SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Gabdho Soomaliyeed oo dalka Sweden ku dhaqan oo Deeq Lacageed oo dhan laba kun oo Doolar gaarsiiyay dad barakacayaal ah iyo Bukaano ku jira Cusbitaalka Keysanay.

Sawirada Halkan ka daawo.....

Boqalaal ruux oo isugu jira barakacayaal, kuna jira kaamamka Waaqow One, Two, Miranaayo oo ah kuwo ay xaaladoodu liidato iyo kuwo ku jira Cusbitaalka weyn ee Keysanay oo qaba Dhaawacyo kal duwan iyo cuduro guud ayaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 2-kun oo doolar oo u dhiganta in ka badan 60-milyan oo shilin Soomaali ah.

Deeqdaan lacageed oo ay ahayd mid ay si weyn ugu baahnaayeen dadkaan ayaa waxaa ugu deeqay Gabdho soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden Gaar ahaan Magaala madaxada labaad ee Gottenberg, iyagoo u soo wakiishay Ambiyo Sheekh Cali Maxamed iyo Mahad Xuseen Axmedm si ay u gaarsiiyaan dadkii loogu tallogalay oo ku nool Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dadkaan soo barakacay ee ku jira kaamamka ku yaala W/Muqdisho ayaa waxaa haatan heysta nolo xumo tii ugu xumayd, iyadoo weliba lagu jiro xili roobaadkii xiliga Gu’gga, waxaana ka mid ah dadka Kaamamkaas ku jira kuwo qaba dhaawacyo Nabaro ah oo jirkoodu uu ka muuqdo, kadib markii uu ku soo dumay Guriyihii ay ku jireen oo ay maasheeyeen daadad ka yimid meelo fog, kuwasoo cardaadiqaha ka dhigay Guryihii ay ku noolayaan, dadna ay ku dhinteen, kuwona uu dhaawacoodu uu yaalo Cusbitaalka Keysaney,Alaabtii Guryaahaasna ay weli ku hoos jirto alaabtii guryahaasi.

Waxaa kale oo jira kuwo ay heyso baahi daran oo ay u wehliso nafaqo daro tii ugu xumayd, mana jirin wax gar gaar ah oo ilaa iyo haatan ay helaan marka laga reebo deeqdaan maanta la gaarsiiyay oo ahayd mid ay ugu baahnaayeen, kana heleen Gabdha Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Sweden gaar ahaan magaalo madaxda labaad ee Guttenberg, kadib markii ay ka damqadeen dhibaatada heysata walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ka daawadeen Shaashadaha website-yada.

Qoysas gaaraya 570-Qoys iyo kuwo intaas ka badan oo ku jira Kaamamka Waaqow One, Two, Miranaayo iyo 93-Bukaan oo iyana Jiifa Cusbitaalka Keysanay ee duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay lacagtaas gaareysay 2000-kun ee Doolar una dhiganta 60-milyan oo shilin Soomaali ah, ayaa qofkiiba la gaarsiiyay qfka ugu nyar lacag dhan 200-kun, halka dadka si aadka u liidata kana muuqato daruuf adag la siiyay 300-400-kun.

Maamulaha Cusbitaalka Keysanay Yuusuf Xasan Maxamed (Yuusuf Yare), Xaaji Muuse Xasan oo ah Madaxa caafimaadka Cusbitaalka, Anbiyo Sheekh Cali Maxamed iyo Mahad Xuseen Axmed oo ka hadalay gabgabadii deeqdaasi xarunta Cusbitaalka Keysanay ayaa uga mahadceliyay deeqdaasi wax ku oolka ah oo la soo gaarsiiyay dadkaasi u baahnaa ayna ka timid gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden, waxeyna ugu baaqeen inay ku daydaan walaalaha kale ee ku nool dalka dibadiisa oo ay taabanayso dhibaatada dadkaan heysata.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay soo gaarsiiyaan deeqdaan oo kale, waxaana ka horeysay deeq la mid deeqdaan oo iyana dhmayd 1100-US$ doolar oo 5-tii May 2008-da la gaarsiiyay bukaano ku jiray Keysanay Hospital.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS