Xafiiska madaxwenye Thabo Mbeki iyo
Jaaliyada Soomaalida K/Afrika oo kulan
ka yeeshay arrimaha Soomaalida qaxootiga
ah... kadib markii dawlada ay sheegtey
in khatar amaan qaran kasoo food
leedahay Soomaalida.
Saraakiil sarsare oo ka socota wasaarada
arrimaha dibada iyo xafiiska
madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki, oo uu
isaga si toos ah usoo direy iyo wakiilo
ka socda jaaliyada Soomaalida ayaa (Jun
17, 2008) galinkii dambe kulan albaabada
u xiranyahay ku yeeshay caasimada
dalkaasi ee Pretoria., kulanka ayaa ka
dambeeyay markii xaaladu aay meel adag
gaartay, illaa heer dawladu ay ka
fakarto talaabooyin amaan oo Soomaalida
ku wajahan.
![](19jun42.jpg)
Bidix: Axmed Dawlo,Malibonge,Sh.
Cabdulaahi, Danjire Makhubela, Dr.
Cabdulaahi carte. oo wada taagan gudaha
wasaarada amuuradaha dibada
Kulanka oo ahaa mid xasaasi, isla
markaasina degdeg ahaa, oo uu codsaday
Mbeki oo markaas dalka dibada oga
maqnaa, ayaa ka dhacay dabaqa shanaad ee
dhisamada wasaarada arrimaha dibada ee
dalkaasi, kuna taala caasimada Pretoria,
kulanka ayaa laga wada hadlkaya xaalada
qaxootiga Soomaalida ah ee ku jirra
xerooyinka qaxootiga ah ee dalkaasi
dhawaan laga furey, kuwaas oo ku meel
gaar ah, isla markaasina eey maalmihii
ugu dambeeyey ka jireen dhibaatooyin iyo
isku dhacyo ka dhaxeeya Police-ka iyo
Soomaalida.
Fariin kulanka laga aqriyey oo
madaxweynaha ka timid, ayaa aheyd in
dawlada dalka eey si weyn u saameysey
dhacdooyinkaasi isku dhaca ah, isla
markaasin eey la murugsantahay xaalada
qaxootiga, gaar ahaan tan Soomaalida ee
dalka, oo la sheegey in eey sii
noqoneyso wax aan la maarayn Karin.
Sargaalkii madaxweynaha ka socday, oo
ahaa agaasimaha guud ee wasaarada
arrimaha dibada Danjire LM Makhubela,
isla markaasina ah Chief of State
Protocol (Anshax dhoowraha qaranka, ee
amuuraha dibada), ayaa sheegey in xaalka
Soomaalidu uu gaaray meel adag, isla
markaasina ey dawladu meel dhigatay
tilaabooyin amaan oo ku haboon xaalada
hadda jirta sidii wax looga qaban lahaa,
balse uu madaxweynaha dareemey in eey
muhiim tahay in marka hore madaxda
jaaliyada lala kulmo si talooyin iyo
waxa ay ka qaban karaan xaalada kacsan
ee hadda jirta, wuxuu intaasi ku daray
in wararka ay qalabka warbaahinta ka
qoreyso uu yahay mid aanan fiicnayn ,
kaas oo uu sheegey in waxa xarada ka
dhacay ay ka dhigayaan sidii iyadoo
Soomaalida ku wada lug leedahay oo kale.
Dhanka Jaaliyada Soomaalida oo eey
goobta fadhiyeen Axmed Mahad Cilmo (
Dawlo) oo ah agaasimaha guud ee
jaaliyada Soomaalida SASA (Somali
Association of South Africa),
gudoomiyaha jaaliyada xafiiskeeda
Pretoria DR. Cabdulaahi Carte, Sheikh
Cabdulaahi, Soomaane, Cabdixakiim, iyo
Caameer yare, iyo dad kale ayaa waxa
meesha ka hadlaya Axmed Dawlo oo isagu
hadalku ku bilaabay raali galin uu
dawlada u jeediyey, kana raali galiyay
eedaha waaweyn ee ay tirsanayso, wuxuu
yiri “aad baan oga xunahay waxa dhacay ,
mana aanan filaynin in illaa heerkan ay
gaarsiisanyihiin, waa arrin murogo leh
in dawlada la gaarsiiyo illaa heer eey
ka fakarto talaabooyin amaan oo xaalada
lagula tacaalo”, wuxuu intaasi raaciyay
in dadka xerada ku jirra ee Soomaalida
ah, eeysan meesha iyaga kaliya ku
jirrin, oo eey jiraan ajaaniib kale, in
dadkaasi eey leeyihiin hogaan eey iyagu
doorteen isla markaasina jecelyihiin in
wixii danahooda ah ey dadkaasi oga
hadlaan, balse ey ka Soomaali ahaan
wixii karaankooda qaban doonaan sidii
xaalada loo dajin lahaa iyagoo la
tashanaya horjoogayaasha dadkaasi
qaxootiga ah , wuxuu goobta ka sheegey
in dhibaatada dadkaasi heeysato eey
tahay kuwa baddan oo u baahan in wax
laga qabto,balse eeysan aheyn kuwa
matalad Soomaalida oo ay inyar uun ka
yihiin, wixii fakarkoodana uu yahay wax
ay gaar la yihiin.
![](19jun43.jpg)
Dr. Cabdulaahe Carte, Danjire Makhubel,
Danjire Malibonge, Sh. Cabdulaahi. oo
wada taagan gudaha dhismaha wasaarada
amuuraha dibada
Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in
dadkaasi eey dhamaan wixii hantidooda
aha la boobey, oo eey maanta
faromaranyihiin, oo eey yihiin dad
wareerey, rajo dhigey, uguna sii
darsantay dhaxanta iyo dhibaatada
xerooyinka ka jira, sidaasi darteed loo
baahanyahay in xaalkooda wax laga qabto,
meeshan laga saaro, iyadoo loo raadinayo
wixii xal ah ee degdeg ah ee ay
dhibaatadaasi kaga bixi karaan, iyadoo
waliba iyaga laga talo galinayo waxa ay
tahay in loo qabto. Wuxuu Dawlo intaasi
ku daray in haddii eey tahay in dawladu
eey ka shaqayso barnaamij in dadka dib
loogu celiyo meelihii ey ka barokaceen,
loo baahanyahay in markaasi dadkani
gacan caawin loo fidiyo oo waxoogaa
qarashaad ay wax dib ugu bilaaban karaan
la siiyo, isla markaasina xagga
sharciyada wax laga qabto, oo dadka la
siiyo sharciyo wanaagsan oo dalka laga
aqbali karo, sida in ID yo la siiyo oo
kale, waxa uu intaasi raaciyay in wax
laga qabto arrimaha amaanka .
Shirka ayaa la’is weeydaarsaday aragtiyo
baddan, talooyin baddana jaliyada ay ku
bixisay, kuwaas oo laga aqbalay, waxaa
loo balamay shir kale, Balse uu ka
hormari doono kulan dhex mara saraakiil
dawlada ka socota iyo dadka qaxootiga ah
oo iyagu la kulansiin doono maalinta
khamiista ee taariikhdu tahay 19ka, si
bal loo ogaado cabshada qaxootiga iyo
dhibaatooyinka heysta xadka ay
leeyihiin.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jirey in
qalabka warbaahinta ay sii xoogan u
hadal heysay rabshado soo noqnoqdey oo
dad ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhex
marayay Soomaalida iyo ciidanka amaanka,
waxana ay ka dhaceen xarooyin kala duwan
oo dalka ku yaala oo eey Soomaalida ku
jirto, waxaa la arkayay Soomaalida oo
shaashadaha aduunka ka aflagaadaynayso
madaxda dalka iyo dawlada oo xittaa uu
ka mid yahay madaxweynaha Mbeki. Waloow
ay soomaalida yihiin qowmiyadaha dalka
qaxootiga ku ah ee ugu yar, misane waxay
noqdeen kuwa ugu qeeylaha dheer
dadkaasi, oo si joogto ah saxaafada ola
hadla, iyagoo dowlada cambaareynaya,
kuna sheegaya in eeysan waxbo u qaban,
mararka qaarkoodna codsaday in eeysan
dawlada soo farogashan oo xaalkooda loo
dhaafo UN-ka, si dib u dejin ugu
sameeyso wadamo galbeedka ah.
![](19jun44.jpg)
Dano Jire Ml Makhubela, Axmed Dawlo, Sh.
Cabdulaahi, Danjire malibonge
Waxay u muuqataa in arrinka Soomaalidu
gaaray meel adag, labbo mid ayayna noqon
doontaa, in tani ay naruuro u noqoto
dadbadan oo dhibato dalkani ka heeysatay
oo lagu helo xuquuq baddan oo dadlka ka
maqneeyd, ama tani ay meel xun dhigto
Soomaalida oo xittaa dalka laga mabnuuca
ku noolaashihiisa, taasoo dabcan ay
mas’uuliyadooda qaadan doonaan kuwa
xerooyinka ku jirra ee kala garan la’
dadka ay maganta u yihiin iyo kuwa kale,
waxa loo taray iyo waxa laga dhimay,
cidda saaciday iyo cidda wax yeeshay,
xaalkana gaarsiiyey illaa heer dawladii
dalka madaxdeedii ugu saraysay ay ka
walwasho qatar amaan iyo qalalaase
dublamaasiyadeed oo dalkeeda soo
foodsaarta, kana fakarto talaabooyin
amaan oo kolhoraba la meel dhigay.
Madaxdii Soomaalida ee kulanka ka
qaybgashaya ayaa aad oga argagaxday
heerka ay xaaladu marayso, waxayna
Soomaalida dalka oga digeen in eey
afkooda iyo adinkooda dhoortaan, sumcada
Soomaalidana illaaliyaan, kana
dhowrsadaan waxa dadka u keeni keeni
kara dhibaato iyo sumcad xumo.
Cabdinaasir Saxansoxo. Johannesburg.
saxansoxo1@hotmail.com