Tools for Humanity oo wada mash-ruuc lagu mataaneynayo Caasimada Jabuuti
iyo Boosaaso, Duqa Magaalada Boosaaso C/risaax Xareed oo soo gaarey Jabuuti
(wareysi)
Duqa Magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo safar ku yimid Jabuuti,
islamarkaana wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya aan kula yeeshey Hoteel
Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey ujeedada safar uu ku
sheegey mataaneynta Jabuuti iyo Boosaaso, waxa ugu horeeya ee ay iska
kaashanayaan labada magaalo, sharcinimada hawsha uu wado, cida ka dambeysa
mataaneynta labada magaalo, dhibaatooyinkii horaanta sanadkan ka dhacayey
Boosaaso halka uu ku dambeeyo iyo waxa sababay Burcad Badeedda Puntland ku soo
badaneysa ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri
“Ujeedada aan u imid waxay ahayd hay’adda la yiraahdo Tools for Humanity oo
waday mash-ruuc lagu Mataaneynayo Magaalada Jabuuti iyo Boosaaso, waxaana
safarka igu wehliya Wakiilka Hay’ada Nuur Sheekh Aba, hawshanina waxay socotey
mudo 3 bilood oo aan ka wada hadleyney Hay’adda, nasiib wanaag xiliga aan ku soo
beegeney inaan imaanana wuxuu ahaa xiligan, labada Gobolna waxay iska
kaashanayaan dhinaca Aqoon isweydaariga iyo is-barasho labada maamul iyo wixii
tabar ah ee laysku dhaamo intaba in layska weydaarsado ayuu ahaandoonaa” ayuu
yiri C/risaaq Xareed oo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey
“dowlad goboleedku waa dowlad goboleed madax banaana, waxaana ka tirsanahay
DFKMG, laakiin Puntland waxay xaq u leedahay oo uu sharciga u ogol yahay, in
Degmooyin, Gobolo iyo maamulo kale xiriir la yeelato, hawshuna hawl u taal ma
ahan DFKMG ee arin ay u taal laba degmo oo isu tegaaya oo iskaashi sameynaya ama
mataaneyn, maadaama dowlad Jabuuti ay tahay Dowlad Soomaaliyeed oo walaallaheena
ah oo ay Dowladoodu dhisan tahay, islamarkaana ay jaar nalayihiin inaan ka
faa’iideysano waxyaabihii anaga naga lumey inaan soo celino” ayuu yiri mar aan
weydiiyey aan weydiiyey in arinta uu wado ay wax ka og-tahay DFKMG iyo maamulka
Puntland iyo waxa ugu horeeya ay iska kaashanayaan labad Magaalo.
S:-Inta badan mas’uuliyiinta Puntland marka ay hadlayaan waxay sheegaan inay
madax banana yihiin, maxay tahay waxyaabaha inta badan aad adinku ka madax
banaantihiin, waxaadna sheegtaan inaad ka madax banana tihiin DFKMG?.
J:-DFKMG waxay leedahay Dastuur, wuxuuna sheegayaa in dalka laga sameeyo Dowlad
goboleedyo iskood isu maamul, anagu waxaanu nahay dowlad Goboleedkii ugu
horeeyey oo iskii isu maamul, dowlada dhexe waxaa naga dhexeeya Jaatarka, kaas
ayaanu ku raacsanahay, wuxuu noo ogol yahay ayaan u madax banaanahay ee wixii
Jaatarka noo ogoleen nooma madax banana, madax banaanidayadu ma ahan mid aan ka
go’nay Soomaaliya sida Somaliland oo kale, ee anagu waxaana nahay maamul
Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaas ayaanu ku raacsanahay Dowlada.
Mar uu ka hadlaayey waxa ku dhaliyey qorshahan in uu yahay mid Dowlada Jabuuti
ay isla wadeen iyo in uu yahay mid ay Hay’adu ku dhalisey ayaa wuxuu yiri
“qorshahani waa mid ay Hay’adda waday, iyadaana inoo dhexesey”.
S:-C/risaaq Xareed mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinkii is xig xigey ee
sanadkan bilowgiisa ay ka dhacayeen magaalada Boosaaso halkey ku dambeeyaan?.
J:-arimaha waaqiciga ah wadanka wey ka dhacaan waana uu jiraa, degmada Boosaaso
waxay wax la qabtaa guud ahaan dalka Soomaaliya waxa ka dhacaaya, waxayna u
khaas ahayd buuqii iyo Qaraxyadii ka dhacay bilowgii sanadkan, iyaduna waa lagu
guuleystey nabada Magaaladuna waa 100%, waana la so oaf-jarey arintaas,
amaanderidu dalka oo dhan ayey ka jirtey, mana jiro wax taageerada aan u hayno
DFKMG oo ay noo keentey ma jiraan, mana jiro waxyaabo gaar ah oo DFKMG oo ay u
qabtey Puntland dhinac kasto, sababtoo ah iyadaaba aan fariisan ee maxay
nooqaban kartaa” ayuu yiri C/risaaq Xareed Ismaaciil.
S:- C/risaaq Xareed sided ku difaacdaan Bur cad Badeedda ku soo badaneysa
Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan Xeebaha Puntland?.
J:- Bur cad Badeeddu waa mash-ruuc yimid sanadkaan awalkiisii ilaa iyo hadana
socda waxaana aaminsanahay anagu, in uu yahay mid la soo safriyey nooc kasta ha
lahaadeene, anigu waxaan u saarayaa in ay ka dambeeeyaan dadka Ajnabiga ah,
sababtoo ah niman dhalin yaro ah oo is aruursadey oo hub qaatey, qabsadeyna
Marakab Ajnabi ah ama ruux Ajnabi ah ee fasahaadkaas, kuwa dadka laga qabsado
iyo Maraakiibta ayaa ka mas’uul ah.
S:- arintaan Burcad Badeedu waxaa lagu tuhmaa in ay qayb ku leeyihiin
mas’uuliyiinta sar sare maamul goboleedka puntland, Ganacsatada iyo qaybo kale
oo qarsoon, bal ka waran arintaas?.
J:-anigu ra’yiyan ma qabo, sababtoo ah burcad badeeddu ama af-duubayaashu, waa
shey xaaraan ku ah dadka Islaamka ah, dadka Puntland degana waa dadd muslim ah,
sideedaba anigu ma qabo nin mas’uul ah ama nin ganacsade inuu lug ku leeyahay,
waana arin iska soo baxdey oo ay bilaabeen niman dhalin yaro Markab qabsatey oo
xoogaa lacag ah ka heley, dadkuna shaqo la’aan baa haysa, dhaqaalo xumo ayaa
jirta, sicir bararr ayaa jira, sababahaas oo dhan ayaa u fududeynaya in uu wax
raadsado xalaall iyo xaaraan waxay doonaan hanoqotee, ee anigu marna ma qabo in
arintaas aad sheegeyso ay jirto.
Ma uu ka hadlaayey sababaha badiyey Burcad badeedda C/risaaq Xareed ayaa wuxuu
yiri “marka laga hadlo xaqiiqiyan qofku lacag sahalan buu heley, mid kastana waa
uu ku dayanayaa ee sababta badisey meel fog lagamadoonayo ee midaas ayaa keentey
inay bataan Burcad Badeedda, nin kastana wuxuu raadinayaa lacagtaas sahlan.
S:- C/risaaq maxaa u badiyey Maraakiibta lasoo Af-duubto in lagusoo xiro
xeebaha maamul Goboleedka Puntland?.
J:-Xeebaha Puntland sababaha u badineysa waxaa weeye, Burcadu Soomaali oo dhan
bay ka kooban tahay, markaan runta kuu sheego, marsooyinka sahlan iyo ciidan
Mariinis oo aysan lahayn Puntland ayaa u sabab ah inay u bataan Puntland.
S:- Ma kulanteen maayerka Jabuuti?
J; Jabuuti waxay leedahay seddax maarey hoosoiyo mid guud oo sare, seddaxa hoose
waanu kulaney, waxaana ii harey inaan la kulmo kan ugu sareeya, isaguna waanu
balansanahay saacadaha soo socda ayaanu kulmeynaa, waxaana kala sixiixaneynaa
Axdigii lagu mataaneyn lahaa labada Magaalo.
S:-Imisa sano ayaad maamulka haysaa?
J;- waxaan maamulka hayaa 9-bilood oo dhameystiran, wax weyn oo lagu faano oo
aan qabatey intii maamulka aan hayey ma jiro, laakiin waxaan dhisney jidka
garoonka iyo magaalada isku xira, jidka mara suuqa ugu weyn oo la yiraahdo Net
co, waxaan furney jidadd kale oo yar yar, laamigana waanu baneyney, maamul
ahaana waanu hagaajiney, dhaqaalaha soo gala degmadu, hore dhaqaalaha soo
xarooda waxaa lagu maamuli jirey khasnada dowlada Hoose, laakiin hada waxaan
marinaa sistamka dowliga ah, himilooyinkeenuna wey badan yihiin si aan wax badan
u qabano, waxaana na ragaadiyey sicir bararka iyo dakh-liga nasoogala oo yar,
sidoo kale intii maamulka Puntland uu jirey waxaa lag dhisey Iskuulo badan iyo
goobo caafimaad, arimaha Bulshadu waxaad moodaa inay ka tayo fiican yihiin
xiligii hawshu ay ahayd Biblical-ka, magaalada Boosaaso waxay leedahay 4 MCH,
6-Hospital, laba Is-bitaal oo waaweyn iyo waxaa kale oo jira kuwo si gaar ah loo
leeyahay oo ilaa 4 gaaraya, Magaalada Boosaaso waxay leedahay 5 Is-kuul oo
waaweyn oo qaarkood leh sare, dhexe iyo hoose, waana kuwa ugu waaweyn ee
Boosaaso ku yaala, waxaana wax ka dhigta 35-40,000 oo ardey.
S:- hore ma usoo qabatey wax maamul ah xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya?
J:- anigu dowladii hore uma sahqeyn, markii aan dugsiga sare dhameystey
waxaan iska aadey dowladaha Carabta, waxaana ka shaqeynayey shirkado kala duwan,
marna ganacsi baan ku lahaa, kadib dalka ayaan kusoo noqdey waxaana ka qabgaley
maamulkii ugu horeeyey oo loo sameeyo Boosaaso markii Puntland lagu dhawaaqey,
Is-maamul Goboleedkii Gobolka Bari oo isna mudo sanad ah ka soo shaqeeyey,
2003-dii waxaan kusoo biirey dowlada dhexe ee Puntland, waxaan noqdey wasiir ku
xigeenka hawlaha guud, lib bilood kadib waxaan noqdey wasiir ku xigeenka
Maaliyada Puntland, 2007-da doorashadii ka dhaceysey magaalada Boosaaso ayaan ka
qaybgaley, sidaas baana laygu doortey oo aan Maayer ku noqdey, mudo 30 sano waa
lay xukumaayey, ana waxbaan xukumaayey, Ganacsina waan soo marey oo khibrad igu
filan ayaan u leeyahay xaga maamulka.
S:- waxaad ka hadashey sicir bararka, sow qayb kama ahan lacagaha been
abuurka ah ee lagu sameeyo Boosaaso oo ay daan waxba ka qaban?.
J:-lacagtii been abuurka ahayd ee lagu sameyn jirey waa la joojiyey hada laguma
sameeyo, sicir bararku aduunka oo dhan ayuu ka dhacay, laakiin anaga waxaa noo
dheer Doolarku aduunku waa jabey, inkastoo shidaalada iyo waxa la mid ay keceen,
anagu waxaad moodaa in doolarku nagu sii kordhayo iyadoo aduunku uu ka dhacsan
yahay ee warshadii lacagta sameyn jirtey waa la joojiyey.
S:-waxaad xustey Somaliland ee xiisadii idiin dhexeysey adinka iyo Somaliland
xageebay mareysaa?.
J:-xiisadii inoo dhexesey anaga iyo Somaliland Laas-caanood wali wey
haystaan, Gobolka Sanaagna waanu ka soo saarney, dhowaan waxaan jecelnahay inaan
dhakhso uga xoreyno
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com +253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2008
Xog-hayaha
Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabullaahi
oo Jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi ee ahaa
Soomaaliya waa ka saarayaa ciidamada Itoobiya..
Akhri Aug 30
Cumar
Sh. Cali Idiris “waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya Kawaan
xiran…” Qaybtii labaad
Wareysi Xiiso badan
ee Ku xigeenka Arimaha Dibada
Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya..
Akhri Aug 30
Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Cabdiqaadir Ibraahim Gacal
(Abkoow) "Soomaaliya ilaa iyo bur burkii intii uu jirey waxaa ay ka
qeyb-gashey.." Akhri Aug 28
Sheikh
Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey
heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan
Akhri Aug 22 |