Kalfadhigii labaad ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo si rasmi ah
uga furmey Guriga Ummada ee dalka jabuuti
(July 19, 2008) -
Kalfadhigii labaad ee Golaha Dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo ay
ka soo qaybgaleen mas’uuliyiintiisa ugu sareysa Isbahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya, Xubnaha Golaha Dhexe Is-bahaysiga,mid ka mid ah la taliyeyaasha
Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Taani iyo xubin Ka socotey Wasaarada Arimaha
Diinta ee Dowlada Jabuuti, Safiirada dalalka Caalamka sida Wakiilka Dowladaha
Yurubta Galbeed ahna Safiirka u fadhiya Faransiiska H.E. Amp; Dmanique Dechef,
Wakiilka Jaamacada Carabta ahna Safiirka Falanstiin u fadhiya dalka Jabuuti
H.E.Amp; Cabadalla Kamaal kasas ee ku sugan caasimada Dalka Jabuuti iyo safiiro
kale, Martisharaf kala duwan oo isugu jira Odey dhaqameedyada Soomaaliya iyo
Xubno ka socdey Jaaliyadaha Dibadda ayaa lagu qabtey guriga Ummadda ee dalka
Jabuuti.
Kulankan oo ay soo xaadireen 106 xubnood oo ka tirsan Is-bahaysiga, islamarkaana
ayna ka maqnaayeen Garabkii Asmara joogay ayaa waxaa shirka uu furey Gudoomiyaha
Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Md. Shariif Xasan Sh. Aadan, inkastoo
tirada xubnaha Is-bahaysiga guud ahaan lagu sheegey 191, oo 11-ka mid ahna la
sheegey in ay ku maqnaayeen hawlo shaqo ayaa gunaanadkii furitaanka shirka
Gudoomiyaha Isbahaysiga Dibu-xoreynta Soomaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed khudbad
dheer oo dhinacyo kala duwan taabaneysey ka jeediyey Kalfadhigii labaad ee
Golaha dhexe Isbahaysiga Dibu-xoreynta, taasoo uu kaga hadlaayey qaab dhismeedka
Isbahaysiga iyo waxyaabihii u qabsoomey, qaabka ay ku bilowdeen Muqaawamada
Gudaha, Arimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga, Fariin ku socota Beesha
caalamka, waxyaabihii gundhiga u ahaa khilaafka Is-bahaysiga iyo Baaq uu u
jeediyey Bulshoweynta Soomaaliyeed, ugu horeyn waxaa isagoo u mahadcelinaya
Dowlada Jabuuti Mas’uuliyiinteed iyo shacabkeeda khudbadiisa ku bilaabay"
Waxaan minbarkaan sharafta badan uga mahad naqayaa Walaallaheen reer Jabuuti,
shacab iyo xukuumadba gacanta walaaltinimo ee aan hagarta laheyn ee ay la garab
istaagnaayeen dadka Soomaaliyeed laga soo bilaabo kolkii dhibaatadu bilaabatey
sanadkii 1991 tan iyo maanta oo ay ka soo wareegtey 18 sanadood, waxeyna
shacabka Soomaaliyeed iyo isbaheysiga dib –u xoreynta Soomaaliyeed ku qorayaan
abaalkaas walaaltinimo bog dahabi oo taariikhdooda ka mid ah.
Dawladda Jabuuti iyo hogaankeeda rashiidka ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,
waxaan uga mahadcelineynaa sida ay wax kasta ugu bixinayaan in la xaliyo
dhibaatada walaalahood Soomaaliyeed ku habsatey, waxaan ka sii codsaneynaa
walaalaheen inay u dulqaataan dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dadka danahooda
ay ka shaqeynayaan, anagoo og in Jabuuti danteedu tahey oo kaliya in ay arkaan
walaalahood Soomaaliyeed oo cagahooda isku taagey, iyo in ay geyiga Soomaaliya
ka hanoqaaddo nabadgalyo waarta oo soo afjarta dhibaatooyinka la degey dhulkaas.
Gudoomiye Sheekh Shariif isagoo Xubnaha uu hogaamiyo iyo shacabka uu matalayo la
hadlaaya ayaa wuxuu yiri "walaallayaal
mushkiladda Soomaaliya sida dadka qaar ay ula muuqato waa ka guda balaaran
tahey, waana ka xidido iyo jirid weyn tahey, waa mushkilad dawladaha ku leg leh
ay ka badan yihiin kuwa hadda is muujnaya oo safka hore taagan, dadka
Soomaaliyeedna dhibaatadaasi waa daashatey sabirkoodiina waa idlaadey, waxey
maanta umadda Soomaaliyeed ku sugan tahey xaalad aad u adag oo naxdin badan,
mana helin shacabku hogaan umadda u jiirnaxaya ama ka damqanaya dhibka
shacabkiisa" ayuu yiri saigoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey "
Isbahaysiga Dibu-xoreynta hadafkiisu wuxuu ahaa in muwaadinka Soomaaliga ah uu
helo xaqqiisa asaasiga ee ah sida nabad, xoriyad iyo cadaalad inuu ku noolaado,
marnaba ma aheyn dagaal mutaxan oo ka baxsan mid loogu adeegayo danaha
umaddeena, taasoo ah faham qaldan oo dadka qaar ay si kale isu fahamsiiyeen,
raalli kama noqoneyno in hadafkaas la weeciyo iyo dad dano kale wataa ay isku
dayaan iney naga weeciyaan, ma ogolin, waayo dagaalku wuxuu ahaa dariiq lagu
gaaro hadaf, waxaana la soo marey Tijaabo muhiim ah, inkastoo xaalku halkii hore
uusan joogin, sidoo kale in dawlado kale dagaaladood loo soo raro Soomaaliya,
waxaa shacabkeena ku filan dhibka gaarey ama hadda heysta, waxaana ugu baaqeynaa
dawladaha sida dadban ugu dagaalamaya Soomaaliya iney nagala baxaan dagaalkooda
iyo sidoo kale kooxaha danaha kale ka fulinaya dalka Soomaaliya dhexdiisa ee aan
u daneyneyn maslaxadda umaddeena iney ka waantoobaan, ogaadaana waxa dalka
Soomaaliya ka hirgalaya oo kaliya waa waxa Soomaali go’aansato"
Sheekh Shariif waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sheegey "Isbaheysiga
Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed waxaa ka go’an inta karaankiisa ah inuu xoogga saaro
sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskii halkaan lagu gaarey iyo inaan qaadano
go’aan kasta oo maslaxadda umaddeena iyo diinkeedu ku jiro, ma jireyso cid marti
looga ahaanayo arinkaas. Sidaas awgeed xubnaha isbaheysiga, muqaawada iyo
hogaankeeda iyo shacabka Soomaaliyeedba waa iney u guntadaan qolo walba qeybta
uga soo aadeysa heshiiska aan gaarney iney ka fuliyaan, dhamaana loo wada
guntado sidii loo dhaqan gelin lahaa, meelna la iska dhigo hadalada ku tiri ku
teenta ah ee sida raqiiska meelaha loo wado, wacyiga Soomaaliyeed wuxuu gaarey
biseyl uu ku qiimeeyo arimaha ku saabsan masiirka umadda. Waxaana rabaa inaan
idiin xasuusiyo xikmad soomaaliyeed oo oroneysa: dhibicda malabka ah waxaa lagu
dili karaa duqsi ka badan inta dacartu dili karto!!, haddii dadka qaar ay
aamineen in xabad kaliya dal lagu xoreyn karo waxaan leenahey waxaa jira
asaaliib kale oo ka qarash yar kana khasaare yar oo aan dalkeenu ku xoreysan
karno, waxaana isku wadeynaa labada khayaar ee kala ah muqaawamada iyo
musaalaxada, waana is kabayaan, labadana midna ma ahan hadaf ee waa wasiilo ama
waddo loo marayo inaan gaarno hadafkeena ah in la xoreeyo dalkeenu , nabadna ay
ka dhalato geyigeena"
Gudoomiyaha Is-bahaysiga(IDS) Sheekh Shariif waxaa kale oo uu ku xusey
khudbadiisa "walaallayaal
haddii aad ii ogolataan, inaan wadciga iyo xaalka Soomaaliya ku sugan tahey
maanta iyo dhibaatooyinka heysta shacabkeena aan wax yar idinka xasuusiyo,
carabkeygu ma sifeyn karo dhibka ka jira dalkeena, qalbigeyguna tiiraanyo iyo
murugo ayaa hareyneyso haddii uu xasuusto, caalamkii aamusnaanta ayuu ku
taakuleynayaa gumeysiga tacaddiyaddiisa, gumeysigii dhul aan lagula xisaabtameyn
oo wuxuu rabo uu ka sameynayo ayuu si fudud ku heley, TFG-da wuxuu dareenkoodu
ku wajahan yahey sidii ay u dabooli lahaayeen xadgudubyada gumeystuhu geysanayo,
dadka Soomaaliyeed ee kalena taladu waa ka baahsan tahey oo qaarkood waxey u
sacaba tumayaan kuwa magaca muqaaamada wata oo dano kale oo guracan shacabka
dhexdiisa ka dhex fulinaya magaca diintana ku geysta xadgudubyada qaar la mid ah
ama ka xun kuwa cadowgu geysanayo cid ka hadleysana ma jirto culimo iyo caamo,
iyadoo dhanka kalena ay jiraan dad badan oo fiican oo og xaalka lagu sugan
yahey, dadaalo badana wada waana bogaadineynaa qeybahaas bulshada ee sida
geesinimada leh uga shaqeynaya danaha shacabkooda iyo dalkooda , qaarkood gacan
ka gardaran ay dishey ayagoo hawlo fiican u haya bulshada ilaahey waxaan uga
baryeynaa inuu u naxariisto, Siyaasad ahaan Soomaaliya waxey mareysaa xaalkaas
aadka u adag, taas ayaa nagu qasabtey albaabka wadahadalka in aan furno, waxaana
aaminsanahey fursad qaali ah iney tahey oo haddii laga wada qeybqaato looga bixi
karo dhibka maanta jira, waa rajada kaliya ee umaddeenu hadda heysato, waxaan ku
guuleysaney inaan indhaha caalamka mar kale u soo jeedino dhanka Soomaaliya,
waxaana dhab ah oo aan la inkiri Karin in qaddiyadda Soomaaliya aysan maanta
Soomaali kaligeed qaabka ay hadda u taal aysan xalisan Karin, taasna ay keentey
in loo cid badsado, inta caalamku uu na daneynayana aan ka faa’ideysano, Waxaa
kale ee guul ah in TFG-dii diidaneyd wadahadal inay nala gasho ee ku heysey lama
hadleyno argagagixiso iney maanta garowsadeen lagama maarmaanimada in la
wadahadlo".
Mar uu soo hadal qaadey Sheekh Shariif khilaafkii lagu dhameynayey Is-baysiga
dhexdiisa ee shirkooda uu ka soo laabtey ayaaa wuxuu yiri "qodobada sida aad ah
laysugu qabtey ee shirkii jabuuti ka soo baxay waxay ahaayeen laba qodob iyo
heshiiska qoraalkiisa oo aan cadeyn ayey dadka waxa baadan iska weydiiyeen,
qodobadaasoo kala ah, Bixitaanka Ethobia iyo Ciidamada, lagu bedelayo, waxaana
laga gaarey go’aan ah in gudi ka kooban 13-xubnood loo saaro oo ka soo baaraan
dega"
Sheikh shariif mar uu ka hadlaayey arimaha dhaqaalaha wuxuu yiri "
walaalayaal waxaad ogtihiin xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahey, sicir
bararka boqolaal jibaarmey, iyo tabar darida dhaqaale ee heysta dadkeena aan
laheyn ilo dhaqaale oo dakhli ka soo galo, waxaad la socotiin burburka iyo
bililiqada loo geysanayo ilihii dhaqaalaha sida suuqa bakaaraha, waxaa maalin
kasta dhacaya karaamo dareynta insaanka ee inta kuwa madax sheeganayaa ay iska
qabsadaan sida badeecadii dib looga soo gadayo dhaqaale aysan awoodin dadka la
qabsadeyna la dulsaarayo taasoo culeys kale abuurtey. Waxaa intaas dheer
waddooyinkii ay isticmaalayeen maraakiibta gargaarka sida ama kuwa kale ee u
raran ganacsatada in isbaarooyin badda ah ay u dhiganayaan burcad badeed
abaabulan, tanoo ayaduna ah qeyb ka mid cunaqabetynta shacabka. Ayadoo intaas oo
dhibaato ahi jirto loogana jeedo in dadka inta xabadi dili weydey loo laayo
gaajo iyo cudur ayaa waxaa bilihii u danbeeyey si xawli ah u soo kordhayey
qorshe cusub oo aad uga fajiciyey caalamka iyo soomaalidaba, nagu abuurey naxdin
iyo welwel weyn kaasoo ah dilka, qafaalashada iyo beegsashada shaqaalaha
hey’adaha garagaarka ee isugu jira kuwa ajnabiga ah iyo kuwa maxalliga,
arinkaasna ay u afduuban yihiin xilligan aan joogoo dad badan oo shaqaalaha
hey’adaha gargaarka ah ka mid ah oo ku jira gacanta afduubayaasha aan damiirka
laheyn . Waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga, kan isbaheysiga, iyo ka shacabka
Soomaaliyeed ka tacsiyeynayaa dhibaatadaas ay geysanayaan garaad laawayaashu,
waxaana ugu baaqayaa kooxaha heysta dhibanayaashaas iney degdeg ku sii daayaan,
anigoo halkaan ka faraya saraakiisha ciidamada muqaawada sharafta leh iney u
hawlgalaan sidii loo soo deyn lahaa dhibanayaashaas, lana joojiyo dilalka
gaadmada iyo afduubka iyo dhaca gaadiidka ee sharciga iyo caqligaba aan meelna
ka heysan.waxaana ugu baaqeynaa in ay jiijiyaan cid kasta oo ku lug leh, lana
soo daayo dadkaas aan waxba galabsan ee gacanta ka gardaran ku jira, sidoo
kalena waxaan ugu baaqaynaa in shacabku uu gacan ka geysto ilaalinta shaqaalaha
gargaarka, anigoo bulshada caalamka ugu baaqayna in arinkan sababtiisa ay
leedahey ammaan darada uu dalku ku jiro ee ay ka danbeeyso joogitaanka ciidamada
itoobiya, in si degdeg ah looga saaro dalka ,lana keeno ciidamadii bedeli lahaa
sida ugu dhaqsaha badan.
Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa ciidanka muqaawamadu ineysan ka leexan hadafkii
loo aasassey ee ahaa u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, kana hortagaan dhammaan
falalka lagu aragagax gelinayo shacabka meel kasta oo ay ka yimadaan, lana
ilaaliyo shaqaalaha hey’adaha gargaarka ah midab kasta iyo diin kasta oo ay
leeyihiin, ayna u diyaargaroobaan marxaladda siyaasiga cusub ee uu dalku galayo
mustaqbalka dhow, aysana u dhago nuglaan qaylo-dhaanada aan maslaxadda umaddu ku
jirin ee lagu carqaladeyno in dalkaan iyo dadkiisuba ay nabad iyo horumar ku
noolaadaan, si qoto dheer loo eego danaha ka danbeeya cid kasta oo ka hortimaada
in nabad lagu dhameeyo arinka Soomaaliya, waana in loo hogaansamaa maalinka aan
ku dhawaaqno xabad joojinta, ayadoo aan laga baxeyn dhufeysyada ama aan la
dhigeyn hubka.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay is abaabulaan meelna iska
dhigaan quusta iyo niyad jabka, ayna ka shaqeeyaan sidii ammaankooda iyo
ammaanka dadka wax u qabanaya ay u ilaalsan lahaayeen oo aysan cid kale ku
halleyn, anigoo ugu baaqayaa iney taageero muuqata hawlaha nabadda iyo kuwa
muqaawamadaba siiyaan, shacabkuna waa inuu dantiisa iyo duruufta ay ku nool
yihiin ka hormarsiiyaan danaha kale ee ku saleysan nin jecleysiga iyo
qabyaaladda.
Sheikha isagoo beesha caalamka ugu la hadlaya waxaa uu khudbadiisa ku sheegey "
Waxaan Beesha caalamka ugu baaqeynaa in aan dooraney nabada, anaga oo ugu
daneyneyna shacabkeena. Waxaan ka dalbeynaa beesha caalamka in ay si dhab ah ugu
soo jeesataan xal u helida dhibaatada ka jirta Soomaalia. Waa in si dhab ah loo
hergeliyaa heshiiska lagu gaarey Djibouti. Waa in la qaado tilaabooyin wax ku
ool ah si ay u soo noqoto kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed oo horey u dhumiyey
kalsoonida uu ku qabo beesha caalamka.
Shacabka Soomaaliyed ma aha argagixiso waxuuna doonaayaa in uu ku nolaado
nolosha ay ku nool yihiin ummaddaha aduunka ee la midka ah.
Waxaan dooneynaa in uu shacabka Soomaaliyeed helo dowlad wax tar leh oo hufan oo
u daneyneysa una adeegaysa danaha shacabk. Dowlad hirgelisa dowlad wanaag iyo ku
dhaqanka shareecada islaamka. Dowlad uu shacabk la xisaabtami karo. Dowlad nabad
kula noolaata deriska iyo shacabkeeda.
Waxaan dooneynaa in la helo dowlad ka shaqeysa horumarka ummadda, horumarinta
caafimaadka, tacliinta, kobcinta dhaqaala iyo horumarinta bulshada xag
siyaasadeed iyo xag fikri.
Ugu danbeyn bulshada Caalamka waxaan marka kale ugu baaqayaa in ay gargaar
bani’aadamnimo la gaaraan dadkaa maatida ah ee waddo kasta laga xirey, aysana u
nuglaan dhacdooyinka looga gol leeyahey in dadka lagu baabi’iyo, Soomaaliya
loogu ekeysiiyo meel bahalo galeen ah, waxaan dhankeena ballanqaadeynaa dhamaan
deegaanada muqaawamadu ka taliso inaan sugeyno ammaanka shaqaalaha hey’adaha
gargaarka ah, lana soo dedejiyaa keenista ciidamada qaramada midoobey oo
ilaaliya ammaanka hey’adaha gargaarka, waana in loo gogol xaaraa sidii xukuumad
loo wada dhan yahey dalku u heli lahaa, oo la wareegta mas’uuliyadda dalka
Soomaaliya oo dhan.Dhinaca kale waxaa furitaanka shirka kaa Hadley qaar ka mid
ah Wakiilada Ururada Jaamacada carabta iyo midowga Yurub labada mas’uul waxay
xuseen si weyn u xuseen baahida loo qabo NABAD ka dhalata geyiga Soomaali iyo
qaybta ay ka qaadanayaan ururadda ay matalaan iyo dalallka ay ka soo jeedaanba,
Wakiilka Jaamacada Carabta u hadey Amp; Cabdalla waxaa uu gudoonsiiyey Sheekh
Shariif warqad Qoraal oo uu kaga hadlaayo dhamaan ciidamadii yimid Soomaaliya ee
ka socdey dalallka Islaamka intii burburka, islamarkaana aan dhibaato geysan,
balse iyaga dhibaato loo geystey, taasoo muujisey dareen qoomamo islamarkaana
xubin ka tirsan Is-bahaysiga ka bixisey Raaligelin, gelinkii dambe ee maanta
ayaa shirka xubnaha dib ay isugu soo noqdeen waxaana looga doodey qodobadii ay
ku heshiiyeen Is-bahaysiga iyo TFG-da, waxayna xubnahan cod aqlabiyad ah ku
ogolaadeen dhamaan qodobadii shirka dibu heshiisiinta Jabauuti lagu gaarey
9/06/2008, sida aan ka heley ilo wareedyo hoose.
KHUDBADA GUDDOOMIYAHA ISBAHEYSIGA oo dhamaystiran
halkan ka akhri...
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com