SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sheikh Shariif "ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…" Shir jaraa’id

JABUUTI: Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dhowaan dib ugu soo noqdey Jabuuti ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo safaradii kala duwanaa ee uu kusoo kala bixiyey dalallka Masar iyo Suudaan, xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo heshiiskii ay ku kala sixiixdeen ARTS-ta iyo TFG-da, ku qabtey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti.


Sheekh Shariif Sh. Axmed

Sheikh Shariif waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “ dalallka aan tagney waxay ahaayeen Masar iyo Suudaan, labada dal waxay ka mid yihiin dowlado Afrikaan ah, dadkoodana muslimiin yihiin, islamarkaana si weyn u daneeya arimaha Soomaaliya, inay la socdaan Is-bedalka dhacay aad ayey muhiim u tahay, ujeedada ugu weyn Safarka waxay ahayd in la gaarsiiyo xaalada Soomaaliya iyo dowrka loogaa baahan yahay, waxaana la kulaney Wasiirka Arimaha dibada Masar iyo Xog-hayaha Guud ee Jaamacada Carabta, waxaana u sharaxney dhibaataada dalka ka jirta, halka uu marayo shirkaa dibu-heshiisiinta iyo arimaha gar gaarka, waxaana ku guulaysaney in wadahadaladii Jabuuti ka dhacay ay gacan ka geysanayaan, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo suurta gal ah oo arimaha Soomaaliya qayb ka qaadankara, sidoo kale waxaan tagney Suudaan waxaana u sharaxney duruufaha ka jira Soomaaliya iyo dowrka looga baahan yahay aad bayna u soo dhaweeyeen wadahadaladii shirka dibu-heshiisiinta waxayna balan qaadeen inay xoojin doonaan dadaalka dibu-heshiisiinta la wado”

Sheikh Sharif waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “Waxaa kale oo aan kala hadalney waxbarashada maadaama waxbarashadii ay baaba’dey in waxbarashada sare la siiyo ardeyda Soomaaliyeed, xisada waxbarashada la siiyana aad loo kordhiyo, taasina balan qaad fiican ayey ka dhiibeen, marka loo laabto heshiiskii halkan ka dhacay, wuxuu lahaa muhiimad gaar ah, sababtoo ah in loo gudbo wax qabad waa wax weyn, in labada gudi ay diyaariyaan waa arin muhiim ah, waxaana ka dhalan doonta in xal laga gaaro dhibaatada Soomaaliya, hadaan la fasirin waxa ka socda Soomaaliya oo aan loo fasirin caalamka waa dadaal gaaban, waana meelaha ay wax ka qaldamaan, mudadii uu Is-bahaysiga jirey waxaa awooda la saarayey in la sharxo Is-bahaysiga waxa uu yahay, waxaana lagu guuleystey in joogitaanka Ethobia uu khalad yahay, sidaas darteedna waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay taageeraan nabada, sida xabada loogu raadiyo inaan diblamaasiyada ugu raadino ayaa loo baahan yahay, maanta caalamka ayaa ogol in lala fariisto is-bahaysiga, taasina waa fursad in laga faa’iideyto ayaa mudan aynu u garano in ay tahay, Soomaaliya qayb aduunka ka mid ah, waana aragti gaaban in arinteena aan keligeen xalisan karno, waxaana ku khasbanahay inaan la tacaamulno, ha noqdaan kuwo aan nagu Diin ahayn iyo kuwa nagu Diin ahba, inagoo ilaalineyna Mabaadii’deena, jiritaankeena iyo sharafkeena, islamarkaana fiirineyna duruufta markaa aynu ku jirno, inagoo maanka ku hayna duruufta dhaqaale ee dalka ka jirta iyo mida Insaaniga ee dalka jirta,”.

Dadka Soomaaliyeed mudo 19 bilood ka badan waxay jiifaan Geedaha hoostooda, dhaqaalihii waa la baabi’iyey, dadkii Xoolaha lahaa intooda badan wey ka tageen dalka, bal ee waxaa la gaarey dadkii wax tarkaa u ahaa in la ugaarsano, arintaas waxay keeneysaa in la siibadiyo dhibaatada, sidaas oo kale dadkii ka shaqeynayey Hay’adaha gargaarka hadii la afduubo oo la dhibaateeyo waxay keeneysaa iyaduna dhib kale” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegey Sheekh Shariif.


Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo goob joog ka ahaa shirka jaraa'id

Sheikh shariif waxaa kale oo uu ka hadley falkii lagu duqeeyey masjidka weyn ee ku yaal Suuqa Bakaaraha ee Abaa Hureyra, wuxuuna yiri “runtii waa wax lala yaabo in dadd muslimiin ah oo masjidka ku tukanaya la duqeeyo waana wax aan weli ka dhicin Soomaaliya, waxa dhibaatadaas geysanaya waa cadowga jooga dalka.


Sh. Shariif

Sheekh Sahriif mar la weydiiyey dagaalada ka socda Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu yiri “dagaalka ka socda Magaalada Kismaayo, anagu wax shaqo ah kuma lihin, majiro fikir aan ku taageereyno, sababtoo ah ma jiro cid laga qabsanayo iyo cid loo qabano”

Sidoo kale mar aan weydiiyey Sheekh Shariif xiliga rasmi ahaan ee loo qabtey in ciidamada Ethobia ay kaga baxaan iyo xiliga ay bilaabaaneyso ayaa wuxuu yiri “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin gudiga nabadgelyada ayaa diyaarinayo qaabka ay u baxayaan

Cudur maskaxeedka loo yaqaan ”Autism” oo ku soo badanaaya caruurta soomaaliyeed ee qurbaha.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 22, 2008

Shirkii Jabuuti oo la soo geba-gebeey iyo Qodobbo sharaxaad badan yeelana oo laga soo saarey
Warbixin iyo Sawirrada Gabagabadii shirka Guji.. Aug 19

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS