Hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo marti qaad ay ka
heleen dowlada Suudaan ku jooga magaalada Khartuum.
Khartuum 25.03.2008 waxaa magaalada Khartuum ku jooga hogaanka sare ee
Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo ka soo kicitimay magaalo madaxda dalka
Eritareeya ee Casmara kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen dowlada
dalka Suudaan.
Wafdiga Isbahaysiga uga qayb galaya wada hadalada ayaa waxay ka kooban yihiin 4
xubnood ,kuwaas kala ah sida aan wararka ku helayno.
- Gudoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha fulinta ee Isbaheysiga Sheikh Sharif
Sheikh Ahmed.
- Gudoomiyaha golaha dhaxe ee Isbaheysiga Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden.
- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Isbaheysiga ee Fulinta Genaral Jama Mohamed
Khalib iyo Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga
dib u xoreynta Soomaaliya.
Sida ay wararka sheegayaan Hogaanka Isbaheysiga ayaa wadahadal la leh dowlada
dalka Suudaan,iyagoo ka wada arinsan doono xaalada dalka Soomaaliya.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Casmara booqashooyin ku kala bixiyey
wufuud caalami ah si ay ugala xaajoodaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
xaalada dalka Soomaaliya, wufuuda Casmara tagtey ee la xaajootey hogaanka
Isbaheysiga waxay kala ahaayeen, safiirada wadamada reer Galbeedka iyo Safiirka
dalka Mareykanka ee jooga dalka Eritareya, wasiirka qorshaynta iyo xiriirka
caalamiga dalka Holand iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay.
Dadaladaan ayaa soo ifbaxaya kadib markii ay fashilmeen qorshihi ay ciidamada
Ethopia iyo wadamada IGAD ku doonayeen inay caburiyaan shacabka Soomaaliyeed,
kuwaas kala hor yimid diidmo balaaran.
Masuuliyiintaan ayaa wada aaminsan in marka hore laga saaro ciidamada Ethopia
Soomaaliya kadibna Soomaalida dhaxdeeda ka wada hadli karaan mustaqbalka
dalkooda, hasayeshee waxaa socda dadaalo ay ku doonayaan wadamada qaar in la
isku keno dhinacyada isku haya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Isbaheysiga
Dib u xoreynta iyo kooxda Mabagathi oo maqaar saarka u ah Tigreega dalkeena
haysta.
Wixii ka soo baxa dib baan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Allah idmo.
Ilo xog ogogaal ah
yusufcade
March 26, 2008