Hordhac
Akhristayaasha SomaliTalk ee horay
ula socon jiray qoraalada waa Kuma
ayaan waxaan la socodiin in
aan sidii caadiga ahayd ee ay nooga
barteen inaan u soo gudbin
doono hadii Eebe idmo qoraaladii
taxanaha ahaa ee aan ku falan qayn
jiray mid ka mid ah dadka ugu
caansana dunida.kuwa nool iyo kuwa
dhintayba.
Bilaabitaan
Waxaa uu ka soo jeedaa beel ka mid
ah beelaha ugu waa wayn dalka Yemen
waa qabiilka (Xaashid)
Waxaa uu ka mid ahaa dadkii afka
ciida u daray nidaamkii Imaamyada ee
Yemen ka talin jiray ee aabihiis
dilay isagoo doorbiday Nidaamka
Dowladnimada ah.
Waxaa uu ka mid ahaa dadkii la
dagaalamayay Fikirkii Hanti
wadaaga,ee dalkaasi ku faafay,qaybo
ka mid ah.
Waxaa uu ka mid yahay 50kii sano ee
aanu soo dhaafnay dadka siyaasada
dalka Yemen gacanta wayn ka gaystay.
Dhanka Siyaasada waxaa uu ku soo
galay dhanka odayaynimada . Yacnii
(odayaynta beeshiisa)
Waxaa uu soo noqday mudu sadex
jeer ah,oo isku xikta gudoomiyaha
golaha baarlamaanka dalka Yemen.
Waa wadaad caan si wayn uga ah gabi
ahaaba dalka yemen afartiisa jiho,
waa Marxuum, Shiikh Cabdullahi Bin
Xuseen Bin Naasir Bin Makhbuut Al
Axmar,
Waa kuma, Marxuum,Shiikh Cabdullahi
Bin Xuseen Bin Naasir Bin Makhbuut
Al Axmar waxaa uu dhashay sanadkii
1351 Hijriga kuna beegan 1933
waxaana uu ku dhashay gobolka Xasni
Xabuur, waxaana uu ka soo jeedaa
qoys caan ka ah dalkaasi yemen.
Yaraantiisii ayaa waxaa uu diinta
islaamka ku bartay halka lagu
magacaabo " Kitaabu Saqiir" oo u
dhow masjidka Xasni Xabuur,isagoo
halkaasi ku bartay qoraalka kariimka
ah iyo axaadiista Rasuulka SWC,
marka loo eego dhalinyaradii isaga
ay isku jiilka ahaayeen xiligaasi
waa uu ka duwanaa maadaama waxaa uu
xiriir sokeeye la yeeshay culumadii
halkaasi mashaa'ikhda ka ahayd taas
oo ka caawisay in uu si wayn diinta
islaamka u fahmo.
Gaba gabadii sanadihii 50-maadkii
ayaa ayaa imaankii yemen waxaa uu
dilay Shiikh Xuseen Bin Naasir Bin
Makhbuut Al Axmar oo ahaa aabihii
Shiikh Cabdallah sidoo kale waxaa
lala dilay aabihiis Shiikh
Xamiid,iyadoo ka dibna la xiray isla
shiikh Cabdlah waxaana uu xabsi ku
dhamaystay mudu sadex sano ah iyadoo
la sii daayay 26 Septemeber sanadkii
1962.
Markii oo dhashay, kacaankii
yemen,ayaa waxa uu Marxuum,shiikh
Cabdallah Al- axmar oo gaaray
dhanka magaalada Sancaa,iyadoo ay
halkaasi ku soo dhaweeyeen
hogamiyaashii kacaanka yememaneed,
Sanadkii 1969 ahaa markii ugu
horaysay Marxuum, Shiikh Cabdallah
Axmar waxaa loo doortay in uu noqdo
gudoomiyaha golaha baarlamaanka
Yemen,isla sanadkii 1970 ayaa waxaa
loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha
golaha shuurada yemen isagoo
xilkaasi sii hayay intii laga
gaarayay sanadkii 1975.
Sanadkii 1979 ayaa waxaa uu xubin ka
noqday kulaha " wada tashiga ''
"majlis ashuura "
Sanadkii 1990 ayaa Marxuum,Shiikh
Cabdallah Axmar waxaa uu gudoomiye
ka noqday isla markii la aas aasay
Ururka " Isku taga Yamaneed ee
Islaaxa" oo ka mid ah Axsaabtii ugu
waa wayneed Dalka Yemen iyadoo oo
Ururkaasi hoos yimaado Ururka ''
Ikhwaanulmusliim "
1990 waxaa uu gacan wayn ka gaystay
midayntii labadii dhinac ee Yemen u
kala qaybsanayn ee kala hoos imaan
jiray Sancaa oo uu isaga ka soo
jeeday iyo Cadan, sidoo kale isagoo
si wayn uga hor yimid kooxihii hanti
wadaaga shuuciyiinta ahaa.
2005 Mar wax waydiiyay,Marxuum Al
alxmar sidii uu u arkay nidaamkii
hanti wadaaga shuuciyiinta ahaa ayaa
waxaa uu yiri '' waa gaalinimo waa
gaalinmo'' mar wax laga waydiiyay
kulamo dhex maray xiliyadii hore
isaga iyo hogaamiyaha wadanka Kooba
Fiidal Kaastaro ayaa waxaa uu yiri
'' waxaan ka wada hadlaynay xiriirka
labada dowladood oo kaliya balse igu
ma uusan qoodin arimaha uu aamin
sanaa ee hanti wadaaga shuucinimada
ah.
Sanadkii 1995 ayaa waxaa oo
hogaaminayay wafti heer sare ah oo
Yemeniyiin ah oo dalka Boqortooyada
Sucuudiga u tagay sidii loo soo
afmeeri lahaa khilaafaad soo kala
dhex galay dowladii Yemen iyo
boqortooyada Sucuudiga waxaana uu
xiligaasi Boqortooda joogay Shiikh
Al Axmar mudu 40 maalmood ah.
Markii la yigleelay dolwada Yemen oo
ay labadii yemeneed midoobay ayaa
15/5/1993 waxaa loo doortay in uu
noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada
dalkaasi yemen,18/5/1997 ayaa mar
labaad xilkaasi lagu soo celiyay
iyadoo 10/5/2003 markii sadexaad loo
dhiibay isla xilkaasi, waxaana uu
haystay aqlabiyada baarlamaanka
Yemen, iyadoo ay si wayna isugu
dhawaayeen madax waynaha Yemen Cali
Cabdlah Saalax oo ay isku beel ka
soo jeedaan kuna kulmaan xididka ''
Xashiidka''
Waxaa uu aamin sanaa Marxuum,Shiikh
Cabdullahi Bin Xuseen Al Axmar in uu
manhajka Islaamku yahay xalka kaliya
ee dowladimo, iyo dagaansho,waxaa uu
aad u danayn jiray arinta shacabka
ree falastiin, iyo arinta masjidka
Al Aqsaa,
Geeri Naxdin badan ayaa waxay ku
timid Marxuum Shiikh Cabdullahi Bin
Xuseen Al Axmar 29 December 2007
isagoo ku geeriyooday isbitaalka
Malik Faysal ee boqortooyada
Sucuudiga ee magaalada Riyaad ee
caasimada Boqortooyada Sucuudiga
isago u geeriyooday cudurka
kansarka.
Maydka Marxuum Al Axmar ayaa waxaa
laga soo qaaday dhanka magaalada
Riyaad ee dalka Sacuudiga iyadoo ay
dad badan soo sagootiyiin waxaana
maydkiisa soo dhaweeyay dad aad u
fara badan oo yemeniyiin ah waxaana
laga soo dajiyay garoonka diyaaraha
ee magaalada Sancaa iyadoo ay
diyaarada Yemenia ay soo qaaday.
Waxaa loo sameeyay aas heer qaran ah
oo ay ka soo qayb qaateen dad
gaaraya hal malyan oo qof oo dadka
reer Yemen ah oo ay ka mid
ahaayeen madax ka tirsan dowlada
yemen oo uu hor kacayay madax
waynaha Yemen Cali Cabdlah Saalax
iyo qaar ka mid ah safaaradaha
dowlada islaamka ee Yemen ku yaala
iyadoo ay ka soo qayb galeen
Aaaskiisa Shaqsiyaad ahaan ah oo ka
mid ah muslimiinta dunida .
Safaarada Yemen ay ku lee dahay
magaalada London ee dalka Ingiriiska
ayaa waxaa laga furay liiska dadka
tacsida diraya iyadoo ay kumaan
muslmiin ah ay tacsi wali dirayaan
geeriada ku timid Shiikh Al Axmar.
Meelaha aan ka soo xiganay
Qoraalkaan,sidoo kale safaarada
Yemen ay ku lee dahay magaalada
Mosco ayaa laga furay liiska
tacsida.
Waxaa la aasay 31 December 2007 waa
maalintii ugu danbaysay sanadkaas
ayaa waxay ahayd maalin ay malaayiin
muslimiin ah ay ka murugoodeen
geerida naxdinta lahayd ee ku timid
Marxuumka, waxaa uu ku dhintay da'
gaaraysa 74 sano .
::Eebe ayaan waxaan uga barnaynaa in
uu geeyo Janadii Fardoza ahayd:::
Isha qoraalka iyo sawirada
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan