Tolow muxuu oronayaa marka la weydiiyo.
Qore. Cabdulkarim Xirsi Salaad
Abduulkaarim67@gmail.com
Inta aanan mowduuca u galin, waxaa muhiim ila ah in aan wax
yar ka tilmaamo arrin ama oraah ay culimada Diinteennu
yiraahdaan: Laa yucraful xaqu birrijaal, walaakin alxaqu
ablaj-------.
Sidaa awgeed, difaaca xaqa la difaaco haba yaraatee sharaf
mooyee ceeb lagalama kulmo. Inta badanna dadka waxaa iska dhex
gala mabda’a iyo qofka ama shaqsiyaadka. Mabda’u isagau isma
badalo oo waligiis waa jiraa, hase yeeshee waxa is badala
aalaaba waa ashkhaasta mabda’aas sheegata oo laga yaabo in
duruufo ay ku yimaadaan ay dartood u badalaan mabda’ii lagu
ogaa. Mana ahan wax aadamiga ku cusub oo waatan aynu aragno:
ruux shalay gaal ahaa, maantana muslim ah. Ama shalay Communist
ahaa, maantana liberal ah -------. Mid shalay mujaahid ahaa ayaa
maantana camiil gaalo ah. (northern alliance ama isbahaysiga
woqooyi ee Afghanistan manta yaa hor kacaya) iyaga maadaama
aysan Soomaali ahayn waynu isku waafaqsannahay in wax laga
sheego.
Waxaa kaloo inagu adag in aan labada kala saarno oo muhimadda
aan siinno kooda mudan (Mabda’a). Sidaa awgeed baad arkaysaa in
bulshadeennu aanay uba fiirsanayn waxa uu qabqablaha reerku
sameeyo, oo ay dhici lahayd haddii ay mabda’ ka duuli lahaayeen
uu mar hore waddada cabi lahaa, waana arrin macruuf ah sida ay
ummadda iyo mabda’ la’aanteeda uga faa’ideysteen.
Marka haddaba aynu meelba iska dhigno hebellada iyo
ashkhaasta, oo aynu mabda’a muqaawamada iyo Mujaahidiintu ee ku
aaddan Mbegathi, ma in la aqoonsado baa iska daa in wax lala
wadaago’e mise waa in iyaga iyo Xabashidaba lala dagaallamo oo
ay tanaasul ka keenaan dowladnimada ay sheeganayaan!!!
Falsafad iyo dood fara badan taasi uma baahna oo iyagaaba
(Mujaahidiinta) habeen iyo maalimba la taagan oo waliba sidii
ugu caddayd ku muujiyey dagaal iyo baaruud onkodaysa.
Haddaba, haddaan intaa isla garannay, Shariif iyo cid kale
toona micne malahan ee waxa micnaha lihi waa mabda’a muqaawamadu
ku dhisan tahay. Sida hadda muuqatana, duruuf kastaa haku
kalliftee Shariifku mabda’aas waa uu ka leexday, (Ilaahay xaqa
mar kale ha tuso) In uu ka leexdayna waxaan uga hadlay
qoraalkaygii hore ee Ceebtii DJibuti, waxaana isku barbar dhigay
labada mowqif ee uu kala qaatay Shariifku. Hadday jirtana wax
loo sii daba socdaa meesha mataallo.
Taa haddii aan intaa kaga haro. Labada walaal FarxaanW., iyo
Dalmar oo u jawaabay C/waaxid, waxay sidoo kale ka hadleen aadna
u difaaceen Dr. Xassan Atturaabi oo ah Siyaasi reer Sudan ah
walibana nin sheekha ah. Hase yeeshee, waxa ay ku haystaan
C/waxed sida iiga muuqata qoraalkooda ma aysan fahmin
ujeedadiisa iyo halka uu iska barbardhigayo labada wadaad.
Sannadii 2006da bishii Ramadaanka ayaan waxaan daawanayey
Tuaraabi oo lagu waraysanayo Aljazeera TV qaybteeda afka
carabiga. Waxaa ay ku saabsanayd mowqifkiisa ku aaddan heshiiska
dhex maray dowladda Sudan iyo qolyaha Koonfurta. oo uu
sheeganayey in ay ahayd siyaasadda xizbigiisa midkan uu qaatay
Albashiir. Su’aashii laweydiiyey baa waxay ahayd haddiiba aad
sidaas qabteen iyo in aad la heshiisaan Koonfurta, ka waran
dadkii boqollaalka kun gaarayey ee aad jihaadka geliseen ee ku
nafwaayey ma waxay ahayeen cayaar iyo khamaar siyaasadeed. Inta
uu qoslay ayuu ku jawaabay arrintaasi waa arrin siyaasadeed,
haddana waqtigeedii waa lasoo dhaafay.
Haddaba tolow Shariifku muxuu oronayaa marka la weydiiyo
su’aashan oo kale; Dadkii aynu ku dagaal galinnay wadahadal iyo
wax la qaybsi qoladan lala wadaagaa waa xaaraam ee sidaas ku
nafwaayey ama ku naafoobay, kuwii ku bara kacay, kuwa ku hanti
iyo guryo beelay maxaad ku leedahay. Waxay ila tahay halka uu ka
hadlay qoraagu waa halkaas ee ma ahan halka ay la qabateen.
Midda kale, Xizbul mu’tamar alwadani waxaa uu ahaa ururkii uu
madaxda ama odeyga ka ahaa Dr. X. Atturabi intii aan la is qaban
oo labada loo kala jabin. Ururkan ayaa waxaa xubnihiisa ugu
nuhiimsan kamid ah Madaxweynaha Sudan X. Albashiir, Ku
xigeenkiisa Cali C. Taha, la taliyaha xagga siyaasadda ahaana
W.A.dibadeedkii hore Dr. Mustafa Cusman oo dhammaantoodna ahaa
ardaydii Dr. Turabi inqilaab.
Anigu hadda ma garanayo sababaha dhaliyey ama uu salka ku
hayo khilaafkooda siyaasadeed walow aan wax ka maqlay, haddana
ma ahan wax qoraal lagula soo shirtagi karo. Haseyeeshee, midbaa
hubaa iyo Dr. Turaabi uu yahay nin controversial ah ama
tanaaqudaada badan oo aan lahayn meel loogu soo hagaago siyaasad
ahaan iyo Diin ahaanba. Tusaale ahaan in aan siyaasaddiisu
sugnayn waxaa daliil kuugu filan sida aan kor kusoo sheegay
dagaalkii ugu dheeraa ee qaaradda afrika oo galaaftay arwaax aad
tiro badan oo uu waliba isagu ku tilmaami jirey Jihaad iyo mid
Alle lagu raalli galinayo, kadibna uu waxa lagu tilmaamay
isdhiibista ku naalooday kuna faanay in ay ahayd isaga fakir uu
lahaa. Waliba ogow oo wuxuu fursad usii haystay in uu mucaarado
maadaama ay qolada qaadatay mowqifkan yihiin raggii ay
siyaasadda isku hayeen.
Tan kale ee ku saabsan sugnaan la’aantiisa xagga Diinta walow
tii horeba ay diin lug kulahayd, sida aan kala go’a lahayn ee
Culimada reer Sudan ay dhowrkii sanoba mar ugu tilmaamaan in
diinta kabaxay oo Zindiiqoobay. Makii ugu dambyesayna waxay
ahayd Sannadkan bilowgiisi baan ama kii hore dhammaadkiisii
markii uu ka hadlay wax dadka muslimiinta ah ee caamada ahi
aanay ka jaahil ahayn iska daa Culimada rug caddaaga ahe; gaar
ahaanna markuu ka hadlay gabadha muslimadda ah iyo cidda guursan
karta oo uu ku sheegay in Kristan, Yuhuud iyo ciddii ay doonto
ay guursan karto. Xijaabka mar uu ka hadlayna waxay iyana
keentay in Zindiiq (munaafaq aan is qarin) lagu tilmaamo iyo in
uu diinta ka baxay, oo idaacadda Aljazeera ayaaba lagu wareystay
qaar kamid ah Culimadii ku gaalnimada xukumtay.
Ma yara fatwooyinka Culimadu ay kasoo saareen Turabi ee ay ku
gaalnimo xukumayaan,
Kaba soo qaad in aynan innagu laqabin Culimada taas, in kasta
oo ay adagtahay qaadashadeedu, hadddana marba haddii doodba
ninka la galiyo Islaam iyo gaal kuu yahay khayr darro intaasaaba
ugu filan.
Marka walaalaha difaacay kolley waxaan ku qiyaasayaa in aysan
aqoon badan u lahayn maadaama aysan u bareerayn in ay difaacaan
ruuxaas oo kale. Waxaase kallifi kara oo kaliya baan is leeyahay
dhowrkan arimood oo aan filayo in labada walaal aysan ku
sifaysnayn.
- Tacasub dhaqdhaqaaqnimo/xarakonimo oo laga yaabo in ay
ugu xaglinayaan.
- Ama in ay iyaga qudhoodu yihiin kuwo aan ku kalsoonayn
diinta in badan oo kamid ah sida duq Turabiba uu Axaadiith
aan yarayn u raaciyey, iskaba daaye laga sheegay in uu yiri
arimaha qaarkood gaalka ka qaadanayo, laakiinse aanu Nabi
Muxamedd ka qaadanayn (waxaa ka mid ah xadiithkii uu C/waxid
tilmaamay)
- Waxaa intaa soo raaci kara oo kaliya in ay maqleen in uu
yahay nin wadaad ah oo aqoon yahan ah yahay reer gabledkuna
aysan jeclayn, laakiinse intaa wax dheer oo war ah aanay u
hayn.
Gebogebadii:
Waxaan kusoo ururinayaa mar hadday mabaadii’da iyo ashkhaastu
aanay mid ahayn, isla markaasna aan ogaannay in mabda’u ka
muhiimsan yahay wax kasta oo kasoo hara,, walibana aan tujrubo
iyo khibrad ahaamba Bulshadeenna Soomaaliyeed labda oo la isku
khaldo cashar lama illaawaan ah kasoo marnay ilaa maantana ay la
il daran nahay, malaha ma ahayn in labada walaal ay waqti intaa
le’eg iyo energiba ku dayacaan difaaca ashkhaasta ee waxay u
qumanayd in ay mabda’a iyo principle-ka qareenno u noqdaan oo
aan filayo in aysan kuba bixiyeen taaqadaas cidlada kga luntay.
WabiLlaahi attowfiiq.
Qore.
Cabdulkarim Xirsi Salaad
Abduulkaarim67@gmail.com