SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xog-hayaha Warfaafinta ARS Axmed C/llaahi Sh."mar aan ka xoog badanahay nama soo marin, waxaana mareynaa, xiligii ay ku habooneyd inaan..." Wareysi xiiso badan

Xog-hayaha Warfaafinta ARS Axmed C/llaahi Sh. Maxamed oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka jabuuti, waxna ka weydiiney waxa ka soo baxay kalfahigii Golaha dhexe ee ARS, xiriiradii lagu dhex dhexaadinayey khilaafka is-bahaysiga halka uu marayo, inta xubnood ee ka joogta xubnaha Is-bahaysiga Asmara iyo caqabada hortaagan heshiiskii Jabuuti lagu gaarey ee lagu balansanaa in si rasmi ah qalinka loogu duugo, islamarkaana la tago wadanka sacuudiga?
ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri

kal fadhigaan wuxuu ahaa kalfadhigii caadiga ahaa ee uu Is-bahaysiga yeesho, inkastoo xiliga lagu balansanaa la soo gudbey duruufo jira awgeedna ay inoo suurageliweysey inaan qabano, laakiin wuxuu qabsoomey xiligaan, waxaana looga doodey qiimeynta wax qabadka Is-bahaysiga mudadii uu dhisnaa, Ansixinta heshiisyada Is-bahaysigu uu soo galey, xeerarka iyo dejinta Qorsho hawleedka Mustaqbalka, waxaana laysla gartey in ay lagama maarmaan tahay, midnimada iyo wada shaqeynta Is-bahaysiga, in la sii ambaqaado geedi socodka nabada, xoojinta muqaawamada, adkeynta iyo horumarinta xiriirka uu la leeyahay ARS wadamada caalamka ee aynu saaxiibka nahay

S:- xiriiradii lagu dhex dhexaadinayey khilaafka is-bahaysiga halkay marayaan?.
J:-Khilaafku wuxuu ahaa kala duwanaan xaga aragtid ah, waana wax hore u soo jirey waligiis, wuuna jiridoonaa, laakiin taasi micnaheedu ma ahan, in lagu kala tegey ujeedooyinkii Is-bahaysiga uu lahaa ee ahayd in laga saaro ciidamada Ethobia dalka.

S:-ma jiraa wax xal ah oo kale oo lagu dhex dhexaadinayo khilaafka ARS oo muuqda, islamarkaana laysugu keenayo kala aragti duwanaashaha soo kala dhex galey xubnaha?
J:- way jiraan, laakiin waxaa lagu dhex shaqeynayaa Qorsho hawleedka guud ee lagu ansixiyey kalfadhigaan.

S:- hadafka Is-bahaysigu ma wuxuu ku kooban yahay oo keli ah ka saarida Ciidamada Ethobia, islamarkaana sow uma muuqdo mid gaaban hadafka Is-bahaysiga oo ku eg meel dhow ?.

J:-hadafkaasi waa hadaf aas aasi ah oo weyn, wax kasta isaga ayey soo hoos gelayaan sida in Qaranimadii Soomaaliya dib loo soo celiyo, dadka dembiyada galey sidii loola xisaabtami lahaa, ha ahaado mid shekh-si iyo mid maamulba, dadka ku waxyeeloobey dagaaladii dalka ka dhacay ee cadowgu u geystey, sidii wax loogu qaban lahaa.

S:- Imisa xubnood ayey ku leeyihii xubnaha golaha dhexe ee ARS, Maxkamaduhu?.
J :-Qaab dhismeedka Is-bahaysiga waxaa isugu yimid dadd isku Ujeedo ah, xilkii la qaybsadey iyo hawshiisiina si wadaag ah, ayey kusoo gebagbowdey, waana wax cad oo muuqda in maxkamadaha Islaamigu ay ahaayeen xooga ugu balaaran ee mash-ruucaan majaraha u haya.

S:-Wax ma inooga xusi kartaa tirada rasmiga ah ee ka joogta ARS Eriteria
J:-inaan sheego tirada rasmiga ee joogta Asmara, wax micno ah ma sameyneyso, cid kasta oo joogtana laga ma maarmo.

S:- Maxay tahay caqabada hortaagan in heshiiskii Jabuuti lagu gaarey ee lagu balansanaa in si rasmi ah qalinka loogu duugo, islamarkaana la tago wadanka sacuudiga?

J:- Waxay ku xiran tahay, dhinacyada ay khuseyso heshiiska, sida TFG-da, ARS, Sucuudiga, UN-ka iyo Urur Goboleedyada, marka intaas ay isku xirmaan ayuu waqtigu ka dambeeyaa inuu dhaco, Is-bahaysiguna wuxuu codsadey inta hawlihiisa u gaarka ah soo dhameysanayo, in dib loogu dhigo, oo ayna ka mid ahaayeen waxa ka soo baxa shirkii Sanca iyo kii Kalfadhiga Golaha dhexe, shacabka soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa inay taageeraan hawlaha nabada.

ugu dambeyn Axmed C/llaahi heshiiskan muxuu idiinku soo kordhinayaa xiligaan, iyadoo xili aad ka xoog badan tihiin aad diideen heshiis noocaan oo kale?.

J:- Mar aan ka xoog badanahay nama soo marin, waxaana mareynaa, xiligii ay ku habooneyd inaan siyaasada kaalinteeda siino, xiligii maxkamadaha iyo xiligaan ciidan ahaan, siyaasad ahaan iyo waci ahaanba hada ayaan ka xoog badanahay.

kaasi wuxuu aahaa Xog-hayaha Warfaafinta Is-baysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed C/llaahi Sh. Maxamed oo iigu waramayey Hoteel Imperial ee Caasimada Jabuuti.
dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS