Sawirro Hale Halkan ka daawo
19 January 2008, ayaa Hargeysa dalxiis u
tegey, waxaan ku degey huteelkii Barwaaqo ee aan
hore ugu soo degey. Waxaan socod ku gaalaa
bixiyey huteellada waaweyn ee magaallada iyo
meelaha kale ee bilicda badan ee aadka kuu soo
jiidanaya. Waxaan tegey Huteelka Maan-soor, oo
magaca wacan ee quruxda badan ee loo bixiyey (kii
maanka soorayey), ka sakow, ku darsaday bilic
iyo baaxad weynaan aanan markii hore ka filayn,
malaha xayeysiintii Ambaasadoor Huteel loo
sameeyey mid ka yar baa loo sameeyey, huteel
sidaa u weyn uma haysan, waaw,. Waa huteelka
labaad ee Hargeysa ku yaal xagga ballaadhka iyo
baxaad weynaanta marka laga yimaaddo Ambaasadoor
huteel. Waa five star hotel – bilic, adeeg,
ballaadh, shaqaale jajaban iyo adeeg hufan isku
darsaday, waxa caddaan iyo madow, meelahaa
laptop la fadhiya malayn maysid, ee cabitaanka
qabow iyo shaah iyo bun ku cabaya, wuxuu lahaa
internet wireless ah oo bilaash ah iyo meelo
fadhi loogu talo galay oo kala sarsareeya, xitaa
jardiinooyinkiisa waxa dhex joogta ugaadh kala
nooc nooc ah. Waa meelaha nafta lagu ilaawo....huteel
maansoor... magacaa i dilay...nin dhaqan jecel
baan ahayoo, magaciisaa i soo jiitey....
Hargeysa markaad tegtid, waxaad arkaysaa inay
samada iyo meelo kale sii tiigsanayso, oo
magacyada dukaannada, bakhaarada, hudheellada,
booshariyada, iwm waxa loo biyey magacyo ajaanib,
oo malaha la moodayo inay ajaanibka gaar u soo
jiidanayaan, ama wax cusub oo markiiba la
calmado noqonayaan. Magacyada huteellada loola
baxay, waxa ka mid ah Ambassador, Imperial,
Star, City Center, Scandanevia, Paradise iwm.
Waxa lagu iibinayo meelahaas qaarkood baa ah
kuwii lagu iibin jirey London iyo Paris. Haddii,
carruuri kula socoto, meel aad burger iyo chips
uga iibisid waayi maysid, waxaad tegeysaa Snapy
bar hotel, iyo m2m, imw.
Inan aannu qaraabo nahay ayaa Hargeysa timi
oo dhankaa Burco ka soo gashay, waxay ku soo
degtay huteel kuwaa magac ajaanibka ah leh,
inantu afsoomaaliga si fiican bay u taqaan,
ingiriisidana xooggaa weedho ah ayey jajabsataa.
Inantii baa telefoon ii soo dirtay, iina
sheegtay inay Hargeysa joogto si aan ugu tago,
waxaan weydiiyey meeshay ku soo degtay,
dabadeedna waxay burbursatay magacii huteelka,
“waxaan ku soo degay hudheelka ‘baradise’ ”- si
kale u higgaadi “ ba-ra-di-se”. Bal waatane yaa
kuu garta huteelka magacaa leh ee Hargeysa ku
yaal, qof kasta oo magaallada ku aqaannay xitaa
saxaafadda ku dhehoo waan weydiiyey, laye; garan
mayno, malaa waa mid cusub. Kolkii dambe ayaan
ku idhi la garan maayo huteelkaagee, kaan
degenahay iigu kaalay, waa kuma, waa Huteel
Barwaaqo, oo badhtamaha magaallada ku yaal. Way
iigu timi, dabadeedna keedii baannu isu raacnay
mise waa Huteel Paradise oo Jirde hotel na loo
yaqaan. Maantaas baan hoosta ka xariiqay in
calmashada magac ajaanibku dhib ku yahay
macaamiisha madeniga ah ee aan afqalaadka aqoon..
Huteellada magac soomaaliga leh ee heerka
sare ah waxa ka mid ah; Maan-soor, Barwaaqo,
Hoodo, Xaraf, Dalxiis, Hadhwanaag iwm. Oo
iyaguna ay dhib kala kulmi doonaan ajaanibku ku
dhawaaqiddooda, balse yaa mudan in loo sahlo,
dadkeenna iyo ajaanibka, adigu ba garo ama
Hargeysa weydii!
Waxa mudan in lagu ammaano mudan tayada iyo
adeegga wanaagsan ee huteelladu soo kordhiyeen.
Huteelka Barwaaqo anigoo kursiga daaqadda
xiga koob shaah ah oo ‘lipton’ ah ku cabaya
ayaan jalleecay dad iyo basas hoostayda maraya,
waxaan ismoodsiinayaa in daaqad la iiga furay
TV-ga anigoo gurigaygii London jooga, si aan u
daawado xaaladda dalka, malaha waxa i ilowsiiyey
meeshaan joogey (Hargeysa) agabka dhex yaal
qolkii aan ka degenayaa huteelka Barwaaqo;
adeegga hufan, nadaafadda fiican, marawaxadda
qabow, cuntada tayada sarraysa, hurdada marna
aanad leddeyn raaxada sariirta darteed,
telefoonka, telefiishinka iyo tallaagad qolka ii
taal. Waxaan u qaadan waayey wakhtiga kooban ee
bulshadeennu isku beddeshay, dalkeennuna ula
jaanqaadday dunida kowaad; meelaha qaarna uuba
kaga sarreeyo, iyo sida dhaqaalihiisu u hooseeyo
oo aannu adeeg bulsho u lahayn.
22 January 2008, ayaan joornaalka ka
akhristay taariikhdii SNM oo laga saaray
manhajka Somaliland. Arrin weyn oo dadka aan
anigu ka mid ka ahaa ku beertay werwer badan,
waxa maankayga ku soo dhacday maalintaa
beydadkii gabayga ahaa
“Ninka socodka taariikhda raba, inuu
suuldaareeyo
Sacab timo leh weeyaan, inaad suurto gelisaane”
– Saxansaxo - Gaarriye..
Iguma cusbayn khaladaad badan oo manhajka
Somaliland lagu arkay , uguna weynayd
sawir-gacmeedkii lagu arkay buugga diinta
dugsiga hoose ee fasalka kowaad, kaas oo
wasiirradda tacliintu mamnuucday isticmaalkiisa
2006dii. Waxaan u qaatay in dhacdadanina tahay
mid la mid ah taas hore oo kale oo wasaaraddu
beenin doonto; haseyeeshee ma dhicin. Waxay u
muuqatay arrin si badheedh ah loo sameeyey.
Wasiirka Tacliinta ayaaba tafaasiil dheeraad ah
ka bixiyey, oo ku tilmaamay in aan dadka reer
Somaliland SNM wada ahayn, sidaasi darteedna
looga saaray; taasi waxay ii noqon weyday sabab
muhiim ah, waxaan isku dayey inaan helo buuggii
joornaalka lagu soo qoray iyo waxa ku jira,
nasiib darrose may ii suurto gelin arrintaasi;
sababtoo ah manhajka Somaliland ee dugsiga hoose/dhexe
wuxuu ka kooban yahay 56 buug. Dhowr iyo
labaatan buugtaa ka mid ahi gacantayday ayey soo
galeen balse kuma jirin kii fasalka sideedaad ee
arrimaha bulshada ku saabsanaa. Waxa arrintaa
sababay iyo u kuurgal aan ku sameeyey waxaad ka
heli doontaan faallada waxbarasha Somaliland oo
aan dib ka soo qori doono [insha Allaah]