Hogaanka sare Isbaheysiga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi Jimcaha, si ay
ula kulmaan beesha caalamka...
Hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan
magaaladda Khartuum ee wadanka Suudaan.
Wafdiga oo ka kooban Sh. Shariif Sh. Axmad oo ah gudoomiyaha fulinta Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya, Gudoomiya Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan
Sh. aadan, Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka mid ah golaha dhaxe ee Isbaheysiga
dib u xoreynta,gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Gudoomiyaha Isbahaysiga, Gen Jaamac
Maxamad Qaalib, Prof Cadow oo isagu ah la taliyaha xiriirka caalamiga ah ee Sh.
Shariif iyo Sh. Cumar Iimaan oo xubin ka ah Golaha Dhex ee Isbahaysiga, waxaana
Nairobi ku sugan oo usii gogal xaaraya wafdigaan balaaran xubno ka tirsan golaha
dhaxe ee Isbaheysiga, kuwaas kala ah Prof Abdiraxman Ibbi, mudane Abdul Kadir
Dhaqane, iyo Mohamed Amin Osman.
Wafdiga oo casumaad rasmi ah ka helay dawladda Suudaan ayaa wararka Khartuum ka
imaanaya sheegayaan in iyaga iyo dawladda Suudaan ay isla meel dhigeen waxyaabo
badan oo ah arimaha Soomaaliya .
Wafdiga ayaa maalmaha soo socda u baqooli doona magaaladda Nairobi ee dalka
Kenya, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan Qaramadda Midoobay iyo qaar ka
mid ah diblomaasiyiinta dawladaha Yurub ee daneeya arimaha Soomaaliya.
Ilaa hadana ma cada inay wadahadal la gali doonaan hogaamiyaha cusub ee kooxda
Mbagathi Nuur Cade oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana cad in
wax badan iska badaleen xaga beesha caalamka arimaha Soomaaliya, ayna hada
diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan xaalada dalka Soomaaliya,waxaana la filayaa
in ciidamada Ethopia laga saari doono Soomaaliya, iyadoo lagu badali doono
ciidamo ka socda United Nations.
Ilo wargal ah
Magaalada Jowhar Oo ay Iskood Uga Bexeen Ciidamadii Maxaakiimtu Iyo
Gudoomiyaha Gobolkasi Oo Arintaasi Ka Hadlay.
Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe Ee Jowhar Oo ay maalintii shalay [Mar 26,
2008] ilaa habeen hore ay gacanta ku haynteeda la wareegeen xoogaga wax iska
caabinta ee taabsan golaha maxaakiimta silaamka ayaa maanta degan kadib markii
ay Ciidankaasi iskaga baxeen islamrkaana ay usoo daba mareen Gudoomiyaha Gobolka
shabeelada dhexe mr-deel oo safar uga maqnaa xiligaasi uu dagaalku ka dhacay .
Mr-deel oo saaka saxaafada u waramayey ayaa shaaca ka qaaday in laga qaatay
baabuurtii ay maamulka gobolkaasi lahaayeen iyo weliba qalab xafiiseedkii yaalay
xafiisyada maamulka dowlada DF ee gobolka islamrkaana ay ku raad joogaan kooxaha
ka dambeeyey falkaasi waa siduu hadalka u dhigaye .
Gudoomiyaha ayaa intaasi sii raaciyey in uu safar uga maqnaa gobolka
islamrkaana uu kusoo laabtay Gobolkii oo dagaal ka dhacay islamrkaana laga
qaatay waxii Qalab xafiiseed iyo gawaari maamulku lahaa oo dhan waanuna sheegay
gudoomiyuhu inay ku raad joogaan oo ay ka Hari doonin waa siduu hadalka u
sheegaye.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada dhexe ayaa kusoo beegmaya xili ay xaalado
colaadeed ka jiraan Qaar ka tirsan Gobolka shabeelada dhexe islamrkaana laga
cabsi qabo in xoogaga taabacsan Golaha maxaakiimta islaamka ay la wareegaan
Goobo kale oo ka tirsan gobolkaasi iyo weliba Gobolada jaarka la ah sida
Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha dagaal ee u dhexeeya dowlada KMG ah iyo Xoogaga
kasoo horjeeda ayaa u muuqda kuwo kasoo daraya xiliba xiliga kasii dambeeya
taasoo ay soo xoogaysanayaan Kooxaha wax iska caabinta ee kasoo horjeeda
siyaasada dowlada iyo Joogitaanka ciidamada shisheeye .
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Safar Dhulka ah Ku Maraya Qaar ka Tirsan
Gobolka Hiiraan Iyo Cabsi Ka Jirta Goobahaas .
Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) oo ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shaaca
ka qaaday inuu safar xaga Dhulka ah ku tegi doono degmooyin ka tirsan gobolka
hiiraan taasoo uu ku macneeyey safarkiisa inuu xalinayo khilaaf xaga maamulka ah
oo ka jira Meelo ka tirsan isla Gobolkaasi .
Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu safarkiisa ku tegi doono degmada Buulo-barde
iyo degmada jalalaqsi oo labaduba kawada tirsan Gobolaka Hiiraan islamrkaana
shaaca ka qaaday inuu safarkiisa ugu weyn yahay xalinta Khilaafaad ka dhex jira
taliyaha Ciidamada Booliska degmada Buulo-barde iyo Gudoomiyaha degmadaasi .
Daba Geed oo hadalkiisa sii wata isagoo saxaafada la hadlayey ayaa intaasi ku
daray in dhowaanahanba uu jiray Khilaaf xaga Maamulka degmada buulo barde ah uu
murano soo noq noqday ay halkaasi ka jireen islamrkaana uu xalintooda u tegeyo
halkaasi .
Safarka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xili ay cabsi iyo wel
wel xoogani uu ka jiro meelo ka tirsan Gobolkaasi islamrkaana ay maalmahanba
deeganada Hiiraan iyo shabeelada dhexeba ee dhinaca isku hayaa ay ka jireen
shaqaaqooyin dagaal oo u dhexeeya Xoogaga dowlada kasoo horjeeda iyo ciidamada
dowlada KMG ah iyadoo mudo maalin iyo badh ahna ay gacanta ku hayeen Magaalada
Jowhar Ee xarunta Gobolka shabeelada dhexe Xoogaga taabacsan golaha maxaakiimta
islaamka islamarkaana ay iskood uga baxeen.
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Baaq ku wajahan abaaraha dalka ku dhuftay iyo dhibaatooyinka aadanimo
Dhamaan bulshada caalamka gaar ahaan hay'adaha samafalka ee Qaramada midoobay
waxaan ku wargalinaynaa in dalka ay ka dilaacday abaar aad u xun oo dhibaato ku
haysa dadka iyo duunyadaba, abaartaa waxay sababtay in deegaano badan xoolaha
iyo dadkaba ugu il daranyihiin biya la'aan ba'an iyo cuno la'aan taas ay keentay
inay bilaabanto dhamaanshaha xoolaha halka dadkana u ildaranyihiin
Hadaba isbahaysiga dib-u-xoreyta Soomaaliyeed wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa
inay joojiyaan dabar u duwida ay shacbiga Soomaaliyeed dabag u duween xili ay u
baahanyihiin gargaar aadanimo. Shacbiga soomaaliyeed waxay is weydiinayaa
Ummadda Soomaaliyeed miyaysan ka mid ahayn beesha caalamka, aaway dalalka
islaamk, ururaddii caalamiga ahaa
Sidoo kale waxaan baaq u diraynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay
joogaan inay dadaalka iyo khaylo dhaanta ay kordhiyaan wax loogu qabanayo dadka
ku dhibaataysan dalka
Guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta ee golaha dhexe ee
isbahaysiga
Md Sulaymaan Colaad Rooble
Faafin: SomaliTalk.com |
March 27, 2008