Taariikhda Colaadeed ee soo jireen-ka ah ee Somalia iyo Ethiopia - Qaybtii
5aad.
Waxaan uga soo hadalnay maqaalkii 4aad, isballaarintii Xabashida iyo
dagaladii Galbeed, hadaba waxaan ku soo qaadan doonaa qoromadaan soo socota
halgankii Imaam Axmed Ibraahim Al-qaazi (Gureey).
Qarnigii 12aad ee miilaadiga waxaa ka jiray deegaanada Galbeed oo ay Xabashidu
gumaysato Imaarado Islaam ah waxayna ahaayeen:
Shaawa,Zaylac,Harar,Iifaat, Adal,Hadya, Fatajar(Araabiin),
Baali,Dawaaro,Sharkha iyo Jaama.
Imaarda Iifaat waxay ahayd tan ugu wayn, waxaana aasaasay Qoys Makhzuumi ah kana
soo haajiray Jaziiratul Carab.
Sannadkii 1277 Miilaadiga Nin la oran jiray Omar waali Asmac iyo qoyskiisii ayaa
dagaal ku qaaday Saldanada Iifaat uu qoyska Makhzuumigu ka talin jiray
dabadeedna qabsaday,halkaasooy ku hana qaaday Saldana qoyskii Waali
Asmac.Boqorkii Xabashida ee la magac baxay Boqorka boqorada wuxuu weerar ku
qaaday Imaaradii Iifaat oo ahayd tan ugu awooda badnayd imaaradaka Islaamiga
ah.Iifaat waxa waaga ka talinayay Xaq Aldiin-1,dagaal dhaxmaray Xabashida iyo
suldaankii Iifaat ayaa wuxuu sababay in lagu dilo Xaq aldiin-1,dabadeedna waxaa
xukunkii qabsaday Sabrudiin oo ah xaqdiin walaalkiis isagana waa la dilay
dabadeed waxaa xukunka la wareegay Sacad Aldiin Maxamed Cali oo ahaa Suldaankii
la dilay walaalkiis wuxuu sii waday dagaalkii,markii hore guul ayuu ka soo
hooyay hase ahaate dagaal dambe ayaa lagu jabshay wuxuuna u haajiray Zaylac,
wuxuuna ka aasaasay halkaas Dowladii Zaylac oo ay u yaqiineen reer Galbeedku
Adal.
1415 miilaadiga,boqortooyadii Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii waxay
weerar ku qaaday magaalada Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al diin Maxamed
Cali oo ku aasan Geeska koofur bari ee jaziirada loogu magacdaray.
Suldaan Sacad Aldiin wuxuu dhalay Abuubakar Sacad aldiin, Badlaay Sacad
Aldiin.Abuubakar isna wuxuu dhalay Cali Abuubakar, Xabiib Abuubakar.Badlaay
wuxuu dhalay Maxamed Badlaay,Shamsuddiin Badlaay.Cali Abuubakar ayaa isna dhalay
Azar, Maxamed.Azar ayaa isna dhalay Suldaan Maxamed Ibnu Azar Ibnu Cali Ibnu
Abuubakar Ibnu Sacad Aldiin.
Suldaan Maxamed wuxuu xukumayay Zaylac muddo 30 sano ah.waa la dilay Suldaan
Maxamed waxaana dilay Maxamed Abuubakar Ibnu Maxfuud oo xidid la,ahaa suldaanka
la dilay,wuxuuna xukunka hayay mudo sanad ah,dabadeed Maxamed abuubakar ibnu
Maxfuud isna waa la dilay oo waxaa dilay Ibraahim Axmed oo ka talinayay Hobat
xukunkana hayay mudo 3bilood ah,isna waxaa dilay Wasana oo isna ka talinayay
Zaylac muddo 3 bilood,Wasana waa laga takhalusay waxaana xukunkii la wareegay
Mansuur Maxfuud Maxamed Garaad Aadsha isna kuma waarin oo waxaa dagaal kala
horyimid Garaad Abboon dagaal dheer ka dib waxaa laga takhalusay Garaad Maansuur
waxaana xukunkii la wareegay Garaad Abboon oo ka talinayay Zaylac muddo 7 sano
ah.
Waayhii uu xukunka hayay Garaad Abboon waxaa lagu tiriyaa xiliyadii ugu
cadaalada badnaa marka loo eego raggii isaga ka horeeyay, Imaam Axmed Gureey
waagaas wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Garaad Abwaan.
Hadaba dagaal dhaxmaray Garaad Abboon iyo Suldaan Abuubakar oo ka mid ah
duriyyadii Sacdudiin ayaa waxaa lagu jabshay colkii Garaad Abboonn isagiina lagu
dilay.
Halgankii Imaam Axmed Gureey iyo qabsashadii Xabashi (912-950H/1506-1543M)
Axmed Ibraahim Al-qaazi, Imaamki Dowladii Adal (Zaylac), waa hogaamiyihii
qabsaday Xabashi, qarnigii 9aad ee hijriga, kuna beegan, qarnigii 15aad ee
miilaadiga.
Waxaa loogu yeeri jiray magacya badan,sida Imaam, Suldaan,Amiir, Mujaahid, Qaazi
,hase ahaatee wuxuu caan ku ahaa Gureey,Garaan,oo ay ugu yeeraan dadka Oromada
iyo qaar ka mid ah Soomaalida, Ashmal ay ugu yeeraan dadka Amxaarada,maxaa
yeelay,wuxuu ku dagaalami jiray gacanta bidixda ah.
Qorayaashii wax ka qoray Imaamka siyaaba kala duwan ayay wax uga qoreen
goorta uu dhashay, waxaa la shegaa in uu dhashay 912H/1506, Halka qorayaal kale
ay sheegaan in uu dhashay 908H/1500M.
Wuxuu ku dhashay tuulada Dackah oo ka tirsan Hobat waxaa kaloo la sheega
Geldessa oo iyana isla deegaanka Hobat ah una dhexeysa Harar iyo Zaylac.
Yaraantiisi wuxuu ku barbaaray Harar diintana ku bartay, dabadeena wuxuu
waxbarasho u aaday magaalada Zaylac oo ahayd xarunti dowlada Islaamka ee
Zaylac,wuxuuna ahaa nin aad u firfricoon,aqoon wanaagsan u leh diinta
Islaamka,wuxuu ahaa caalim,ku xeeldheer Tafsiirka,Xadiiska iyo Culuumta Luqada
Carabiga,wuxuu ahaa nin dhugbadan, hadalna uusan seegin,laxaadleh,oo burji
sareeya,geesi lawada jecelyahay,daganaasho iyo fasiixad ilaah ku manaystay,taas
waxaa qiray xiita cadowgisii.
Inkastoo siyaaba kala geddisan wax looga qoray isirkiisa hadana waxaay u
badantahay in uu ahaa Soomaali dhiig, dhacaan iyo dhaqanba, wallow dadyoow
badani ay sheegtaan,Inta badan qorayaashii wax ka qoray taariikhda Zaylac waxay
isku raaceen in uu ahaa Imaamku Soomaali, tankale suurtagal ma, aha in Nin aan
Soomaali ahayn uu hogaamiyo kumannaan ciidan oo Soomaali ah; waxaa kale oo la
ogyahay in, inbadan oo abaanduuliyaashiisii ka mid ahi ay ahaayeen Soomaali,
hase yeeshee muhimaadu waxay tahay in uu ahaa geesi Muslim ah kana soo ifbaxay
dadkii ku noolaa deegaankaas.
Waayihii uu Imaam Axmed Gureey soo hana qaadayay waxaa ka jiray dhulka Zaylac
dagaalo is daba joog ah ay Xabashidu ku soo qaadaysay dadkii Muslimiinta ahaa ee
ku noolaa deegaanadaas, waxaa kaloo jirtay gibir (baad) la siiyo Boqortooyadii
Xabashida, hadaba Imaamku isagoo ka damqanaya dhibaatada lagu hayay dadka
Muslimiinta ah ayuu ku biiray dagaalkii lagala soo horjeeday duulaanka Xabashida
sidaana wuxuu ugu biiray ciidankii Graad Abboon oo wayahaa Suldaan ka ahaa
Saldanadii Adal (Zaylac).
Muddo yar dabadeedna markuu ka qayb galay dhowr dagaal oo aad u qaraaraa, ayna u
cadaatay Garaad Abboon in uu Axmed Gureey leeyahay ragannimo dheeraad ah, iyo
geesinimo, isla markaasna mas, uuliyad qaadi karo, ayuu ka dhigtay gacantiisa
midig, taladii iyo maamulkiina wax ugu dhiibay.
Hadaba waxaa dhacday isagoo Axmed 19 jir ah, hase ahaatee uu waayo arag noqday
tiisana ku meelmari karo, dagaal dhex maray Garaad Abboon iyo Sulsaan Abuubakar
oo duriyaddii Sacduddiin ah.Waxaana lagu jabiyay Garaad Abboon iyo
ciidankiisiba, isagiina waxaa lagu dilay Zaylac 1522m, hase ahaatee Imaam Axmed
wuxuu la baxsaday colkii Garaab Abboon wixii ka haray, wuxuuna saldhig ka
dhigtay deegaanka Hobat.
Hadduu in muddo ah degganaa deegaanka Hobat oo uu col uruursi ku jiro, ayaa
markay taariikhdu ahayd 1527M qeylo dhaan looga keenay in dadkii Muslimiinta
ahaa ee dagganaa galbeedka Hobat ciidamo dooxata ah, oo Xabashi ahi ay
gummaadeen iyagoon u miidan deyin maato iyo muruqle xoolihiina dhaceen haweenkii
iyo caruurtiina qafaasheen ciidankaasna waxaa watay oo madax u ahaa Batriiq lagu
magacaabo Faniil oo reer Draaruu ah.
Iyadoo, ay tahay xubin ninkii madax ahba looga baahanyahay in uu yeesho ayuu
Axmed Gureey ku ammaanaa oo burji ku lahaa, hoggaanka ciidamada iyo maamulkaba,
oo uu had iyo jeer markuu ciidankiisa jihaadka galinayo uu ku guubaabin jiray
muhimmada jihaadka iyo faadiisha uu leeyahay, wuxuuna aad ugu baraarujin jiray
himilooyinka dagaalka,iyo waxa ay u dagaalamayaan oo ah in la diffaaco Diinta
Islaamka, Dalka,Dadka iyo sharafta shacabka Muslimiinta ah lagana hortago gibir
iyo gabadha la iskugu darayo Boqorka Xabashida,taas oo ka soo horjeedo diinta
Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Muslimiinta.wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad
aad u xammaasad badan uu ku guubaabinayo colkiisa in ay la yimaadaan iimaan dhab
ah kuna sabraan dhibaatada, maxaa yeelay marnaba ma khasaarayaan haddii la dilo
waa shuhadaa oo waxaa ka dambeeyo jannatul firdowsa iyo xuurulcayn,haddii ay
guulaystaana waxay ku noolaanayaan, sharaf iyo cizi.
Rag meel uu joogaba alaaba libin isuma oggola, hase ahaatee khubaddaas uu
jeediyay Imaam Axmed, wuxuu ku kasbaday taageero iyo magac oo rag kii ku lid
ahaana uu ku tixgaliyo kii raacsanaana uu kalsooni uu ugu hogaansamo
madaxnimadiisa.Inkastoo ay ahayd khudbaddaasi bilowgii halgankiis, misana waxaa
u harsanaa is muujintii goobta dagaalka siduu gabyaa soomaaliyeed yiri:
“Saajac wiil ah wuxuu beelo yaal, wada sulfeeyaaba
Wuxuu sumcada dheer iyo dabkiyo sababta qaataaba
Sirqey doqon ah suukaha xun baa, sanco raacaaye
Jeereey sun iyo qiiq galaan kalama soocmaane”
Sidii balanku ahaa,oroortii qoraxdu soo baxday buu colkii oo ku hubaysan
himilooyin jihad,oo kalsooni ka muuqato horgalay isagoo ku joogo faraskiisi
lamagac baxay Haraan, haddaba goor ay barqo dheer tahay ayaa waxa layskaga
horyimid halka loo yaqaan Caqam, oo uu ku sheegay Shihaabuddiin (Carab Faqiih)
Wabi wayn oo biya badan,haddii labadii ciidan is hardiyeen,oo qoob, qeylo iyo
dananka fardood ma ahee wax kale la maqli wayay,siigaduna cirka isku
shareertay,ciiro iyo qiiqna u gameen,seefihii la soo afeeyay, oo wirwiraayay,ay
isu badaleen xinjiro, gorod goyntii iyo gol dooxii dhiig la guduuteen oo farasba
faraskii uu ka cirib wacnaa goobabka galiyay ayaa dagaalkii waxaa ku guulaystay
ciidamadii Imaamka ,iyadoona lagu dilay Faniil oo horwada ka ahaa colka
Xabashida,dadbadana looga laayay xoolihii ay dhaceena iyo dumarki iyo caruurtii
ay qafaasheena, dib loogasoo celiyay,hanti badanna laga qaniimaystay,ayaa
Imaamkii iyo colkiisii oo soo guulaystay waxay dib ugu soo noqdeen magaalada
Zeefa oo u dhow Harar.
Intuu Imaam Axmed uu dagaalka kula jiray Xabashida ayaa, Suldaan Abuubakar oo
xukumayay Harar wuxuu is tusiyay inuu Imaamku halis ku yahay saldanadiisa,
maadama uu Imaamku ka mid ahaa ciidankii Garaad Abboon ee la jabiyay, khilaaf
ba, ana kala dhaxeeyaya isaga.
Markaasuu ku bilaabay dibindaabyeyn iyo shirqool si ay isaga
horyimaada,dabadeedna uu tallaabo uga qaado intaanu ku taagsan,hase yeeshee
Imaamku durbadiiba wuuu dareemay wuxuuna billlaabay tillaabooyin ka soo
horjeeda,ilaa ugu dambayntii ay gaartay gacan ka hadal iyo in xoog la isakaga
horyyimaado si kii roon reerka ugu haro.
Waxaa dhacday in Suldaan Abuubakar uu iskaga tagay Harar, isagoo ka bilaabay col
uruursi deegan Kadaad, Arab faqiih wuxuu ku sheegay deegaankaas in uu ku yaal
dhulka Soomaalida, waxayna isaga iyo Imaamku dagaal isaga horyimaadeen halka
lagu magacaabo Qaran oo ah Wabi biya badan, dagaal dheer ka dib waxaa lagu
jabiyey ciidaankii Suldaanka guushuna waxay raacday Imaam Axmed,oo run ahaantii
lagu soo gardarooday.meelaha ay isaga horyimaadeen waxaa ka mid ah Hobat, Sheex
iyo Jaadir.Maadaama ay dadka Muslimiinta ama Soomaalidu ay xeer u leeyihiin,
marki lays qabto,in lays dhaxdhaxaadiyo ayaa waxaa lagu dhaxdhaxaadiyay in
Suldaan Abuubakar ahaado Suldaanka Harar,Imaam Axmed Gureeyna ahaado Amiirka
Siim iyo nawaaxigeeda uuna u madax bannaanaado taliskiisa iyo madaxnimadiisaba,
hase ahaatee Suldaan Abuubakar kuma qancin,oo halkii ayaa loolankii ka sii
socday,ilaa ugu dambayntii side laysu hagardaamaynayaba oo siyaasad layskugu
xeeladaynay dagaal gorada lays daro sidaana looga takhaluso Suldaan Abuubakar
laguna dilay,dabadeedna wuxuu Imaamku Suldaanimadii ku wareejiyay Suldaankii la
dilay walaakii Cumar Diini,isaguna ku kaaftoomay magaca Imaam jihaadkiina uu
halkaas ka sii waday.
Hadaba la soco qeybaha soo socda.
Akhri Qaybta
1aad
Tixraac:
1. Tuxfatu-alzamaan (futuuxul Xabasha), Shihaabuddiin Axmed Cabdulqaadir (Carab
faqiih) bage.5, 6, 7, 8,9,10,11,12,13.
2. Al-Ilmaam biman fii ardil Xabasha min Muluukil al- Islaam.AL-maqriizi, bage:
26,27,28,49.
3. Alsiraac Alsiyaasi Wal-thaqafi wa qadiyatul hawiiyati cindal Axbaash, kaatib.
Dr Muuse maxamed, bage.44-57.
4. Garba Duubkii Gumaysiga.Faarax maxamed Jamac Cawl.
5. Alislaam walthaqaafah al arabiyah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud bage,
63, 73, 75,201.
6. Al-Islam wal-Xabasha cibrattaariikh: Fatxu Qeyth, bage.63, 64, 72-76.
FG: Wixii talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.
Qore: Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.
Islamabad-Pakistan
Email: Zakarie_21@hotmail.com ,
Zakariyei@gmail.com .
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2008
|