
Socdaalkaygii dheeraa ee Boorame markii aan ka soo noqday
waxaan dib ugu soo laabtay xaruntaydii Burco oo weli Hadraawi
gadhwadeen iigu ahaa, safarada inta badan qaarkood Hadraawi
baannu wada soconnay. Socdaalkaa Boorame Hadraawi wuxuu ku
maqnaa miyiga Togdheer oo uu laba reer oo is dilay ku
heshiisiinayey, afar cisho muu joogin dalka markii uu
dhexdhexaadintaa ka qayb galay, si loogu soo joosado abwaanka.
Waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa ma qarnigii kow iyo labaatanaad
iyo adduunyadan Hargeysi ka mid tahay ee dayaxa tiigsanaya ee
xuub-caarada (website) wax ku kala iibsanaya ayaa tolal iyo
reero la isugu dilayaa. Haa, sidii baa tolal iyo dhac dumar la
isugu dilayaa. Sidii baa aano iyo aargoosi la isugu dilaa, sidii
baa hablaha loola tagaa, sidii baa haweenkii loo dumaalaa, sidii
baa godobreeb iyo gabbaati la isugu xidhaa.

Arrinta uu abwaanku ku jirey oo Togdheer miyigeeda ka dhacday
ayaa ku saabsanayd nin gabadh la soo tegey oo aabbihii u diiday
inuu guursado, dabadeedna reerkii inanta dhalay loo cid diray si
ay u soo doontaan inantoodii una kaxaystaan, badeedna laba nin
oo ay gabadha walaalo iyo ilmaadeer ahaayeen oo loo soo diray
inantii kaxeeyeen, ka dibna ay jidka u sii galeen ninkii gabadha
la soo tegey iyo mid kale oo la weday dabadeedna ay toogteen oo
halkaa ku dileen labadii nin; gabadhiina ka carareen.
Is abaabul dagaal, gar wisiisiday, arrin wajaqantay, iyo
waanwaan daba dheeraatay ka dib, waxa labadii reer lagu
heshiisiiyey inay mag ka qaataan raggii dhintay; waxaana
magtooda laga xaqay laba boqol oo hallaad oo dhogor ah iyo laba
boqol oo milyan oo lacag ah (lacagta qaynbaarta ah), iyo laba
hablood oo godobreeb ah, looguna ballamay tuullada Taallabuur
muddo bil ah guddaheed inay ku keenaan, haddii kale ay arrintu
faraha ka haadi doonto.

Walaw,
ay dhacdadasi sidaa ahayd, intii aan dalka joogey waxyaallaha
iigu yaabka badnaa waxay ahayd, dhaqankii baadiyaha oo aan
isbedelin, lana jaanqaadin magaallogalka, aqoonta durugtay ee
diin iyo maadiba leh. Siiba, gobolka Togdheer oo caadooyinka
qadiimiga ahaa weli ku sii baaqi yihiin, waxa ka dhaca waxyaallo
oday ka sheekee ah, hablo la tegis, kufsasho haween, dilalka
aano iyo aargoosi, is budhaynta, dagaalka joogtada ah iyo aaska
iyo arooska aan xeer islaam iyo ka bani’aadamiga toona ku
taagnayn ayaa maalin walba la dhaca dalka siiba gobolka Togdheer.
Miyiga boqolkiiba 95% dumarka waa lala tagaa, dabadeedna inta
la soo xaseeyo ayaa la yidhaahdaa noo meheriya, ninka inanta
dhalayna wax kale uma furna aan ka ahayn inuu meheriyo oo
gabbaati iyo yarad badan ku xidho, ama inantiisa ku meheriyo
lacag aad u badan, si aan berito ka-maalin si fudud loogu soo
furin. Dumaasha gabadha saygeedii dhintay ayaa iyana ka mid ah
waxyaalaha weli aan laga ilbixin, xitaa gabadha ninkeedii
dhintay ikhtiyaar looma siiyo inay doorato cidda dumaalaysa
iyadoo aan dhaafayn xeer-dumaaleedka soomaalida – cidda ehel ugu
xiga ubadkeeda.
Afartii bishii 3-aad ayaan gaadhi Surf ah oo ay leedahay
Jaamacadda Burco ka kaxaystay, uguna tegey tuullada Taallobuur
oo xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhow, Hadraawi iyo odayaal
kale oo halkaa u jooggey ballantii lagu keenayey xoolihii kiiska
ahaa ee magtii raggii la laayey lagu bixinayay.
Wakhtigu waa gu’waa oo horraad iyo diihaal dartood ay xooluhu
u le’deen. Geed sare iyo mid hoose toonna ma qoyana, abaar baa
dhaharantay, jiilal baa daba dheeraaday, berkedihii baa madhay,
dhulkaa omos dartii dildilaacay, xoolihii baa xaab ka waayey,
adhigii baa bakhbakhtiyey, geeliibaa fadhfadhiisatay, sammad baa
dhacaysa, wadhanweedh baa ku hor-odaaya, habaas baa balliyadii
ka kacaya, biyo-dhaamis baa lagu jiraa, weyso iyo wax la cabaa
xitaa waa suququul, bidhiq caano lama hayo, shaahu waa bigeys,
bariis hadalkii daa, kii reer miyi ahaa mijno cascas iyo macawus
gaaban buu lahaa, kii adhi ahaa meer meer iyo mus ku bakhti buu
ahaa, kii geel ahaa geed hadhsi iyo galab meer meer buu ahaa,
waa gu’waa iyo jiilaal badhtankii.


Sawirro Badan Halkan ka daawo....
Goolaftanka iyo godob-raadinta reerka wax laga dilay,
gabashada iyo keeb la yuururka reeraha wax dilay, werwerka iyo
wadno farku haynta guddida dhexdhexaadinta ayaannu laba habeen
dhexdooda ku noolayn – Hadday Ceel Walwaaleed, ku go’aan
wadaamuhu, waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa- waxa
keliya ee dhallinyarada xamaasaddaysan ee doonaysa inay
aargoosto lagu baajin karaa – dedaalkii iyo jilibsalaaxiddii
guddida dhexdhexaadintana lagu meelmarin karaa waa geelii,
lacagtii iyo hablihii oo lagu keeno muddadii loo ballansanaa.

Waxay
ahayd markii iigu horreysey noloshayda ka qayb galo meel mag
lagu kala qaadanayo. Inkastoo xaaladdu maalintaa degenayd,
haddana waa ‘meel baas’ dhiig dad lagu kala qaadanayo, reer reer
baa loo kala fadhiyaa, weliba afar meelood baa loo kala fadhiyaa,
labada nin ee wax dilay isku jifi may ahayn oo laba meelood bay
u kala fadhiyaan, reerkii wax laga dilayna goob bay fadhiyaan,
guddidii dhexdhexaadintuna goob bay fadhidaa;
Subaxdii dambe, 7 March 2008, waxa balliga weyn ee gobabka
waaweyn leh ee tuullada Taallabuur la soo tubay dhowr boqol oo
geel ah (240) iyo dhowr gaadhi oo ku shixnadaysan lacag qaynbaar
ah (qaynbaar waa lacagtii hore ee Somalia 50 -100 shl), waxa
dhirta gobabka ah hoostooda fadhiistay boqolaal dad ah oo ka
kala socda afartii qolo iyo dadweyne magaalada ka soo daawosho
tegey.

Sawirro Badan oo qoraalka la socdey Halkan ka daawo....
Waxa la qalay geel iyo adhi badan, si dadkaa wax loo
gaadhsiiyo, guddi jajaban, marti soor badan iyo magaallo
isxilqaantay ayaa markiiba dadkii kala fulisey, waxaana labadii
duhurnimo loo dhaqaaqay tirinta geela, eeggida tayadiisa iyo
turxaantiisa. Waxaan maqli jirey ‘waxaasi waa geel kiis’ sow
waxa looga jeeddaa waa wax aan dhaqasho iyo iibsasho toona la
isugu keenine, dheg-la-soo-qabay la isugu keenay, waa geel aaran,
udufaa, nirgo, halo dhalay, halo duqoobey, awr koromo ah, qaalmo
abeer ah, iyo kuwo rimay ah isugu jira. Waa geel abaar jooga oo
duqaydiisa iyo aarankiisa aan dhogor xumo darteed la kala garan.
Geelii baa marka qolo laga tiriyey, qoladii kalena loo tiriyey,
lacagtiina sidii si le’eg baa lagu sameeyey. Hablihii iyaga
goobta lama keenin balse nimanka loo meherinayo iyo gabbaatigii
laga bixinayey baa lagu xidhay, taasi hab maamuus leh bay u
dhacaysaa, waxaanay hiddaysanaysaa maahmaahdii ahayd “Meeshii
xinjiri ku dhacday ,xabbaa lagu bururiyaa”,
Waxaad gelaysaa jawi naxdin leh, waayo waxa meesha lagu kala
qaadanayaa ‘qof dhiigiisii’ oo xaqdaro lagu dilay, taasi badh
bay ka tahay mushkiladda abaarta iyo oonka, mushkiladda dilalka,
aargoosiga iyo aannada ah ee had iyo jeer ka dhaca dalka. Hase
yeeshee, weli waxay ku afwaajinayaan belaayo intaa ka sii weyn,
mid aan laba qof ku koobnan doonin ee boqolaal qofi ku nafwaayi
doonaan sidii ka dhacday Daroor oo kale.
Haddii, maamul dowladeed oo caddaali ahi jiri lahaa, taasi
may dhacdeen, qofna qof si sahlan kuma dileen, reerana mago
kumay kala qaateen, hablo aan dookhoodii la weydiinina godobreeb
may noqdeen. Waa markii lagu ducays jirey, ilaahow inantii reer
miyi hana dhigin, mid sida xoolaha loo kala iibsado (gabbaati)
haddii lagu heshiin waayana, la kala dhaco (lategis) oo la isku
laayo, oo dabadeed godobreeb laga dhigo oo mid xaqdarro wax ku
dilay dartii loo bixiyo, mid la dumaalo inta seygeedii la dilo,
mid la kufsado, mid iyadoo dhashay la raro (hayaansho). Mid inta
dhexda xadhiga loogu xidho, dhaqashada xoolaha, dhallidda
carruurta, dheri karinta, guri dhisidda, dhaan aroorinta, dhigo
iyo lool samaynta iwm loo diro, weliba dhebi dabadii iyo hangool
lala dhaco. Meeshaa (miyiga) meel dumarka uga xun weligay ma soo
joogin, ragga joogana uga caqli xun.
“macno ma leh walaalkaa miyi iyo naag magaalaba’
Halkan, hoose, ka daawo cajalad fiidyow ah oo ku saabsan dhacdadaa
Taallabuur, geelii oo la tirinayo, caaqilladii oo ka warbixinaya
dhibtii iyo jidaashii ka soo martay geel ururinta, ergedii
dhexdhexaadinta oo niyadsami ka muujiyey sida loogu hoggaansamay
go’aankoodii, dadweynihii geela tirinayey ama celinayey iyo
Hadrawi oo sharax ka bixinaaya geedka ‘gobka’ ah iyo waxtarkiisa
– daawasho wacan –
DAAWO: Video clip – Halkan ka
daawo
AKHRI QAYBTA 6aad....

Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
aftahan@gmail.com