SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku-Jeesjeeska Shareecada iyo Jaal-ka-dhigashada Indho-cadde 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Muqaawamadu meelahay heestaan sida Jubbooyinka, Marka, Bay & Bakool iyo Gedo waxaa lagu xukumaa Shareecada Islaamka. Muqaawamadu wax Ilaahay amray cidna kalama tashan. Maxaa qolyaha dowladda sheeganayaa sidaas ugu jeesjeesayaan diinta Ilaahay?! Intaydaan is oran war ninkaan maxaa wada; ogaada arrintaan ka hadlayo weynankeeda. Hadday idin la noqoto inaan ka hor imaanayo imaam caadil ah oo diin Ilaahay dadka ugu baaqay inuu ku xukumo haddee saad rabtaan u qaata laakiin ha la is fahmo.
 

Jeesjeeska ugu horreeya wuxuu ka dhacay sida loo ihaaneeyey xafladdii “Shareeco-isku-xukunka”! Soow goobta kama maqneyn seddexdii nin ee la lahaa dowladday ugu sarreeyaan? ALLAAH baan ku dhaartee, aniga intaasaa iigu filan jeesjees. Waa wax aan awalba filayey. Qofkii wax ka yaqaan marka baarlamaannadu ka doodayaan arrimo dowladda muhiim u ah iska daa dadweynaha iyo dalkoo dhane aad baa looga fekeraa. Waddanka Biritain oo ku dooda inay shumuca u shideen dimuqraadiyadda casrigaa, marka dowladdu sharci soo saarayso xitaa hadduu yahay sharci dadka u dooda xuquuqda aadamuhu dhibsanayaan sida kan ka hortagga argagixisada waxaa ra’isulwasaaruhu isagu yeeraa inta xildhibaan ee uu isleeyahay taageeruu ka heli kartaa. Xitaa wasiirkii shaqo ugu maqan waddanka dibaddiisa waa inuu ka soo tago oo yimaado. Marka xaflad lagu sheegay inay ku saabsan tahay Shareeco-isku-xukun oo seddexdii nin ee waddanka ugu sarreysay ka maqanyihiin soow ihaano la ihaaneynayo diinta maaha? Markii Nayroobi looga yeeray xubnaha baarlamaanka ama C/hi Yuusuf loo shirayey soow Aadan-madoobe ma joogin? Waxaan aaminsanahay inay Beesha Caalamka istusayaan ooy rabaan in la dhaho: waxay ka maqnaayeen meeshii looga hadlayey diinta Islaamka marka nimankaasi ma aha niman xagjir ah!
 

Shareeco-qaadasho waxay keeneysaa in xudduudaha la oogo. Bal aan aragno marka Janaqoow xudduud oogo. Ma u maleyneysaan in Janaqoow xudduud oogi karo? Maaddaama dowladda ay Beesha Caalamka soo dhisteen ma filayo iney xudduud oogi karaan. Marka dowlad aan xudduud oogeyn maxay tahay Shareecada ay ku dhaqmeyso?
 

“Maxaa la iga helin berriba waan lumine”. Haddaad i rumeysanweydaan waad arki doontaan iyadoo baarlamaanku ka shirayo arrin la rabo in la ansixiyo. Haddii Shareeco la qaatay, saacaddaas la joogo waxaa meesha ka baxaya xubinnimada sharci-dejin. Waan ogahay ineysan yeelayn marka waad arki doontaa iyagoo Shareeco sheegtay haddana baarlamaanku kulumo yeelanayo. Marka waxaan dadka kula talinayaa ineydaan dhiniciinna ka wadin ku-jees-jeeska diinta Ilaahay. Wey dhici kartaa in dadka baarlamaanka qaarkood gole Shuuro lagu dari karo laakiin waxaa khasab ah in la kala diro xildhibaannada haddii Shareeco meesha soo gasho. Marka waxaan rabaa marka Musaalaxadu soo dhoweyso sheekada Shariifka oo haddana la arko xildhibaanno ka doodaya arrinta Soomaaliya! Marka berri ma foga.
 

Indho-cadde! Maxaa ku ogeysiiyey Indho-cadde! Waagii Maxkamaduhu ka dhigeen madaxa difaaca waxa dhacday in dad badan oo ka soo jeeda Shabeellaha Hoose la marsiin waayey in meel Indho-cadde ku jiro kheyr ka soo socdo. Dadka Puntland ka soo jeeda laftoodu waa diideen arrintaas. Xitaa qaar aan taageeri jirin dagaaloogayaasha ayaa Indho-cadde iska soo taagay. Qaar badan baa i weydiin jiray su’aalo ku saabsan Indho-cadde. Waxaan ku oran jiray oo aan haddana Indho-cadde xasuusinayaa in Islaamku qabo in qofku dadka wanaagsan la saaxiibo. Waxaan oran jiray war intuu Itoobiya aadi lahaa soow ma fiicna inuu Muqaawamada ku dhex jiro? Waxay dhihi jireen: haa. Weligay kama baqin inaan qof la doodo laakiin su’aasha aan jawaab u waayey waxay ahayd: hadduu rabo Indho-cadde haku dhexjiro Muqaawamadee maxaa looga dhigay madaxa difaaca? Marna jawaab uma helin. Xildhibaan ka hadlayey arrintan Shareecada oo hadda Xamar jooga mar aan dood ku wada galnay Tv-ga Universal wuxuu ka soo horjeeday Muqaawamada 2006-dii. Weli markaas Maxkamaduhu Xamar ma qabsan oo dagaalkii baa socday. Taariikhda miillaadiga oo ah 18/04/09 xildhibaankaas iyo Indho-cadde maanta in Shareeco la isku xukumayo bey noo sheegeen!
 

Xaddiiskaan rabo waxaa wariyey Abuu Daa’uud. Albaani (RC) wuu saxiixiyey xaddiiska laakiin culumo badan waxay dhaheen waa Xasan. Waa xaddiis sanad habboon. Xaddiiska intiisa hore oonan soo qori doonin waxaa wax ka warshay labada sheekh iyo qeyrkood. Xaddiiska qeybtiisa dambe waxay leedahay:
 

Saaxiibka wanaagsan wuxuu la mid yahay sidii qof cadar/barafuun-gade ah, haddaadan qofkaas wax ka dheefin (ka gadan ama kuu marin) waxaad ka heleysaa ur udgoon; saaxiibka xunna wuxuu la mid yahay qofka leh hoosada birta lagu tumo (ee geesaha iyo biraha guba), haddii aadan madoow/wasakh ka qaadin waxaa kaa soo gaaraya ur xun.
 

Akhristayaal waad ogaydeen markii 2006-dii loo dirirayey Ashahaado-la-diri iyo Maxkamado, Indho-cadde wuxuu ku meekhaan ahaa Maxamed-dheere, Muuse Suudi iyo Qanyare. Waxaa caqligiisu siiyey inuu la fariisto Muqaawamada taas oo keentay inuu ka faa’iido dadkaas uu ku biiray. Wuxuu meel la soo istaagi jiray Abuu Mansuur, Cayroow Allaha u naxarisitee, Fu’aad Shangole iyo Xasan-Turki. Inkastoo uusan ku fiicneyn in jagadaas loo dhiibo haddana hub iyo ciidan uu watay waxay ka dhinac dagaaleen Maxkamadaha. Shaki ma leh sumcadda Indho-cadde ka helay ku-biiridda Muqaawamada. Sida xaddiisku sheegayo kuma khasaareysid la-shaqeynta iyo ku-biiridda dadka wanaagsan sida Muqaawamada saxda ah.
 

Maxuu hadda Indho-cadde u rabaa inuu la fariisto Cabdi Qeybdiid, Qanyare, Moorgan, Saciid-dheere, Aadan-madoobe iyo Muuse Suudi? Ma waxaad baratid waa baaskaa baa? Barkhad-cas Allaha u naxariistee waxaa laga hayaa: waxaad walafto oon wad kaa helin ka waantoobey waa war loo noqon! Carabi ahaan waxay dhahaan haddii la Soomaaliyeeyo: qofkii wax ku ceysha/ku kora/ka qabatin barta waa ku dul dhintaa (man caasha calaa shey’in maata calayhi). Horta waa la kala baxayaa. Waxaan filayaa in shacab badan oo Muqaawamada Indho-cadde ku nacay ay hadda taageeri doonaan. Waxaan aaminsanahay in Muqaawamadu ka faa’iidi doonto ka-tagga Indho-cadde.
 

Ceeb badanaa in been lagugu barto! Soow Indho-cadde maahayn ninkii saxaafadda ka lahaa sida BBC-da inuusan siyaasad dambe galeyn, hubkiisana uu waqaf ka dhigay oo uu ugu deeqay Muqaawamada? Meeday ballantaasi? Soow ninkii maalin dhoweyd lahaa wuxuu casilay sheekh Cumar Iimaan maaha? Soow ma muuqato in Indho-cadde markuu jago ka waayey Xisbiga Islaamiga ah hadda uma doolaalin dowladda Shariifka? Haa. Ma filayo in waxaan ceeb ahayn uu ka helayo. Marka yaa rumeysanaya hadalka Indho-cadde oo dambe? Teeda kalase isagoo saaxiibbo fiican heysta muxuu u rabaa inuu la fariisto saaxiibbo xun oo cadow soo dhoobdhoobay?
 

Ilaahay wajigiinna doori! Niman markay garoonka ka soo baxayaan lagu qaado taangi Amisom baa leh: Shareecaan isku xukumeynaa! Ma aqaan Musaalixadu waxay qabaan laakiin WALLAAHI aniga xaggeyga waxay ka yihiin qof addoon ah oo qofkii lahaa oon arkeyn iska dhigaya inuu xor yahay. Mar nabigu (SCW) beeco la galay addoon soo baxsaday oo Madiina yimid kaddibna ninkii lahaa oo raadinaya Madiina yimid ooy khasab ku noqotay in nabigu (SCW) qiimihiisii bixiyo. Maalintaas laga bilaabo, nabigu (SCW) dadkuu beecada la galayo wuxuu weydiin jiray in xor yihiin iyo in kale. Haddaysan xor ahayn beeco lama gali jirin. Marka WALLAAHI inaanan dowlad aan xor ahayn wax ka dhageysaneyn. Qofkii aaminsan in Beesha Caalamku rabto in inta “Muqaawamada” diinta khaladka ka fahantahay naga qabato, kaddibna noo dooraya in Shariifku nagu xukumo Shareecadii Islaamka oo sax ah, isagay jirtaa!
 

Soow Indho-cadde ma oran jirin haddii dowladdu Shareecada ku dhawaaqdo waan raacayaa? Si Indho-cadde loo soo dhoweeyo ayaa baarlamaanku ku hadaaqay waxaas. Haddee Indho-cadde siduu rabay loo yeel. Marka bal Indho-cadde wuxuu usoo kordhiyo dowladda aan aragno.
 

Shaki iigama jiro jeesjeeska dadkaas. Laakiin jeesjeeskaas ayaan filaynaa in Ilaahay ka abaalmariyo dadkaas diintiisii usoo dhigtay. Marka Musaalixida iyo shacabka arrintaas run moodoow waxaa noo ballan ah markaad aragtaan sharci-dejiyayaal (xildhibaanno) ka shiraya masiirka ummadda. Waxay isu heysan doonaan iney weli “ilaahyo” yihiin iyagoo ku dhawaaqay iney diinta Ilaah ku dhaqmayaan. Teeda kale, waan ogahay in dowladda Shariifka oo la iska leeyahay aysan xad ka mid ah xudduudaha Ilaahay oogi karin. Ma filayo in la arki doono Janaqoow oo xad oogaya maxaa yeelay Beesha Caalamka oo lacagta siisa baa qabta in Shareecada Islaamku ka soo horjeeddo “xuquuqda binu Aadamka”. Taas micnaheedu waa dowladda Shariifku ma fulin karto xad ka mid ah xudduudaha Ilaahay. Marka Shareeco Islaam oo aan dadka kala xukumi karini maxay tahay? Musaalixada aan u deynno iney jawaab ka bixiyaan. Waxaas oo dhan ka kor, Qur’aanka iyo culumadu waxay sheegeen in lagu gaaloobo jeesjeeska diinta Ilaahay. Marka markii dowladdu oogi weydo xudduudaha maxay arrintaasi noqoneysaa oon ka ahayn jeesjees? Soowse meel looga hadlayey Shareecada Islaamka, seddexdii nin ee dowladda uga sarreysa kama maqna?

Maraykan iyo Musaalaxada oo Weerar ku ah Muqaawamada.. AKhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: