SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Gudaha ee Golaha Dhexe ee ARS Dr. Cabdi Cali Xasan heshiiskii Jabuuti siyaasad ahaan waa laysku raacey dhaqan gelintiisa, balse …”

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Gudaha ee Golaha Dhexe ee ARS Dr. Cabdi Cali Xasan, ahna xubin Jaaliyada Norwey ka socda oo Somalitalk wareyasi gaar ah kula yeelatey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, kadib markii uu u soo gebageboowey kulankii Golah dhexe ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey

Shirkii labaad ee Golaha Dhexe inoogu soo gebageboobey Jabuuti waxaa lagu go ’aamiyey, in wafdi kala duwan loo diro Gobolada dalka, si ay dibu-heshiisiin ugu sameeyaan shacabka degan, Gobolada laga taageersan yahay Is-bahaysiga, islamarkana ay u soo celiyaan xasiloonidii iyo kala dambeyntii, maamulana ugu sameeyaan, waana qayb ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyey, in meelaha Is-bahaysiga laga taageeran yahay, laga dhex abuuro dibu-heshiisiin shacabka, lana soo celiyo Amnigii iyo maamuladii, ayna tahay mid naga dhexeysa anaga iyo shacabkeena. Ayuu yiriri

Dr. Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaai ntaa ku darey in Hay’adda Qaramada midoobeyna waxay diyaar ula tahay, wax kasta oo ay qabsanayaan shacabka, sida soo celinta Amniga, dibu-heshiisiinta, dhisida maamulada degmooyinka iyo gobolada.

Waxaa kale uu sheegey Dr. Cabdi in arinta Soomaaliya ee u dabran ay tahay amaan derida, taasina waxaa xal loogu heli karaa ayadoo la mideeyo muqaawamada iyo xoogaga kala duwan ee xaq u dirirka ah.

Mar uu ka hadlaayey amaanderida dalka taala in uu Is-bahaysigu qayb ka yahay ayaa wuxuu yiri:- anagu amaanderida qayb kama nihin, waxaan ka dambeeya, qofka dhul uusan lahayn kusoo duuley, isagoo doonaya inuu ku khasbo, aragtiyo aysan raali ka ahayn shacabka deegaanadaasi ku nool, iyaga ayaana ka dambeeya amaan derida ka jirta dalka.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd adinkuba sow shacabka kuma khasabtaan wax uusan raali ka ahayn ayaa wuxuu ku jawaabey:- anagu shacabka wax uusan raali ka ahayn ,kuma khasabno, waayo anagu waxaan ku nimid rabitaanka shacabka, taasin waxaa cadeynaya, anaga waxaa nasoo dirsadey Qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, kadib markii ay u adkeysan waayeen, ayna ka damqadeen xasuuqa iyo dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed, ayna noqotey in lagam maarmaan ay tahay, in la helo garab siyaasadeed oo u hadla shacabka Soomaaliyeed, una soo bandhiga Caalamka, dhibaatooyinka soo gaarey shacabk markii uu cadowgu qabsadey dalka``.

Dr. Cabdi mar aan weydiiyey bal ka waran Ethobia waxay sheegtaa inay dalka ay kusoo gashey ogolaasho, adinkuna waxaad sheegtaan in dalka ay kusoo gashey xoog?, waxaa uu ku jawaabey ”maya Ethobia kuma soo gelin rabitaanka shacabka, sababtoo ah Ethobia waa wadan waligii hamigiisu ahaa, inuu hantiyo oo xoog ku qabsado, Soomaaliya soona taabto Badweynta Hindiya.

Taasoo ku cad qoraalkii uu Mililig hore ugu direy wadamada reer Yurub Taariikhdu markey ahayd 1891-dii, isagoo ku sheeganaaya inta badan dhulka Soomaaliya uu xadkiisu gaaro Badweynta Hindiya. Joogi taanka Ciidamada Ethobia dalka Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed waxay ku abuurtey khal khal, markii ay tageen inta badan Gobolada Soomaaliya, waxayna ku timid rabitaankeeda, cid u ogolaateyn ma jirto, mana ahan wax cusub imaashiyaheed, 6-sano ayey degenayd deegaanka Luuq ee Gobolka Garba-haareey, iyadoo cidna ay ka codsan iimishaheeda.

Waxaa kale oo uu ka hadley Gudoomiye Dr.Cabdi heshiiskii lagu gaarey Jabuuti waxaa uuna sheegey in heshiiska siyaasad ahaan laysku raacey dhaqan gelintiisa, balse waxa dagaalada wada waa ciidamada Ethobia, si ay iyaga meesha ug baxaana waxay ku xiran tahay, in Qaramada midoobey ay Soomaaliya u soo dirto Ciidamo nabad ilaalin, go’aankeedun wuxuu soo bixidoonaa bisha Augusto ee soo socota, dagaalada hada socda waxaa wada Ethobia, taasina shacabka waxay ku dhalisey inuu is difaaco, maadaama ay wadaan xasuuq.

Ugu dambeyn Dr. Cabdi Cali Xasan waxaa uu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed, in ilaahay ka baqaan oo ay is cafiyaan, kana fikiraan aayahooda, tan Ubadka dambe ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba, iskana ilaabaan wixii dhib ah e soo marey, una istaagaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursan qaaliga ah ee taagan xiligaan, mideeyaana fikirkooda iyo madax banaanidooda, kuna dadaalaan sidii ay ugu madax banaan naan lahaayeen maamulkii wadankooda, iyadoo aysan ku jirin faragelin shisheeye, una hawlgalaan dibu-dhiska dalka dhinac kasta oo ay tahay, waxaana jira fursado badan oo hore loo lumiyey ee ka soo dhex baxay 14-kii shir ee loo qabtey Soomaalida sida xiligii TNG-da iyo farsadii Midowga Maxkamadihii Islaamiga ahaa IWM.

Maxamed Macallin Cismaan(all-man) somalitalk jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Waraysi: Xog-hayaha Warfaafinta ARS Axmed C/llaahi
"mar aan ka xoog badanahay nama soo marin, waxaana mareynaa, xiligii ay ku habooneyd inaan..." Wareysi July 30

Saahid Maxamed Yuusuf ”aduunkuna waa naga ogolaadey in ciidamada Ethobia laga saaro dalka Soomaaliya”

Aamino Siciid Cali “waxaan u dagaalameyno shekhsi ma ahan…” Wareysi Somalitalk Jabuuti - July 28

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS