SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Maxaa dan u ah shacabka iyo dalka,yaase ay Shacabka Soomaaliyeed dhowrayaan in ay masiibada ay ku jiraan ka saaraan.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 22 2007

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib .

Isha sawirka Amin Amir/22/07/2007
 
Su'aalo badan ayaa ay dadka Soomaaliyeed is waydiinayaan gaar ahaana kuwa ku fakara in ay shacabkooda hor mar iyo baraare gaarsiiyaan oo ay dhibka ay dhex mushaaxayaan ka saaraan iyadoo ay tahay arin fool xun in 17 sano ay Soomaaliyu nasiib xumadeeda nidaam kala danbayta soo celiya dhisan kari waydo,waxaana sabab u ahaa dad dano gaar ah leh oo shacabka ku danaysto kuwaas oo ka shidaal had iyo jeerba ka shidaal qaato dalal iyo kooxo ajabani ah oo aan danta umada Soomaaliyeed ka fakarin.
 
Hogaamiyaasha dagaalka ee Soomaaliya ayaaay mudadii 17ka sano ahayd ka dagi wayday koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa dhab noqotay in ay dhibkoodu shacabku 6 bilood ka nasto balse 6 bilood ka dib ugu soo laabtay shacabka dhexdiisa iyagoo gacan wayn ka helaya Nidaamka Ethoipia ka arimiye ee Melez Sanawi,waxana ay dadkii Sanad ka hor laga xoreeyay ay iminka u soo horkeceen dhib iyo burburin.
 
Waxaa dhacay wax laga soo shaqeeyay oo ay Caalamku raali ka yihiin balse shacabka dhaawaca ah la doonayo in lagu dhamaystiro dhaawiciisa si dalka Soomaaliya looga dhigo dhul la mid ah Falastiin iyo Ciraaq iyo Afqansitan oo dhiiga umada Soomaaliyeed dad danahoodu kala qiimo iyo qaayo wayn yahay ay ku dheelaan si ay dhaqaale iyo cudud ciidan u helaan.
 
December 2006 waxay noqotay wakhti buug madow u furmay shacabka Soomaaliyeed lamana oga xilga la laabo doono buugaasi furmay oo ay fureen danaystaal Soomaaliyeed ha noqdaan kuwa xukun raadis ah iyo kuwa dhaqaalo raadis ah iyo kuwa wax kaleba ay ku jireen,waxaana gacanta loo galiyay Soomaaliya Cadowgeedii soo jireenka ahaa mudu 500 oo qari ah laga soo bilaabo xiligii geesigii Soomaaliyeed ee Axmed Guray la dagaalamayay Saliibiyiinta kuwa ah ee Nidaanka Dhulka Ethiopia gacanta ku hayay.
 
Dhacdo kasta oo dhacda waxay ahayd mid ka diiwaan gashan dhanka (EEBE SW)lamana baajin karin hadii ay dadka dunida oo idili isku dayaan in baajiyaan waxayna ahayd oo kale imxitaan lagu kala saarayay dadka ay dhabta ka tahay diintu iyo kuwa kale iyo waliba kuwa wadaniyinta ah iyo kuwa aan ahayn wadaniyiinta ee aan aqoonin wadaniyada iyo xorimada Soomaaliya qiima ay lee dahay.
 
Soomaaliya waxay ku jirtaa gacan gumaysi,diin dhaqan dhaqaale,la dirir ah .
 
Ciidamada Tigreega ee xag jirka ku ah diinta Masiixiyada  ''Orthodox'' iyo shacabka xag jir ka ah ee Suniga Islaamiga ah ayaa maalmaan waxaa laga dhex dareemayaa xurguf diin la dirir ah oo ay wadaan Xagjirka  Orthodox-ka ee Tigreegu ka dib markii ay masaajiyada magaalada Mogadishu ka dhex sameeyeen howl galo aad u fool xun oo ay dadkii tukanayay ay xir xireen halka ay qaarkana ay dhib u gaysteen isug jira caga jogleen iyo cabsi galin ku aadan ku tukashada Salaadaha Jameecada iyadoo ay sii dheertay dhaca Telefhoonada gacanta lagu qaato ee Mobilada ee aan Ethiopia laga helin,waxaana ka mid ah masaajiyada ay dhibka ka gaysteen,Masjidka Shiikh Cali Suufi,Masjidka Abuur Huraya,Masjidka Bakaaraha, iyo masaajidyo kale.
 
 Waxaan la yaabay Markii uu dhawaan magaalada Mugdishu war saxaafadeed ku aadan is diiwaan galinsta masaajiyada soo saaray Agaasimaha arimaha diinta iyo awqaafta DKMG ah Shiikh Cali Dheere,maxaa keenay soomaaliya oo 100% dad muslim ah looga dhawaaqo isdiiwaangalinta masajiyada miysan ku xigin salaadaha yaan lagu tukan masaajiyada qaar oo ay lee yihiin dadka Xag jirka ah
 
Waa Arin waydiin iyo warcelin u baahan in ay dadka Soomaaliyeed is waydiiyaan maxaa keenay arintaas waxaa ay dadka firkirka dheer ku tilmaaman in ay tahay Codsi ka yimid xag jirka Christan-ka Orthodox-ka ah ee Tigreegu,in lagu raali galiyo Xag jir gaalo ah kharibaada masaajiyada waa arin halis ku ah qofka muslimka ah sidaa waxaa qaba culumada Islaamka.
 
Halkaan ka fiiri Warqada ka soo baxday Agaasimaha oo maalintii sabtida ahayd ee 21/07/2007 ahayd dhaqan gashay kuna eg 31/07/2007.
 
  
Isha: Gobolkabanaadir
 
Dhanka Dhaqanka dhaqaalaha waxaa magaalada Mogadishu laga dareemayaa dhowrkii sadexdii asbuuc ee aanu soo dhaafnay dhaqaalo xumo aad u liidada ka dib markii iridaha la iskugu dhuftay suuqa ugu wayb Soomaaliya oo ay ciidamada DFKMG ah iyo kuwa Xag jirka ah ee Ethiopianku howl galo dhac iyo buug ah ay ka sameeyeen taasna ay keentay in ganacsatadii Suuqa Bakaaraha sababtay in ay ka baxaan.
 
17 kan sano ee ay Soomaaliya ku jirto bur burka waxaa ay Soomaaliya ku tiigsaday hor mar dhanka dhaqaalaha ah iyadoo uu suuqa bakaaruhu noqday kan ugu horeeya ee Soomaaliya marka la bar bar dhigo suuqyada kale ee Soomaaliya hormuudka suuqyada waxaana uu ka hor maray oo kale in badan oo ka mid ah suuqyada Qaarada Afrika iyo waliba Aasiya iyadoo ay taasi marka ay dalka qabsadeen Tigreegu ka xumaadeen waxayna bilaabeen fur furida dhaqaalaha Soomaalida ka dib markii ay ogaadeen in ay ku tiirsan yihiin inta badan dadka ku dhaqan magaalada Mogadishu.
 
Waxaas oo idil hadii ay dheceen,Maxaa dan u ah shacabka Soomaaliyeed,yaase dan u haya?
 
Hadii ay dhacday dhibkaa ma dhib kalaa loogu darayaa shacabka Soomaaliyeed ee 17ka sano dhibka ku jiray waxaa wax lala yaabo ah oo kale in iyadoo uu shacabka Soomaaliyeed dhibka ay ku hayaan Tigreegu in la qabto Shir dib u hishiisiinayd  oo lagu jah wareeriyo shacabka danaha Nidaamka Melezna loogu adeegayo.
 
Kuwa weerarada ku qaadayo meelaha dadka rayidka ah ku badan yihiin waxba ma noo dhaamaan gumaysiga Tigreega sidaa waxaa yiri muwaadin Soomaaliyeed waxaana dhibka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed qayb lixaad leh sidoo kale ka qaadanayo kuwa qaraxyada ku haya meelaha ay dadka rayidka ah ku nool yihiin,iyadoo wax laga xumaado ay tahay dhimashada dadka rayidka ah ee bambooyinka,hoobiyaasha lagu xasuuqayo iyadoo ay ugu danbasay xasuuqii loo gaystay caruurta Soomaaliyeed maalintii khamiista ahayd ee ay taariikhu ahayd 19/07/2007 kaas oo ay ku geeriyoodeen 3 caruur ah.
 
Dan uguma jirto shacabka Soomaaliyeed kooxaha weerarada aan taabaysayn qaadayo oo ay shacabka aan waxba kalabsan lagu  laynayo,sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah in raga maamulka gobolka banaadir la laayo iyadoo ay dalka ku jiraan cadow miysan haboonayn in marka hore lala dagaalamo kuwa soo doolay ee Tigreega Melez soo diray ah maxaa faa'iidu ku jirta hadii dad Islaam ah oo Soomaali ah la dilo miysayn ahayn kaa dhimay kuguna dhimay?Intii aad arkayso Cadow Tigree ah maxaa kugu kaliya layntooda kuwa la sixi karo?miyaysan ku haboonayn marka hore in cafis loo fidiyo si jaanis loogu helo kuwa xag jirka ah ee Tigreega ah? su'aalahaasi waa kuwu ay is waydiinayaan dadka wax indha indheeya.
 
Shacabka Soomaaliyeed kuwa Gumaysiga ku naban dhabarkooda iyo kuwa aan kala hubsanin yaa danbiile ah yaase gumaysi ah wax dan ah uma hayaan waxaana loo baahan yahay in ay dadka ay maskaxada iyo hamiga sareeyo ee xorimo doonka ah loo daayo ama iyaga oo kale la noqodo .
 
Waxaa haboon in sidii SYL iyo waliba dadkii horiyadii Hore ee 1960 soo hooyay lagu daydo wadadii ay u mareen ma waxay ahayd mid la mid ah tan maanta mise way ka duwanayd waa in iyaga lagu raaco mise mida laga soo guuriyay dalka Ciraaq ee aan la dhowrayn shacabka dalkaasi xaquuqdiisa oo ay koox koox isku qariyaan iskuna gaalaysiiyaan.
 
Dhamaan Shacabka dadka Soomaliyeed waa kuwa Muslimiin ah cidii khalad gashana waa in aan la gaalaysiin oo deg deg loo xukumin waa dad dano ku tiirsan mar kasta waa in lagu dhisaa mar kasta xoriyad doonka isa saamaxid iyo soo dhawaynta kuwa khaladka ku jira si ay u saxmaan laakiin hadii la cayriyaa way carayaan.
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi,Kenya,Botaan1@hotmail.com
Faafin SomaliTalk.com | July 22,2007

Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

 Maxay ka noogtaa ama ku noogtaa bishimo iyo naaaso midna ma lehWaxba

wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan ku keenay maanta ayaa waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo Koonfurta Soomaaliya.

Waa kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka Libiya Col Qadaafi Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942 isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha Sirta .

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi) Shahiid Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  (Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa (Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd taariikhdu  23 October 1947kii --waxaana uu shahiiday 17kii Abril 2004ta

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax. lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday...

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia. Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin  karnaa ? Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

 Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay. Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin. Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo. Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

Tixraaca /isha: sawirada: Google search/news, yahoo search/news, wiki, wikipedia

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH