SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Wadado Maantaad jaanis haystaaye sidii Dagaal Oogihii oo kale ha noqonin

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com  
cmakhtal@yahoo.com
  
0025290637448  

Hordhac 

Makhtal Iyo Jimcaha

Akhristayaasha Sharafta Mudanaw hadii Eebe Idmo waxa aynu Todobaadkasta maalinka Jimcaha aan Page-kan Somalitalk.com idinku soo gudbin doonaa Qormo aan ugu Magac Daray Makhtal iyo Jimcaha, waxaana kaga hadli doonaa Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Adeegyadda Bulshadda W.barashadda Iwm , Dhaqan Dhaqaale iyo waxyaabo xiisan badan sida Taariikhda oo kale.Waxaan Tixgalin doonaa Fikirka Akhristayaasha iyo waliba talooyinkooda iiguna soo Hagaajiya Emailadda hoos ku qoran iyo Mobilka.Mahadsanidin 

Dalkeena Hooyo iyo shacabkeenuba waxa ay ku jiraan 20-sano oo Dagaalo, Abaaro iyo waliba Masiibooyin fara badan sidoo kalena waxaaba dadka Soomaaliyeed ka dhimatay Rajadii ay ka qabeen Dib isku soo noqosho ka dib markii ay Burbureen fashilaado waa weyna kuna yimaadeen Dawladihii la soo dhisay ilaa 1991 waxana hal doorka u noqday fashilitaankoodii Madaxdii loo soo doortay oo Danahooda gaarka ah Ilaashanayey. 

Fashilka Dawladihii Dhicisoobay ee Soomaaliya loo soo dhisay uguma aysan weynayn oo kaliyaha Madaxdii la soo doortay oo danahooda gaar ah Ilaashanayey hase-yeeshee waxaa kale oo qayb weyn ka qaatay Gacan togaalayn shisheeye oo ku danaysanayey Dawlahaas sidoo kale Raggii hal doorku u ahaa waxa ay Aaminsanaayeen hadii aan Dawladaha shisheeye aysan Taageero uusan ka helayn in aysan Madaxtinimadiisu aysan hano qaadayn.Waxaa kale oo iyaduna Miisan weyn ka soo qaadatay Ragaadintii Dawladihii Soomaaliya loo soo dhisay Qab qablayaal Dagaal oo haystay Gobolo iyo waliba Xaafado muhiim ah oo ka tirsan xarumaha Dalka. 

Waxaan meesha ka maqanayn cadaalad daro iyo isku dheeli tirnaan Golayaasha Dawladda oo Raggii xilalka soo kala qabtay ay jifooyinkooda hoose ku tixi jireen sida Tusbaxa oo kale waxa ayna dhaxal siiyay, Ragg Cadaalad waayaa sidii Cawsha kala yaacye! 

Culimadda Soomaaliyeed iyo Kaalinkooda 

Muddo labaatan sano ku dhaw Marxaladii uu dalkeena Hooyo ku jiray ee ahayd Dagaal ooge ku qaraabanayey Magaca Qabiilka oo Malayshiyaad jiri iyo mooryaan ah wata danina aysan ugu jirin in dalka Soomaaliya uu Nabad noqdo, Dawlada dhalantana u arkayey in uusan waxba ka helayn Aqoonteed iyo Xilkasnimadeedana lahayn.,Mar hore Caruurtiisi Amerika iyo Yurub u dhoofiyey kana Biilaya Baaddo iyo Dhac uu u geysanayo Hooyooyin Masaakiin ah oo Ganacsi yar yar u Ubadkooda ku korsada 

Soo Bixitaankii Maxaakiimtii Islaamka iyo Awood badnida Culimadda Soomaaliyeed waxa ay shacabka ku Abuurtay Rajo iyo Xasilooni iyo in Halaagan lagu jiro dhabihii looga bixi lahaa la helay, waxa ayna shacabku Taageero hoo iyo Hiilba ah la garab istaageen Ehlu Diinka Soomaaliyeed,waana tii Ciil iyo Shalayto biday Raggii dalku ka xasili waayey!  

Culimadda Soomaaliyeed ayaa waxa ay kaalin lama ilaawaan ah ka soo ciyaareen Burburka Soomaaliya, waxa ayna heleen Fursado aysan ahayn xiligii Dawladii kacaanka Soomaaliya ayna ku soo bandhigi Karin Cadaynta Xaqa iyo Baadilka, waxaana dhacdayba in Culimo si waxashnimo ah loogu dilo sheegida wixii Alle Yidhi ( SW), in badan oo Soomaali ahina ay Rumaysantahay in ay ahayd Maalinkii Calanka Soomaaliyeed Ciida galay walina uu ku jiro! 

Dawladii markii ay dhacaday waxaa dalka Soomaaliyeed damcay in ay kala miirtaan Qabqablayaal hogaaminayey jabhado laga soo maleegay Dalka Itoobiya ayna kala Hogaaminayey Gen Maxamed Faarax Caydiid iyo Col Cabdilaahi Yuusuf iyo Ragg kale. 

Gobalka Xeebeedka Bari ee Soomaaliya ayaa shacabkii iyo Odayaal dhaqameedkii joogay markii ay u adkaysan waayeen sidoo kalena laga baqay Dagaalo Qabiileedo fool xun oo ka dhashay Maamulidda Dekedda Boosaaso ayaa waxa ay xal u arkeen in Culimadda u dhiibaan Dekedda iyo Magaaladdaba, Maamulkeedana u dabo fariistaan.Waa la ogaa sidii Xaal noqday iyo in Culimadu ay tahay Hogaanka dhabka ah ee Soomaaliyeed, balse Shirqool uu Soo Maleegay Col Cabdilaahi Yuusuf ahaana ninkii afgamigu uu ku dhacay ayaa iska horkeenay Culimadii iyo shacabkii Gobaladaas,waana la ogaa wixii dhacay. 

Taageeridda Shacabka Soomaaliyeed ay u hayeen Culimadda Soomaaliyeed iyo isku Xukunka Shareecadda Islaamka, Dhibka jirana looga bixi karo waa diinteena wanaagsan oo qudha. waa tii la hareereeyey Dawaladii Fadhiidka ahayd ee Cabdilaahi Yuusuf, hase-yeeshee waxaad moodaa in Weerarkeeda iyo Goondintii la waday ay Deg deg ahayd, waxaa loo arkayey labo Maalmood oo Dagaal ah ka dibna Baydhabo la tagayo balse Diyaarado Itoobiyaan ah iyo Hub aysan Maxkamaduhu haysan iyo dhibkan lagama Fakarin 

Maanta Itoobiyaan Soomaaliya ma joogo, Qabqablayaashii faraha badnaana ma jiraan waxa Awoodda isku haysta waa Culimaa’u Diin mid waliba Doonayo in dalka Diinta Islaamka lagu Xukumo (Alahu Akhbar), waxaase muran ka taagan yahay sidii la iskula jaanqaadi lahaa jaana iyo jiibtanta la isku heli lahaa 

Mujaahidiinta Soo Dagaalamay naftoodiina galiyey in aan dalka Soomaaliyeed Gaalo joogin ayna Gumaysan Karin, baal dahab ah ayey Taariikhda Umadda kaga jiraan, waana in aan la ilaawin lana dhayalsan Karin Miisaankood, waana Geesiyaal aan Gafka u Dul qaadan, Gardaradana aan yeelin Geeridana aan Diidin, iminka waxa aynu joognaa Guul Ilaahay Mahadii, Shareecadiina Islaamka dalka waa lagu Xukumayaa, Dawladii Islaam ahina waa ay jirtaa, laakiin ma ahan in mar kale la jabo mana ahan in sidii la moodayey Culimadu ay noqon waayaan, waana in aan Dhalinyaradda Xamaasadaysan aysan Deg degin sidii hore, waana in ay Taladda u dabo fariistaan Culimadda Soomaaliyeed ee waa weyn, waana in la qiimeeyaa Dagaal hadeer dhaca dhibka uu keenayo iyo Ujeedda ka danbayn doonta. 

Dawladda waxaa looga baahan yahay in ay ka leexado dhabihii ay qaadeen kuwii ka horeeyey, Madaxweynaha Shiikh Shariif iyo Raysulwasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waa ragg dhalinyaro ah runtii waana dadkii uu ku dhacay Halaagii dhacay, Dadka Dagaaladda galayey, kuwa La laynayey kuwa wax laynayey kuwa Qaxoontiga ah, kuwa Mustaqbal Xumadu ku dhacday waa dhalinyaradda noocooda oo kale ah 

Waxaa manta la idinka baahayn yahay Badbaadinta Dalka Soomaaliya, waana in aad talo wadaag, tixgalin iyo Qancin ay idinka helaan walalihiina Muqaawamadu, waa in aad Awooda Dalka iyo Golayaasha muhiimka ah ee Xukuumadda lagu daraa, waa in aad dalka Soomaaliyeed laga badbaadiyo Dagaal qaata 20 sano oo danbe. 

Ciidamo Shisheeye

Ciidamo Shisheeye oo Soomaaliya la keenaa hadii ay ka socon lahaayeen Dawladaha Safka hore, Kuwa Afrikadda kale amase UN-ka wax dhibaato ah oo ay keenaan mooyaane marna Nabad kama dhalinkaraan Soomaaliya, Nabadana shisheeye  ma dhaliyo. 

Ciidamadii Q.midoobay ee Soomaaliya yimi bilawgii Sagaashameeyadii maxaa laga dhaxlay? Kuwii Itoobiya Maxay Keeneen? Kuwan Amison Maxay la joogaan?, Soomaaliya xalkeenu waxa uu ku jiro waa in Malayshiyaadka Muqaawamadda iyo kuwa kaleba la mideeyo loona furo taba bar heer sare ah , kuwaas baa Amaanka Soomaaliya sugi kara xalka Soomaaliyana uu ku jiraa, Madaxweyne Shiikh Shariifyow 2006 markii Calankaagu taagnaa Yaa ku ilaalinayey Ilaa Gaalkacyo iyo Kismaayana yaa kuu nabadeeyey ma Ciidamo Shisheeye? 

Gaba Gabadii 

Xukuumadda waxaa Hugaaminaya Wadaado leh Diinta ayaanu dalka ku dhaqaynaa, waxaana ka soo horjeeda Wadaado leh Diinta ayaanu dalka ku dhaqaynaa, Xagee bay iska qaban la dahay! Wadado Maantaad jaanis haystaaye sidii Dagaal Oogihii oo kale ha noqonina 

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com  
cmakhtal@yahoo.com
  
0025290637448 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS