SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Shareecadii oo Shactiro laga Dhiganayo baa Haddana Sheybabkii Shanta ku Taagayaan Shabaabka!  

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Shariifka iyo nimanka taageera waxaan ku sheegay in gaareen meeshii Xasan Turaabi gaaray markii ay ka soo goosteen garabka Casmara! Xitaa tagiddii Casmara raalli kama ahayn anoo nacayey in Shariifyadu helaan jago ay ku dawarsadaan. “wadada toosan Soomaali waa looga woow godaye”. Gabyaa Soomaaliyeed baa yiri waagii NFD lala wareegayey. Waxaan shacabka tusayey iney soo wadaan sheeka ah in lagu jeesjeeso diinta Islaamka. Xasan At-Turaabi wuxuu diiday Axkaam badan oo Islaamka. Wuxuu qabaa in dumarku masaajidda ragga ka tujin karaan! Mid ka mid ah kuwa ay Turaabi isku mabda’a yihiin baa sheegtay inuu ka dookh fiican yahay nabi Muxamed (SCW) maaddaama uu Nabi Muxamed (SCW) isu quuray inuu guursado gabar 9 jir ah! 

Maqaal aan ka qoray baarlamaanka qaatay Shareecada ayaan ummadda Soomaaliyeed ugu sheegay iney jeesjees tahay. Dhowr qof baa waraaqo ii soo qoray oo yiri: ma qeybkaan ogahay? Waxaan ku iri: mayee, diintaa tiri inaan qof muslim ah labo jeer god laga qaniinin. Maqaalkaas waxaan ku sheegay anoo soo daliishanaya xaddiiskii ahaa inaan qof addoon ah oo la leeyahay beeco lala gelin ayaan ka fahmay in dowlad gaalo soo dhistay aan waxba laga maqal. Daliilkaas wuxuu ku socday Musaalixada maaddaama ay dadka xukunka diinta ka xigsadeen kaddib maqaalku wuxuu ku wajahnaa Soomaalida oo dhan. Maqaalka oo khaddiisu qoyan tahay baa addoon ka mid ah seddexda addoon ee dowladda ugu sarreysa isa sii taagay Addis Ababa isagoo leh: Shareecadaan sheegeyno ma aha midda la oofinayo xudduudaha sida gacma-goynta! Wuxuu ka wadaa: xadadkaas waa laga ilbaxay! WALLAAHI waa hadal gaalnimo ah. Bal weydiiya Musaalixada!
 

Musaalixada qaar ka mid ah, odayaasha Hawiye qaarkood iyo Soomaali badan baa soo dhoweeyey hadalka baarlamaanka! Belaayo soo dhoweysta. Haddee jeesjees baad soo dhaweysateen. Waxaan ka afeeftay markaan maqaalkaas bilaabayey weynaanta arrintaas. Anoo dadka xasuusiyey inaan ku dhiirran karin ka-been-sheeg dad sheegtay inay Shareecada Islaamka isku xukumayaan. Ilaah baa mahad leh, saacado keliya iftiimiyey waxaan sheegayey.
 

Meesha Shareecada lagu jeesjeesayo waa Addis Ababa! Waa Zenawi hortiisa. Ninka kaalmado la weydiisanayo waa Zenawi. Iyadoo halkaas marayso ayaa odayaashii Hawiye iyo Cumar Xaashi bilaabeen iney dadka ka jeediyaan gaalnimada ay dowladdu ku hadashay iyagoo leh: Ash-Shabab baa na soo weeraray! Halka Cumar Xaashi weerarka ka bilaabay Baladweyne. Waxay rabaan in dadka la waalo oo inta gaalnimada dowladdu kaga horhadashay gaalka Zenawi laga leexdo in wiilashii naftood-hurayaasha ahaa yool laga dhigto. Waxaan odayaashu xisaabta ku darsan inaan dadka Soomaaliyeed ahayn Shiicada oo kale oo qof sidii ilaah iska dabogala wax kastoo qofkaasi sheego. Xitaa ma aha qaabka Carabtu ay odayaasha qaarkood iskaga dabogalaan.
 

Bal adba fiiri. Haddaad aragto oday ay Soomaalidu qiimeyso waa oday ku dhexjira Muqaawamada - oo ileyn ku dhexjirka dadka fiican waa laga faa’iidaaye - magac ka helay. Meeye odayaashii dagaalkii sokeeye ka qeybqaatay? Kuwii Caydiid iyo Cali Mahdi kala taageeray? Kuwii C/hi Yuusuf raacay? Haddeer qaar Xamar jooga baa markii Tigreegu soo galayey Xamar iyo Soomaaliya inta Salaad Cali Jeelle iyo Maxamed-dheere ka hor khudbeeyeen dhaheen aan leynno walaalaheen! Ogoow, saacaddan aan joogno weli odayaashaasi waa odayo-dhaqameedyo! Haddii hadda odayaashan leh Ash-Shabaab iyo Muqaawamaa na soo weerartay isku dayaan iney khaldaan shacabka kuma guuleysanayaan. Sidii kuwii Waqooyiga Xamar u khaldiwaayeen shacabka Soomaaliyeed ayaan kuwaan Koonfurta Xamarna u khaldi karin. Kuwii Waqooyiga Xamar qaar baa iyagoo C/hi iyo Geeddi taageeraya ku dhintay! Aakhiro ma Geeddi iyo Zenawi baa leh?
 

Nabi Muxamed (SCW) baan weligiis naftiisa shariifka ah u xanaaqin. Keliya wuxuu u xanaaqi jiray markii diinta Ilaahay wax loo dhimo. Shareecadii Islaamka oo ra’iisul wasaaruhu ku jeesjeesayo baa odayaashu rabaan inta u xanaaqi weynno inaan u xanaaqo oday leh: Shabaabkaa isoo weeraray? ALLAAHU AKBAR! Odayga see wax ka yihiin? Soow odaygii lahaa maaha markii la soo daayey: sarkaal Itoobiyaan ah baa inta xabsiga iigu yimid i weydiiyey: haddaad Soomaali tihiin idinkoo hal qoomiyad ah maxaad isu leysaan; annagoo Itoobiyaan ah oo intaas oo qowmiyadood ahba isma leynnee? Odeygaasi wuxuu yiri: waxaan arritnaas u waayey jawaab! WALLAAHI waa maalintaas markaan odeygaas ka samray. Markuu saas leeyahay wargeysyada Caalamka oo dhan baa qorayey waxa Zenawi ku sameeyey Soomaali Galbeed! Waxaa Soomaali Galbeed daadsanaa meydadka carruur iyo cirroole u dhintay gaajo iyo qaar iyagoo nool lagu gubay guryahoodii! Ilaah baan idin ku dhaarshee odayga intaas le’eg ee xasuusan waayey malaayiinta qof ee Soomaaliyeed ee Zenawi xasuuqayey see wax ka yihiin? Qofkii isku kooba oo cabbirkiisa iyo miisaankiisu noqdo qabiil haddee waa qofka gaalo rabto. Xasan Turki inta Raaskaambooni ka soo tagay buu dadkii Bashiir Raage, Maxamad-dheere iyo Cabdi-waal ka qabtay. Oday Soomaaliyeedna ma kala jecla carruurta iyo cirroolaha lagu gubay Soomaali Galbeed? Soow sheekadii Feysal Cali Waraabe maaha? Hadda odayaashu waxay hoosta ku heystaan Amisom halka ay dacaayd ku bilaabeen Muqaawamadii! Soomaalaay Amisom ma jinsiyadda Soomaaliyeed baa la siiyey?
 

Nimanka odeygaas xabsiga dhigay ma ahayn Muqaawamada ee waxay ahaayeen Cabdi Qeybdiid, Saciid-dheere iyo Gabre. Hadda odeygaasi iyaguu dhinaca saaray! Wuxuu rabaa inuu yiraahdo aan leynno Muqaawamada!
 

Sida horay loo sheegay filimka Maraykanku ka soo dhigay Ciraaq iyo Afganistaan kama soconayo Soomaaliya. Mar horaba waxay ahayd in Xamar dagaal culus ka dhaco laakiin Ilaah baa naga baajiyey. Maalmo markuu Cumar Xaashi isku dayey inuu reer Banaadir khaldo laakiin laga dhega adeygay ayuu Beledweyne inta la hadlay ku jiri jifadiisa la dagaala Muqaawamada! Muxuu ka helayaa nin jufadiisa dagaal gelinaya? Mar nin gabyaa ahaa reer tolkiis la hadlayey buu uga digay inaan  cadow ka faa’iideysan oo la isku dirin. Muhiimaddu maaha mabda’a ninkaas iyo sida wax ku socdeen keliya waxaan uga dan leennahay meerisyada. Wuxuuna yiri:
 

Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e;

Shayddaan dakhawlamahayaa, soo dakhaakhula’e

Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye

Iyagoon dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane;

Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye

Dawgooduu suu yahay haddaan, daayin solansiinnin

Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan;

Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye

Haddaan taladu way daabataye, odayo daaweynnin

Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin;

Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye

Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane,

Maba aragno sida CIA, Zenawi, Ahlu Sun Wal Jabaljaan, Ashahaado-la-dirir iyo kuwa kale loona gaatamahayaan warmaha iyo iney damiyaan Nuurka Ilaahay. Waxaan kula talin lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo wixii iimaan ku haray ee ku abtirsada Maxkamadaha inaan Maraykan iyo Itoobiya loo noqon daabbad. Waxaa u fiican iney ka damqadaan sida Shareecada Islaamka loogu jeesjeesayo. Shareecada Islaamka Ilaahay baa xafidaya ee nin walboow u nax dadkaaga. Kaddib wixii ra’iisul wasaaruhu kaga hadlay Itoobiya isagoo diinteenna caayey, cadowgeennii koowaadna warsaday iney noo tababaraan xoogga dalka Soomaaliyeed  ma filayo in qof muslim ahi waxaas raalli ka noqon karo marka waxaan kula talinayaa in wiilasha Maxkamadaha sheegta ee Jooga Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ay aqbalaan casuumadda Sheekh Dr Cumar Iimaan oo la joojiyo dagaalka, si degdeg ahna loo midoobo si looga soo horjeesto filimka Maraykanku Soomaaliya ka wado oo ah in Muqaawamada iyo shacabka la isku diro. 

Xerta Xasan At-Turaabi (Islaax) oo u culumeyneysa Cumar Xaashi, Cabdi Qeybdiid, Saciid-dheere, Moorgan, odayaasha Hawiye iyo dowlad-ku-sheegga ma filayo in shacabku ka yeelayo ihaanada Shareecada Islaamka. Waddamada Islaamkoo dhan waa heystaan Shareeco aan xuduud la oofineyn. Qofkii tukanaya ama soomaya cidna ma kala jecla laakiin waxaa nabadda iyo kala-dambeynta keena waa xadduudaha Ilaahay oo la oogo. Marka Islaax waxaan weydiinayaa darsiga aad dowladda Shariifka siiseen muxuu soo kordhiyey?

Sidaan kor ku sheegay Nabi Muxamed (SCW) wuxuu u qiiroon jiray diinta Ilaahay ee marna naftiisa uma dagaalin. Dagaalkii Badar waad ogeydeen adeerkiis Cabbaas (RC) oo la soo khasbay markii la qabtay waa la xirxiray. Taaha iyo jibaadka ka yeeray Cabbaas (RC) ayaa nabigu (SCW) la seexan waayey. Nabiga (SCW) isagoo og arrintaas buu saxaabada tusay inaan la rabin qaraabo-jacayl gooni ah. Waxaa ku filneyd inuu yiraahdo sii daaya adeerkay waa la soo khasbee. Dambina kama soo gaareen oo waa runtiis laakiin waxaa meesha yaal sinnaan marba hadduu Mujaahidiinta ula muuqday nin safka gaalada ka soo jeestay. Marka nabigu (SCW) adeerkiis oon dambi lahayn buu u dooray inuu dhib ku jiro intii shaki gali lahaa Mujaahidiintii Badar xaadirtay. Marka waa qofkee qofka muslim ka ah oo inta odayaal la yaqaan taariikhdoodii hore oo maalinba meel u booda ku raaco khaqdarro raba inuu la dagaalo Mujaahidiinta dar Ilaahay u taagan? Mise Ansaar baa C/hi Binu Ubbayi Binu Salool sheeko-baraleydiisii ku raacday? C/hi Binu Salool jihaadkuu wax ka gali jiray, masaajidduu dadka kula tukan jiray. Marka ku-dhex jirka qolo keliya kuma filna. Waxaa muhiim ah mabda’a. Marka haddaad aragtid qof Mujaahidiin heysta oo raalli ka ah gaalo sida Amisom waxaa ku jira calaamadihii nifaaqa hadduusanba munaafaq ahayn. Ma dhahayo Muqaawamadu waa malaa’ig. Marka qofkii muslim ahoow kala dooro xaqa iyo baadilka. Ama odayaal aan la isku halleyn karin oo ka soo jeestay safkii gaaladu watay raac ama Muqaawamada raac. Odeygii xaqa soo raacaa waa la soo dhoweyn; kii gaalada raacana kama duwana gaalo-raacyada kale. Sidii Turaabi inta saaxiibkiis Cumar Al-Bashiir uga tagay ugu galay safkii jamhaddii gaalada ahayd baa qolyahaas xarakada sheeganaya waxay rabaan inta Zenawi, Amisom, CIA iyo Beesha Caalamka saaxiib nooga dhigaan inay nagu diraan walaalaheen. Yaase ka yeelaya?

Ku-Jeesjeeska Shareecada iyo Jaal-ka-dhigashada Indho-cadde.. Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: