SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Shir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay gacan galisay Ragii Gobolka Soomaali Galbeed...

  •  CAMBAARAYN FALKII FOOSHA XUMAA EE MADAXDA PUNTLAND KU QABQABTEEN DAD SOOMAALIYEED,UGUNA GACANGALIYEEN CADAWGA ITOOBIYA

Halkan ka Daawo Sawirada Kulanka Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa waxaa maalintii Axdda (11-May -08) ahayd lagu qabtay shir ay soo qaban qaabiyeen Culumaa'udiinka Odayaasha dhaqanka Aqoonyadaha Siyaasiyiinta,Ganacsatada, dhalinyarada ka soo jeeda Puntland oo ay ku canbaaraynayeen falkii dhawaan maamul Goboleedka Puntland gacanta ugu galiyay Dowlada Ethopia rag ka soo jeeda Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden )

Shirkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Shirarka ee Hotelka Daris salaam,hotel ee xaafdaa islii iydoo uu ahaa shir si heer sare loo soo aagsimay waxaana ciwaan looga dhigay buurka shirka waxaan doonayaa Isbadal oo lagu xardhay afarka Carabiga Somalia iyo Englishka.

ugu horaytii ayaa waxaa Munaasabada lagu firay Aadu qoraanJPka Kariimka ah oo uu akhiryay Shiikh Maxamed C/laahi Maxamed Nuurseed,



Intaasi ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu soo wareejiayay Shiikh Ismacil Xaaji warsame oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaankii soomaaliya sanadkii 1964 isagoo si kulul u canbaareeyay maamulka Puntland kuna eedeeyay in rag aan wax danbi ah galin ku wareejiyeen dowlad Ethopia waxaana uu tibaxay in shacabka Puntland arintaasi ku raacsanayn shaqsiyaadkii ka danbeeyay.

Waxaa sidoo kale ka hdlay halkaasi Siyaasi Axmed Jbiriil oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland Axmed Jibriil Cabdullah,Sandheere waxaana uu sheegay in xasuuqa iyo xariga lakula kacayo shacabka aan waxba galabsan ay tahay mid ay hogaamiyaasha Puntland doorshada soo socota ay waji iyo kalsooni uga raadsanayan Maamulka Melez sawani waxaana oo si kukul u canbaareeyay falkii lagu xir xiray ragii ka so jeday gobolka Ogadena.



Aadan Cukaash oo ku hadlayay magaca Odayaasha iyo culumada ayaa waxaa uu si kulul u canbaareeyay falkaasi waxashnimada ahaa ee lagu xir xiray raga walaalaha ah ee maciinka soo biday gobolka Puntland oo ah gobolkeedi sida uu yiri Adan Cukaash waxaana uu sheegay in ay nasiib daro tahay rag iska kicinaya gumaysiga Ethopia in loo gacan galiyo Ethopianka isagoo intasi ku daray in ay arintaani tahay mid hor dhac u ah in la iska qaadi dono gumaysiga.




Waxaa sidoo kale halkas ka hadlay C/risaaq Jeqalood oo ku hadlayay magaca soo qaban qaabiyaasha shirka iyo waliba gacansto ay ka mid ahayeen jaamac Cabdi salaam Axmed, Mahdi aadan iyo waliba C/laahi Xsaan.

Ugu danbaytii waxaa saxaafada u akhriyay bayaankii shirkaasi ka soo baxay Jaamac Ismaaciil Cilmi isagoo u soo ban dhigay sidaan ..

-------------
Waxgaradka iyo aqoonyahan ka soo jeeda Puntland ayaa baaq ka soo saaray magaalada Nairobi dalka Kenya, baaqaasoo lagu cambaareynayo falkii dhawaan Itoobiya loogu gacan geliyay dad ka soo jeeda gobolka Ogaadeenya.

Ku:Dhamaan Shacabka Reer puntland

Ku: Madaxda Maamulka Puntland
Ku: Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Ku: Shacabka Soomaaliyeed.
Ku: Shacabka ku dhaqan OGADEN

UJEEDO: CAMBAARAYN FALKII FOOSHA XUMAA EE MADAXDA PUNTLAND KU QABQABTEEN DAD SOOMAALIYEED,UGUNA GACANGALIYEEN CADAWGA ITOOBIYA

Ka dib markii ay yeesheen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, kulan dheer oo si weyn loogu lafa guray xubnihii shacabka Soomaalida ah ee OGADEN iyo dadkii muruqmaalka ahaa ee loo gacan galiyey Itoobiya iyo qaabkii foosha xumaa ee dadkaas walaalaheena loogu dhiibay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la isla gartay in aan arrintaas laga aamusi karin, islamarkaasna waxaa laga soo saaray bayaan looga xun yahay, laguna cambaaraynayo falkii aadka u foosha xumaa.

Markii aan aragnay in falkaasi ka soo horjeedo shareecada diinta Islaamka, islamarkaasna sidoo kale uu ka baxsan yahay dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, ayna tahay mid wax u dhimaysa diinta islaamka, xuquuda qofka bini aadamka ah iyo karaamada Shacabka Reer Puntland , kaasoo ahaa fal lagu raali galinayey gaalo cadaw ku ah diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Ka dib markii falkaasi ku dhaqaaqeen ma’suuliyiinta Puntland, islamarkaasna qaarkood si cad u qirteen inay dhiibeen qaar dadkaas ka mid ah, isagoo Maamulka hore u gacan galiyey dad Soomaaliyeed iyo Muslimiin aan wax dembi ah galin, ayna madaxda maamulkaasi garab mareen hadafkii loo aas aasay ee ahaa inay ilaaliyaan danaha ummadda Reer Puntland iyo tan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan soo saarno qodobo dhowr ah oo lagu cambaaraynayo falkaas foosha xun, waxayna kala yihiin sida tan:-

1. Waxaan si qoto dheer u cambaaraynaynaa falkii gurracnaa ee foosha xumaa ,ayna madaxda Puntland ugu gacan galiyeen cadawga Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ay naga dhaxayso diin,dal, wada dhalasho xiriir dhow oo ganacsi.

2. Waxaa si gaar ah u dhaleecaynaynaa dadka sida gaar ah uga dambeeyey falkan, waxaana uga digaynaa guud ahaan dadka falalkaas xun xun ka shaqaynaya inay ka waantoobaan, hadii kale shacabka reer Puntland uma dulqaadan doonaan, waana lala xisaabtami doonaa maalin maalmaha ka mid ah.

3. Waxaan u sheegaynaa walaalaheena sida gaar ah dhibaatada loogu geystay in aannan raali ka ahayn falkaas foosha xun, islamar kaasna sameynta ficilkaas ku kooban tahay shaqsiyaad caadaystay gadashada dhiiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo doonaya inay isku diraan ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyagoo fulinaya dano Gumeysi waji iyo mansabna kaga raadsanaya.

4. Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa labada shacab ee walaalaha ah in ay dhawraan nabada iyo wada noolaanshaha, islamarkaasna fahmaan ujeedooyinka iyo qorshayaasha gumeysiga ee ah in la isku dhufto shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah si ay ugu hirgalaan ujeedooyinkooda gurracan

5. Waxaa maalmahaan ka dhextaagnaa Maamulka Puntland habacsanaan iyo maamul xumo baahsan, sidaas darteed waa inuu Maamulku dib isu saxaa.

6. Ugu dambayn waxan ka xunahay falalka isugu jira Xasuuqa,dilka kufsiga boobka iyo barakicinta shacabka ee laga wado koofurta Soomaaliya iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waxaana ugu baaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed inay wada hadal ku dhamaystaan arrimahooda oo aysan xalka sugin gacan shisheeye.

SAXIIXAYAASHA BAYAANKAN:

1. Axmed Cabdile Jibriil
2. Isin Cabdilaahi Maxamuud Aadan
3. Sh. Ismacil Xaaji Warsame
4. Siyaad Aadan Muuse
5. Cabdirasaaq Jaamac Jaqalo
6. Cabdiqani Axmed Geelle
7. Burhaan Cabdi Abshir
8. Mahad Aadan Maxamed
9. Garaad Cabdi Yare
10. Axmed Cabdirashid Cali
11. Maxamed Nuur Shire
12. Axmed Cabdiqaadir Nuur
13. Siciid Cali Aadan
14. Cabdirisaaq Ismaciil Xaashi
15. Cabdiraxmaan Saciid Cismaan
16. Maxamuud Maxamed Ciise
17. Cabdulaahi Maxamed Faarax
18. Nasteex Bashiir Maxamed
19. Muuse Cabdi Cawad
20. Bille Faarax Cabdi
21. Cabdisalan Cumar Ismaciil
22. Faarax Cabdi Xujaale
23. Cabiraxmaan Muuse Faarax
24. Xasan Axmed Maxamed
25. Axmed Maxamed Xuseen
26. Cabduqadir Khaliif Cabdinuur
27. Mahad Maxamuud Warsame
28. Mukhtaar Huruuse Xaashi
29. Jaamac Ismaaciil Cilmi
30 Cumar Xassan Jaamac
32 Ahmed Nuur Qorane

Munaasabada ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo heer sare ah.

Mohamed Abdi Mohamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi, Kenya
botaan1@hotmail.com

Halkan ka Daawo Sawirada Kulanka Nairobi


Bayaan dhaleeceeyn mamaul goobleedka puntland

Shirkaan cambaaraynta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey siyaasiyiinta waxgaradka, culumaaudiinka, aqoonyahanada jaaliyada Puntland ee bariga afrika iyada oo ay ku cambaaraynayaan falkii ay maamulka goboleeda puntland ay dad soomaali ah ugu gacan galiyeen dowlada Ethopia, waa sida ay hadalka u dhigeenee.


Ismaaciil Xaaji Warsame

Shirkaan ayaa waxa uu ka dhacay magalada Nairobi ee dalka Kenya iyada oo ay kasoo qayb galeen waxgarad, culumaaudiin, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo ganacsato kasoo jeeda deeganada puntland iyo Jubooyinka, waxaana laga soo saaray bayaan lagu camaabaraynayay dowlada puntland iyaado oo waraaqado ay ku oqranyihiin bayaankaasna loogu qeybiyey, dadkii kasoo qaybgalay shirkaasi iyo saxaafada.

Ismaaciil Xaaji Warsame oo ka mid ahaan jiray xildhibaandii dowladaii rayidka ee 1964 tii ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadlay shirkaasi isaga oo sheegay in ay aad ugu xun yihiin falkii ay kula kaceen dowlada goboleedka puntland dad kasoo jeeda Kilinka shanaad kuwaasi oo ay uug gacan galiyeen dowlada ethopia, waxa uuna sheegay in ay kaligood ku tahay arinkaan oo asyan raali ka ahayn shacabadka reer puntland waa sida uu yiriye Ismaaciil Xaaji Warsame

Axmed Jibriil Sandheere oo isana ka mid dadkii ka hadlay ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn aqoonyahanada reer Puntland dhibaatooyinka ay ka gaysanayaan ciidamada ethopia iyo kuwa dowlada magaalada muqdisho sidoo kale waxa uu sheegay inaysan aali ka ahayn maamulka puntland dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabaka soomaaliyeed, waxa uuna shacabka reer puntland ugu baaqay inay iska dhiciyaan raga sheeganaya inay mamaul yihiin hadana dhibaatooyin ugaysanaya



Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Aadan Cukaash oo ku hadlay magaca Culimaa'udiinka, C/llaahi Xasan oo ku hadlayey magaca Ganacsatada iyo Jaamac Ismaaciil Cilmi oo dadka ka hor akhriyey bayaanka ay soo saareen aqoonyahnada reer punland eek u dhaqan magaalada Nairobi

Hase ahaartee arinkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ka dhaca magaalada Nairobi iyad oo cambaarayn laagu soo jeedinayay dowlad goboleedka puntland

Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)
Somalitalk– Nairobi
Muxsin55@hotmail.com

Halkan ka Daawo Sawirada Kulanka Nairobi


Jaaliyada Putland ee ku dhaqan Bariga Afrika oo canbaareeyn usoo jeediyay Maamulka Putland

najax maxamed cali
najax.usa@hotmail.com

Jaaliyada Putland ee kasoo jeedo Bariga africa ayaa shir ay maanta ku qabten magaalada nayroobi waxeey ku canbaareeyeen falaalka ay sheegeen in ay sameyeen Madaxda Maamuul Goboledka Putland oo ay Dad Soomaaliyeed, oo kasoo jeedo Gobalada Ogaden-iya ay gacan ugu galiyeen Dowlada Itoobiya.

waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay dhalinyarada reer Buutlaan ayadoona ay kasoo qeyb galeen shirkaas wax Garadka, iyo Culumo
ow diinka, iyo Ganacsatada, kasoo jeedo Gobolada Putland, hadalona ay halkaas ka jeediyeen qaarkood, oo ahaa Ganacsatada, iyo waliba Culumo owdiinka.

Waxeyna ku cambaareeyeen sida ay sheegeen waxa ay sameeynayaa qaar katirsan madaxda Putland ooy ku sheegeen in ay kadanbeeyeen ugacan galinta Dad Shacab ah oo kasoo jeedo Dhulka ay Itobiyo gumeeysato ee ladhaho Ogaadeeniya oo laga qabtay dhawaan Gobolada Puland loona dhiibay Cadowga Soomaaliyo ee Itoobiyo sida ay sheegeen waxa ayna intaas kudareen in ay Maamulka Putland Raga hada u hayo talada ay doonayaan iney aburaan colaad hor leh oo dhex marto dadka walaalaha ah ee aynan
hada kadhexeeynin colaadu. wada dhalashada iyo dariswanaaguna hada uu ka dhexeeyo.

Siyaasinta kahadlay Kulaankaas waxaa kamid ahaa Ismaaciil Xaaji Warsame oo ku hadlay afka Siyaasiyinta iyo wax Garadka kana tirsanaa Baarlamaankii dowladii Rayidka, waxa una sheegay in uu aad oga xun yahay kana tacsiyeeynaayo, wax hada ka dhacaayo Gobalada Putland, wuxuu tilmaayay in aay jiraan qaar katirsan Madaxda hada talada u hayso Putland in ay qabteen Dad shacab ah oo kasoo jeedo Gobalada Ogaadeeniyo, ayna ka qab qabteen gudaha Maamul Goboleedka putland una dhiibeen ciidamada dowlada itoobiyo, Kuwaasoo uu sheegay in hada ay ku jiraan xabsiyada dowlada itoobiyo.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday waxa hada kadhacaayo Caasimada Soomaaliyo ee Muqadhisho in ay tahay wax laga noxo Asagona yiri "Dowladda ma ahan nin guri isku xiray Dadkii shacabka ahaan gumaaday, waad ogtihiin Itoobiyo waxaa nagala dhaxeeyso cadaawad, goorma ayaa laxaliyay cadaawadii hada waxaa ay Itoobiyo ku leyneeysaa maalin kasto Dadkii Soomaaliyeed gudaha Soomaaliyo taasna waxaa kadanbeeyso Dowlada Soomaaliyo" ayuu yiri Ismaaciil Xaaji Warsame oo ay caro kamuuqatay wajiiga xiliga uu hadlaayay.

Sidoo kale Dadkii ka hadlay halkaas waxaa kamid ahaa Axmed Jabriil Jandheer oo siyaasi ah,
Aadan Cukaash oo katirsan Culumo owdiinka. C/laahi Xasan oo asagan Ganacsade ah, iyo Mahdi Adan oo ku hadlay Afka dhalinyarada, kuwaasoo kasoo wada jeedo Gobolada Putland.

ugu danbeyntii Bayaanka ay kasoo saareen Jaaliyada Putland ee ku dhaqan Bariga Africa ayeey kusheegeen in Maamul goboledka putland uu hareermaray hadafkii loo aas aasay marki hore waxeeyna soo saareen Bayaan ka kooban ilaa lix qodob oo ay ku camanbaareeynayaa falal ka guracan ee foosha xumaa ee ay sameyeen madaxda Putland sida ay ku sheegeen Bayaankoodi waxaana ku saxiixnaa ilaa sagaal iy labaatan qof 29 oo iskugu jiro wax garad, Culumo owdiin, Siyaasiyiin, iyo waliba dhalin yaro.


C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com

Halkan ka Daawo Sawirada Kulanka Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS