mid ahaa, isagoo in ka badan lixdan
sannadood dhisnaa, dalkaa burburay, tobanka jeer
dagaalladu ka dhaceen, inuu ka nabad galay oo sidii lagu
dhisay uu ahaa; waa dhismayaasha qaddiimka ah ee
dalkeenna ka taagan ee haddana kuwa maanta la dhiso ka
quruxda iyo tayoba fiican. Kaallay arag, tiyaatarka aan
kuraasta lahayn ee daaqadaha muraayadaha ah leh ee
haddana marmarkii iyo muraayaduhu sidoodii u
dhalaalayaan, kaalay arag madbakha casriga ah ee weelkii
iyo wiciyaddii qalinka ahayd yaallin iyo tallaagadihii
cuntada lagu qaboojinayey, oo aanad malayn karayn sida
nadaafaddoodu u sarrayso iyo sida ay u daryeelayaan
‘Hygiene’ ka ee xataa kuugu dhar nadiifa u xidhan yahay,
kaallay arag, labotariyada sayniska ee qalabkii iyo
agabkiiba u dhan yihiin ee qurux iyo tayoba ka fiican
yihiin kuwa London college-yadeedu qaar leeyihiin. Bal
adba eeg, fasallada ay samuuraddoodu tahay ta maanta
adduunka laga isticmaalo ee loo yaqaan “Whiteboard” ee
qallinka masaxma lagu qoro, iyo derbiyada khariiddada
iyo sawirada biology-ga ku dhegen yihiin. Maktabadda
buugtu taallo ee leh meesha wax lagu akhristo ee xitaa
ka kaa soo horjeedaa aanu arkayn waxaad akhriyeysid.
Waxay leeyihiin “Notice Board” la iskula socodsiiyo
waxyaallaha/ (Activities) dugsiga dhexdiisa ka socda.
Ardaydu iyagaa dharkooda maydha oo kaawiyadaysta, iyagaa
cunta weelka ay ku cunaan dhaqa, iyagaa gurigooda
masaxda oo hagaajista, kaallay arag, sida wakhtiga u
ixtiraamayaan, macallinka uga dambeeyaan, sida ardaydu
isu tixgelinayso, sida murankooda iyo dooddu cilmiga ugu
qotonto, halka dhallinyarada kale Tahriib iyo Fiise iib
ah ka sheekaynayso, iyagu Buug Maraykanka lagu qoray oo
cilmi ama khiyaal ku saabsan ayey ku dooddayaan ‘Waxaas
buu uga jeedday’, halka dhallinyarada kale kubadda iyo
koox heblaa badisey ka dooddayso, iyagu buug hebel baa
soo baxaya iyo hebel baa siyaasadda Afrika ku fiican
ayaa laga doodayaa;
Dhallinyarada dugsiga dhigataa waa laba boqol oo wax
dhiman (180), waana kuwa ugu aqoonta sarreeya
Somaliland. Si ciyaar ah laguma helo dugsiga Sheekh,
kama jirto ‘qishka’ beryahaa dambe ka soo shaac baxay
imtixaannada Somaliland, sidii dhallinyaradu telefoonada
u qaadatay ‘qishku’ cirkaa ayuu isku shareeray
Somaliland, oo xataa gobol gobol baa loogu tartamaa.
Iyaga imtixaannadooda waxa lagu soo saxaa UK,
shahaadadooduna waa GCSE oo waxa soo saarta EDEXCEL.
Hinda Maxamed Jaamac oo wakhtigaa Jaamacadda Burco ka
shaqaynaysey oo wiilkeeduna dhigto Dugsiga Sheekh ayaa
intii aannu Dugsiga ku soo soconnay nooga sheekaysey
siday wadnaha farta ugu haysey in wiilkeedu baasi doono
imtixaanka lagu gelayo Dugsiga Sheekh; wiilkeedu oo ku
dhashay Maraykanka oo si fiicanna u yaqaanay ingiriisida
iyo xisaabta ayey haddana ka baqsanayd inuu imtixaankaa
baasi waayo, ka waran kuwa kalena- sidaa iyo ka sii
daran ayaa loo galay –
Dhallinyaradii
dugsiga nagu soo casuuntay ayaa si fiican noogu soo
dhoweeyey, aniga markiiba waxay ii kaxeeyeen inay isoo
tusaan dugsiga gudihiisa; waxay i geeyeen laababkii
sayniska, maktabadii, tiyaatarkii, madbakhii,
jardiinooyinkii, barxaddii weynayd ee dugsiga, waxay i
geeyeen meesha ay dharka ku maydhaan, meelaha ay wax ku
akhristaan, qolalka hurdada oo qolkiiba laba sariirood
oo isdulsaaran leyahay oo afar seexato; waxaan koray
dusha sare ee dugsiga oo aan sawirro qurux badan ka soo
qaaday dugsiga iyo magaalladaba, eeg sawirrada.
Ka dibna, waxay gaadhay wakhtigii loo ballansanaa in
Abwaanka lala kulmi lahaa ee murtidiisa iyo mahadhadiisa
la maali lahaa. Hadraawi oo intii aanaan Burco ka soo
bixin nagaga habsaamay kulan uu la lahaa dhallinyaro
dugsiga sare ee Sheekh Bashiir ka qallin-jelinaysa, ayaa
wuxuu caado ka dhigtay inuu muxaadaro ama lecture qurux
badan oo qiiro iyo waano isugu jira u jeediyo ardaydaa
nolosha cusub gelaysa. Maalintaana wuxuu halkaa ka
jeediyey mowduuc runtii aad iiga qiiraysiiyey, oo
waddaniyad, masuuliyad, dedaal iyo firfircooni faraya
ardayda; dusha u saaraya xilkii naftiisa, kii reerkiisa,
kii reerkooda, kii bulshada iyo kii ummadda oo dhan.
Wuxuu ula dardaarmay sidii qof aan weligood ku soo
noqonayn – laga yaabee – in sannadka dambe uu qaar kale
halkaa ugu tago-
Asluubta loo fadhiyey, curdannimada wajiyadooda ka
muuqatay, sida hadalka abwaanka loo danaynayey, loona
xiisaynayey, iyo sida qaar ay buugta ugu Note-garaysanayeen
maahmaahyada iyo sheeko-murtiyeedyada abwaanku ku
hoga-tusaaleynayey; ayaan la dhaygagay oo sawirkii aan
qaadayey i ilowsiisey. Haddii haweenka aan tacliinta loo
diri jirin, waxaad ku arkaysaa dugsiga hablo xijaaban oo
quruxdooda iyo shacniga ka muuqda ay u dheer tahay
aqoonta sare ee ay baranayaan – maansha Allaah – Qof
kastoo dalka taga waxaan ku dhiiri gelin lahaa inuu
dalxiis ahaan u tago dugsigaa sare ee Sheekh.
Riyaaqii iyo marxabaysiintii, ayaa ilaa kadinka
dhallinyaradii nagu keentay, iyagoo wejiyadooda faraxii
ka muuqday aad moodid inay iid joogaan. Waxay na siiyeen
nuqullo ka mid ah warside (newsletter) ay iyagu soo
saaraan oo af-Ingiriisi ku qoran, mowduucyo kala duwanna
ka hadlaaya. Waxay nala sii galeen sawirradii sagootinta
Haddaba, waxa is weydiin leh, ubaxaa soo kacayaa
mustaqbal fiican ma ka heli doonaan dalkooda iyo shaqo
iyo nolol wanaagsan, mise aqoontaa iyo xirfaddaa ay
heleen waxay u noqon doontaa furihii Tahriibta? Bal
adiguba sheeg. Haddii aad ogtihiin aqoondarrada haysata
ciidankeenna booliiska oo keliya, afartanka kun ee arday
ee sannadkii ka qalin jebisa dugsiyada sare intoodaba
booliis baad ka dhigi lahaydeen; Booliisku halkii uu
aqoon iyo sharci kugu hagi lahaa ayuu amar iyo dil
kugula kacayaa – qormadeenna dambe la soco waa
cadaallad-darrada dalka taal, kaga hadli doonaa..
Fiiro Gaar ah: Haddii, qaar ka mid ah dhallinyaradaa
dhigata dugsiga Sheekh ay helaan qoraalkan iyo
sawirradiisa, fadlan u gudbiya, dhallinyarada oo dhan.
Aad bay iiga soo codsadeen inaan u soo diro, runtii waan
kala habsaamay – sawirrada ka la baxa ciwaankan hoose:
http://picasaweb.google.com/suldaan2007
Sawirada Dugsiga Halkan ka daawada:
http://picasaweb.google.com/suldaan2007/SheekhSecondarySchool#
http://suldaan2007.blogspot.com/
Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la
soco qaybta 7-aad [insha Allaah] ...