SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Xaalada Somalida ku jirta xerooyinka Wadanka Koonfur Afrika oo cakiran

Boqolaal Qaxooti Ajaanib ah oo u badan Somali ayaa June 2 Mudaharaad ka hor dhigey Guria Barlamaanka Wadanka Koonfurta Afrika

Mudaharaadkaan oo looga soo Horjeedey Midab naceyba iyo jinsi Sooca
Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhimatey inta la ogyahay tiro kor u dhaafeysna way ku dhawacantay 300 qof sadax usbuuc ka hor waxii ka dhacey wadanka koonfurta afrika

dadka ajaanibta ah oo ay ka mid yihin somaliyed ee ku dhaqan wadankaan koonfurta afrika guud ahaan ayaa waxaa samaysey dhibaatooyinka iyo rabashadihii ka dhacey ee ajaanib naceybta ahaa iyadoo la ogyahay waxii xoolo ahee wadanka ay ku laheen ay ku haysteen laga dhacay Gabi Ahaanba Qaar kalana Lagu laayey Rabshadihi Dhacay

Sidoo Kale Qaxootigan Soomaalida ayaa Iyagu helin Wax gar-gaar ah iyagoo wax dawooyin ahna aysan ka helin Dowladda ka Arrimisa Guud Ahaan dalka South Africa. iyado Kuwa Rabshadaha Geystay ee uu dhashey Wadanka South Africa. Wixii African ah ay qabtaan ey U geysteen Dhibaatooyin Aan hore uga dhiciin Qaarada Africa taasoo Ah In lagubayo Ruuxii Oo Nool,

Kumanaan ajaanib ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay oo is Kugu Jiro Dumar & Rag Ayaa sugaya inay aqbasho Hay'aada Un-ka si ay iyado u qaado damanadooda mana muuqato ilaa iyo hada wax loo qabtey qaxootigaas meesha ku jira dadkan ah dad Isku Soo dhibeey Ka gadaal Markii ay Uu Dulqaadan Waayeen Weerarada Lagu bartilmaameedsanayo dadka Aan Uu Dhalan dalkan South Africa, taaso dhalisey In Qaxooti Badan Oo Soomaali Ah Oo ka shaqeysan Jirey Wadanka S/Africa ey Miciin Bideen Qaxootinimo,

Kumanaan-kan Qaxootiga ah Ayaa Waxaa Teendhooyin Looga Dhisey labo meelood oo Duleedka Magaalooyinka Pretoria iyo Cape Twon halkas oo ay ku Sugnaayeen in Muddo ah
Qaxootigan Soomaaliyeed Ayaa Kawadda Soomey Cunada dhawr maalin ka hor, Tasoo ay ku dalbanayeen In Dowlada Koonfurta Afrika ey ku wareejiso Hay'aada Un-ka Ee fadhigoodu yahay Magalaada Pretoria, Maadaama Hay'aada Un-ka ey uu sheegtay Qaxootiga Soomaliyeed In Dowlada S/Africa eysan Raali Ka ehyn In ey La Wareegaan gabi ahaanba Qaxootigan Soomaliyeed,
dhanka kale Qalabka Warbaahinta Ee dalkan South Africa Ayaa Sii Toos Ah Uu Tabinayey Iska Horimaad Ku Dhexmarey Maanta Mesha ey ku sugan Yihiin Qaxootigan Soomaaliyeed iyo Koox kale oo ka soo horjeeda dalabka qaxootiga si dhaqsa ahna waxa uso kala dhax galay Booliska wadanka Oo ilaalo Ka haysay isla Goobta Qaxootigan ay ku mudaharadayeen oo ahayd Guriga Baarlamanka Wadankan Koonfurta Afrika , Tasoo Dhalisey in Rasaas Tel-Tel ah ey Furaan Booliska, iyado Lagu kala eryayey dad ku soo Xoomey Mesha Booliska ay ilaalada ka hayeen, iyado wax qasaaro ah Oo ka dhasheyna Aan la Carabaabine,

Mid ka mid ah Cummunitiga Soomaalida ee Cape Twon Abdul Kadir Karakoos ayaa warbaahinta ku yiri " waxaanu nahay afrikaan, Ciidaanu waa ciideenii . Ma Nihin Ajaanib. ciidana waa ciida Afrika" waxa uu intaas ku daray in ka badan 600 qof oo soomaali ah ay ku wayeen hantidoodii tiro intaas ka badan oo ajaanib ahna loo geytey dhac iyo dil

Si Kastaba ha ahaatee Dhibaatooyinka ajaanibta ku dhaqan guud ahaan dalka South Africa ayaa u badan wadamada ay ka soo jeedaan Mozambicans,Zimbabweans,Malawi,Somalia, Tanzaina, iyadoo ilaa iyo hada ay dib ugu laabteen in ka badan 50 000 qof oo Isugu Jira Mozambicans,Zimbabweans, wadanka Zimbabwe oo ay xaalada dhaqaali Xumi haysto ayaa noqdey wadanka ay ugu badan yihin ajaanibta wadankaani joogta waxana lagu qiyaasaa %60 qaxootiga jooga Koonfurta Afrika

Mohamed Ismail
Contact:- + 27 76 969 9516
E-Mail:- mismacil@live.co.za
Johannesbrug
South Africa

Koonfur Afrika: Dadka shisheeyaha ah oo noloshoodu halis ku jirto...

Soomaali ku tukanaya meel kaam Qaxooti Talaada May 27, 2008 oo Pretoria kaddib markii ay ka soo carareen meelihii ay deganaayeen ee magaalooyinka Koonfur Afrika oo lagu laynayo dadka aan Koonfur Afrika u dhalan.

Soomaali ka so cararay guryihii ay deganaayeen oo meel kaam ah isugu yimid, Pretoria May 27, 2008. Sawirada: AP

Dad ka kooban Soomaali iyo qaxooti kale oo saf ugu jira cunto meel xero qaxooti oo ay kaga gabanayaan halista kaga timid reer K/Afrika oo lagu laynayo shisheeyaha. Magaaladu waa Scarborough, May 27, 2008. Sawirka: AP

Carruur Soomaaliyeed oo fadhiya kaam ama xero gabaad qaxooti ee K/Afrika, May 27, 2008. Sawirka: AP


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2


Nin Soomali ah oo Minnesota laga la’aa oo meydkiisii laga helay webiga Mississippi, USA....

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS