SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

June 16, 2008 

Faafin Rasmi ah         

BAAQ WARFAAFIN 

Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed  
1425 K Street, NW. Suite 350    
Washington, D.C.  2005
Phone: (202) 285-0780
somalicause.us@gmail.com  

WARFAAFIN uu soo saaray Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed,

Ka sakoow dadaalka la dareemi karo ee Ururka Qaramada Midoobay ku gargaarayo sidii loo dhameeyn lahaa xasaradda Soomaaliya, ayaa shirkii ugu danbeeyay ee Jibouti lagu qabtay intii u dhaxeeysay 30kii May ilaa iyo 9kii Juun ee 2008da uusan wajahin gunta sababta u ah dhibaatada Soomaaliya. Hishiiskii nabadeed ee ka soo baxay dadaalkan waxuu ahaa mid dahsoon oo cadeeyn. Ma jiraan talaabooyin wax ku ool ah ama hurumar. Waxaa kaloo ka maqan meesha taxadar iyo masuuliyad. 

Sidaas oo eey tahayse, Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed: 

  • Soo dhaweeynayaa dadaalka iyo waxuu dhiiragelinayaa sii wadida wadahal furan oo u dhaxeeya qaybaha Soomaaliyeed. Qadiyadda Soomaaliyeed waxeey taageereeysaa dadaalka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalia ee uu ku caawinaayo in Soomaaliddu hishiiso iyo waxeey ku boorineeysaa inuu ahaado mid u diyaar ah iyo cod dhexdhexaad ka ah arimaha quseeya Soomaaliya.
  • Waxuu ifinayaa dhibka ba’an ee ka imaan kara dilka, xadgudubka, gefefka xariga, hanjabaada iyo cabsi gelinta aan dhamaaneey ee sabab la’aanta ee ciidamadda Itoobiyaanka u geeysanayaa shacabka Soomaaliyeed.
  • Waxuu dib u ayidayaa cambaareeynteeda heeysashadda sharci daradda iyo faragelinta Itoobiya ku haayso arimaha gudaha Soomaaliya. Tani waxeey keentay dhib adag oo xag bini’aadanimo iyo siyaasadeed leh.
  • Waxuu ka dalbanayaa beesha caalalmka ineey tixgeliso midnimadda, xoriyadda iyo isku duubnimadda dhuleed ee muqadiska ah ee Soomaaliya.
  • Waxuu ku baaqayaa si deg deg ah oo buuxda oo sharuud la’aan ah in ciidamadda Itoobiya uga baxaan geyiga Soomaaliya.
  • Waxuu ku baaqaayaa si dhaqso leh in loo keeno ciidan Qaramadda Midoobay oo dhexdhexaad ah oo leh ujeedo cad iyo jadwal. Waxaa aad u muhiim ah in caadanka nabad ilaalin ee dhexdhexaadka ah uu sahlo sidii loo abuuri lahaa jawi ku haboon wada hishiin siyaasadeed iyo gorgortan dhexmara qaybaha.
  • Waxuu ku baaqayaa shir qaran oo dib u hishiisiin dhab ah. Taxadar waa in la siiyaa doorashadda goob runtii dhexdhexaad ah.  Shirkani waa ineey hogaamiyaan urur ama hay’ad xor oon dhinac jirin. Dhamaan qaybaha Soomaaliyeed waa ineey ka qaybqaataan si loo helo nabad waarta.
  • Waxuu xoojinayaa baahida loo qabo sameeynta maxkamad caalami ah ee danbiyadda dagaaladda ah si cadaaladda loo hor keeno kuwii sameeyay danbiyadda dagaaladda ee la galay xiligan haysashadda iyo xiligii qabqablayaasha dagaal ee Soomaaliya.
  • Waxuu ka digayaa habka qaybi oo xukun oo eey beesha caalamka qaadatay isticmaashana inuu keeni karo dagaal kale oo xun dhiigna ku daato. Habka xirfadeed ee geedi socodka nabad raadinta waa ineey hogaamiso mabda’a midnimadda Soomaaliyeed oo uusan abuurin kala qaysanaan kale.

Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed waxuu ugu baaqayaa dawladda Mareeykanka ineey isticmaasho saameeynteeda siyaasad iyo diblomaasi sida ugu dhaqsaha badana u joojiso haysashadda xaaraanta ah ee Itoobiya heeysato Soomaaliya iyo ineey joojiso dhibaatadda dadka Soomaaliyeed sida lagu cadeeyay hishiiskanabadeed ee  loo wada jiray. Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed waxuu jeclaan lahaa inuu mar kale ku celiyo baahida loo qabo in Ururka Qaramadda Midoobay ka ciyaaro kaalinta ugu xoogan dhibaatadda xalkeeda waayo dalalka dariska ah, ururka IGAD iyo Midowga Afrika intuba waa kuwa karti la’ ama la’ garasho siyaasadeed ama aan laheeyn rabitaanka xalka dhibaatooyinka Bariga Afrika. 

Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed waxuu kaloo jeclaan lahaa inuu hoosta ka xariiqo muhiimadda eey leedahay in ciidanka nabad ilaalin ee la keeni karo uu lahaado ujeedo cad. Xeerarka howlgalkooda iyo habka hub ka dhigistu waa in si cadaan ah loo qeexaa iyadoo la hibinaayo in kooxina eeysan dareemin wax cabsi ah iyo in la baabi’inayo.  

In kastoo arimaha Soomaaliya adag yihiin , hadana Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inuu kala shaqeeyo Beesha Caalamka sidii loo dhameeyn lahaa haysashada Itoobiya ee Soomaaliya, sidii loo badbaadin lahaa midnimadda iyo isku taga xagga dhulka ee muqadaska ah ee Soomaaliya, sidii loo fududeeyn lahaa xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyo sidii cadaaladda loo  hor keeni lahaa dhamaan intii ka gashay danbiyo dagaal  dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah. 

Cabdulqaadir Cabdiraxmaan

Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed, Gudoomiye 

Ururka Qadiyadda Soomaaliyeed waa isutaga sided urur oo dhaqdhaqaad-hoose ka wada Waqooyiga Ameerika., kuna midoobay: (a) Ineey ka shaqeeyaan sidii loo dhameeyn lahaa haysashadda Itoobiya ee Soomaaliya ciidan nabad ilaalin oo ka socda dalal Muslim ah oo eeysan ku jirin dalalka safka hore lehna ujeedo cad, (b) bara dunida dhibaatadda iyo qadiyadda dadka Soomaaliyeed, (c) ineey gargaar dhinaca bini’aadanimo ka siiyaan dadka dhibaateeysan ee Soomaaliya, (d) ineey keenaan wax bedela siyaasadda ku saleeysan qabiilka iyo is goboleeysiga, iyo (e) ineey ilaaliyaan midnimadda iyo isutag dhuleedka muqadaska ah ee Soomaaliya.  
 

Ururada xubnaha ah:

  1. Isbaheeysiga Nabadda iyo Horumarka, Columbus, OH
  2. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Baltimore, Baltimore, MD
  3. Jaaliyadda Soomaalieed ee Boston, Boston, MA
  4. Golaha Nabadda ee Soomaalidda Ameerrika, Washington DC
  5. Isbaheeysiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Canada, Toronto, Canada
  6. Xiriirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, Fairfax, VA
  7. Machadka Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Cadaaladda, Minneapolis, MN
  8. Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed, Minneapolis, MN 
     

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2008

Gabdho Soomaliyeed oo Deggan Sweden oo Deeq Lacageed gaarsiiyay dad barakacayaal ah iyo Bukaano ku jira Cusbitaalka Keysanay.. Akhri.. Jun 19

Madaxa Qaxootiga Aduunka oo sheegay in uu ku gaaray darajada uu maanta gaarsiisanyahay wixii uu ka soo bartay intii uu Muqdisho shaqo ku joogay.. Akhri.. Jun 19

Maamulaha iyo Shaqaalaha Telesom Borama oo tacsi u direen dhalinyaradii ku geeriyootay badda Liibiya. Akhri

Duqayn Lala Beegsaday Madaxweynaha DFKMG
Oo Kasoo Degayey Garoonka Caalamiga ah Ee Muqdisho

Siciid Diiriye"Dastuurka Cusub ee Puntland ma aha mid Xalaal ah"

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS