SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Sh. Axmed Cabdullaahi "seddax qodob ayaa la isla soo qaadey..." iyo xubno cusub oo kusoobiirey Jabuuti

Sawirada Kulanka Halkan ka daawo....

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sh. Axmed Cabdullaahi oo shir jaraa'id ku qabtey Guriga Ummadda ee dalka Jabuuti ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegey " shirka maanta waxaa looga hadlaayey laba qodob, kuwaasoo kala ah natiijadii ka soo baxdey shirkii Sanca iyo dib u eegida Xeerka Golaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, natiijada ka soo baxdey ayaa Gudoomiyaha Is-bahaysiga Sheekh Shariif sharaxaad dheeraad ka bixiyey intii aan la gelin dooda dib u eegida Xeerka IDS, gunaanadkii warbixinta gudoomiyaha markii la dhegeystey, waxaa goluhu isku raacey in gudoomiyaha loo daayo dhaqangelinta heshiiskaas Golaha iyo Xafiisyada kale ee Is-bahaysiga".

Sh. Axmed C/llaahi waxaa kale oo shirkiisa jaraa'id ku faah faahiyey qodobka kale ee doodii maanta waxaa uuna yiri "waxaa jirey gudi hore loogu xilsaarey dib u eegida Xeerka Golaha IDS, gudigu waxaa uuna soo jeediyey talooyin aruursan sidii wax looga bedeli lahaa, waxaana la go'aamiyey in dib ay ula noqdaan, islamarkaana ay kusoo daraan waxyaabaha laga ma maarmaanka u ah Xeerkan in lagu soo daro, kadibna dib ay ugu soo celiyaan Golaha".

Xog-hayuhu waxaa uu u mahadceliyey dowalada Yaman oo martigelisey shirkii Sanca iyo xubnihii ka soo qaybgaley shirkaas meelkasta oo ay ka yimaadeen, waxaa kale ee uu ugu baaqey Xog-hayuhu inta ay khuseyso shirkii Sanca in ay ku dadaalaan walaall-tinimada iyo wadajirka ay tahayna mid aad u weyn, islamarkaana ta faraaruqa uu yahay mid fursad siinaya cadowga Ummadda Soomaaliyeed, waxaana xaqiiqo ah sida hawsha loo qabtey in si ka fiican loo qaban karo, balse waxaa loo baahan yahay Samir, dulqaad iyo wada tashi"

Sh. Axmed mar aan weydiiyey Xubnaha shiraka Sanca qodobada inta badan ay isla soo qaadeen iyo waxa ugu muhiimsanaa ayaa wuxuu yiri "seddax qodob ayaa la isla soo qaadey, sida wixii ka horeeyey shirkii Jabuuti, wixii ka soo baxay shirkii Jabuuti iyo Istiraatiijiyada mustaqbalka IDS waxa danta u ah, dhamaan qodobadaas oo dhan si cad baa looga doodey, waxaana lagu soo gaarey go'aano mideysan, taxdiga hada nahaysta ee ugu weyn waa wixii halkaas lagu gaarey sidii loo dhaqan gelin lahaa, wixii wax-yeelayana looga fogaan lahaa, midaas ayeyna wax walba soo hoos gelayaan" ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Xog-hayuhu.

Dhinaca kale

Kulankii maalmahaan uga socdey Guriga Ummadda ee Caasimada dalka Jabuuti xubnaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo maalintii seddaxaad galey, ayaa waxaa uu ku tilaabsadey tilaabo dhinaca isusoo dhawaansho arimaha dibu-heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo ay kusoo kordheen fadhigooda xubnihii hore u joogey dalka Jabuuti xubno kale oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 9-xubnood oo ka kala yimid Asmara, Dubai iyo wadamo kale oo caalamka ah.

Xubnahaan yimid waxaa ka mid ah Fowsiyo Maxamed Sheekh, Shariif Maxamed, Sh. Ibraahim Gaab iyo xubno kale kuwaasoo dhamaantood si rasmi ah uga qayb galey shirka, xubnahaan yimid ayaa xubnihii kale ee ka horeeyey si weyn usoo dhaweeyey, intii uusan shirkooda bilaaban waxay si kal iyo laab isugu marxabeynayeen hoolka dhexdiisa, inkastoo siyaasiinta Soomaalida looga bartey mudadii 18-ka sano ee Dowlad la,aanta dalka ka jirtey arimo laba wajiilenimo oo aan hal ruuxna lagu tilmaamikarin in uu san keligii sameyn arimahaan, waxayna ku dhaqmaan mararka qaar waxyaabo laga naxo.

Marka aad eegto muuqaalka Is-bahaysiga hada ku sugan Jabuuti sida ay isula jaan qaadayaan, waxaa ku badan Rag cusub oo aan hore u ahaan jirin Hogaamiye Kooxeed, waxaadna moodaa in dhibaatada dalka ka jirta ay xakameyn karaan hadii ay helaan fursad, marka laga reebo Hogaamiye Kooxeedyada ku jira dhismahaan cusub ee laba jirsadey, sababtoo ah isku dhaca labada garab DFKMG iyo IDS, waxaa saldhig u ahaa gaashaan ay sameysteen Hogaamiye Kooxeedyadii kala duwanaa Koofurta Soomaaliya ee laga eryey xarumahooda oo dabada la galey halkii saldhiga u ahayd DFKMG iyo Imaanshiyaha Ciidamada Ethobia oo aan isku aragti ka ahayn waqtigan iyo xiligii hore shacabka Soomaaliyeed iyo Mas,uuliyiinta DFKMG, taasoo ku dhalisey Maxkamadihii Islaamka aragti cusub oo wiiqdey awoodoodii, iyadoo aan laga fiirsan.

Malka Mas,uuliyiinta ugu sareysa DFKMG ee Waqtigeedii sii dhacayo sida Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo Golaha Baarlamaankiisa la hadlaya markii xarumahoodii laga ceriyey Hogaamiye Kooxeedyadii ugu awooda badnaa Koofurta Soomaaliya ayaa wuxuu yiri "Ragoow ogaada kibirka waa lagu jabaa, nimankii aanu wax kasta ku dayney maanta, waad aragtaan halkii ay mareen, hawshii aan anagu u taagweyney ayey qabteen maxkamaduhu, waxaana loo baahan yahay inaan nimankaas wax la qabsano",

Balse maxaa ka dambeeyey hadalka Col/ Cabdullaahi Yuusuf "in uu yiraahdo waxaan la dagaalameynaa Argagixiso, nasoo weerartey",mase ahaa hadalkan midkii u horseedey Madaxweynaha Dowlada waqtigeeda ku dhameysatey daadinta dhiiga shacabka bur burka iyo wax qabad la'aanta ay ku baneyneyso xilkeedii, iyadoo maalin aysan nasan, halka Maxkamadihii Islaamkuna ay yiraahdeen "waxaan la dagaalmeynaa cadowga kusoo duuley dalkeena iyo diinteena ee gumaadaya shacabkeena"

Dhamaan arimahaas iyo kuwo kale oo fara badan waxay dhaliyeen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo keeney in rajo kasta oo ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ay bur burto, hadaba su'aasha taagan ayaa waxay tahay ma dowbaa in hawshu sidaas ay ku socoto, maxayse ku kala duwan yihiin kuwa keeney dalka Soomaaliya ciidamada Ethobia iyo kuwa kusoo duuley dowlada Jabuuti oo la og-yahay in ay tahay qayb ka mid ah Shantii Soomaaliya inta ay fariistaan ay masiirkooda ku lumiyaan halkaas Asmara, iyagoo ilaalinaya danaha dalkaas, DFKMG-kuse ma tahay mid ka soo baxaysa heshiiskii ay la gashey Is-bahaysiga, mise tilaabo kale oo kala qaybsanaan ah ayaa u harey,?!!!

jabutiKalfadhigii labaad ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo si rasmi ah uga furmey Guriga Ummada ee dalka jabuuti.. Akhris/sawirro July 20

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 21, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS