SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - MAQAAL

  • Guddoomiyaha G/Bari oo Shaaca ka Qaaday in Dad Badan Laga Qabtay Garoonka iyo Kantaroolka Boosaaso
  • Khudbadihii Salaadda Jimcada oo Looga hadlay 5 nin oo Ku Xiran Boosaaso

Guddoomiyaha G/Bari oo Qiray in Dad Badan Laga Qabtay Garoonka iyo Kantaroolka Boosaaso

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa markii ugu horeysey si qeexan u caddeeyey in dad badan laga qabqabtay Garoonka iyo kantaroolka Boosaaso iyo weliba magaalada Boosaaso dhexdeeda.

Muuse Geelle YuusufGuddoomiyuhu waxa uu arrintaas shaaca kaga qaaday waraysi uu siiyey Idaacada Radio Garoowe, May 16, 2008, isagoo xaqiijiyey in ay jiraan 5-nin oo laga qabtay Garoonka Boosaaso iyo weliba dad kale oo intaas ka badan ku xiran Boosaaso oo ay boolisku su'aalo weydiinayaan.

Guddoomiye waxaad warbixin naga siisaa shantii nin ee lagu qabtay Boosaaso, markii la weydiiyey waxa uu Muuse Geelle Yuusuf ku jawaabey:

"Nuntii shantaas nin keliya ma aha ee waad la socotaa amniga sida loo adkaynayo in golaha xukuumada oo uu wasiirka amnigu kamid yahay shirar badan oo ay yeesheen ay ku soo qaadeen toddoba qodob oo ay ka mid tahay in la adkeeyo dhammaan goobaha laga soo gelayo degmada Boosaaso, xagga kantaroolka ee magaalada laga soo galo, airporka iyo dekedda, si loo hubiyo adkaynta amniga, maadaama dad badani ay soo galaan oo ay dad badanina ka baxaan, in ay dhici karto dad qaswadayaal ah in ay soo galaan oo dhibaato u geystaan amniga magaalada, marka waa jirtaa dad laga soo qabtay Kaantaroolka iyagoo laga shakiyey oo boolisku su'aalo weydiinayaan, waxa kale oo jira dad Airoporka ka baxayey oo iyagana la soo qabtay oo iyagana sidaas oo kale boolisku su'aalo weydiinayo, waxa kale oo jira dad Airoprka ka soo degey oo sida kuwa hadda aad sheegeyso oo kale ah oo la soo qabtay oo iyagana hadda boolisku gacanta ku hayaan oo su'aalo weydiinayaan."

Halkaas waxa uu Guddomiyaha G/Bari ku qiray in arrinta dadka Boosaaso laga qabqabtay ay ka baaxad weyn tahay inta warbaahinta iyo shacabku ogyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Bari
Muuse Geelle Yusuf (Faroole)

Guddoomiyaha Gobolka Bari waxa uu sheegay in shanta nin ee ugu dambeysey ee laga soo xiray Garoonka Boosaaso in hadda lagu hayo mid kamid ah saldhigyada Boosaaso. Waxana uu sheegay in dembi baarayaal arrintooda soo baara loo xilsaaray.

Markii la weyiiyey dadkaas haddii dembi lagu helo in Itoobiya loo gacan gelinayo waxa uu Muuse Geelle Yuusuf ku jawaabey: ina rrintaasi tahay dacaayad ay ku hadaaqaan dadka doonayo in ay Puntland sharafteed wax u dhimaan. Waxana uu sheegay in Puntland leedahay Madaxweyne iyo nidaamkii ay dawlad lahaan jirtey sidaaas daraadeed dadkaas hay'adda garsoorka ayaa la horgeynayaa, mana jirto cid loo gacangelinayo ayuu yiri.

Markii la weydiiyey in ragga hore ee uu sheegay in la qabtay in Itoobiya loo gacan geliyey, waxa Guddoomiyaha G/Bari sheegay: in aysan jirin cid la gacan geliyey oo ay iyagu "ogsoon yihiin", Puntland kama dhicin, gobolkana kama dhicin kamana dheceyso, ayuu yiri.

Hadalkaas Guddoomiyuhu waxa uu si toos ah uga hor imanaya hadalkii uu Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ku qiray in rag Soomaali ah loo gacangeliyey Itoobiya, mar uu May 4, 2008 waraysi siiyey Idaacada Codka Marayakanka.

Waxa kale oo hadalka Guddoomiyaha G/Bari ka hor imanaya in hadalkii Kusimaha Taliyaha Qaybta G/Mudug G/sare C/shukri uu May 3, 2008 qiray in ra laga qabtay Gaalkacayo isagoo yiri: "Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas weyna kaxaysteen, waa RUN".

Laakiin Guddoomiyaha G/Bari Muuse Geelle Yuusuf waxa uu qiray mark alaga reebo dadka laag qabtay Garoonka iyo Kantaroolka in jiraan dad kale oo laga qabqabtay 'magaalada' Boosaaso dhexdeeda, isaga oo intaas ku daray in ay jiraan qaar dadkaas in la siidaayey oo wax lagu waayey iyo qaar ilaa hadda xiran.

dr ibrahimSomaliTalk oo Nairobi Waraysi kula Yeelatay Qoyska Dr. Ibrahim G. Cali,
oo ah Dhakhtar Somali-Kenyan ah oo ku xiran Boosaaso, iyo Waxgarad & Odoyaal si weyn isugu Hawlaya sii Deynta Dhakhtarka Dhegeysi/Akhris

Dadka laga qabtay Garoonka Boosaaso iyaga oo ka dhoofaya waxaa ka mid ah Dr. Ibraahim G. Cali oo May 2, 2008 la qabtay isaga oo kusii jeeda Nairobi. Dhakhatarka oo asalkiisu yahay Soomaali ayaa la sheegay in lagu eedeeyey in uu watey Baasaboor Soomaali ah.

Dhanka kale Markii Guddoomiyaha G/Bari la weydiiyey in uu tafasiil ka bixin karo safarada u madaxweynaha DGPL ku joogo Itoobiya, waxa uu ku jawaabey: "Madaxweynaha arrintaas isaga ayaa la weydiinayaa."

Gen. Cadde Muuse, waxa uu Itoobiya tegey Maarso 30, 2008 arrimo aan ilaa hadda shacabka reer Puntland loo caddayn. Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa walaac weyn ka muujiyeen in madaxweynaha DGPL uu muddo ku dhow laba bilood fadhiyo caasimada dalka Gumeysiga Itoobiya, waxaana taas dheer intii uu Itoobiy aku maqnaa in dad Soomaaliyeed loo gacan geliyey dalkaas Itoobiya.

  • Hadalkii Guddoomiyaha G/Bari: Dhegeyo ama mp3 (Radio Garoowe)

Khudbadihii Salaadda Jimcada oo Looga hadlay 5 nin oo Ku Xiran Boosaaso

Masaajidda waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa Khudbadihii salaadda Jimcada (May 16, 2008) waxaa looga hadlay shan nin oo ku xiran magaalada Boosaaso. Ragga xiran oo asal ahaan ka soo jeeda dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato ayaa May 13, 2008 laga qabtay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyaga oo ka yimid Jabuuti.

Khudbadihii Jimcada ee masaajidyada Boosaaso, sida masjidka Rowda, ayaa si xoog leh loogaga hadlay shanta nin oo ku jira xabsi ku yaal dekeda Boosaaso iyo dadka laga ugaarsanayo dhulka Puntland.

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada G/Bari ayaa ku xeel dheeraaday sida ay uga soo horjeedo Shareeca Islaamka in dad Muslimiin ah la ugaarsado oo loo dhiibo gaalo, arrintaas oo khilaafsan sharciga Islaamka ayuu ka digey, waxna uu sheegay in ay tahay in laga digtoonado falalka noocaas ah.

Sheekh Axmed Daahir oo kamid ah culimada G/Bari ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga xumaado xariga dadka Soomaaliyeed lagu xiray carrada Puntland.

Shanta nin ayaa markii hore waxaa kacanta ku dhigay ciidanka sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS oo durbadiiba ula dhaqaaqay dhanka Garoowe si ay ugu wareejiyaan Itoobiyaanka oo xafiis ku leh Garoowe, laakiin dadaal xoog leh oo ay ku dhaqaaqeen odayaasha, culimada iyo waxgaradka G/Bari ayaa lagu guulaystey in raggaas laga celiyo magaalada Qardho kaddibna laga wareejiyo PIS oo loo dhiibey Booliska Boosaaso.

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS