Turaabi iyo Sheekh Shariif, Maxaa isaga dan ah? Waxaan
aqriyay maqaal uu qoray C/waaxid C/lahi Khalif oo uu u magac
daray (Turaabiga
Soomaaliya, Sheekh Shariif). Maqaalka waa mid baaxadwayn
isla markaana taabanaya meelo badan oo aan hal maqaal lagu
kulmin karin, sidoo kale waxuu qoraaga oga gollahaa qoraalka,
inuu canbaareyo Sh Shariif isaga oo u marayo maahmaahdii
Soomaaliyeed ee ahayd “Hal dhagax labo shimbir ku dil”. Waxaa
hubaal ah in qoraaga u khasaaray xaqiijinta ujeedadii uu ka
lahaa qoraalkiisa.
Qoraaga; maqaalkii kan ka horeeyay, waxa uu cadaystay inuu ka
soo horjeedo dadaalka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, ee ay
Isbahaysigu Dibu-xuraynta Soomaaliya madaxdiisa ka qayb qaateen.
Sidaa darteed waxa laga sugayo waa inuu cadeeyaa fikradihiisa
xagga diiniga ah ama siyaasiga ah, ee keenay inuu ka soo
horjeesto, natiijada ka soo baxday shirka Djabouti. Waxaan aad
ugu amaanayaa qoraalka inuu qaar kamid ah taabtay, sida arinta
Sulxul-xudaybiya, inkasta oo uu uga hadlay una loodiyay dhacdada
Siirada sidii uu isaga jeclaa.
Waxaan rabaa inaan faallo ka bixiyo qaybo ka mid ah qoraalka
dheer, ee isku furan, ee uu qoray walaal aan ixtiraam weyn u
hayo, aana rumaysnahay inuu daacad ka yahay, arinta Soomaaliya,
uuna la doonayo wanaag. Balse go’aan dagdag ah, oo aan meel
dayin iyo dacaayad kadhigtay gabaad.
- Sheekh Xassan Al-turaabi & Sheekh Shariif: Qoraaga waxuu
isku dayaya inuu ku ifiyo falalka iyo go’aanda Sheekh
Shariif, kuwii uu horaan u sameeyay Dr. Xassan Al-turaabi.
Waxaa layaab iyo amakaag igu dhalisay sida dhala-weelka ah,
ee dhumucda lahayn ee uu uga hadlay qoraaga, aqoonyahanka
weyn ee Islaamka Sheekh Xassan Al-turaabi, isaga oo tixay oo
kaliya wax’yaabo uu hubo in dadka hadduu la wadaago, ay uga
didi doonaan Sheekh Turaabi. Sidoo kale; hadallada Sheekha
uu ka qoray oo dhan waa dacaayad rakhiis ah, waxaa intaa sii
dheer, in hadallada dhan ay daba-go’an yahiin, oo Sheekha
siduu u yidhi, oo ay amaano ku jirto aan loo soo gudbin.
Aayada Qu’aanka kariimka ah, ayaa wareer dhaliya haddii aan
la sugin biyo dhacooda. Maxaad ka filli hadal qof Ibni-adam
laga sheegay?
Sheekh Turaabi; maha qof waxii la doono laga sheego, oo waxuu
leeyahay kitaabo maraajic ah oo buuxiyay maktabadaha aduunka,
ninkii doonayo inuu wax ka ogaadana waxaan ka codsanayaa inuu u
laabto kitaabadaas.
Sheekh Turaabi; waa baxar xagga aqoonta Islaamka, taa
micnaheedu maha inuu hadalkiisa oo dhan ceeb ka saliim yahay, oo
kamal Ilaah (s.w) ayaa iska leh, oo culumo ka waaweyn isaga, oo
uu ka mid yahay Ibnu-taymiya ayaa waxuu qabaa, aragtiyo qofka
muslimka ah uu la yaabayo markii uu arko, laakiin markii guud
ahaan la fiiriyo waxa uu soo kordhiyay Sh Ibnu- Taymiyya, waxaa
la dhihi karaa Mujadid ayuu ahaa, sidoo kale; Xassan
Al-turaabi.
Arinta ah inuu Turaabi mar taageero badan lahaa Suudaan….ama
cadaadis iyo xilka xayuubin lagu sameyay…ma muujinayso in ninka
xunyahay, oo badanaa waxaa cadaadis lagu sameeyaa dadka
samadoonka ah.
Fikradda ah in Sheekh Shariif iyo Sheekh Turaabi ay wadaagaan
fakir, waxay amaan u tahay Sheekh Shariif, oo waxaad ku
tilmaantay bisayl iyo inuu aqoon durugsan u leeyahay Islaamka.
- Colaad saadaalin: Qoraaga sadarada ugu dambeeyo qoraalka
waxuu saadaaliyay in dagaalo Abgaal & Habar-gidir soo noqon
karaan, mar haddii Sheekh Shariif iyo Xassan Daahir kala
jabeen!!!!
Arinta iyada ah waxay muujinaysaa in qoraagu uusan ka korin
caqliyada guracan ee Soomaalida, moodayana in haddii labada nin
is khilaafaan mecnaheedu noqonayo in saf iyo saf beeleed laysaga
hor-imaanayo.
Taloow Sheekh Shariif iyo Sheekh Xassan ma dagaal ogayaal
hore ayay ahaayeen? Ama qoraaga caqliyadiisa guracan darteed;
aqriskiisa uusan dhaafsanayn qabyaalad? Miyuusan qoraagu ogayn
in xilligii dagaaladii qabiilada ya dhamaadeen, oo la galay
xilligii herdanka fikradaha? Taana ay keentay inaad talaabada
Sheekh Shariif uu qaaday aad ku matashay tan Turaabiga
Suudaan.?!!!!!
- Qoraagu sidoo kale; waxuu ku nuuxsaday, in khayaamo
jirto,waxuuna uga digay kooxda dagaalka hadaf ka dhigtay,
inay iska jiraan khayaamooyin kale oo ku dhaca, sida inay
madax ka dhigtaan dad Shariif oo kale ah. Waxaan qabaa dad
Muslimiin ah haddii ay kala argti noqdaan, inaan laysku
tuhmin gaalnimo, khayaamo, munaafaqnimo. Arintaan iyada ah;
ayaa keentay inaan dhiiga dhaxdeena baneeysano. Waxaa haboon
in arinta lagu daayo kala aragti duwanaan iyo in mid-walba
doonayo wanaaga.
Dalmar Hassan Sheekh
Dalmar25@hotmail.co.uk