Tartankii 18 aad ee kubadda cagta ee Gobolada oo ka furmey Jowhar
Sawirada halkan ka daawo....
waxaa Magaalada Madxda Gobolka shabeeladda Dhexe ee Jowhar ka furmey Tartankii
18 aad ee Cayaaraha Kubadda Cagta ee Naitionlink waxaa Gobolkaas ku tartamayaa
Sadex Gobol oo kala ah Shabeeladda Dhexe , Hiiraan iyo Galguduud waxaana ka soo
baxaya Soonka 3aad laba gobol oo soo gaari doona Magaalada Muqdisho oo la filayo
in ay isugu yimaadaan ilaa sagaal Gobol
waxaa tartankaan furey Gudoomiyaha Gobola shabelada dhexe Mudane Maxamed Cumar
Deele oo isaga u mahadceliyey intii isku soo howshey tartankaas wuxuuna u soo
jeediyey Cayaartoyda ka qaybgaleysa in ay la yimaadaan cayaar wanaagasan iyo
Asluub
waxaa hadalo kooban halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha Xiriirka soomaliyeed kubadda
Cagta Saciid Maxamed Nuur (Saciid Mugaambe) oo isagu sheegey in qabashada
cayaarahan loo soo galey Juhdi dheer wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey
Shirkadda Isgaarsiinta Naitionlink oo iyadu bixisey qalabka ay ku cayaarayaan
Ilaa Shan iyo Toban Gobol wuxuuna u soo jeediyey Shirkadaha kale in ay ku
da6daan maadama Isport-gu yahay mid abuura Nabadda waxaa halkaas isna warbixin
ka soo jeediyey Xoghaya Xirirka Kubada Cagta soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab
oo sheegey in xiriirka soomaaliyeed ay sanadka u qorsheysan tahay in uu qabto
tartamo fara badan wuxuu kaloo sheegey in u jeedada loo qabanayo Cayaaraha
Gobolada ay tahay in qaranku helo cayaartooy wax tar leh oo soo hoyn karta guulo
wax ku ool
waxaa iyana halgaa ka hadley masuuliyiin ka socotey Guddiga Olombikada
soomaalieed oo iyaga u mahadceliey xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Cagta sida
uu isugu howley qabashada cayaaraha Gobolda Kubadda Cagta waxay kaloo u
mahadceliyeen Shirkada Isgaarsiinta Naitionlink oo iyadu suurta gelisey
qabashada Tartanka cayaaraha gobolada
waxaa Ciyaartii ugu horeeysey lagu Furey Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan
waxaana 2-1 ku badiyey gobolka Shabeelada Dhexe
Todobaadkan ayaa ina waxaa Gobolada Shabeelada Hoose Marka isugu imaanaya Zoonka
1aad oo ay ku wada jiraan Shabeelada Hoose , Jubadda Dhexe iyo Jubada Hoose
sidoo kale waxaa Zoonka labaad ee Baydhabo isugu Imaanaya Goboladda Bay, Bakool
iyo Geddo waxaa iyana Zoonka 4 aad isugu imaanaya Gobolada Pundland waxayna
cayaarahaas ka dhacayaan Magaalo Madaxda Puntland ee Goroowe
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2008
Puntland:
Maraarkiibta Dagaalka ee Maraykanku haka baxaan Xeebta Soomaaliya, haddii
aysan la dagaalamayn Burcadda....
Wasiirka kalluumaysiga Puntland ayaa eedayn kulul u jeediyey Maraykanka,
waxana uu sheegay in USA qayb ka yahay ammaan darrida ka jirta Puntland...
Dhegeysi/Akhri
Soomaali Argaggaxiso ahi ma jirto-
Soomaaliya ma joogaan Soomaali Argaggaxiso ah
Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyi jirey Itobiya xilligii ay ku
duushey somalia
Dhegeysi/Akhri
Halyeey
Faarax Macalin Mohamed “ Dawaara” ahna ku xigeenka
afhayeenka Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay London.
Akhri.. Mar 11
|