SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Sheekh Zayed Bin Suldaan Al Nahyaan

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2008

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib . Assalaamu Calaykum
Hordhac
 
Akhristayaasha SomaliTalk ee la socota qoraalkan waa Kuma ayaan waxaan la socodiin in aan qormooyinkeena aan soo bandhigi doono aan ku soo bandhig doono [aragti akhristayaasha Soomaalida ah xiisayn doonto]
 
Bilow
 
Waxaa uu ahaa Madaxwaynihii Isu taga Imaaraadka Carabta, waxaana uu ahaa amiirka magaalada Abu Dabay.
 
 Waxaa lagu tilmaamaa in uu sabab u yahay hor marka ay gaartay isku taga imaaraadka carabta.
 
Waxaa la  soo saaray bugaag badan oo ka hadlaysa taariikhdiisa.
 
Shidaalka Carabtu ma ka qaali sana dhiiga Carabta'' oraahdaas waxay ahayd  mid  baalka dahabka ah ee taariikhdiisa
 
In kasta oo uu wakhti dhan,33 sano ayaa uu madax wayne u ahaa dalkaasi Imaaraadka carabta,balse waxaa uu dhintay iyadoo wali ay dadku u sii hanqa taagayeen xukunkiisa wanaagsanaa isagoo 38 sano siyaasada dalka ku soo jiray
 
 Waa kuma Sheekh Zaaid Bin Suldaan
 
Sheekh Zaaid Bin Suldaan Al Nahyaan waxaa uu ku dhashay magaalada Abu Daby sannadkii 1918-kii,waxaa uu ahaa Sheekh Zaaid cunga ugu yaraa ilmaha uu dhalay Sheikh Sultan bin Zayed Al Nahyan.waxaana loogu magac daray awoowgiis oo isagu soo xukumi jiray magaalada Abu Dubay.sanadihii 1855 ilaa 1909,
 
Markii uu dhintay Aabihiis sanadkii 1927 ayaa walaalkiis ka waynaa waxaa uu noqday hogaamiyaha badalay aabihiis.
 
Waxa uu dowladda soo galay sannadkii 1946 magaalada Al-Cayn. Iyadoo loo arkay qof dadka ku hoggaaminaya hor mar iyo ilbaxnimo ay ku tiigsato dowlada Imaaraadka iyadoo ay taasi noqotay runtii mid dhabowda,  isagoo ka shaqeeyay qaabkii ugu wanaagsanaa ay isku afgaran lahaayen dadka dalkiisa .
 
Sanadkii 1953 ayaa Sheekh Zaaid Bin Suldaan Al Nahyaan waxaa uu safarkii ugu horeeyay ku tagay dalka Ingiriiska
 
Sannadkii  6 Augst ee 1966-dii, waxa uu beddelay walaalkiis ka weynaa  oo lagu magacaabi jiray  Sheekh Shakuud Bin Suldaan Al Nahyaan oo maamuli jiray magaalada Abu Dabay.
 
Sanadkii 1968 markii uu ku dhawaaqay Ingiriisku in uu ka baxayo wadamo badan oo ku yaalay aagaas ayaa waxaa u ku dhawaaqay Sheekh Saaid in uu midanayo gobolada dalkaasi isagoo arinaasi ka dhiidhiay.
 
27 Febwury 1968 ayaa Sheekh Saa'id waxaa uu ku dhaqaaqay tilaabo u muhiim ahayd taas oo uu ku xaliyay khilaafaad yar yar uu u dhexeeyay dadka qabaa'ilka kala duwan ee deganaa halkaas isagoo mideeyay ka dibna 9ka imaaro ee uu ka kooban yahay Imaaraadka Carabta ee Midowbay sidaana waxaa ku hir galay magaca Imaaraadka Carabta.
 
Mudu sadex Bilood ah ayaa waxay ku qaataday in uu hisiishiiyo dadka isla daganaa ee uu khilaadka yar yar ka dhex taagnaayeen.
 
2 December sanadkii 1971 ayaa Sheekh Saa'id  waxaa uu madaxweyne u noqday Imaaraadka Carabta ee Midoobay.
 
Labo sano ka dib markii loo dooray madax wayne in uu u noqdo dalkaasi Imaaraadka ayaa waxaa uu Sheekh Zaaid Bin Suldaan Al Nahyaan ku dhaqaaqay sanadkii 1973 tilaabo shidaalka looga joojinayo dhamaan wadamada Dowlada Israil taageera.xiligaasi ayaa Sheekh Zaaid Bin Suldaan Al Nahyaan hadalkii u diiwaan galay ee uu yir waxaa uu ahaa  '' Shidaalka Carabtu ma ka qaali sana dhiiga Carabta'' oraahdaas oo noqotay mid u gashay baalka dahabka ah ee taariikhdiisa
 
Hormaka oo keenay Sheekh Zaaid Bin Suldaan Al Nahyaan (Dubia)
 
1985 ayaa waxaa la gudoonsiiyay Shiikh Zaaid bin Suldaan hadiyad dahab ah oo ay bixisay haayada caalamiga ah ee dadka ajnabiga ah oo uu saldhigeedu yahay magaalada Jeneva
 
Sanadkii 1990 ayaa waxaa uu Sheekh Zaaid qab ka noqoday 10 qof oo carbeed oo ay shacabka carabta cod aruurin laga qaaday ay ku doorteen in uu ka mid yahay dadka ugu horeeya kuwa wax ku siyaadin kara hor marka caalamka carabta.
 
1992 ayaa Waxaa uu helay bilad sharaf Dahab ah oo ay gudoonsiiyeen jimciyada carabeed ee dadka xeel dheerayaasha ah ee ajaanibta ah
 
Waxaa la  soo saaray bugaag badan oo ka hadlaysa shakhsiyada Sheekh Zaaid uu ahaa.
 
 
Goobaha loogu magac daray ayaa waxaa ka mid ah (Shaikh Zayed International Airport ) oo ku yaala magaalada Ra's khaymah.
 
Waxaa uu geeriyooday Sheekh Zaa'id Bin  Suldaan Al Nahyaan 2 December 2004 isagoo siyaasada dalkaas ku soo jiray mudu 38 sano ah,waxayna da'diisu ahayd 86 jir 33 sano oo ka mi ah waxaa uu ahaa madax waynaha Imaaraadka.
Waxaa lagu aasay Magaalada Abu dubay iyadoo ay aaskiisa ka soo qayb qaateen hogaamiyaasha wadamada caraba iyo kuwa Islaamka .
 
40 maalmood ayaa waxaa lagu dhawaaqay in ay tahay mudu loo murugoonayo geeridiisa. wadanka barxayn ayaa sidoo kale 40 maalmood lagu dhawaqay in ay tahay maalmo murugo leh .
 
Aaskiisa ayaa waxaa ka qayb qaatay
 
Ka dib geeridiida waxaa xilkii lagu wareejiyay Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, oo isagu dhashay sanadkii 1948, oo ahaa wiil uu dhalay Sheekh Zaa'id.
Dubai Real Estate
Soomaaliya yaa ka dhigi kara Sida Shiikh Zaaid ka dhigay Imaaraadka
 
Waxaa Su'aal ay adkaanayso jawaabteeda si si deg deg ah qof kasta uga jawaabo maxaa yeelay waxay u baahan tahay fikir iyo ka baaraan deg ka horeeya jawaabta,laakiin waxaa xusid mudan in la gaari karo hor marka ay marayso Imaaraadka Carabta ee midoobay hadii nala ka helo dhowr arimood.
 
1- in la helo hogaamiye daacad  u ah diintiisa iyo  dadkiisa, dantiisa gaarka aan ka hor marin tan bulshgada oo xukumayo.( isaguu ku salanayo wax kasta oo uu qabanayo Shareecada Islaamka)
 
2- in la helo qof dhamayn kara xaaladaha murugsan ee dalka ka jira oo ay kow ka tahay tan qabiilka isagoo dhamaan qabaailka oo dhan ka soo qaadaya in ay  u siman yihiin sharciga.
 
3- in marka arimahaas oo dhan la helo laga shaqeeyo bilicda dhuleena iyo furintaanka masahariic ay u wada siman yihiin dadka dalka Soomaaliyeed iyadoo meel la iska dhigayo arimaha qayaaladda, 
 
laakiin tilmaamuhu intaas kuma eka waxaa jira kuwa ka sii badan oo ay yartahay in laga helo qof Soomaali ah,hadii uu ahaan lahaa hogaamiye siyaasada ku soo galay qaab beeleed oo ay maanta u badan yihiin hogaanka siyaasada soomaaliya ama aan dhihi karo waa dhamaantood,
 
Hoogaan same ku dhisan oo la mid ah kaas aan ka soo sheekeenay ama ka sii fiican hogaamiyaas ayaan ka rajaynaynaa EEBE in uu Soomaaliya ka dhaliyo.
 
Isha Qoraalka
 


Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi,Kenya, Botaan1@hotmail.com
bootaan_somalitalk@gmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2008


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Barack Obama?.: Barack Xuseen Obama Waxaa uu dhashay 4 August 1961, Honolulu, Hawaii, ee Dalka Maraykanka, waxaana dhalay Aabe Muslim ah oo ka soo

Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Shiikh Cabdallah Axmar.: waxaa uu dhashay sanadkii 1351 Hijriga kuna beegan 1933 waxaana uu ku dhashay gobolka Xasni Xabuur, waxaana uu ka soo jeedaa qoys caan ka ah  dalkaasi yemen

Maxaa dan u ah shacabka iyo dalka, yaase ay Shacabka Soomaaliyeed dhowrayaan in ay masiibada ay ku jiraan ka saaraan... Akhri...

Sanad Ka dib Dagaalkii Lubnaan iyo Israel,Yaa Guulaystay labada dhinac,Waase Kuma Xasan Nasrulaah,Maxaa ka taqaan Taariikhiisa. Fanaanka Soomaaliyeed Xasan Aadan Samater, ayaa Bari samaadkii sanadkii 1973 hees uu qaaday ayaa waxay gil gishay dowladii Israel ee xiligaasi waxayna sababtay in ay dowlada Israel ay ku han jabtay in ay weerari doonto Radio Mogadishu

 Maxay ka noogtaa ama ku noogtaa bishimo iyo naaaso midna ma lehWaxba wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan ku keenay maanta ayaa waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo Koonfurta Soomaaliya.

Waa kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka Libiya Col Qadaafi Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942 isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha Sirta .

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi) Shahiid Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  (Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa (Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd taariikhdu  23 October 1947kii --waxaana uu shahiiday 17kii Abril 2004ta

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax. lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday...

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia. Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin  karnaa ? Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

 Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay. Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin. Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo. Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

Tixraaca /isha: sawirada: Google search/news, yahoo search/news, wiki, wikipedia


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com