SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Barack Obama?.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib . Assalaamu Calaykum

Barack Xuseen Obama Waxaa uu dhashay 4 August 1961, Honolulu, Hawaii, ee Dalka Maraykanka, waxaana dhalay Aabe Muslim ah oo ka soo jeeda Asalkiisa wadankan Kenya, hooyadiis ayaa waxay tahay cadaan American ah .

Hooyadiis iyo aabihiis ayaa waxay is fureen, Barack Obama oo ay da'diistu tahay labo sano jir,waxaana marka ay is fureen labadiisa waalid uu aabihiis ku laabtay dalka Kenya, iyadoo mas'uuladiisa ay qaaday hooyadiis oo soo kurisay Barack Obama.
Barack Obama iyo hooyadiis ayaa sanadkii 1967,waxa ay aadeen dhanka wadanka Indonesia gaar ahaana magaalada Jakarta ee caasimada u ah dalkaasi, ka dib markii Hooyadiis ay guursatay nin u dhashay wadankaasi Indonesia oo ahaa Engineer dhanka soo saarista shidaalka ah,magaciisana la oran jiray Lolo Soetoro.

Xiligaasi ayaa Barack Obama waxaa lagu daray Dugsi lagu bartu diinta Islaamka maadaama uu ka soo jeeday Aabe Muslim ahaan jiray , waxaana uu bartay diinta Islaamka mudu labo sano ah, balse nasiib xumadiisa maadaama ay hooyadiis ahayd Kiristaan waxay labo sano ka dib ku dartay School lagu Kiristaan ah oo Catholic ah, halkaasi oo ay diintiisi Islaamka ku badalantay oo uu ku noqday Ilmo yar oo lagu Abaabiyey diinta Kiristaanka,waxaana uu wax ka bartay luuqada Indonesianka.

Toban sano markii uu gaaray Barak Obama, ayaa waxaa uu ku soo laabtay Gobolkii uu ku dhashay, Honolulu, Hawaii, halkaasi oo uu ka galay Punahou School.

Markii uu bar baaray oo uuna soo dhamaystay wax barashadii Aas aasiga ahayd iyo tan dugisga Sare,ayaa waxaa uu u dhaqaaqay dhanka Los Angeles halkaasi oo uu ka galay Occidental College mudu labo sano ah.

Waxaa uu Barack Obama ku biiray Colombia ee magaalada New York isagoo ka soo baxay sanadkii 1983.

Sanadkii 1996,ayaa Barack Obama, waxaa loo doortay,Illinois State Senate.

Waxaa uu guursaday sanadkii 1992,waxaana uu dhalay laba Gabdhood sida uu sheegtay isago waxaana la kala yiraahdaa,Malia and Sasha.

Waa Ninka shanaad oo Afrikaan ah oo ku biira Senator.

Sanadkii 1995 ayaa waxaa uu qoray Labo Book, oo la kala yiraahdo,(Dreams from My Father) (Riyooyin ka yimid Aabay), iyo The Audacity of Hope, ( Rajada la higsado)



Barack Obama ayaa ayaa waxaa uu sanadkii 2006 bishii September ayaa booqashu ku yimid wadamo ku yaal qaaradan Afrika waxaana meelihii uu yimid ka mid ahaa Wadanka Kenya isagoo tagay Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaana magalada Wajir halkaasi oo uu dadka reer Guuraaga u tagay isagoo u balan qaaday in uu ceelel iyo daawooyin lagu daaweeyo xoolaha uu siin doono gobolkaasi waa gobolka ay dagaan Soomaalida Dalkaan Kenya degan.

Sidoo kale Magaalada Nairobi,gaar ahaana Obosiibadda (Slums)Kabira oo ay dagan yihiin in ka babadan (1 million) oo qof oo kenyan ah ayaa uu kula hala hadlay goobtaasi.



Barack Obama ayaa waxaaa uu tagay deegaanka Nyongoma Kogelo halkaasi oo uu kula kulmay Aayayadiis dhashay Abihiis,Sarah Hussein Obama oo 87 sano jir ah,iyadoo deegaankasi ay si wayn ugu soo dhaweeyeen beesha uu ka soo jeedo asal ahaan ee Kenyanka ah waxaana uu markii danbe dagay Qabriga uu ku aasan yahay Aabihiis Xuseen Obama, isagoo sheegtay in wakhti kasta oo ay ku qaadato dhalaanka ay mar tagaan asalkooda meesha ay ka soo jeedaan.

Bishii February 2007 ayaa Barack Obama waxaa uu ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Madax wayne nimada dalka Maraynka doorashooyinka dhici doonta 2008 isagoo ku taagan xisbiga Democratic-ga ah.

Doorashooyinka Hor dhaca ah ee gobolada Dalka Maraykanka ee ay ku tar tamayaan hogaamiyaasha u tartamaysa madaxtimada maraykanka ayaa uu ka mid yahay Barack Obama waxaa uu ku guulaystay gobolka Iowa doorashadii hordhaca ahayd ee dhacday 3dii bishaan January 2008.

New Hampshire ayaa doorashadii hordhaca ahayd ee ka dhacday bartamihii asbuucaan ayaa waxaa tiro ad u yar looga haweenaydii uu Madax waynihii maraykanka ee Bill Ciliton ee magaceeda la yiraahdo Helry Cilinton kaga adkaaday Barack Obama, waxaa la sugayaa wareegyada kale ee doorashooyinka hordhaca ah ee dalka maraykanka.

Isku soo wada duub dadka siyaada maraykanka falanqeeya ayaa waxay sheegayaan in aysan suurta gal ahayn in Barack Obama uu noqdo madax wayne maadaama uu ka soo jeedo asalkiisu afrika, dhanka kale hawaynda la tartamaysa ayaa waxay iyaduna rajeedu tahay mid aan ka fogayn tan Barack Obama maadama ay iyaduna haween tahay oo aysan dalkaasi haweenay madax wayne ka noqon inta la og yahay.

Dhamaad

ISHA:- Qoraalkaan aan ka soo Xigtay Hoose ka fiiri.

http://www.taqrir.org/showarticle.cfm?id=502
http://en.wikipedia.org/wiki/Barack_Obama#_note-ObamaSr
http://en.wikipedia.org/wiki/Barack_Obama#Personal_life
http://ar.wikipedia.org/wiki/

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi,Kenya, Botaan1@hotmail.com
bootaan_somalitalk@gmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

Waa Kuma Maxaase ka taqaanaa, Shiikh Cabdallah Axmar.

Maxaa dan u ah shacabka iyo dalka, yaase ay Shacabka Soomaaliyeed dhowrayaan in ay masiibada ay ku jiraan ka saaraan... Akhri...

Sanad Ka dib Dagaalkii Lubnaan iyo Israel,Yaa Guulaystay labada dhinac,Waase Kuma Xasan Nasrulaah,Maxaa ka taqaan Taariikhiisa. Fanaanka Soomaaliyeed Xasan Aadan Samater, ayaa Bari samaadkii sanadkii 1973 hees uu qaaday ayaa waxay gil gishay dowladii Israel ee xiligaasi waxayna sababtay in ay dowlada Israel ay ku han jabtay in ay weerari doonto Radio Mogadishu

 Maxay ka noogtaa ama ku noogtaa bishimo iyo naaaso midna ma lehWaxba wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan ku keenay maanta ayaa waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo Koonfurta Soomaaliya.

Waa kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka Libiya Col Qadaafi Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942 isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha Sirta .

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi) Shahiid Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  (Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa (Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd taariikhdu  23 October 1947kii --waxaana uu shahiiday 17kii Abril 2004ta

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax. lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday...

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia. Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin  karnaa ? Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

 Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay. Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin. Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo. Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

Tixraaca /isha: sawirada: Google search/news, yahoo search/news, wiki, wikipedia


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com