SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq cambaareyn ah oo sida wadajir ah usoo saareen Ardyada puntland ee Pakistan.

Waxaan canbaraynaynaa, isla mar ahantana aad uga xunahay, ficiladii arxandarada ahaa ee loogu gacan geliyey dhalinyrada somaliyeed Eithipia oo cadow ah.

waxaan sidoo kale, leenahay, cade muuse iyo shaqaalihiisa puntland ceebaad u soo jiideen iyo in aad walaalaha somali galbeed ee dhalashadu naga dhaxayso aad cadownimo tustaan, sidaas la isaga hari maayo, oo Maxkamad baa la idin soo tagayaa ee waa in aad sidaas ku xisaabtantaan.

Waxaan aad u soo dhawaynaynaa Bayaankii canbaraynata ahaa ee ay soo direen, Isimada Gobolka Bari tasoo muujinaysa sida ay uga xunyihiin isimadu, dhacdadaas waxshinimada ah, ee ay sameyeen inta fara ku tiriska ah, isla mar ahantaasna calooshooda u shaqaystayaasha ah.

waxaan sidookale ugu baqaynaa, Dhamaan Isimada, culima u diinka ,aqoonyahanada puntland in ay canbareeyaan, dhacdadaas, isla mar ahantaasna looga digo afar jeeblayaashaas in ay ku kacaan waxshinimadaan oo kale mar danbe, inta uu ka dhamanaayo sanakaas u haray.

Ugu danbayntii, waxaan ka raali gelinaynaa walahayga somali galbeed arinkaas foosha xun, kana codsanaynaa inaysan puntland u qaban arinkaan ay sameyaan tirada yari.

Mahadsanaidin.
Ahmed, Yousuf
Islamabad-Pakistan.
liibaan_yare2@hotmail.com


Indonesia: Abdullahi A. Moalin oo Cambaareeyey Falkii ka dhacay Puntland

Anoo ku hadlaya Magaca jaliyada somaliyed ee ku dhaqan Dalka indonesia waxaan cambaraynaynaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay maamulka puntland waxaan leenahay waa dad muslimin ah mana astahilan in loo dhiibo Ethoipa ,marna waa dad somali ah mana qabato in loo dhiibo xabashi marka sedexaad waa dad dhalyo ah ee haku raadin raligelin amxaaro Ogow waa ninkii beri kuu hilan lahaa.

waxaan mar labaad ka xuhunahay falkaas foosha xun waxaan leenahay puntland waa ku faani jirnay ee mamulku yuu garsiin in laga faano walaahi ma ihi reer puntland waxaan leenahay sharafta ragbaa keenay ee haku gadanina lacag yar ama hungri war ha ceebayn dadka sharafta badan ee reer puntland .

Asalaamu Calaykum..

Abdullahi A. Moalin
shiekhsabah@hotmail.com
allaa awod leh, ninkii aminaa awood leh

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS