SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabay: Qabarka Yaw Sheega

Maxamuud Axmed Cabdalle 
Email: mabdalle@gmail.com  

09/01/2008 

Afeef: Salaan dhammaantiin. Gabaygan waxa abwaanku ku faallaynayaa Soomaalida xaaladdeeda meesha ay marayso. Haddii dad lagu magcaabay waa dad uun shaqo “public” ah haya, lagana hadli karo. Gabayguna sidiisaba been haddii lagu sheego, oo runta laga leexiyo, macnaha ayaa ka luma. Akhris wanaagsan. 

  1. Soomaalida iskala qaybisee, qoonba dhan u jeedo’
  2. Ee Amxaar qabbaankii noqdaye, qaalliga u dhiibtay
  3. Inaan qolo wanaag lagu helayn, qabarka yaw sheega 
     
  4. Odayada qudhaadhee u go’ay, qaadka cunististiisa
  5. Ee qiil Suldaannimo watee, quruxda moodaaya
  6. Inaan sharafi ugu qoolanayn, qabarka yaw sheega 
     
  7. Wadaadada qamuunyaysan ee, soo quturanaaya
  8. Ee dirirta qaashka u sitee, qaraxshey baaruudda
  9. Inaan qorigu qiime u gelayn, qabarka yaw sheega 
     
  10. Qabqablaha ku qooqee arlada, qaati laga joogo
  11. Ee qudha ka jarayee naflaha, qaatilnimo sheegtay
  12. Inaan mawdka laga qaalibayn, qabarka yaw sheega 
     
  13. Qurba joogga wada quustayee, qaarad kale aaday
  14. Ee quruska raacdaynayee, qaxa ku baayaalay
  15. Inaan qaayo lagu soorihayn, qabarka yaw sheega 
     
  16. Qayl wada munaafaqad watiyo, weriye qiiraysan
  17. Qalloociisa ina Yabarow iyo, Yuusuf qarawgiisa
  18. Beentay quweeyaan dishaye, qabarka yaw sheega 
     
  19. Qalyayuubka qaran baan dhisniyo, qaab darrada joogta
  20. Qaneecaadka Soomaalinnimo, qaafil baan garane
  21. Inay qar iyo buur saaran tahay, qabarka yaw sheega 
     
  22. Hiiraale wuxu qoonsadee, qaabad kale geeyey
  23. Ee Kismaanyo qoodha ugu jari, waa qabiidnimo’e
  24. Inuu qoomammo u soo horkici, qabarka yaw sheega 
     
  25. Qandaraaska muuqdee baddii, lagu qadhiidhaayo
  26. Suntan lagu qubiyo macadintaa, layska qodanaayo
  27. Nabsi qaamud seben baa xigiye, qabarka yaw sheega 
     
  28. Qafaalkiyo afduub, tuugadeer wada qamaamaysa
  29. Naftan qoorta laga goyn, haddaan qarash la dhiibaynin
  30. Qahar iyo dhibbay soo kordhine, qabarka yaw sheega 
     
  31. Qarankeenni inuu maalin uun, qaawi noqonaayo
  32. Qaynuunka iyo kala dambayn, laysu quminaayo
  33. Qudhunleyda inan bohol ka qubi, qabarka yaw sheega! 

W.T Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabullaahi oo Jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi ee ahaa Soomaaliya waa ka saarayaa ciidamada Itoobiya.. Akhri Aug 30

cumarCumar Sh. Cali Idiris “waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya Kawaan xiran…” Qaybtii labaad Wareysi Xiiso badan
ee Ku xigeenka Arimaha Dibada Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya.. Akhri Aug 30

AbkoowGudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Cabdiqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) "Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka qeyb-gashey.." Akhri Aug 28

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS