SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cumar Sheekh Cali (Cumar dheere) “TFG danta ayaa khasabtey ee anagu ma khasbin, waxayna arkeen inayna dowlad noqon Karin, waxayna qaadeen ceeb Taariikheed...” wareysi xiiso badan (Qaybtii labaad)

Hore waxaa loo sheegi jirey in Soomaaliya ay argagixiso joogto, ayna ka tirsan yihiin Maxkamadaha Islaamka iyo Is-bahaysiga bal kawaran arintaas, xagey ku dambeysey, Cumar dheere ?.

Waxaa uu ku ku jawaabey “ anigu horta xiligii Maxkamaddaha dalka ma joogin, laakiin markii dambe ee dalka aan joogey wali ma arag ruux Al-qaacida ayuu ka tirsan yahay oo meel socda la leeyahay, haddii markii hore sidaa la dhihi jirey, dalka waa la soo galey, marka mas’uuliyiinta Mareykanka ay saxaafada ka hadlayaan, waxay dhihi jireen nimankii qarxiyey Safaaradaha Nayroobi iyo Daarusalaam ayaa jooga Soomaaliya, hada Maxkamaduhu kama taliyaan dalka, hada dalka waxaa jooga Ciidamo Ethobia iyo Wax-garaadkii Mareykanka oo wax walba adeegsadey, wali hal argagixiso ah oo la soo qabtey ama Ajnabi ah nalooma sheegin intii ay dalka joogeen, shaley hadii ay xaajadu ahayd in Soomaaliya ay argagixiso joogto oo aan walina la helin, taasi waxay ina tusinaysaa in waxa la sheegayey ay been ahayd oo mar marsiiyo dalka lagu soo galo oo keli ah la doonayey, waxaana maqalnay in Mareykanku uu dadd Soomaali ah duqeeyey, laakiin waxaan qabaney, iyagoo leh wali ma maqal, dagaal oogayaashii way joogaan iyo Ethobia-nkoodaba, marka aawey wixii la sheegi jirey, arinta dadka dembiyadda gala laba shey ayaa looga hor tegi karaa, in dalka Soomaaliya uu helo dowlad koontaroosha xuduudaheeeda iyo qaranimadeeda.

Adigu ma waxaad qabtaa in lagu baneysaneyey soo gelitaanka dalka Soomaaliya, mise ra’yi ka duwan ayaad qabtaa?, waxaa uu yiri Cumar dheere “ waxay ogaadeen in dalkaan uusan lahayn wax dowlad la yiraahdo, waxa keliya ee la dooneyey waa in dalka la ssoo galo, xalka keliya ee looga hor tagi karo waxay ahayd in dowlad qaran la dhiso, waxaana xal noqoneyn oo la arkeyn in Soomaaliya lagu soo duulo oo la qabsado, iyadoo la leeyahay Soomaaliya dowlad ma aleh, waxa jooga cid koontarooli karta ma jirto, waxa keliyaa oo wax ogaan kara waa dowlad, wax kasta oo la sheego run iyo been waa in Soomaaliya dowlad ka dhisanto.

Cumar dheere adigu ma waxaad leedahay xubno ka tirsan Al-qaacida oo Ajnabi ah ma joogaan Soomaaliya iyo xubno kale oo Soomaali ah oo ka tirsan Al-qaacidada?

Waxaa uu ku jawaabey “horta qofka Soomaaaliga ah dalkiisa ayuu joogaa, Af-kaartana lama koontarooli karo, qofna qofka kale Maskaxdiisa ma ilaalin karo, sababtoo ah London baa wax lagu Qarxiyey, Mareykanka sidoo kale, Baariis sidoo kale iyo Madrid dhamaan goobahaas, wixii ka dhacay waxaa loo saariyey Al-qaacida, marka hadii ay Soomaaliya Al-qaacida ayaa joogta la yiraahdo, mida joogta wadamadaas ayey la mid tahay, oo lama waardiyey karo, Af-kaarta oo wey soconeysaa, laakiin qofka waxaa la koontarooli karaa ficilkiisa waxaana qabaneysa dowlada oo marineysa wixii uu muteystey, Soomaaliya aduunka ayey la mid tahay, wax iyadda gaar u ah ma jiro, mana dhihi karo wey jiraan iyo ma jiraan, laakiin wey dhici kartaa dadd fikir ahaan ku qanacsan.

Mareykanku wuxuu calaamadeystey dadd gaar ah oo Soomaali ah, wuxuuna ku darsadey liiska argagixisada ee bal kawaran arintaas?, waxaa uu ku jawaabey Cumar dheere “markii aan tagney Qaramada Midoobey arintaas waa nalagu soo hadal qaadey, waxaana ka qaadaney hal mow-qif dhamaanteen, waxaana u sheegney in 100% aan ka soo horjeedno, in qof Soomaali ah lagu sheego Argagixiso, iyadoo cid ku cadeyneysa uusan jirin in lagu daro, liiska Argagixisada, dadkii hore loogu dareyna waxaan u sheegney in laga saaro liiska, sababtoo ah ma jiro qof Soomaaali ah oo Qarxiyey meel oo loo hayo cadeyn, waxaana la sheegaa qofkaas waxaan ku tuhmeynaa inuu xiriir la leeyahay Al-qaacida, taasina ma noqoneyso wax shaqeynaya, in ruuxaas sidaas xuquuqdiisa loogu xad gudbo, inta hada liiska lagu qorey ma jiro wax dembi ah oo ay galeen, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska waxay sheegaan, qofka ugu badan waxaa la leeyahay wuxuu diley Wariye, waana arin tuhun ah, Qaanuunkuna wuxuu dhigayaa, in qofku uu asalkiisba dembi beri ka yahay ilaa laga helo cadeymo, tuhun ma ahan in qof xurayadiisa loogu xayiro ama dhiigiisa loogu baneysto, qofka Soomaaliga inaan difaacno waa mas’uuliyad na saaran, waana mid akh-laaqi ah taasi.



Khilaafkii Is-bahaysiga dhexdiisa ahaa xagee buu ku dabeeyey, maadaama aad adigu tahay ku xigeenkii arimaha dibadda ee ARS, islamarkaana in badan oo ka tirsan Caalamka Dhegahooda iyo Indhahooda ay kusoo jeedaan?

Waxaa uu ku jawaabey “horta khilaafka Ururka sida dadka barkiisa ay u maleynayaan iyo waaqiciga dhabta ah, waa ay kala yihiin, sideedaba qof kasta oo Soomaali ah waa loo baahan yahay, ma jiro qof laga deeqtoomi karo, khilaafkuna wuu fara badan yahay, Ummadda Soomaaliyeedna wuu dhibi khilaafku, mana ogola xiligan, waana wax dadka awoodiisa wiiqa oo cadowgu uu ku soo galo, waxa maanta keeeney baddeena in ay ku dabaaladto Ethobia waa khilaafka Soomaaliya in mudo ah ay ku jirtey, Ummadii waa ay bur burtey, marka loo fiiriyo Urur kala jabay, horta anigu Raga meesha jooga waanu Ixtiraameynaa, oo manta agteena Miizaan bey ku leeyihiin, laakiin wax kala jab la yiraahdo ma jiro, sababtoo ah Hogaanka Ururka isku meel buu joogaa, marka loo fiiro inta halkaas joogta oo aan ogahay in ay yihiin 20 qof, balse sheegtey 31 qof, Golaha dhexe wuxuu ka kooban yahay 191 xubnood marka nisbada ka soo hartey waa la garankaraa, Gudiga fulinta wuxuu ka kooban yahay 45-xubnood, shan xubnood baa halkaas kjoogta, marka inta dhimana waa la garankaraa, marka Urur kala jabey ma jiraan, laakiin shekh-siyaad aan qiimeyneyno wey jiraan, waana jecelnahay in dibu-heshiisiin la sameeyo, laakiin walaallaheena xagood ayey ka socon weysey, walina anagu ma aaminsanin in la xiro Al-baabkii wada hadalka, mar walbana wuu furan yahay.

Ma jiraa wax tilbaabo ah oo ka duwan tii Sanco oo aad qaadeen, hadii aad qaadeena maxaa idiin kaga soo baxay?

Cumar Idirs Cumar dheere wuxuu ku jawaabey “ markii hore oo Sanca laysugu tegey taas waa laga heshiiyey, laakiin markii ay ku noqdeen Asmara, waxay ku dhawaaqeen Urur cusub, waxayna sheegeen in hogaankii xilka laga qaadey, ayna u dhiibeen xubin cusub, markii ay taasi dhacadey, dadd badan ayaa arintii shoog ku noqotey, mana jiraan tilaabo kale oo aan qaadney, hada waxaa jira shekh-siyaad si gooni gooni ah wax u wada oo noosoo sheegay in ay wax wadaan, laakiin mada’a ahaan anagu waxaan qaadaney, inaan qofna la Af-lagaadeyn, maxaayeeley qofka muslimka ah in la caayo ma banaana, in sharakooda Diineed iyo tan Soomaalinimadooda oo aan wax u dhimin, oo aan wadno Muxaawalada.

Dhowaan waxaa lagu Af-duubtey Ceelasha Biyaha, Wariyeyaal Ajnabi iyo xubin Soomaali ah, waxaana lagu Tuhmayaa xubno ka tirsan Is-bahaysiga in ay ka dambeeyaan falkaas, bal ka waran arintaas maxaad u sheegeysaa Caalamka?.

Cumar dheere wuxuu ku jawaabey “marka laga reebo kuwo cadowga ah oo lala diriraayo, horta marna ma ogolin, mana waafaqsana mabda’eena in dadd la Af-duubto, waliba dadka Joornaaliisteyaasha iyo shekh-siyaadka muhiimka ah ee hay’adaha u shaqeeya, in ay dalka yimaadaan oo ay ogaadaan waxa ka dhacaaya, ayna tebiyaan dan-derida haysata shacabka Soomaaliyeed, tan kale Joornaaliistaha oo dhib loo geysta waxay la mid tahay in aan la ogaanin dhibka shacabka lagu hayo, in la Af-duubtey Wariyeyaal waan maqley, ee in dadd ka mid ah Is-bahaysiga ay Af-duubteen anigu ma hayo macluumaadkaas, hadii ay jirto arintaas, Is-bahaysigu waa inuu raadiyo oo soo qabto, Maxkamadna la soo saaro, waana waajib arintaas in mardambe aysan dhicin, waana in laga dagaalamaa, waana Cambaareyneynaa falkaas cida ku kacdey iyo cida dhibaateysa shekh-siyaadka u shaqeeya Hay’adaha oo bulshada wax u qabadkooda ka shaqeynaya, cida Saxafiyiinta Af-duubaneysa waa kuwo cadowga u adeegaya, waana kuwa dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed, waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya Kawaan xiran oo cid ay soo gashaa aysan jirin, waxayna u adeegayaan Ethobia-ka iyo kuwa la shaqeeya.

Md. Cumar Dheere Rajo intee la eg ayaad ku qabtaa in uu hirgalo heshiiskii Jabuuti ARS iyo TFG?.

Cumar Dheere waxaa uu ku jawaabey “ horta wax meel kasta ku baaba’ayo waa Ummada Soomaaliyeed oo meel kasta jooga, waxaana hoos u dhacay Sumcadii iyo Maalkii ay lahayd, wax kasta oo la ssameeyo oo lagu soo celinayo Qaranimadii iyo Midnimadii Ummada Soomaaliyeed, waxay dan ugu jirtaa iyaga, cawoga waxaa dan u ah inaysan heshiin Soomaaliya oo isaga mar walba loo tago, qof kastana waa inay dareento in heshiiska dan u yahay in Ethobia ay dalka ka baxdo, heshiiskuna waa warqad, waxayna ku xiran tahay, dadaalka la bixiyo, lana ogaado in dhibka uu kusoo jiray shacabka Soomaaliyeed in mudo ah, lana soo gaarey sidii looga bixi lahaa, layskana ilaawo Aargoosi, waayo wax ma badbaadiyo.

“Taasi waa na siib daro, TFG waxa isku hayo waa Xabashida, mana laha Barnaamij siyaasadeed, mid wadaniyadeed iyo is jeceyl dhexdeeda ah oo ay iskula joogaan, sababtoo ah Ethobia ayaa maalinba mid erisa, sida Cali Geedi oo kale, kuwana wey isku keentaa, waxayna rabtaa subax kasta uu mid u soo dacwoodo Gabre oo ah ninka ugu soo horeeya ee ay u yimaadaan, marka uu ka weynaado khilaafka Gabre loo gudbo Meles, khilaafkan soo kala dhexgaley labada mas’uul, waxaan u arkaa xubnihii Nabada wadey in meesha laga saarayo” ayuu kaga jawaabey Cumar dheere su’aashan aan weydiiyey sidee buu ku guulaysanayaa heshiiskan aad la gasheen TFG, waayo iyada dhexdeeda wali waxaa ku jira khilaaf wajiyo badan leh, gaar ahaan mas’uuliyiinta sare?.

Ugu dambeyn Md. Cumar Dheere addinka waxaad joogtaan Jabuuti, qaarkood baddaha ayey ku baaba’yaan, qaarkood Geedaha hoostooda ayey gaajo ugu dhimanayaan, qaarna dhaawacyadii soo gaarey ayey la ildaran yihiin, qaar kale Xabsiyada dunida ayey ku xiran yihiin iyagoo dac dareysan ee marka sow ma haboona shacabka Soomaaliyeed ee Gudaha jooga, inaad wax la qaybsataan intaad joogi lahaydeen halkaan?.

Ugu dambeyn waxaa uu ku jawaabey “ Is-bahaysiga Jabuuti keli ah ma joogo, waxa ka difaacayo cadowga Muqdisho, Baladweyne iyo Gobolada kale ee dalka waa Is-bahaysiga, Is-bahaysiguna wuxuu leeyahay garab siyaasadeed iyo mid Militeri ee anagu waxaanu nahay garabka siyaasadeed, waxaan Habeen iyo maalin wadnaa dagaal diblamaasiyadeed oo lagu difaacayo dalka, marka Is-bahaysigu shacabka wuu la joogaa, waxaana la joogaa mas’uulyiintiisa sar sare qaar ka mid ah, waxa difaacayo shacabka ka mid baanu nahay, laba Jab-hadoodd baanu nahay mid gudaha ka dagaalameysa iyo mid dibada ka dagaalameysa.”.

Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 30, 2008

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS