Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka
Itoobiya
Waxaa
turjumey:
C/risaq maxamed xuseen, Sweden.
habdirisak@hotmail.com
Sida
ay SomaliTalk.com horay u daabacday waxaa Joornaal la yiraa
realtid.se ee kasoo baxa wadanka Iswiidhan uu waraysi la yeeshay
safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Stockholm ee wadankan
Sweden [ee la daabacay April 30, 2008].
Wareysigaas waxaa uu safiirku aad ugu gafey ummadda Soomaaliyeed ee
ku dhaqan sweden. Isaga oo Soomaalida Sweden ku sifeeyey kuwo caydh ku
nool oo isla markaasna lacagtaas kaalmada ah u dira "argagixiso" ka
dagaalanta Soomaaliya.
Bannanbax ay Soomaalida Sweden hore u dhigeen.
June 16, 2007 | Sawirka: realtid.se |
Wareysigaas aad iyo aad ayuu Soomaalida Sweden uga cadheysiiyey. Taas
oo keentay in Soomaali badan oo aqoonyahano iyo ururrada Soomaalida ee
Sweden ay xiriiro kala duwan la sameeyeen joornaalkii safiirka
wareystay. Dhamaan Soomaalidaasi waxaa ay si kulul u canbaareeyeen
wareysiga aan salka lahayn ee safiirka Itoobiya ugu gafey Soomaalida
reer Sweden.
Tusaale ahaan ururka Isbahaysiga Soomaalida iswiidhan ayaa soo saaray
warsaxaafadeed lagaga jawaabayo hadallada kasoo yeeray safiirka itoobiya
ee Istockholm. Waxaa iyaguna aad arinkan uga dooday aqoonyahano iyo
siyaasiyiin Soomaali ah ee ku dhaqan wadankan Iswiidhan. Doodaas kulul
ee aan loo kala harin waxaa ay ku khasabtay joornaalkii wareysiga
sameeyey inuu Doodii Soomaalida ka qoro maqaal loogu jawaabayo safiirka
itoobiya. Maqaalkaas waxaa Soomaalidu ku beeniyeen dhammaan qodobadii uu
safiirku soo bandhigay. [Waxa wargeysku daabacay May 7, 2008]
Jawaabtii Soomaalida ee joornaalku daabacay oo kooban
"Xaq uma laha inuu soo dhexgalo siyaasada gudaha ee Sweden isla
markaasna uu ku xadgudbo dad dhalasho Iswiidhish ah haysta. Kama jiraan
Soomaaliya wax argagixiso la yiraa. Balse waxaa jira dhaqdhaqaaq looga
soo horjeedo Itoobiya. Itoobiyaanka Soomaaliya joogaa waxaa ay fara
xumeeyaan dumarka Soomaalida ah, waxaa ay dilaan oo xiraan caruurta.
Ururada u dooda xuquuqul insaanka sida Amnesty iyo Human rights ayaa
caddeynaaya xadgudubkaas. Soomaalida inteeda badani waa ka soo horjeedaa
qabsashada itoobiya dalkayaga qabsatay. Waxaanu xaq u leenahay inaan
wadankayaga difaacno. Itoobiya shaqa kuma laha Soomaaliya. Itoobiya
waxaan kula dagaalameynaa aalad walba oo aan heli karno", Ereyadani waa
kuwo ka mid ah doodii uu soo bandhigay Xasan Cabdullaahi oo ah
siyaasi Soomaaliyeed, degan caasimada labaad ee sweden, Gothenberg.
Xasan waxaa uu ka tirsan yahay golaha deegaanka ee magaalada Gothenberg,
isaga oo matala xisbiga shaqaalaha.
C/risaaq Aadan oo ka mid ah Soomaalida reer Sweden isla markaasna
malata urur ka mid ah kuwa Soomaalida, ayaa isna ka mid ahaa dadka dooda
fikirkiisa ku biiriyey. "Waraysiga safiirku waxaa uu ahaa mid aad u tayo
liita, kolka laga hadlaayo xagga saxaafada. Ma dhacdo badanaaba in
barabogaanda [dacaayad] intaas le'eg loo isticmaalo joornaal. Waxaa ay
ahayd in joornaalku iska hubiyo arinka safiirku sheegay isla markaasna
uu xaqiiqda raadiyo."
Aniga oo ah C/risaq Maxamed Xuseen (qoraaga maqaalkan) kana mid
ah aqoonyahanada Soomaalida reer Swedan ayaa ka mid ahaa dadkii xiriirka
la sameeyey joornaalka iyo weliba ninkii wareysiga sameeyey. Waxaan u
sheegay in waxyaalaha joornalku soo badhigay aaney Sal iyo raad toona
lahayn balse ay tahay been la dhoobdhoobay. Waxaan si toos ah sida
Soomaali badan u cadeeyey joornaalka in aan xaq u leenahay haddaan nahay
Soomaalida inaan ka hadalo arinka safiirku sheegay. Xaq ayaan joornaalka
ugu leenahay inuu na wareysto. In dad dhan oo meel degan lagu sheego
argagixso iyo kuwo cayr ku nool waxaa weeyaan xadgudub iyo gaf, ayaan
kusoo gabagabeeyey hadalkeygii.
Dadkii Soomaalida ahaa ee arinkan ka hadlay aad iyo aad ayey u
badnaayeen, waxaa kaloo ka mid ahaa siyaasiga kale Soomaaliyeed ee la
yiraahdo Hanad Cabdi. Hanad waxaa uu yiri: "Sharaxaada safiirku
ma aha mid xaqiiqda ka turjumeysa. Inaanu dalkayaga difaacno ma aha
argagixisanimo, balse waa taageero aan u fidineyno howlaha dalkayaga
lagu xoreynaayo. Sharaxaada saxda ahi waxaa weeyaan iney Itoobiya
Soomaaliya qabsatay. Waxaa ay la mid tahay ruushka oo Sweden qabsaday.
Itoobiya wax u yaala Soomaaliya ma jiraan, anaga itoobiya waxaa ay noola
mid tahay awood dadkayga qabsatay. Qof kasta oo Soomaali ahna waajibaad
baa ka saaran inuu ka qayb qaato dadaalka lagu xoreynaayo Soomaaliya"
ayuu yiri hanad isagoo hadalkiisa sii watey.
Dadka kale ee ololaha loogu jawaabayo safiirka Swedan ka qayb qaatay
waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha ururka Isbahaysiga Soomaalida ee Sweden,
Faarax Cabdisamad Faarax. Gudoomiyuhu waxaa uu isagoo ururka
matalaaya xiriiro kala duwan la sameeyey hayądo kala duwan si arinka
safiirka looga hortago. Tusaale ahaan waxaa uu Faarax wareysi siiyey
qaybo ka mid ah raadiyaha sweden.
Gebagabo
Hadalku waa: SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSA OO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA
TAAG DARAN TAAGEERA WELIGIIN. Murti waxaa ay ku dhan tahay oraahdaas
qiimaha leh ee ka mid ah maansada calanka qaranka Soomaaliyeed. In isku
tiirsanaantu fiican tahay waxaa caddeyn u ah miraha dadaalkii ay dadka
Soomaalida Sweden kaga hortageen weerarkii safiirka Itoobiya ee sweden.
Taasoo ugu dameyntii dhalisay in ay joornaalkii khasab ku noqoto inuu
arimahayagana ka hadlo. Inuu xaqiiqsado awoodda aan la dhayalsan karin
ee Soomaalida reer sweden. Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dadkii ka
qayb qaatay dadaalkaan. Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan soo wada
qaadan hadaladii iyo dadkii hadlay dhamaantood.
Balse guushani waa mid usoo hoyatey Soomaalida oo dhan. Ololaha iyo
doodaha loogu jawaabayo safiirka waa ay soconayaan ilaa iyo inta uu
cudurdaar ka bixinaayo xadgudubka uu la yimid.
Mahadsanidin:
Waxaa turjumey iskuna duba ridey: C/risaq maxamed xuseen.
Eskilstuna. Sweden.
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008
Soomaali ka bannaan baxaya Itoobiyaanka, Sweden.
Sawirka: realtid.se
Hadalkii Safiirka Itoobiya hoos ka akhri...
Safiirka Itoobiya ee Swedan: "Soomaalida Iswiidhan lacagta kaalmada
loo siiyo argagixiso ayey u diraan"
Joornaal la yiraa
realtid.se ee kasoo baxa magaalada Stockholm ee
caasimada wadanka Sweden ayaa [April 30, 2008] waxaa uu wareysi dheer oo meelo badan
taabanaaya la yeeshay safiirka Itoobiya u fadhiya wadankan Sweden.
Safiirkani waxaa uu xitaa wakiil ka yahay wadamada skandanevianka oo
dhan. Safiirka waxaa magaciisa la yiraa Dina Mufti.
Safiirku isaga oo ka hadlaaya Soomaalida Sweden waxaa uu yiri ereyadaan
soo socda:
- -Waxaan codsanayaa in gacan adag lagu qabto dhaqdhaqaaqa argagixiso
ee Soomaaliya taas oo aan aaminsanahay in laga maalgeliyo Sweden.
- - Soomaalida Iswiidhan waxaa ay dakhli ka helaan lacagaha cashuuraha
ee dadku bixiyaan iyo lacagaha kaalmada caruurta. Waxaan si aad iyo aad
ah u tuhmeynaa in lacagtaas qaybo ka mid ahi ay gacanta argagixisada
gasho.
- - Waxaan rumeysan nahay inuu jiro xiriir ka dhexeeya
Soomaalida
Sweden iyo ururka Alshabaab
- - Waxaa jooga wadanka Sweden in ka badan 40,000 Soomaali ah, Norweyna
waxaa jooga ilaa iyo 18,000 Soomaali ah. Waxaa ay sameeyaan waxaa
weeyaan in aaney naftooda u isticmaalin lacagaha ay ka helaan hayąda
caydha maamusha.
- - Dowlada Sweden waxaa ay lacagtaas u bixisaa si bulshada ay ku
dhexgalaan. Jeegag ayaa la siiyaa kumanaal ah, balse lacagta looma
isticmaalo howlihii in bulshada la dhex galo. Lacagtaas qayb ka mid ahi
waxaa ay aadaa ujeedooyin siyaasadeed. Waxaa jira kuwo xag-jira oo
lacagtaas u dira wadankii.
- - Dowladda Sweden waxaa ay isku dayeysaa iney daba socoto kuwaas,
maxaa yeelay kuwa xag jiraa khatar ayey ku yihiin qofwalba.
- - Haddii aaney dowlada sweden arinkaas tixgelin oo la socon, waxaa
dhaceysa in kuwa muslimiinta ahi ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan
bulshadeena.
- - Lacagta cashuurta ee Sweden waa iney aadaa ujeedadii loogu talo
galay, mana aha in lagu gato hub iyo waxyaalaha qarxa.
Safiirku waxaa kaloo uu ka hadlay sababta ciidamada itoobiya u joogaan
wadanka Soomaaliya taas oo la mid ah mida ay bixiyaan madaxda sar
sare ee Itoobiya. Waxaa kaloo uu ka hadlay cabsida ay itoobiya ka qabto
hadii xoogaga muslimiintu ku guuleystaan Soomaaliya.
Faallo: Wareysiga safiirka
Wareysiga kor ku xusan waxaan u turjumey sida uu u yiri safiirku.
Waxaadna ka heli kartaa ereyada aan turjumey oo af-swiidish ah ciwaankan
(http://www.realtid.se/)
Kolkii aan tutjumaayey waxaan raacay sharciga u degan turjumaada ama soo
xigashada kaas oo ah, inaad turjumaad dhexdhexaad ah sameysid. Taas oo
loola jeedo feker kasta oo aad adigu ka qabto arinkaas inaad wareysiga
sida uu yahay aad u turjunto. Sidaas darteed wareysiga kor ku xusani waa
hadaladii uu safiirka Itoobiya ee sweden ka yiri Soomaalida ku dhaqan
sweden. Haddba qaybtaan hoose waxaa aan kaga hadlayaa faallo ah qaabka
aan anigu u arko wareysiga uu safiirku bixiyey.
Wareysiga qaybo badan oo ka mid ah iyo kelmadaha uu isticmaalay safiirku
waa kuwo xadgudub toos ah ku ah shicibweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
wadankan Sweden. Tusaale ahaan kelmadaha ah "Soomaalida Sweden waxaa ay
kaalmo ka helaan lacagaha cashuuraha iyo kaalmada caruurta, lacagtaas
qaybo ka mid ahi waxaa ay gashaa gacanta argagixisada". Tan ugu horeysa
Soomaalida sweden oo dhammi kuma noola tabarucaad balse waxaa ay u badan
yihiin kuwo muruqooda maala. Waxaana ay ka mid yihiin ummadaha cashuuraha
bixiya. In la isku wada qabto oo la yiraa waa dad ku sifoobey
kelmadahaas waxaa ay noqoneysaa ku xadgudub dad dhan oo meel degan.
Waxaana ay arintaasi leedahay shuruuc ay dowlada iswiidhan ugu talo
gashay.
Waxaa kaloo iyana qalad iyo meel kaga dhac ah in dadka Soomaaliyeed ee
degan wadankan sweden uu safiirku ku sifeeyo dad taageero u fidiya ururo
argagixiso ah. Haddii ay jiraan dad ka mid ah Soomaalida sweden oo iyagu
taageera argagixiso waxaa ay u taalaa dadkaas iyo ciidamada nabadsugida
ee dalka. Balse in shicib dhan la isku qaado laguna tilmaamo argagixiso
waa mid iyadana meel kaga dhac ah shicibka soomaaliyeed ee sweden.
Caddeynteedana Safiirka ayaa laga rabaa.
Turjumaada iyo Faalada:
C/risaq M Xuseen, Sweden
habdirisak@hotmail.com