SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - MAQAAL


Cambaarayn ku socota Hoggaamiyayaasha DGPL oo ka timid Jaaliyada Puntland ee Deggan Dalka Norway

Ku:Dhamaan Shacabka Reer puntland
Ku: Madaxda Maamulka Puntland
Ku: Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Ku: Shacabka Soomaaliyeed.
Ku: Shacabka ku dhaqan OGADEN

UJEEDO: CAMBAARAYN FALKII FOOSHA XUMAA EE MADAXDA PUNTLAND KU QABQABTEEN DAD SOOMAALIYEED, UGUNA GACANGALIYEEN CADAWGA ITOOBIYA

Ka dib markii ay yeesheen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Magaalada Oslo ee dalka Norway, kulan dheer oo si weyn loogu lafa guray xubnihii shacabka Soomaalida ah ee OGADEN iyo dadkii muruqmaalka ahaa ee loo gacan galiyey Itoobiya iyo qaabkii foosha xumaa ee dadkaas walaalaheena loogu dhiibay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la isla gartay in aan arrintaas laga aamusi karin, islamarkaasna waxaa laga soo saaray bayaan looga xun yahay, laguna cambaaraynayo falkii aadka u foosha xumaa.
Markii aan aragnay in falkaasi ka soo horjeedo shareecada diinta Islaamka, islamarkaasna sidoo kale uu ka baxsan yahay dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, ayna tahay mid wax u dhimaysa diinta islaamka, xuquuda qofka bini aadamka ah iyo karaamada Shacabka Reer Puntland , kaasoo ahaa fal lagu raali galinayey gaalo cadaw ku ah diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Ka dib markii falkaasi ku dhaqaaqeen ma’suuliyiinta Puntland, islamarkaasna qaarkood si cad u qirteen inay dhiibeen qaar dadkaas ka mid ah, isagoo Maamulka hore u gacan galiyey dad Soomaaliyeed iyo Muslimiin aan wax dembi ah galin, ayna madaxda maamulkaasi garab mareen hadafkii loo aas aasay ee ahaa inay ilaaliyaan danaha ummadda Reer Puntland iyo tan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan soo saarno qodobo dhowr ah oo lagu cambaaraynayo falkaas foosha xun, waxayna kala yihiin sida tan:-

1. Waxaan si qoto dheer u cambaaraynaynaa falkii gurracnaa ee foosha xumaa ,ayna madaxda Puntland ugu gacan galiyeen cadawga Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ay naga dhaxayso diin,dal, wada dhalasho xiriir dhow oo ganacsi.

2. Waxaa si gaar ah u dhaleecaynaynaa dadka sida gaar ah uga dambeeyey falkan, waxaana uga digaynaa guud ahaan dadka falalkaas xun xun ka shaqaynaya inay ka waantoobaan, hadii kale shacabka reer Puntland uma dulqaadan doonaan, waana lala xisaabtami doonaa maalin maalmaha ka mid ah.

3. Waxaan u sheegaynaa walaalaheena sida gaar ah dhibaatada loogu geystay in aannan raali ka ahayn falkaas foosha xun, islamar kaasna sameynta ficilkaas ku kooban tahay shaqsiyaad caadaystay gadashada dhiiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo doonaya inay isku diraan ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyagoo fulinaya dano Gumeysi waji iyo mansabna kaga raadsanaya.

4. Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa labada shacab ee walaalaha ah in ay dhawraan nabada iyo wada noolaanshaha, islamarkaasna fahmaan ujeedooyinka iyo qorshayaasha gumeysiga ee ah in la isku dhufto shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah si ay ugu hirgalaan ujeedooyinkooda gurracan.

5. Waxaa maalmahaan ka dhextaagnaa Maamulka Puntland habacsanaan iyo maamul xumo baahsan, sidaas darteed waa inuu Maamulku dib isu saxaa.

6. Ugu dambayn waxan ka xunahay falalka isugu jira Xasuuqa,dilka kufsiga boobka iyo barakicinta shacabka ee laga wado koofurta Soomaaliya iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waxaana ugu baaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed inay wada hadal ku dhamaystaan arrimahooda oo aysan xalka sugin gacan shisheeye

dadka bayaankan ku saxiixan.

1. sh muuse mahamed cawil
2. nabadoon abshir shini
3. mahamed cabdi xasan
4. cabdirisaaq nuur
5. cabdinasir cilmi hasan
6. cabdilaahi aadan faarax (daad)
7. cawil yasin cabdi
8. mowliid cabdilaahi xoosh gaashaan
9. ahmed cabdi cali (ugaaska)
10. sh. abshir cismaan diric
11. mahamud hoobaal
12. cabdirisaaq mahamud haariye
13. cabdi xakiim mahamud faarax cade
14. mahamud cabdi jaamac
15. ahmed cabdulaahi jaamac
16. jaamac aadan faarax daad
17. saacid mahamed warsame
18. al xaaji jaamac dhowdhowle
19. cismaan jaamac hussen
20. cabdiraxman cabdi kariim diiriye
21. cabdulaahi mahamed bootaan(dhegecadde)
22. saciid mahamed mahamud (sayid)
23. mahamed cabdulaahi yuusuf (jarafle)
24. jamal mahamed yuusuf
25. saciid mahamed saciid
26. aadan hussen madoobe
27. abdirashiid mahamud garre
28. cabdi wahid cilmi hassan
29. cabdiqaadir hassan abshir
30. sadiiq hussen ciid
31. cabdirisaq mire jibriil
32. cabdirisaq geele xirsi(xaarte)
33. ahmed mahamed abdi bilaal
34. cumar cabdinuur danbalaas
35. muuse cabulaahi muuse
36. cabdirahmaan ahmed daad
37. abdirashiid mahamed xaashi
38. mahamud yaasin cabdi
39. mahamed cabdi shaati
40. cabdifatax mahamud xaji xasan (walaale)
41. mahamud khaliif wayrax
42. cabdinasir ismacil sanwayne
43. cabdi casiis jaamac yuusuf(birjeeb)
44. yuusuf cali yuusuf
45. jamaal husseen ciise(dhuub iswaal)

WIXII FAAHFAAHIN EMAILADAN NAGALA SOO XARIIRA

ALHAAJI_JA@UK.CO
HOOSH5@HOTMAIL.COM
HANTAARA@HOTMAIL.COM

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS