“Ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome
to Hargeysa” – Hadraawi

Ka daawo cajalad fiidyow ah
oo ku saabsan mudaharaadkan.... --- video clip, Burco
Subaxnimaddii 3 January 2008, ayaannu ka soo degnay madaarka
Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, aniga iyo Hadraawi
oo wada soconnay. Hadraawi waxaannu iska soo raacnay London iyo
Somali Week, sideed usbuuc buu dib ii dhigay si aannu dalkii
isugu raacno, oo sidaan London gadhwadeenka ugu ahaa ayuu igu
yidhi gadhwadeen baan kaaga noqonayaa dalka, runtii aniga way ii
fiicnayd oo baqdin iyo werwer badan ayaan ka qabay dalka; dad
badan oo aan ka garanayaana ma joogin, ehelka iyo Burco mooyee,
inta kale oo dhan cid badan kama aqoon, Hadraawi oo kuu
gadhwadeen ahi waxay ii ahayd, baasaboor meelna ugama baahnid.
Waxay taasi rumoowday, subaxdii markii aannu ka soo degnay
madaarka, ayaa naloo duway xaggii VIP da, aniga iyo Hadraawi oo
kaamaradaha iyo fiidyowyada nalagula soo carary, qaar ka mid ah
ehelkii oo safarka igu wehelinayey awgood ayaan Hadraawi uga soo
hadhay dhankii VIPda. Halkaas oo uu waraysi ku siiyey qaar ka
mid ah saxaafadda Somaliland.

Madaarka dal kastaa wuxuu muujiyaa ubucda iyo waayaha dalkaa
ka jira, maamul ahaan, aqoon ahaan iyo horumar ahaanba; nin
Gatewick ka soo duulay oo Paris ku soo nastay, jabbuutina xoogaa
ku soo jactadey ayaan ahaaye, markii aan Hargeysa ka soo degey
ayaa la igu salaamay, yaac iyo xaggan u baydh iyo waxan iyo
waxaa keen, waxa iigu warwar badnaa baasaboorkii la iga qaaday
ee aan “counter” iyo xafiistoona la geyn ee nin wejigiisii aanan
xitaa si fiican u garanayn uu iga qaaday. Kontonka doollar ee
laga qaadayo ee la leeyahay soddon madaxa iyo labaatan sarifa
keen, dan u gelimaysid, mar haddii aad nabadgelyo, maamul-wanaag
iyo soo dhoweyn lagugu soorayo, hase yeeshee, marka lagu galo ee
lagu galelefo ee cir iyo dhul ba laguu diido, hadal qalafsan,
amar mutuxan, dad askar iyo shaqaale isugu jira oo isdhex
yaacaya aan kala derejo sarrayn, hawshoodana kala aqoon; ku
derderaan ayaad ka xumaanaysaa. Markaasaan gadhwadeennimadii
Hadraawi aqbalay oo uu baasaboor ii noqday.
Dhowr saacadood ka dib, markii aannu waynay shandadihii aannu
sidannay oo la yidhi diyaaraddii baa Jabbuuti kaga timi, ayuu na
qaaday Guush Jaamac Basaale oo magaaladii na geliyey, markii
aannu magaalladii soo dhex galnay ayaannu “traffic jam” la
kulannay. Hadraawi baa igu yidhi “ha moodin in London oo keliyii
ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa –“ Waxaannu ku degnay
huteelka Dahabshiil ee Barwaaqo oo badhtanka magaallada Hargeysa
ku yaall. Subaxnimadii dambena, waxaan u soo baqoolnay dhanka
Burco.

08 January 2008, waxaan ku wareejiyey deeq-lacageed dhan
$8,000.00 Guddida Horumarinta Togdheer, lacagtaas oo aan ka
siday Ururka TAF, uguna deeqay cusbitaalka Maandhaye, ee Burco.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka
Jaamacadda Burco ayaan deeqdaa lacageed ku wareejiyey.
Munaasibaddaa waxa si weyn uga hadlay aqoonyahanka, abwaannada,
culimo awdiinta, salaadiinta iyo waxgarad kale oo badan.
Munaasibad soo dhoweyn ah ayey ii ahayd, anna waxqabad iyo in
aanan faro madhan iyo kaamarad dalka la imane aan wax qabad la
imi ayey ii muujisey. Waxaana goobtaa ka hadlay abwaanka weyn
Hadraawi, shiikhul beledka Burco Shiikh Cali Warsame, Prof,
Cabdisalaan Yaasiin, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Maayarkii
hore ee Burco Maxamed Xuseen Aadan iyo kuxigeenkii badhsaabkii
hore Yaasiin Muxumed Cabdi iyo dad kale oo badan.

Ka daawo cajalad fiidyow ah
oo ku saabsan mudaharaadkan....
AKHRI QAYBTA 3aad....

Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
aftahan@gmail.com