SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Cabdiqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) “Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka qeyb-gashey..”

Gudoomiyaha Gudiga olonbig-da Soomaaliyeed Md. Cabdiqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) oo ka qayb galey ciyaarihii 29-aad ee Olonbikada aduunka oo ka furmey 08/0/8/2008 caasimada dalka China ee Begin oo soo gaarey Dalka Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiyey kulankii uu ka soo qaybgaley iyo waxyaabihii uu kala soo kulmey ayaa wuxuu yiri

“waxaan ka qayb galney cayaarihii 29-aad ee Olonbikada Aduunka oo ka furmey 08/08/2008-da Caasimada dal weynaha China ee Begin, wuxuuna ahaa isu tagii ugu xooga badnaa ee soomara ciyaaraha Olonbikada aduunka, Soomaaliya waxaa uga qayb-galey 12 xubnood oo u kala qaybsanaa wufuud iyo ciyaartooy, sida laga warqabo ciyaaraha ka dhacey halkaas waxaa looga soo baxaa Qaaradaha is reeb reebkooda, maadaama Soomaaliya aysan u suura gelin in ay ka soo baxdo, Qaarada waxaa jira nidaam la yiraahdo UNIVERSAL oo ah in dal walba uu ka qayb galo, kana baaqanin meeshaas laysugutagayo, familkaas weyn ee Ciyaaraha aduunka, waxaan uga qayb galney laba ciyaartoy Wiil iyo Gabar oo la kala yiraahdo Cabdi Naasir iyo gabar la yiraahdo Saamiya, labadoodaas iyo Rag kale oo wufuud ah oo qolo waliba hawl gaar ah lahayd ayaan ku tagney, waxaana ka qayb galney furitaankii shirka oo ay soo xaadireen 12500 oo ciyaartooy oo ka kala socdey dalallka aduunka, Soomaaliyana waxay ka mid ahayd dowladahaas ka soo qayb-galey oo Calankeeda halkaas marey, dadka Soomaaliya matalayey intooda badan waxaay wateen dharkii Hidaha iyo dhaqanka oo muujineysey Olondiismaha ciyaaraha micnihiisu waxa uu yahay Sports, Wax-barasho iyo dhaqan, sidaas darteed, waxaynu ma teleyney intaas, Soomaaliweyn meeshey rabto ha joogtee Magacaas ayaan ku mateleyney”.



Wafdigeenu wuxuu halkaas joogey 17 cisho, mana ahan markii ugu horeysey oo aan ka qayb-galno ciyaaraha noocaan oo kale, Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka qeyb-gashey kii 1992-dii lagu qabtey Barcelona, 1996-dii kii lagu qabtey Atlanta Jorje oo American ah, waxay ka qayb-gashey kii lagu qabtey 2000 Australia, waxay keloo ka qeyb-gashey kii lagu qabtey Grieg, iyo kan oo hada lagu qabtey China, waxaana naga go’an inaan ka qayb-galno, inta aynu xilka hayno ama cid kasta ha qabatee in aan laga baaqan, waxaana ugu soo horeeya kan ka dhicidoona 212-ka dalka Ingiriiska” ayuu yiri Cabdiqaadir Abkoow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey

“Bahda Is-boortiga Soomaaliyeed waxaa faa’iido ugu jirey kulankii aan ka qayb-galney, waxaa jira mabaadii’da Olondiismaha in cid walba la siiyo jaanis, awood kasta oo ay leedahay waa in bandhig ka sameysaa meeshaas uu caalamku isugu yimid, iyadoon loo eegeyn dhaqaalo yaraan, weynida dalka, tegitaanka goobtaasina waa laga caawiyaa dhinac kasta, sida la ogyahayna Soomaalida waa tii kala firxatey, waxaana yimid halkaas Soomaali badan oo ay kala mateleysey dowladaha kala duwan ee ay la nool yihiin, waana arin lagu farxo, sababtoo ah dadka aad la nooshahay oo aad Baasaboorkooda haysato inaad ku matasho waa wax weyn, laakiin hadana waxay ahaayeen dadd Soomaali ah, waxaana jirey dhalin yaro ka kala timid dalallka Americana, Ingiriiska, Canada iyo Sudan sida la ii sheegey, waxaana xusid mudan in ay jireen Macallimiin ka timid Sudan iyo Cabdi Bille oo isna Saudi Arabia ka socdey waana wax lagu faani karo’.

Wuxuu keloo uu sheegey Abkoow “1959 ilaa iyo hada Soomaaliya waxay ka ka mid tahay 2005-ta xubnood oo ka tirsan Olonbikada aduunka, iyadoo dagaalo fara badan ay ragaadiyeen Soomaaliya ayey gudiga Olonbikada aduunka waxay aqoonsadeen Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan Hay’ado gacan nagu siiyey si aan uga qayb-galno kulamada noocaan oo kale iyo kuwa Qaaradeedba, mana jiro wax garab nagu siiyey Dowlad ha noqoto ama Is-bahaysiba, sidoo kale mana jiro cid naga hortimid oo inoo diidey inaan ka qayb-galno kulankan, gudiga Olonbikada Soomaaliyeedna ma jiro meel uu isku qab-qabsadey, laakiin waxaa jira xiriirada dhexdooda, is qab qabsi aan badneyn, mana ahan wax sidaa u weyn”.

Mar aan weydiiyey sababta ku koobtey Isboortiga Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yiri ‘Isboortiga waxaa faafiya nabada, midaas ayuuna horumar ku gaaraa, waxaana lagu guuleystey in Xafiisyo laga furo laba Gobol sida Garoowe iyo Baydhabo oo ay hoos yimaadaan Goboladda Bakool iyo Gedo, waxaa kale oo aan dooneynaa inaan xafiis ka furano Magaalada Kismaayo iyo Baladweyne, inkastoo Goboladu ay yihiin kuwo aan iyaga isa soo saarin, islamarkaana aan loo hayn dhaqaalo ku filan’.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS