Ku-Jeesjeeska Shareecada iyo Jaal-ka-dhigashada Indho-cadde
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Muqaawamadu meelahay heestaan sida Jubbooyinka, Marka, Bay & Bakool iyo
Gedo waxaa lagu xukumaa Shareecada Islaamka. Muqaawamadu wax Ilaahay amray
cidna kalama tashan. Maxaa qolyaha dowladda sheeganayaa sidaas ugu
jeesjeesayaan diinta Ilaahay?! Intaydaan is oran war ninkaan maxaa wada;
ogaada arrintaan ka hadlayo weynankeeda. Hadday idin la noqoto inaan ka hor
imaanayo imaam caadil ah oo diin Ilaahay dadka ugu baaqay inuu ku xukumo
haddee saad rabtaan u qaata laakiin ha la is fahmo.
Jeesjeeska ugu horreeya wuxuu ka dhacay sida loo ihaaneeyey xafladdii “Shareeco-isku-xukunka”!
Soow goobta kama maqneyn seddexdii nin ee la lahaa dowladday ugu sarreeyaan?
ALLAAH baan ku dhaartee, aniga intaasaa iigu filan jeesjees. Waa wax aan
awalba filayey. Qofkii wax ka yaqaan marka baarlamaannadu ka doodayaan arrimo
dowladda muhiim u ah iska daa dadweynaha iyo dalkoo dhane aad baa looga
fekeraa. Waddanka Biritain oo ku dooda inay shumuca u shideen dimuqraadiyadda
casrigaa, marka dowladdu sharci soo saarayso xitaa hadduu yahay sharci dadka u
dooda xuquuqda aadamuhu dhibsanayaan sida kan ka hortagga argagixisada waxaa
ra’isulwasaaruhu isagu yeeraa inta xildhibaan ee uu isleeyahay taageeruu ka
heli kartaa. Xitaa wasiirkii shaqo ugu maqan waddanka dibaddiisa waa inuu ka
soo tago oo yimaado. Marka xaflad lagu sheegay inay ku saabsan tahay
Shareeco-isku-xukun oo seddexdii nin ee waddanka ugu sarreysay ka maqanyihiin
soow ihaano la ihaaneynayo diinta maaha? Markii Nayroobi looga yeeray xubnaha
baarlamaanka ama C/hi Yuusuf loo shirayey soow Aadan-madoobe ma joogin? Waxaan
aaminsanahay inay Beesha Caalamka istusayaan ooy rabaan in la dhaho: waxay ka
maqnaayeen meeshii looga hadlayey diinta Islaamka marka nimankaasi ma aha
niman xagjir ah!
Shareeco-qaadasho waxay keeneysaa in xudduudaha la oogo. Bal aan aragno marka
Janaqoow xudduud oogo. Ma u maleyneysaan in Janaqoow xudduud oogi karo?
Maaddaama dowladda ay Beesha Caalamka soo dhisteen ma filayo iney xudduud oogi
karaan. Marka dowlad aan xudduud oogeyn maxay tahay Shareecada ay ku dhaqmeyso?
“Maxaa la iga helin berriba waan lumine”. Haddaad i rumeysanweydaan waad
arki doontaan iyadoo baarlamaanku ka shirayo arrin la rabo in la ansixiyo.
Haddii Shareeco la qaatay, saacaddaas la joogo waxaa meesha ka baxaya
xubinnimada sharci-dejin. Waan ogahay ineysan yeelayn marka waad arki doontaa
iyagoo Shareeco sheegtay haddana baarlamaanku kulumo yeelanayo. Marka waxaan
dadka kula talinayaa ineydaan dhiniciinna ka wadin ku-jees-jeeska diinta
Ilaahay. Wey dhici kartaa in dadka baarlamaanka qaarkood gole Shuuro lagu dari
karo laakiin waxaa khasab ah in la kala diro xildhibaannada haddii Shareeco
meesha soo gasho. Marka waxaan rabaa marka Musaalaxadu soo dhoweyso sheekada
Shariifka oo haddana la arko xildhibaanno ka doodaya arrinta Soomaaliya! Marka
berri ma foga.
Indho-cadde! Maxaa ku ogeysiiyey Indho-cadde! Waagii Maxkamaduhu ka dhigeen
madaxa difaaca waxa dhacday in dad badan oo ka soo jeeda Shabeellaha Hoose la
marsiin waayey in meel Indho-cadde ku jiro kheyr ka soo socdo. Dadka Puntland
ka soo jeeda laftoodu waa diideen arrintaas. Xitaa qaar aan taageeri jirin
dagaaloogayaasha ayaa Indho-cadde iska soo taagay. Qaar badan baa i weydiin
jiray su’aalo ku saabsan Indho-cadde. Waxaan ku oran jiray oo aan haddana
Indho-cadde xasuusinayaa in Islaamku qabo in qofku dadka wanaagsan la saaxiibo.
Waxaan oran jiray war intuu Itoobiya aadi lahaa soow ma fiicna inuu
Muqaawamada ku dhex jiro? Waxay dhihi jireen: haa. Weligay kama baqin inaan
qof la doodo laakiin su’aasha aan jawaab u waayey waxay ahayd: hadduu rabo
Indho-cadde haku dhexjiro Muqaawamadee maxaa looga dhigay madaxa difaaca?
Marna jawaab uma helin. Xildhibaan ka hadlayey arrintan Shareecada oo hadda
Xamar jooga mar aan dood ku wada galnay Tv-ga Universal wuxuu ka soo horjeeday
Muqaawamada 2006-dii. Weli markaas Maxkamaduhu Xamar ma qabsan oo dagaalkii
baa socday. Taariikhda miillaadiga oo ah 18/04/09 xildhibaankaas iyo
Indho-cadde maanta in Shareeco la isku xukumayo bey noo sheegeen!
Xaddiiskaan rabo waxaa wariyey Abuu Daa’uud. Albaani (RC) wuu saxiixiyey
xaddiiska laakiin culumo badan waxay dhaheen waa Xasan. Waa xaddiis sanad
habboon. Xaddiiska intiisa hore oonan soo qori doonin waxaa wax ka warshay
labada sheekh iyo qeyrkood. Xaddiiska qeybtiisa dambe waxay leedahay:
Saaxiibka wanaagsan wuxuu la mid yahay sidii qof cadar/barafuun-gade ah,
haddaadan qofkaas wax ka dheefin (ka gadan ama kuu marin) waxaad ka heleysaa
ur udgoon; saaxiibka xunna wuxuu la mid yahay qofka leh hoosada birta lagu
tumo (ee geesaha iyo biraha guba), haddii aadan madoow/wasakh ka qaadin waxaa
kaa soo gaaraya ur xun.
Akhristayaal waad ogaydeen markii 2006-dii loo dirirayey Ashahaado-la-diri iyo
Maxkamado, Indho-cadde wuxuu ku meekhaan ahaa Maxamed-dheere, Muuse Suudi iyo
Qanyare. Waxaa caqligiisu siiyey inuu la fariisto Muqaawamada taas oo keentay
inuu ka faa’iido dadkaas uu ku biiray. Wuxuu meel la soo istaagi jiray Abuu
Mansuur, Cayroow Allaha u naxarisitee, Fu’aad Shangole iyo Xasan-Turki.
Inkastoo uusan ku fiicneyn in jagadaas loo dhiibo haddana hub iyo ciidan uu
watay waxay ka dhinac dagaaleen Maxkamadaha. Shaki ma leh sumcadda Indho-cadde
ka helay ku-biiridda Muqaawamada. Sida xaddiisku sheegayo kuma khasaareysid
la-shaqeynta iyo ku-biiridda dadka wanaagsan sida Muqaawamada saxda ah.
Maxuu hadda Indho-cadde u rabaa inuu la fariisto Cabdi Qeybdiid, Qanyare,
Moorgan, Saciid-dheere, Aadan-madoobe iyo Muuse Suudi? Ma waxaad baratid waa
baaskaa baa? Barkhad-cas Allaha u naxariistee waxaa laga hayaa: waxaad walafto
oon wad kaa helin ka waantoobey waa war loo noqon! Carabi ahaan waxay dhahaan
haddii la Soomaaliyeeyo: qofkii wax ku ceysha/ku kora/ka qabatin barta waa ku
dul dhintaa (man caasha calaa shey’in maata calayhi). Horta waa la kala
baxayaa. Waxaan filayaa in shacab badan oo Muqaawamada Indho-cadde ku nacay ay
hadda taageeri doonaan. Waxaan aaminsanahay in Muqaawamadu ka faa’iidi
doonto ka-tagga Indho-cadde.
Ceeb badanaa in been lagugu barto! Soow Indho-cadde maahayn ninkii saxaafadda
ka lahaa sida BBC-da inuusan siyaasad dambe galeyn, hubkiisana uu waqaf ka
dhigay oo uu ugu deeqay Muqaawamada? Meeday ballantaasi? Soow ninkii maalin
dhoweyd lahaa wuxuu casilay sheekh Cumar Iimaan maaha? Soow ma muuqato in
Indho-cadde markuu jago ka waayey Xisbiga Islaamiga ah hadda uma doolaalin
dowladda Shariifka? Haa. Ma filayo in waxaan ceeb ahayn uu ka helayo. Marka
yaa rumeysanaya hadalka Indho-cadde oo dambe? Teeda kalase isagoo saaxiibbo
fiican heysta muxuu u rabaa inuu la fariisto saaxiibbo xun oo cadow soo
dhoobdhoobay?
Ilaahay wajigiinna doori! Niman markay garoonka ka soo baxayaan lagu qaado
taangi Amisom baa leh: Shareecaan isku xukumeynaa! Ma aqaan Musaalixadu waxay
qabaan laakiin WALLAAHI aniga xaggeyga waxay ka yihiin qof addoon ah oo qofkii
lahaa oon arkeyn iska dhigaya inuu xor yahay. Mar nabigu (SCW) beeco la galay
addoon soo baxsaday oo Madiina yimid kaddibna ninkii lahaa oo raadinaya
Madiina yimid ooy khasab ku noqotay in nabigu (SCW) qiimihiisii bixiyo.
Maalintaas laga bilaabo, nabigu (SCW) dadkuu beecada la galayo wuxuu weydiin
jiray in xor yihiin iyo in kale. Haddaysan xor ahayn beeco lama gali jirin.
Marka WALLAAHI inaanan dowlad aan xor ahayn wax ka dhageysaneyn. Qofkii
aaminsan in Beesha Caalamku rabto in inta “Muqaawamada” diinta khaladka ka
fahantahay naga qabato, kaddibna noo dooraya in Shariifku nagu xukumo
Shareecadii Islaamka oo sax ah, isagay jirtaa!
Soow Indho-cadde ma oran jirin haddii dowladdu Shareecada ku dhawaaqdo waan
raacayaa? Si Indho-cadde loo soo dhoweeyo ayaa baarlamaanku ku hadaaqay waxaas.
Haddee Indho-cadde siduu rabay loo yeel. Marka bal Indho-cadde wuxuu usoo
kordhiyo dowladda aan aragno.
Shaki iigama jiro jeesjeeska dadkaas. Laakiin jeesjeeskaas ayaan filaynaa in
Ilaahay ka abaalmariyo dadkaas diintiisii usoo dhigtay. Marka Musaalixida iyo
shacabka arrintaas run moodoow waxaa noo ballan ah markaad aragtaan
sharci-dejiyayaal (xildhibaanno) ka shiraya masiirka ummadda. Waxay isu heysan
doonaan iney weli “ilaahyo” yihiin iyagoo ku dhawaaqay iney diinta Ilaah
ku dhaqmayaan. Teeda kale, waan ogahay in dowladda Shariifka oo la iska
leeyahay aysan xad ka mid ah xudduudaha Ilaahay oogi karin. Ma filayo in la
arki doono Janaqoow oo xad oogaya maxaa yeelay Beesha Caalamka oo lacagta
siisa baa qabta in Shareecada Islaamku ka soo horjeeddo “xuquuqda binu
Aadamka”. Taas micnaheedu waa dowladda Shariifku ma fulin karto xad ka mid
ah xudduudaha Ilaahay. Marka Shareeco Islaam oo aan dadka kala xukumi karini
maxay tahay? Musaalixada aan u deynno iney jawaab ka bixiyaan. Waxaas oo dhan
ka kor, Qur’aanka iyo culumadu waxay sheegeen in lagu gaaloobo jeesjeeska
diinta Ilaahay. Marka markii dowladdu oogi weydo xudduudaha maxay arrintaasi
noqoneysaa oon ka ahayn jeesjees? Soowse meel looga hadlayey Shareecada
Islaamka, seddexdii nin ee dowladda uga sarreysa kama maqna?
Maraykan
iyo Musaalaxada oo Weerar ku ah Muqaawamada..
AKhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009
|