SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Duqayn Xoogan Oo Lala Beegsaday Madaxweynaha Dowlada KMG ah Oo Kasoo Degayey Garoonka Caalamiga ah Ee Muqdisho

Jun 18, 2008

Weerar Loo Adeegsaday Madaafiicda ka dhacda Qoriga Hoobiyaha Loo Yaqaano ayaa Maanta (Arbaca) lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Ee Aadan cadde Airport ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyadoo uu kasoo degayey madaxweynaha dowlada FKMG ah C/laahi yuusuf axmed
Wadooyinka Waaweyn ee soo gala garoonka Diyaaradaha Iyo kuwa aada Xarunta Madaxtooyada ayaa amaankooda waxaa si weyn U sugayey Ciidamada isku dhafka ah ee Amisom ,Ethiopia iyo dowlada KMG ah taasoo ay wadooyinka qaarkood sida wadada Maka al-mukarama ay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa kaleba ay Kala Kulmeen qaraxyo islamrkaana ay U diideen isticmaalka gawaarida dadweynaha iyo dadka shacabka ahba .

Sidoo kale Weeraradan lala Beegsaday garoonka Caalamiga ah Ee Aadan cadde Airport xili uu Madaxweynaha Dowlada FKMG ahi kasoo degayey ayaan la Ogayan Khasaaraha Ka Dhashay taasoo Ay Ciidamada isku jirka ah ee dowlada KMG ah Ethiopianka iyo kuwa Amisom ay isku gadaameen garoonka iyagoo U Diiday Inay Soo galaan Cid aan ahayn Ciidamadooda .

Maaha markii Ugu Horaysay ee Weerar Noocan oo kala ah lala Beegsado madaxweynaha Dowlada FKMG ah Xili uu kasoo degayo garoonka Muqdisho iyadoo Tiro ka dhowr jeer ay ahayd markii uu ka Badbaaday weerar Hoobiye oo noocan kala ah


yaasiin Maxamed Cali (Faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS