SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Madaxweyne Dowlada KMG ah Oo Saaka Soo Gaaray Muqdisho Oo Hoobiyeyaal Lagu Weeraray
  • Afahayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Oo Saaka Kooxo Hubaysan ay Ku Dileen Duleedka Bakaaraha

Madaxweyne Dowlada KMG ah Oo Saaka Soo Gaaray Muqdisho Oo Hoobiyeyaal Lagu Weeraray

Madaxweynaha Dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf axmed ayaa Saaka Goor Hore kasoo Degey garoonka Caalamiga ah Aadan cadde Airport ee magaalada Muqdisho Halkaasoo weerar Hoobiyeyaal ah Lagu soo dhoweeyey iyadoo Xiligii maalin ka Hor bixitaankiisiina Lagu sii dhoweeyey Weerar Madaafiicda Hoobiyaha ah.

Imaatinka Madaxweynaha DFKMG Ayaa waxaa saxaafada U Xaqiijiyey Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Xuubsireed isagoo sheegay In Madaxweynuhu Uu ka badbaaday Weerarka madaafiicda Hoobiyaha islamrkaana Shaaca ka qaaday Inuu Si Nabdoon Usoo gaaray Hoygiisa oo Ku Yaala xarunta madaxtooyada Ee Villa soomaaliya .

Sidoo kale Jidadka Soo gala xarunta madaxtooyada ee ka Yimaada garoonka ayaa saaka waaberigii waxaa Xiray Ciidamada isku dhaf ah Oo isugu Jira Ciidamada Amisom ,Kuwa Dowlada KMG ah Iyo Ciidamada ethiopia iyagoo amaanka Si weyn U sugayey islamarkaana Joojiyey Gawaarida iyo dadka isaga kala Goosha Gudaha caasimada Muqdisho .

Dhinaca kale Ka Hor Imaatinka madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in wadada dheer ee maka al-mukarama oo isku xirta Garoonka iyo Vila soomaaliya waxaa ka dhacay Labo qarax Oo la sheegay in lala beegsaday Ciidamada dowlada KMG ah ee amaanka wadadaasi sugayey taasoo aan la Ogayn Khasaaraha Uu gaystay Qaraxaasi.

Afahayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Oo Saaka Kooxo Hubaysan ay Ku Dileen Duleedka Bakaaraha

Waxaa Saaka Barqanimadii Ay Kooxo Hubaysani Ku dileen Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Max'ed Ducaale isagoo marayey Xiligaas inta u dhaxaysa Ex-Hotel Raaxo iyo Isgoyska Bakaaraha ee degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho .

Sida uu Saxaafada U sheegay Afhayeenka Ganacsaatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa Cadeeyey In Kooxo Hubaysan ay Dileen Cabaas maxamed Ducaale Kooxahasi oo ku sheegay inaan ilaa iminka la aqoonbsan islamrkaana uu ahaa Dil qorsheysan waa sidyuu hadalka U dhigaye .

Sidoo kale Lama Oga sababta ka dambaysa Dilka marxuumka afhayeenkii Ganacsatada gobolka banaadir Cabaas maxamed Ducaale iyo Cida ka dambaysa .

Si kastaba ha ahaatee Waa markii Ugu Horaysay Ee Dil Noocan ah Loo gaysto Mid kamid ah Midowga ganacsatada Gobolka banaadir .

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
YaasiinFaytin@hotmail.com
Somalitalk.com


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2


Nin Soomali ah oo Minnesota laga la’aa oo meydkiisii laga helay webiga Mississippi, USA....

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS