ISBAHEYSIGA DIBUXOREYNTA SOOMAALIYEED
KALFDHIGA GOLAHA DHEXE 2-aad
KHUDBADA GUDDOOMIYAHA ISBAHEYSIGA
بســـــم اللــــــــه الــــرحمــــــن الـــــرحــــيم
Mahad ballaaran Allaah ayey u sugnaatey, nabadgalyo iyo naxariis nabigeenii
Muxammad (NNKH) dushiisa ha ahaato iyo intii raacdey ee rumeysey.
Intaas ka dib, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, xubnaha G/Dhexe ee isbaheysiga
dibuxoreynta Soomaaliyeed, iyo marti sharafta kale ee ka soo qeybgaley
munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2aad ee G/dhexe ee Isbaehysiga walaalayaal:
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
Waxaan minbarkaan sharafta badan uga mahad naqayaa reer Jabuuti, shacab iyo
xukuumadba gacanta walaaltinimo ee aan hagarta laheyn ee ay la garab
istaagnaayeen dadka Soomaaliyeed laga soo bilaabo kolkii dhibaatadu bilaabatey
sanadkii 1991 tan iyo maanta oo ay ka soo wareegtey 18 sanadood, waxeyna
shacabka Soomaaliyeed iyo isbaheysiga dib –u xoreynta Soomaaliyeed ku qorayaan
abaalkaas walaaltinimo bog dahabi oo taariikhdooda ka mid ah.
Dawladda Jabuuti iyo hogaankeeda rashiidka ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,
waxaan uga mahadcelineynaa sida ay wax kasta ugu bixinayaan in la xaliyo
dhibaatada walaalahood Soomaaliyeed ku habsatey, waxaan ka sii codsaneynaa
walaalaheen inuu u dulqaato dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dadka aad danahooda
ka shaqeynaysaan, anagoo og in Jabuuti danteedu tahey oo kaliya in ay arkaan
walaalahood Soomaaliyeed oo cagahooda isku taagey, iyo in ay geyiga Soomaaliya
ka hanoqaaddo nabadgalyo waarta oo soo afjarta dhibaatooyinka la degey dhulkaas.
Walaalayaal,
IDS
sida aad la wada socotaan wuxuu ku aasaasmey duruuf adag ka dib markii dalkeenii
la qabsadey, waxaana lagu dhisey meel dalkeena dibadiida ka ah, iyadoo ujeedada
ugu weyn ee loo aasaasey ay aheyd sida magaciisa ku xusan dib-u-xoreynta
Soomaaliya qaab kasta oo suurtagal ah.
Dhismihii Isbaheysiga kadib, dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waa ay soo
dhoweeyeen, waxeyna nagu garab istaageen hawlahii kala duwanaa ee isabaheysigu
qabtey, ilaa iyo hadana waa nagu garab taagan yihiin, kalsoonidaas shacabku na
siiyey ayaan ka heleynaa ruuxda iyo tamarta aan ku shaqeyneyno, mar kastana
inaan dhowrno ayaa nagu waajib ah oo aanan u dulqaadan wax walba oo dhibaato u
keeni kara qaddiyadda aan u taaganahey iyo kalsoonida shacabkeena.
WAXQABADKII ISBAHEYSIGA :
Mudadii sanadka ka yareyd ee Isbaheysigu jirey waxaa noo qabsoomey Alle fadligii
hawlo balaaran oo badan, kuwaasoo ay ugu weyn yihiin dhismaha hey’adaha kala
duwan ee isbaheysiga iyo hawlgelintooda, tayeynta iyo balaarinta muqaawamada
gudaha iyo siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.
Dhismaha hey’adaha Isbaheysiga iyo hawlgelintiisa:
Isbaheysiga oo ay ku midoobeen qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka dhiidhiyey
diidmada qabsashada dalkeena, ujeedadiisa ugu weyn aasaasidiisana ay aheyd
mideynta kalimadda dadka Soomaaliyeed ee gumeysiga ka soo horjeestey iyo ka
shaqeynta sidii looga saari lahaa cadowgaas dalka. Si loo gaaro ujeeddooyinkaas
wax ku oolka ah waxaan dhameytirney dhismaha hey’adaha kala duwan ee isbaheysiga
sida magacaabista guddi hoosaadyo, wakiilada isbaheysiga dalka gudihiisa iyo
qaar ka mid ah dalalka dibadda, sameynta xafiiska dhexe ee xaruntii ku
meelgaarka aheyd ee isbaheysiga ee laga soo guurey, dib-u-habeynta xeerka
isbaheysiga, qabashada kulamada golaha fulinta iyo guddiga joogtada si joogto
ah, dirista wafdiyo kala duwan oo shacabka soomaaliyeed u sharxa isbaheysiga iyo
ujeeddooyinkiisa, isku xirka xubnaha isbaheysiga dhexdooda iyo isbaheysiga iyo
shacabka Soomaaliyeed taasoo ka danbeysey guulaha uu gaarey isbaheysigu.
Muqaawamada Gudaha
Muqaawada waxey bilaabatey markii dalka ay qabsadeen ciidamada Itoobiya, laakin
wuxuu xooggeedu ku sugnaa magaala madaxda Muqdisho, taasoo qof kastaa dareemayey
in aysan dheelitirneyn oo ciidamada cadowgu ay si xoriyad leh isaga marayaan ama
u dhex joogaan gobolada dalka ayna ka geysanayaan xadgudubyo kala duwan, taasoo
isbaheysigu uu qaatey go’aanka ah in la baahiyo goobaha muqaawamadu ka hawlgasho
si looga ilaaliyo shacabkeena dhibaatooyinka ciidanka gumeysiga, awoodda
cadowgana loo wiiqo, waxaana dirney saraakiil waaweyn iyo madax kale oo ka
tirsan isbaheysiga, kuwaasoo aan galiney gudaha dalka, ayagoo Alle mahadii ka
soo hooyey guulo waaweyn maydaanka muqaawamada welina sida aad la wada socotaan
illaa iyo maanta ku sugan safafka hore ee furimaha muqaawamada ayagoo dhul
Soomaaliyeed oo aad u baalaran sabab u ahaa inuu soo ceshado xoriyaddiisa
maantana uu ka dul heehaabayo neecowda xoriyaddu, shacabkii dhulkaas ku noolaana
loo soo celiyey ammaankii iyo kala danbeyntii, lagana dulqaadey dulmigii
gumeysiga, dalkoo dhana kalena ay ku dhow yihiin in la xoreeyo insha Allaah oo
aan ku rajoweynahey iney xoroobi doonaan kol aan fogeyn.
Waxaan hawada u marinayaa salaam diiran geesiyada dhiigooda qaaliga ah hurey
ilaaheyna ha ka aqbalo shahaadadooda , kuwa ku dhaawacmey iyo kuwa kale ee har
iyo habeen u soo jeeda halganka iyo dib u xoreynta dalka. Waxaan iyagana aan
halkaan ka salaamaynaa ehalada halgamayaasha sida gardarada ah ugu xiran
xabsiyada gumeysiga, waxaana ballanqaadeynaa in aan dadaal kasta ku bixineyno
sidii loo soo deyn lahaa, anagoo farxadda la qeybsaneyna ehalada iyo geesiyada
sida gardarada ah la isaga xirey ee xoriyadoodii dib u hantey, anagoo halkaan
uga mahad celineyna cid kasta oo gacan ka geysatey, kuna sii dhiirigelineyna in
cid kastoo wax ka qaban karta arinkaas ay kaalinteeda ka qaadato.
Arimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga
Walaalayaal, mushkiladda Soomaaliya sida dadka qaar ay ula muuqato waa ka guda
balaaran tahey, waana ka xidido iyo jirid weyn tahey, waa mushkilad dawladaha ku
leg leh ay ka badan yihiin kuwa hadda is muujnaya oo safka hore taagan, dadka
Soomaaliyeedna dhibaatadaasi waa daashatey sabirkoodiina waa idlaadey, waxey
maanta umadda Soomaaliyeed ku sugan tahey xaalad aad u adag oo naxdin badan,
mana helin shacabku hogaan umadda u jiirnaxaya ama ka damqanaya dhibka
shacabkiisa.
Sida aad la wada socotaan hawshaan maanta aan wadno waxey ka soo bilaabatey
sidii muwaadinka Soomaaliga ahi uu u heli lahaa ammaan iyo garsoor cadaalad ah,
anagoo taas ka duuleyna waxaan dagaal la galney tuugadii isbaaradu u taaley
jidadka u dhexeeya suuqayada iyo guryaha dadka oo halkaas uga qaadan jirey
nooliga yarka ee uu wato, ka dib arinkaasi wuxuu noo sii dhiibey inaan ka
hortagno isbaheysigii qabqablayaashii dagaalka ee mudada 16-ka sano aheyd hor
taagnaa maslaxadda umadda, dambiyada dagaalka iyo tacadiyada xuquuqda aadanahana
geysan jirey, Ilaahey fadligiisa waa laga takhulasey, kadib waxaa si toos ah
dagaal dalkeena u soo qaadey nidaamka toobiya oo ahaa kii qabqablayaashii
dagaalka iyo dhamaan danbiyadii ka dhici jirey mas’uuliyadda ugu weyn ku lahaa
waana ku qabsadey, wuxuuna isna ka geysanayaa dhibaatooyinkii hogaamiye
kooxeedka kuwo ka waaweyn oo tacaddiyo ah, waxaana shacabka qasab ku noqotey
inay iska difaacaan oo aan la siin khayaar kale, lana iska celiyo gumeysigaas
aan naxariista laheyn ee geysanaya xasuuqa, barakicinta dadka rayidka,
burburinta hantida shacabka, bililiqada iyo kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah
xuquuqda aadanaha.
Sida ku cad taariikhdaas anaga hadafkii aan ku aasaasmaney wuxuu ahaa in
muwaadinka Soomaaliga ah uu helo xaqqiisa asaasiga ee ah nabad, xoriyad iyo
cadaalad inuu ku noolaado, marnaba ma aheyn dagaal mutaxan oo ka baxsan mid
loogu adeegayo danaha umaddeena, taasoo ah faham qaldan oo dadka qaar ay si kale
isu fahamsiiyeen, raalli kama noqoneyno in hadafkaas la weeciyo iyo dad dano
kale wataa ay isku dayaan iney naga weeciyaan, ma ogolin sidoo kale in dawlado
kale dagaaladood loo soo raro Soomaaliya, waxaa shacabkeena ku filan dhibka
gaarey ama hadda heysta, waxaana ugu baaqeynaa dawladaha sida dadban ugu
dagaalamaya Soomaaliya iney nagala baxaan dagaalkooda iyo sidoo kale kooxaha
danaha kale ka fulinaya dalka Soomaaliya dhexdiisa ee aan u daneyneyn maslaxadda
umaddeena iney ka waantoobaan, ogaadaana waxa dalka Soomaaliya ka hirgalaya oo
kaliya waa waxa Soomaali go’aansato.
Sidaas awgeed walaalayaal, isbaheysigu asagoo og dhamaan dhibaatooyinkaas kala
duwan iyo faragelinataas iyo sii socoshada dhibkaan in ay tahey tan ay doonayaan
cadowgeenu midab kastaba ha watee, waxaan ku dhaqaaqney inaan furno xiriiro
caalami ah dhammaan dhinacyada dawliga ah ee qaddiyadda sida tooska ah iyo sida
dadbanba ugu lugta leh, oo ay ugu horeyso qaramada midoobey, waxaan ugu tagney
Nayroobi-Kenya waxaan ka wada hadalney sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya,
waxaan u gudbiney aragtideena, ayaguna waxey noo soo gudbiyeen aragtidooda,
qodobo dhowr ah ayaan isku afgaraney, waxaan dib ugu soo noqoney xaruntii ku
meelgaarka aheyd ee Isbaheysiga Asmara, waxaan u bandhigney dhammaan qodobadii
aan UN-ka ka soo wada hadalney, dood dheer ka dib qalinka ayaa lagu duugey oo
waa la isla ogolaadey, ka dib waxaan kulankii lagu balansanaa UN-ka kula shirney
Jabuuti, waxaan sidoo kale halkaan noogu yimid oo aan kulan balaaran oo xasaasi
ah kula yeelaney Golaha Ammaanka oo aan u gudbiney aragtideena, waxaa dhacey
markaas kadib kulankii labaad oo keeney heshiiska qodobada 11-ka ah ee dadka
qaarkood sida qaldan ay u fahmeen ama fasireen, xubno isbaheysiga ka tirsan ayaa
ka biyo-diideen oo ay ku jiraan xubno ayagu wax badan ka ogaa hawsha oo ay la
yaab nagu noqotey waxa keeney diidmadooda ku saleysneyd horta iyo qaylo-dhaanta,
si aan fursad u siino inaan isbaheysigu kala jabin waayo qof walba oo Soomaali
waa noo muhiim isbaheysi ha ku jiro ama yuusan ku jirin, waxaan kulan muddo 20
maalmood ku dhow qaatey kula yeelaney walaalaheen raggii Asmara nooga harey ee
diidanaa heshiiska Jabuuti, ugu danbeyn dhinacyadii shirarka yimid oo dhan
waxaana lagu dhameeyey qaabka waafaqsan nidaamka heshiisyada iyo nidaanka
isbaheysiga.
Arinkaasoo ah guul u soo hoyatey shacabka Soomaaiyeed meeshana ka
saarey ineysan jirin wax gaar ah oo lala cararayo ee waxa aan la carareyno ay
yihiiin inaan dhiigga dadkeena ee kuwa arxan laawayaasha ahi ay daadinayaan
inaanan fursad u siin inuu sii socdo oo aan degdeg ku joojino, waxaan u
degdegeynaa in aan dadkeena barakacey ee jirooyinka iyo gaajada la ildaran aan u
fursad u siino iney daawo iyo cunto helaan, waxaan u degdegeynaa in dadkaasi ay
dib ugu soo noqdaan guryahooda qeybna aan ka qaadano dib u dejintooda, kuwa
badaha ku la’ayana ay badbaadaan, kuwa iskuuladoodii ka tagey ay waxbarasho
helaan, iyo inaan ka hortagno in fursad loo sii helo in la sii burburiyo
dhulkeena iyo inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ay nooga baxaan ciidamada soo
duuley , umadda Soomaaliyeedna ay hesho xukuumad danahooda ka shaqeysa. Miyaaney
aheyn arimahaas aan soo xusey kuwa loo degdego, miyey tahey ruux damiir
islaanimo iyo mid dadnimo ay ku jirto oo mas’uuliyad sheeganaya inuu gurigiisa
si nabadgalyo ah uga soo tooso, ilmahiisana meel nabad ah geysto, kuwa kale ee
dhibkaas sida tooska ah ugu dhacayana uusan ka nixin, oo aysan liiskaba ugu
jirin, ma ahan waxaasi mas’uuliyad , mana ahan waxaasi islaanimo mana aqbaleyno
falalka noocaas ah, inta naftu nagu jirtana wax kasta waxaan ku bixineynaa in
dadkeenu ay nolol fiican ku noolaadaan, dalkooduna uu nabad ahaado ayna helaan
cadaalad.
Walaalayaal, Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed waxaa ka go’an inta
karaankiisa ah inuu xoogga saaro sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskii
halkaan lagu gaarey iyo inaan qaadano go’aan kasta oo maslaxadda umaddeena iyo
diinkeedu ku jiro, ma jireyso cid marti looga ahaanayo arinkaas. Sidaas awgeed
xubnaha isbaheysiga, muqaawada iyo hogaankeeda iyo shacabka Soomaaliyeedba waa
iney u guntadaan qolo walba qeybta uga soo aadeysa heshiiska aan gaarney iney ka
fuliyaan, dhamaana loo wada guntado sidii loo dhaqan gelin lahaa, meelna la iska
dhigo hadalada ku tiri ku teenta ah ee sida raqiiska meelaha loo wado, wacyiga
Soomaaliyeed wuxuu gaarey biseyl uu ku qiimeeyo arimaha ku saabsan masiirka
umadda. Waxaana rabaa inaan idiin xasuusiyo xikmad soomaaliyeed oo oroneysa:
dhibicda malabka ah waxaa lagu dili karaa duqsi ka badan inta dacartu dili
karto!!, haddii dadka qaar ay aamineen in xabad kaliya dal lagu xoreyn karo
waxaan leenahey waxaa jira asaaliib kale oo ka qarash yar kana khasaare yar oo
aan dalkeenu ku xoreysan karno, waxaana isku wadeynaa labada khayaar ee kala ah
muqaawamada iyo musaalaxada, waana is kabayaan, labadana midna ma ahan hadaf ee
waa wasiilo ama waddo loo marayo inaan gaarno hadafkeena ah in la xoreeyo
dalkeenu , nabadna ay ka dhalato geyigeena.
Haddii aan intaas uga gudbo waxqabadkii sida kooban aan u dulmarey ee
isbaheysiga, waxaan doonayaa haddii aad ii ogolataan walaalayaal, inaan wadciga
iyo xaalka Soomaaliya ku sugan tahey maanta iyo dhibaatooyinka heysta
shacabkeena aan wax yar idinka xasuusiyo, carabkeygu ma sifeyn karo dhibka ka
jira dalkeena, qalbigeyguna tiiraanyo iyo murugo ayaa hareyneyso haddii uu
xasuusto, caalamkii aamusnaanta ayuu ku taakuleynayaa gumeysiga tacaddiyaddiisa,
gumeysigii dhul aan lagula xisaabtameyn oo wuxuu rabo uu ka sameynayo ayuu si
fudud ku heley, TFG-da wuxuu dareenkoodu ku wajahan yahey sidii ay u dabooli
lahaayeen xadgudubyada gumeystuhu geysanayo, dadka Soomaaliyeed ee kalena taladu
waa ka baahsan tahey oo qaarkood waxey u sacaba tumayaan kuwa magaca muqaaamada
wata oo dano kale oo guracan shacabka dhexdiisa ka dhex fulinaya magaca diintana
ku geysta xadgudubyada qaar la mid ah ama ka xun kuwa cadowgu geysanayo cid ka
hadleysana ma jirto culimo iyo caamo, ayadoo dhanka kalena ay jiraan dad badan
oo fiican oo og xaalka lagu sugan yahey, dadaalo badana wada waana bogaadineynaa
qeybahaas bulshada ee sida geesinimada leh uga shaqeynaya danaha shacabkooda iyo
dalkooda , qaarkood gacan ka gardaran ay dishey ayagoo hawlo fiican u haya
bulshada ilaahey waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisto.
Siyaasad ahaan Soomaaliya waxey mareysaa xaalkaas aadka u adag, taas ayaa nagu
qasabtey albaabka wadahadalka in aan furno, waxaana aaminsanahey fursad qaali ah
iney tahey oo haddii laga wada qeybqaato looga bixi karo dhibka maanta jira, waa
rajada kaliya ee umaddeenu hadda heysato, waxaan ku guuleysaney inaan indhaha
caalamka mar kale u soo jeedino dhanka Soomaaliya, waxaana dhab ah oo aan la
inkiri Karin in qaddiyadda Soomaaliya aysan maanta Soomaali kaligeed qaabka ay
hadda u taal aysan xalisan Karin, taasna ay keentey in loo cid badsado, inta
caalamku uu na daneynayana aan ka faa’ideysano.
Waxaa kale ee guul ah in TFG-dii diidaneyd wadahadal inay nala gasho ee ku
heysey lama hadleyno argagagixiso iney maanta garowsadeen lagama maarmaanimada
in la wadahadlo.
"walaalayaal waxaad ogtihiin xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahey, sicir
bararka boqolaal jibaarmey, iyo tabar darida dhaqaale ee heysta dadkeena aan
laheyn ilo dhaqaale oo dakhli ka soo galo, waxaad la socotiin burburka iyo
bililiqada loo geysanayo ilihii dhaqaalaha sida suuqa bakaaraha, waxaa maalin
kasta dhacaya karaamo dareynta insaanka ee inta kuwa madax sheeganayaa ay iska
qabsadaan sida badeecadii dib looga soo gadayo dhaqaale aysan awoodin dadka la
qabsadeyna la dulsaarayo taasoo culeys kale abuurtey. Waxaa intaas dheer
waddooyinkii ay isticmaalayeen maraakiibta gargaarka sida ama kuwa kale ee u
raran ganacsatada in isbaarooyin badda ah ay u dhiganayaan burcad badeed
abaabulan, tanoo ayaduna ah qeyb ka mid cunaqabetynta shacabka. Ayadoo intaas oo
dhibaato ahi jirto loogana jeedo in dadka inta xabadi dili weydey loo laayo
gaajo iyo cudur ayaa waxaa bilihii u danbeeyey si xawli ah u soo kordhayey
qorshe cusub oo aad uga fajiciyey caalamka iyo soomaalidaba, nagu abuurey naxdin
iyo welwel weyn kaasoo ah dilka, qafaalashada iyo beegsashada shaqaalaha
hey’adaha garagaarka ee isugu jira kuwa ajnabiga ah iyo kuwa maxalliga,
arinkaasna ay u afduuban yihiin xilligan aan joogoo dad badan oo shaqaalaha
hey’adaha gargaarka ah ka mid ah oo ku jira gacanta afduubayaasha aan damiirka
laheyn .
Waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga, kan isbaheysiga, iyo ka shacabka
Soomaaliyeed ka tacsiyeynayaa dhibaatadaas ay geysanayaan garaad laawayaashu,
waxaana ugu baaqayaa kooxaha heysta dhibanayaashaas iney degdeg ku sii daayaan,
anigoo halkaan ka faraya saraakiisha ciidamada muqaawada sharafta leh iney u
hawlgalaan sidii loo soo deyn lahaa dhibanayaashaas, lana joojiyo dilalka
gaadmada iyo afduubka iyo dhaca gaadiidka ee sharciga iyo caqligaba aan meelna
ka heysan.waxaana ugu baaqeynaa in ay jiijiyaan cid kasta oo ku lug leh, lana
soo daayo dadkaas aan waxba galabsan ee gacanta ka gardaran ku jira, sidoo
kalena waxaan ugu baaqaynaa in shacabku uu gacan ka geysto ilaalinta shaqaalaha
gargaarka, anigoo bulshada caalamka ugu baaqayna in arinkan sababtiisa ay
leedahey ammaan darada uu dalku ku jiro ee ay ka danbeeyso joogitaanka ciidamada
itoobiya, in si degdeg ah looga saaro dalka ,lana keeno ciidamadii bedeli lahaa
sida ugu dhaqsaha badan.
Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa ciidanka muqaawamadu ineysan ka leexan hadafkii
loo aasassey ee ahaa u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, kana hortagaan dhammaan
falalka lagu aragagax gelinayo shacabka meel kasta oo ay ka yimadaan, lana
ilaaliyo shaqaalaha hey’adaha gargaarka ah midab kasta iyo diin kasta oo ay
leeyihiin, ayna u diyaargaroobaan marxaladda siyaasiga cusub ee uu dalku galayo
mustaqbalka dhow, aysana u dhago nuglaan qaylo-dhaanada aan maslaxadda umaddu ku
jirin ee lagu carqaladeyno in dalkaan iyo dadkiisuba ay nabad iyo horumar ku
noolaadaan, si qoto dheer loo eego danaha ka danbeeya cid kasta oo ka hortimaada
in nabad lagu dhameeyo arinka Soomaaliya, waana in loo hogaansamaa maalinka aan
ku dhawaaqno xabad joojinta, ayadoo aan laga baxeyn dhufeysyada ama aan la
dhigeyn hubka.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay is abaabulaan meelna iska
dhigaan quusta iyo niyad jabka, ayna ka shaqeeyaan sidii ammaankooda iyo
ammaanka dadka wax u qabanaya ay u ilaalsan lahaayeen oo aysan cid kale ku
halleyn, anigoo ugu baaqayaa iney taageero muuqata hawlaha nabadda iyo kuwa
muqaawamadaba siiyaan, shacabkuna waa inuu dantiisa iyo duruufta ay ku nool
yihiin ka hormarsiiyaan danaha kale ee ku saleysan nin jecleysiga iyo
qabyaaladda.
Fariin ku socota Beesha caalamkaWaxaan Beesha caalamka ugu baaqeynaa in aan
dooraney nabada, anaga oo ugu daneyneyna shacabkeena. Waxaan ka dalbeynaa beesha
caalamka in ay si dhab ah ugu soo jeesataan xal u helida dhibaatada ka jirta
Soomaalia. Waa in si dhab ah loo hergeliyaa heshiiska lagu gaarey Djibouti. Waa
in la qaado tilaabooyin wax ku ool ah si ay u soo noqoto kalsoonidii shacabka
Soomaaliyeed oo horey u dhumiyey kalsoonida uu ku qabo beesha caalamka.
Shacabka Soomaaliyed ma aha argagixiso waxuuna doonaayaa in uu ku nolaado
nolosha ay ku nool yihiin ummaddaha aduunka ee la midka ah.
Waxaan dooneynaa in uu shacabka Soomaaliyeed helo dowlad wax tar leh oo hufan oo
u daneyneysa una adeegaysa danaha shacabk. Dowlad hirgelisa dowlad wanaag iyo ku
dhaqanka shareecada islaamka. Dowlad uu shacabk la xisaabtami karo. Dowlad nabad
kula noolaata deriska iyo shacabkeeda.
Waxaan dooneynaa in la helo dowlad ka shaqeysa horumarka ummadda, horumarinta
caafimaadka, tacliinta, kobcinta dhaqaala iyo horumarinta bulshada xag
siyaasadeed iyo xag fikri.
Ugu danbeyn bulshada Caalamka waxaan marka kale ugu baaqayaa in ay gargaar
bani’aadamnimo la gaaraan dadkaa maatida ah ee waddo kasta laga xirey, aysana u
nuglaan dhacdooyinka looga gol leeyahey in dadka lagu baabi’iyo, Soomaaliya
loogu ekeysiiyo meel bahalo galeen ah, waxaan dhankeena ballanqaadeynaa dhamaan
deegaanada muqaawamadu ka taliso inaan sugeyno ammaanka shaqaalaha hey’adaha
gargaarka ah, lana soo dedejiyaa keenista ciidamada qaramada midoobey oo
ilaaliya ammaanka hey’adaha gargaarka, waana in loo gogol xaaraa sidii xukuumad
loo wada dhan yahey dalku u heli lahaa, oo la wareegta mas’uuliyadda dalka
Soomaaliya oo dhan.
Furitaanka kalfadhiga halkan ka akhri...
Waxaa soo tebiyey
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti