Muqdisho: shalay, maanta iyo berri (Q. 3aad)
Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com
Qaybta: 1aad |
2aad | 3aad
| 4aad | 5aad
Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo
markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay
maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel
adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad
faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley.
Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com
iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka
mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan
helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.
Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u
faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas
yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan
tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal
qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la
wada faafiyo.
FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay
ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.
Khariidadii Muqdisho ee dagaalladaan ka hor
Magaalada Muqdiho waxay u qaybsanayd laba qaybood: qayb ay si toos ah u
maamulaan qabqablayaal iyo qayb si guud u hoostimaadda qabaa'il oo aan nin gaar
ahi ku amar-kutaaglayn, marka laga reebo goobo tirsan oo Mooryaani dadka lacag
kaga qaadato. Maxaakimta Islaamigu waxay ka hawlgaleen qaybihii aanay raggaasi
sida tooska ah uga talin jirin, sida degmooyinka: Yaaqshiid, Huriwaa, S/xoolaha,
Wardhiigley, H/wadaag iyo Hodon. Ka dib markii lagu dhawaaqay Isbahaysiga la
dagaallanka argagixisada oo uu qarxay dagaalkii Muqdisho 18/02/02 waxaa
magaaladu noqotay deegaanno u xiran isbahaysiga, sida degmooyinka: Kaaraan,
Shibbis, C/casiis, Boondheere, Shangaani, Dayniile, iyo qaybo ka mid ah
degmooyinka Wadajir, Dharkaynley, S/xoolaha, Hodon iyo waddada isku xirta
Muqdisho iyo dekedda C/macaan. Waxaa kale oo xubnaha isbahaysigu gacanta ku
hayeen Gobolka Sh/dhexe. Waxaa kale oo jiray deegaanno aanay maxkamadaha iyo
isbahaysiga midna ka hawlgalin, sida degmooyinka: X/weyne, X/jajab iyo Waaberi.
Waxaa xusid mudan in dadweynuhu degmo kasta ha dagganaadeene ay la safnaayeen
maxaakimta, waxayse ku kala duwanaayeen in qaarkood muujin karaan taageeradooda,
kuwana ay qarsoodi u baahnaayeen maadaama ay isbahaysigu ka talinayeen
deegaankooda.
Khariidada magaalada dagaalladii ka dib
Dagaalladii is daba joogga ahaa ee dhacay waxaa lagaga faramaroojiyay
Isbahaysiga: xarumo millatari oo ku yaallay dhulka u dhexeeya waddada warshadaha
iyo Dayniile, waddada isku xirta Muqdisho iyo dekadda C/macaan, S/xoolaha,
waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, KM4, Soobbe, B/xuubey, Airport-ka weyn
iyo Villa Baydhabo. Waxaa kale oo ay ku guulaysteen culimada, cuqaasha iyo
ganacsatada beesha Murusade in ay si nabadgalyo ah uga xilwareejiyaan Max'ed
Qanyare iyo maleeshiyadiisa degmada Dayniile iyo goobihii kale ee
taagerayaashiisu ka dagganaayeen magaalada dhexdeeda. Waxaa hadda isbahaysiga
gacantooda ku harsan degmooyinka: Kaaraan (inteeda badan), Shibbis, C/casiis,
Boondheere, Shangaani iyo qaybo ka mid ah Madiina. Intaa waxaa u dheer qaybo ka
mid ah gobolka Sh/dhexe.
Maxaa magaalada looga sifayn la' yahay haraaga isbahaysiga?
Isbahaysigu si weyn ayay ugu jabeen dagaalkii ay qaadeen, xagga, siyaasadda,
warbaahinta, shacbiyadda iyo millatarigaba. Nimanka wali ku harsan magaaladu way
hubaan in aan shacbigu doonayn, in aysan awood weyni ku harin iyo in
saaxiibbadood la sii baacsanayo oo aan cid u soo gurmanaysa jirin ee waxay nafta
ku maaweelinayaan in jifooyinkoodu ku hagoogan doonaan si nafta loogu cesho,
isku daygaasna wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay. Waxaa socda dadaallo ay
wadaan culimada, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo duqowda beelaha Mudulood oo lagu
doonayo in nimankaasi hubka si nabadgalyo ah isaga soo wareejiyaan ka dibna ay
iska dhoofaan iyaga oo badqaba. Taas oo looga gol leeyahay in laga ilaaliyo
dadwynaha dagaal dambe oo ka dhaca magaalada dhexeeda. Haddii ay dadaalladaasi
miro dhal noqon waayaanna waxaa lagama maarmaan noqon doonta in loogu baaqo
maleeshiyada in ay hubkooda ula soo galaan maxaakimta ama ku wareejiyaan
cuqaasha jifooyinkooda. Marka taa lagu guulaystana waxaa sahlanaanaysa in
guryohooda laga soo katiinadeeyo, ka dibna lagu wareejiyo xarumaha dhaqan
celinta ee magaalada Muqdiso. Waxaa kale oo la wadaa kulamo lagu doonayo in
degmooyinka wali ku harsan gacanta isbahaysiga loogu sameeyo maamulo marka laga
xil-wareejiyaba ka hawlgala deegaannadaas. Ragga haraaga ahi waxay si buuxda ugu
quusan doonaan marka dhammaan gobolka Sh/dhexe laga sifeeyo saaxibbadood,
dadweynuhuna waa inay sabraan oo aysan caradu dhaafin sida xikmadda ah ee
umuuraha loo dhiraandhirinayo.
AKHRI: Qaybta 4aad....
Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2008
|