Shirka Dibu-heshiisiinta Soomaalida Uga Socdey Jabuuti oo Meel Adag Maraya.
Waxaa si rasmi ah u bilwdey shirkii dibu-heshiisiinta qaybihii ugu adkaa intii
ay socdeen, wadahadalada DKMG iyo IDS ee soo bilowdey horaatii sanadkaan aynu ku
jiro ee 2008-da, iyadoo ay shirka ka maqan yihiin xubno ka mid ah sixiixayaashii
heshiiska dhinaca DFKMG.
Shirkaan ay u fariisteen dhinacyada DKMG iyo IDS oo ahaa mid al-baabada u xiran,
islamarkaana labadii maalmood ee hore ku bilowdey qaab siminaar aysan ka qayb
galin qaybaha warbaahinta dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee caalamka, ayaa waxaa
looga hadlaayey wax lagu sheegey dhismaha dowlad midnimo Qaran, waxaana ka soo
bax baxaya hadalo cul culus oo aan si toos ah saxaafada loogu soo bandhigin.
Qaar ka mid ah xubnaha shirka ka qaybgalayey oo aan si gooni gooni ula kulmey,
islamarkaana aan wax ka weydiiyey ayaa waxay ii sheegeen "in shirku uu galey
marxaladii ugu adkeyd intii uu socdey, islamarkaana waxaa looga hadlayo ay tahay
sidii labada dhinac ay isula fahmi lahaayeen, dhisida dowlad loo dhan oo
baarlamaankii iyo golihii xukuumada mustaqbalka dalku uu lahaan lahaa, waxaana
soo bax baxayey tirada xildhibaanada oo lagu sheegayey ilaa iyo 500 mudane in
laga dhigo, halka kuwa kale ay iyaguna ay ku sheegayaan in tirada xildhibaanada
laga dhigo 350 xubnood, balse wali si rasmi ah uma cada warkan.
Kaararkii xubnaha qaarkood ee maqnaa.
Dhinaca kale qaybtii hore ee shirka labada maalmood u socdey, waxaa laysla
gartey in la sameeyo Gudi ka kooban 9 xubnood oo isugu jira DKMG, IDS iyo
Urarada bulshada oo aan lug ku lahayn fal dembiyeedyadii dalka ka dhacay mudadii
18-ka sano, islamarkaana soo baara xadgudubyadii dhacay mudadii 18-ka sano,
iyadooo gudigan ay qayb ka yihiin xubno khubaro kale oo ka socda beesha
caalamka.
Hoteel Kempniski ee Caasimada dalka Jabuuti
Gudigan ayaa waxaa uu hoos tegidoonaa Qaramada midoobey qaybteeda xuquuqda
Aadanaha, sidoo kale waxaa laysla gartey in gudigan dhismihiisa, sida uu u
shaqeynayo iyo wax uu ku shaqeynayo loo hawl galo bilaha soo socda.
Gudigaan noociisa oo kale ayaa waxaa lagu sheegey in hore looga soo dhisey
dalall badan oo ay ka mid yihiin burundi, Ruwada, Yuguslafaakiya iyo kuwo kale
oo dagaalo sokeeye ay soo mareen sida soomaaliya oo kale.
Sawirka midig: midiga Ibraahim Xabeeb Nuur oo ah xubin kale oo ku
cusub shirka iyo bidix Cabdiraxmaan Jaamac
Sawirka bidix: midig waxa uu ka socdaa midowga yurub, bixid xuquuqul Insaanka
24/11/2008-da ayaa la filayaa inay soo gaaraan caasimada dalka Jabuuti Ra’iisul
wasaare Nuur Cade iyo ku xigeenkiisa Axmed Cabdisalaan xubno ay hogaaminayaan,
sidooo kale waxaa la hadal hayaa imaanshiyaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,
inkastoo dadka qaar ay sheki gelinayaan imaanshiyihiisa.
Axmed Walad Cabdalla iyo Wakiil Midowga Afrika
Maxamed
Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008 |