SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xoghayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed C/llaahi oo ka hadley dhacdadii Jowhar

Xoghayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed C/llaahi shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo dhalashada Bisha ramadaan, is rasaaseyntii dhowaan ka dhadey Gobolka Sh/dhexe, codsi uu u jeedinayo Dowladaha Islaamka iyo Hay’adaha Caalamka ku qabtey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti.

“shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu Hambalyeynayaa dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana ilaahay ka baryayaa sanadkan sanadkiisa iney nabad ku gaaraan, waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay iskaashadaan oo isu gargaaraan” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Axmed Cabdullaahi.

Xoghayuhu waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “ dowladaha Islaamka iyo Hay’adaha caalamka waxaan ka codsaneynaa inay gargaar la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee la il daran waxyeelooyinka ka soo gaarey duulaankii ciidamada cawdoga dalka ku qabsadey”.

Axmed Cabdullaahi mar uu ka hadlaayey is rasaaseynta Jowhar ayaa wuxuu yiri “ma jiro wax kala qaybsanaan ah oo ka dhex jirta ciidamada muqaawamada, mana jiro ciidamo loo soo wado gaobolkaas, warka sheegayo ciidamo isku dhaf ah ayaa la geynayaa Gobolkaasi waa been buun buunin ah oo sal iyo raad aan lahayn, ee shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay midnimadooda adkeeyaan, nabadana taageeraan” ayuu shirkiisa jaraa’id ku soo gebagebeeyey Xoghayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed C/llaahi.

Hase ahaatee warar kala duwan oo ka soo baxaya Xarun Goboleedka Sh/dhexe ee Jowhar ayaa waxay sheegayaan in is rasaaseyntan ay timid kadib markii ay kala shekeyeen ciidamada muqaawamada dhexdooda ee joogey deegaanka Jowhar, taasoo la sheegey in uu ku dhaawac may hal ruux, islamarkaan aysan jirin wax ku dhintey, arintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo diyaar garow adag loogu jiro, sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Ethopia, islamarkaana waxay tilmaan u tahay in ay jiraan caqabadihii xasil la’aanta Soomaaliya u horseedayey mudadii 18-sano oo ay wadaan shekh-siyaad aan marna ogoleyn danta shacabka iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed oo dib loo yagleelo, taasoo hadba Koox is magacowda Ummada u horseeda burbur, barakac, dhimasho, dhaawac, kufsi iyo dhac hantida Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo caqliga keliya ee shaqeynaya uu yahay Xabadd, halkii hadal loo adeegsan lahaa waxay u adeegsadaan Xabad, halka meeshii Xabad loo adeegsan lahaana ay u adeegsanayaan hadal.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabullaahi oo Jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi ee ahaa Soomaaliya waa ka saarayaa ciidamada Itoobiya.. Akhri Aug 30

cumarCumar Sh. Cali Idiris “waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya Kawaan xiran…” Qaybtii labaad Wareysi Xiiso badan
ee Ku xigeenka Arimaha Dibada Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya.. Akhri Aug 30

AbkoowGudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Cabdiqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) "Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka qeyb-gashey.." Akhri Aug 28

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS