SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ISBAHEYSIGA DIBUXOREYNTA SOOMAALIYEED

KALFDHIGA GOLAHA DHEXE 2-aad

KHUDBADA GUDDOOMIYAHA ISBAHEYSIGA

بســـــم اللــــــــه الــــرحمــــــن الـــــرحــــيم

Mahad ballaaran Allaah ayey u sugnaatey, nabadgalyo iyo naxariis nabigeenii Muxammad (NNKH) dushiisa ha ahaato iyo intii raacdey ee rumeysey.

Intaas ka dib, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, xubnaha G/Dhexe ee isbaheysiga dibuxoreynta Soomaaliyeed, iyo marti sharafta kale ee ka soo qeybgaley munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2aad ee G/dhexe ee Isbaehysiga walaalayaal:

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu

Waxaan minbarkaan sharafta badan uga mahad naqayaa reer Jabuuti, shacab iyo xukuumadba gacanta walaaltinimo ee aan hagarta laheyn ee ay la garab istaagnaayeen dadka Soomaaliyeed laga soo bilaabo kolkii dhibaatadu bilaabatey sanadkii 1991 tan iyo maanta oo ay ka soo wareegtey 18 sanadood, waxeyna shacabka Soomaaliyeed iyo isbaheysiga dib –u xoreynta Soomaaliyeed ku qorayaan abaalkaas walaaltinimo bog dahabi oo taariikhdooda ka mid ah.

Dawladda Jabuuti iyo hogaankeeda rashiidka ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan uga mahadcelineynaa sida ay wax kasta ugu bixinayaan in la xaliyo dhibaatada walaalahood Soomaaliyeed ku habsatey, waxaan ka sii codsaneynaa walaalaheen inuu u dulqaato dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dadka aad danahooda ka shaqeynaysaan, anagoo og in Jabuuti danteedu tahey oo kaliya in ay arkaan walaalahood Soomaaliyeed oo cagahooda isku taagey, iyo in ay geyiga Soomaaliya ka hanoqaaddo nabadgalyo waarta oo soo afjarta dhibaatooyinka la degey dhulkaas.

Walaalayaal,

IDS

sida aad la wada socotaan wuxuu ku aasaasmey duruuf adag ka dib markii dalkeenii la qabsadey, waxaana lagu dhisey meel dalkeena dibadiida ka ah, iyadoo ujeedada ugu weyn ee loo aasaasey ay aheyd sida magaciisa ku xusan dib-u-xoreynta Soomaaliya qaab kasta oo suurtagal ah.

Dhismihii Isbaheysiga kadib, dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waa ay soo dhoweeyeen, waxeyna nagu garab istaageen hawlahii kala duwanaa ee isabaheysigu qabtey, ilaa iyo hadana waa nagu garab taagan yihiin, kalsoonidaas shacabku na siiyey ayaan ka heleynaa ruuxda iyo tamarta aan ku shaqeyneyno, mar kastana inaan dhowrno ayaa nagu waajib ah oo aanan u dulqaadan wax walba oo dhibaato u keeni kara qaddiyadda aan u taaganahey iyo kalsoonida shacabkeena.

WAXQABADKII ISBAHEYSIGA :

Mudadii sanadka ka yareyd ee Isbaheysigu jirey waxaa noo qabsoomey Alle fadligii hawlo balaaran oo badan, kuwaasoo ay ugu weyn yihiin dhismaha hey’adaha kala duwan ee isbaheysiga iyo hawlgelintooda, tayeynta iyo balaarinta muqaawamada gudaha iyo siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Dhismaha hey’adaha Isbaheysiga iyo hawlgelintiisa:

Isbaheysiga oo ay ku midoobeen qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka dhiidhiyey diidmada qabsashada dalkeena, ujeedadiisa ugu weyn aasaasidiisana ay aheyd mideynta kalimadda dadka Soomaaliyeed ee gumeysiga ka soo horjeestey iyo ka shaqeynta sidii looga saari lahaa cadowgaas dalka. Si loo gaaro ujeeddooyinkaas wax ku oolka ah waxaan dhameytirney dhismaha hey’adaha kala duwan ee isbaheysiga sida magacaabista guddi hoosaadyo, wakiilada isbaheysiga dalka gudihiisa iyo qaar ka mid ah dalalka dibadda, sameynta xafiiska dhexe ee xaruntii ku meelgaarka aheyd ee isbaheysiga ee laga soo guurey, dib-u-habeynta xeerka isbaheysiga, qabashada kulamada golaha fulinta iyo guddiga joogtada si joogto ah, dirista wafdiyo kala duwan oo shacabka soomaaliyeed u sharxa isbaheysiga iyo ujeeddooyinkiisa, isku xirka xubnaha isbaheysiga dhexdooda iyo isbaheysiga iyo shacabka Soomaaliyeed taasoo ka danbeysey guulaha uu gaarey isbaheysigu.

Muqaawamada Gudaha

Muqaawada waxey bilaabatey markii dalka ay qabsadeen ciidamada Itoobiya, laakin wuxuu xooggeedu ku sugnaa magaala madaxda Muqdisho, taasoo qof kastaa dareemayey in aysan dheelitirneyn oo ciidamada cadowgu ay si xoriyad leh isaga marayaan ama u dhex joogaan gobolada dalka ayna ka geysanayaan xadgudubyo kala duwan, taasoo isbaheysigu uu qaatey go’aanka ah in la baahiyo goobaha muqaawamadu ka hawlgasho si looga ilaaliyo shacabkeena dhibaatooyinka ciidanka gumeysiga, awoodda cadowgana loo wiiqo, waxaana dirney saraakiil waaweyn iyo madax kale oo ka tirsan isbaheysiga, kuwaasoo aan galiney gudaha dalka, ayagoo Alle mahadii ka soo hooyey guulo waaweyn maydaanka muqaawamada welina sida aad la wada socotaan illaa iyo maanta ku sugan safafka hore ee furimaha muqaawamada ayagoo dhul Soomaaliyeed oo aad u baalaran sabab u ahaa inuu soo ceshado xoriyaddiisa maantana uu ka dul heehaabayo neecowda xoriyaddu, shacabkii dhulkaas ku noolaana loo soo celiyey ammaankii iyo kala danbeyntii, lagana dulqaadey dulmigii gumeysiga, dalkoo dhana kalena ay ku dhow yihiin in la xoreeyo insha Allaah oo aan ku rajoweynahey iney xoroobi doonaan kol aan fogeyn.

Waxaan hawada u marinayaa salaam diiran geesiyada dhiigooda qaaliga ah hurey ilaaheyna ha ka aqbalo shahaadadooda , kuwa ku dhaawacmey iyo kuwa kale ee har iyo habeen u soo jeeda halganka iyo dib u xoreynta dalka. Waxaan iyagana aan halkaan ka salaamaynaa ehalada halgamayaasha sida gardarada ah ugu xiran xabsiyada gumeysiga, waxaana ballanqaadeynaa in aan dadaal kasta ku bixineyno sidii loo soo deyn lahaa, anagoo farxadda la qeybsaneyna ehalada iyo geesiyada sida gardarada ah la isaga xirey ee xoriyadoodii dib u hantey, anagoo halkaan uga mahad celineyna cid kasta oo gacan ka geysatey, kuna sii dhiirigelineyna in cid kastoo wax ka qaban karta arinkaas ay kaalinteeda ka qaadato.

Arimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga

Walaalayaal, mushkiladda Soomaaliya sida dadka qaar ay ula muuqato waa ka guda balaaran tahey, waana ka xidido iyo jirid weyn tahey, waa mushkilad dawladaha ku leg leh ay ka badan yihiin kuwa hadda is muujnaya oo safka hore taagan, dadka Soomaaliyeedna dhibaatadaasi waa daashatey sabirkoodiina waa idlaadey, waxey maanta umadda Soomaaliyeed ku sugan tahey xaalad aad u adag oo naxdin badan, mana helin shacabku hogaan umadda u jiirnaxaya ama ka damqanaya dhibka shacabkiisa.

Sida aad la wada socotaan hawshaan maanta aan wadno waxey ka soo bilaabatey sidii muwaadinka Soomaaliga ahi uu u heli lahaa ammaan iyo garsoor cadaalad ah, anagoo taas ka duuleyna waxaan dagaal la galney tuugadii isbaaradu u taaley jidadka u dhexeeya suuqayada iyo guryaha dadka oo halkaas uga qaadan jirey nooliga yarka ee uu wato, ka dib arinkaasi wuxuu noo sii dhiibey inaan ka hortagno isbaheysigii qabqablayaashii dagaalka ee mudada 16-ka sano aheyd hor taagnaa maslaxadda umadda, dambiyada dagaalka iyo tacadiyada xuquuqda aadanahana geysan jirey, Ilaahey fadligiisa waa laga takhulasey, kadib waxaa si toos ah dagaal dalkeena u soo qaadey nidaamka toobiya oo ahaa kii qabqablayaashii dagaalka iyo dhamaan danbiyadii ka dhici jirey mas’uuliyadda ugu weyn ku lahaa waana ku qabsadey, wuxuuna isna ka geysanayaa dhibaatooyinkii hogaamiye kooxeedka kuwo ka waaweyn oo tacaddiyo ah, waxaana shacabka qasab ku noqotey inay iska difaacaan oo aan la siin khayaar kale, lana iska celiyo gumeysigaas aan naxariista laheyn ee geysanaya xasuuqa, barakicinta dadka rayidka, burburinta hantida shacabka, bililiqada iyo kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Sida ku cad taariikhdaas anaga hadafkii aan ku aasaasmaney wuxuu ahaa in muwaadinka Soomaaliga ah uu helo xaqqiisa asaasiga ee ah nabad, xoriyad iyo cadaalad inuu ku noolaado, marnaba ma aheyn dagaal mutaxan oo ka baxsan mid loogu adeegayo danaha umaddeena, taasoo ah faham qaldan oo dadka qaar ay si kale isu fahamsiiyeen, raalli kama noqoneyno in hadafkaas la weeciyo iyo dad dano kale wataa ay isku dayaan iney naga weeciyaan, ma ogolin sidoo kale in dawlado kale dagaaladood loo soo raro Soomaaliya, waxaa shacabkeena ku filan dhibka gaarey ama hadda heysta, waxaana ugu baaqeynaa dawladaha sida dadban ugu dagaalamaya Soomaaliya iney nagala baxaan dagaalkooda iyo sidoo kale kooxaha danaha kale ka fulinaya dalka Soomaaliya dhexdiisa ee aan u daneyneyn maslaxadda umaddeena iney ka waantoobaan, ogaadaana waxa dalka Soomaaliya ka hirgalaya oo kaliya waa waxa Soomaali go’aansato.

Sidaas awgeed walaalayaal, isbaheysigu asagoo og dhamaan dhibaatooyinkaas kala duwan iyo faragelinataas iyo sii socoshada dhibkaan in ay tahey tan ay doonayaan cadowgeenu midab kastaba ha watee, waxaan ku dhaqaaqney inaan furno xiriiro caalami ah dhammaan dhinacyada dawliga ah ee qaddiyadda sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu lugta leh, oo ay ugu horeyso qaramada midoobey, waxaan ugu tagney Nayroobi-Kenya waxaan ka wada hadalney sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, waxaan u gudbiney aragtideena, ayaguna waxey noo soo gudbiyeen aragtidooda, qodobo dhowr ah ayaan isku afgaraney, waxaan dib ugu soo noqoney xaruntii ku meelgaarka aheyd ee Isbaheysiga Asmara, waxaan u bandhigney dhammaan qodobadii aan UN-ka ka soo wada hadalney, dood dheer ka dib qalinka ayaa lagu duugey oo waa la isla ogolaadey, ka dib waxaan kulankii lagu balansanaa UN-ka kula shirney Jabuuti, waxaan sidoo kale halkaan noogu yimid oo aan kulan balaaran oo xasaasi ah kula yeelaney Golaha Ammaanka oo aan u gudbiney aragtideena, waxaa dhacey markaas kadib kulankii labaad oo keeney heshiiska qodobada 11-ka ah ee dadka qaarkood sida qaldan ay u fahmeen ama fasireen, xubno isbaheysiga ka tirsan ayaa ka biyo-diideen oo ay ku jiraan xubno ayagu wax badan ka ogaa hawsha oo ay la yaab nagu noqotey waxa keeney diidmadooda ku saleysneyd horta iyo qaylo-dhaanta, si aan fursad u siino inaan isbaheysigu kala jabin waayo qof walba oo Soomaali waa noo muhiim isbaheysi ha ku jiro ama yuusan ku jirin, waxaan kulan muddo 20 maalmood ku dhow qaatey kula yeelaney walaalaheen raggii Asmara nooga harey ee diidanaa heshiiska Jabuuti, ugu danbeyn dhinacyadii shirarka yimid oo dhan waxaana lagu dhameeyey qaabka waafaqsan nidaamka heshiisyada iyo nidaanka isbaheysiga.

Arinkaasoo ah guul u soo hoyatey shacabka Soomaaiyeed meeshana ka saarey ineysan jirin wax gaar ah oo lala cararayo ee waxa aan la carareyno ay yihiiin inaan dhiigga dadkeena ee kuwa arxan laawayaasha ahi ay daadinayaan inaanan fursad u siin inuu sii socdo oo aan degdeg ku joojino, waxaan u degdegeynaa in aan dadkeena barakacey ee jirooyinka iyo gaajada la ildaran aan u fursad u siino iney daawo iyo cunto helaan, waxaan u degdegeynaa in dadkaasi ay dib ugu soo noqdaan guryahooda qeybna aan ka qaadano dib u dejintooda, kuwa badaha ku la’ayana ay badbaadaan, kuwa iskuuladoodii ka tagey ay waxbarasho helaan, iyo inaan ka hortagno in fursad loo sii helo in la sii burburiyo dhulkeena iyo inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ay nooga baxaan ciidamada soo duuley , umadda Soomaaliyeedna ay hesho xukuumad danahooda ka shaqeysa. Miyaaney aheyn arimahaas aan soo xusey kuwa loo degdego, miyey tahey ruux damiir islaanimo iyo mid dadnimo ay ku jirto oo mas’uuliyad sheeganaya inuu gurigiisa si nabadgalyo ah uga soo tooso, ilmahiisana meel nabad ah geysto, kuwa kale ee dhibkaas sida tooska ah ugu dhacayana uusan ka nixin, oo aysan liiskaba ugu jirin, ma ahan waxaasi mas’uuliyad , mana ahan waxaasi islaanimo mana aqbaleyno falalka noocaas ah, inta naftu nagu jirtana wax kasta waxaan ku bixineynaa in dadkeenu ay nolol fiican ku noolaadaan, dalkooduna uu nabad ahaado ayna helaan cadaalad.

Walaalayaal, Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed waxaa ka go’an inta karaankiisa ah inuu xoogga saaro sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskii halkaan lagu gaarey iyo inaan qaadano go’aan kasta oo maslaxadda umaddeena iyo diinkeedu ku jiro, ma jireyso cid marti looga ahaanayo arinkaas. Sidaas awgeed xubnaha isbaheysiga, muqaawada iyo hogaankeeda iyo shacabka Soomaaliyeedba waa iney u guntadaan qolo walba qeybta uga soo aadeysa heshiiska aan gaarney iney ka fuliyaan, dhamaana loo wada guntado sidii loo dhaqan gelin lahaa, meelna la iska dhigo hadalada ku tiri ku teenta ah ee sida raqiiska meelaha loo wado, wacyiga Soomaaliyeed wuxuu gaarey biseyl uu ku qiimeeyo arimaha ku saabsan masiirka umadda. Waxaana rabaa inaan idiin xasuusiyo xikmad soomaaliyeed oo oroneysa: dhibicda malabka ah waxaa lagu dili karaa duqsi ka badan inta dacartu dili karto!!, haddii dadka qaar ay aamineen in xabad kaliya dal lagu xoreyn karo waxaan leenahey waxaa jira asaaliib kale oo ka qarash yar kana khasaare yar oo aan dalkeenu ku xoreysan karno, waxaana isku wadeynaa labada khayaar ee kala ah muqaawamada iyo musaalaxada, waana is kabayaan, labadana midna ma ahan hadaf ee waa wasiilo ama waddo loo marayo inaan gaarno hadafkeena ah in la xoreeyo dalkeenu , nabadna ay ka dhalato geyigeena.

Haddii aan intaas uga gudbo waxqabadkii sida kooban aan u dulmarey ee isbaheysiga, waxaan doonayaa haddii aad ii ogolataan walaalayaal, inaan wadciga iyo xaalka Soomaaliya ku sugan tahey maanta iyo dhibaatooyinka heysta shacabkeena aan wax yar idinka xasuusiyo, carabkeygu ma sifeyn karo dhibka ka jira dalkeena, qalbigeyguna tiiraanyo iyo murugo ayaa hareyneyso haddii uu xasuusto, caalamkii aamusnaanta ayuu ku taakuleynayaa gumeysiga tacaddiyaddiisa, gumeysigii dhul aan lagula xisaabtameyn oo wuxuu rabo uu ka sameynayo ayuu si fudud ku heley, TFG-da wuxuu dareenkoodu ku wajahan yahey sidii ay u dabooli lahaayeen xadgudubyada gumeystuhu geysanayo, dadka Soomaaliyeed ee kalena taladu waa ka baahsan tahey oo qaarkood waxey u sacaba tumayaan kuwa magaca muqaaamada wata oo dano kale oo guracan shacabka dhexdiisa ka dhex fulinaya magaca diintana ku geysta xadgudubyada qaar la mid ah ama ka xun kuwa cadowgu geysanayo cid ka hadleysana ma jirto culimo iyo caamo, ayadoo dhanka kalena ay jiraan dad badan oo fiican oo og xaalka lagu sugan yahey, dadaalo badana wada waana bogaadineynaa qeybahaas bulshada ee sida geesinimada leh uga shaqeynaya danaha shacabkooda iyo dalkooda , qaarkood gacan ka gardaran ay dishey ayagoo hawlo fiican u haya bulshada ilaahey waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisto.

Siyaasad ahaan Soomaaliya waxey mareysaa xaalkaas aadka u adag, taas ayaa nagu qasabtey albaabka wadahadalka in aan furno, waxaana aaminsanahey fursad qaali ah iney tahey oo haddii laga wada qeybqaato looga bixi karo dhibka maanta jira, waa rajada kaliya ee umaddeenu hadda heysato, waxaan ku guuleysaney inaan indhaha caalamka mar kale u soo jeedino dhanka Soomaaliya, waxaana dhab ah oo aan la inkiri Karin in qaddiyadda Soomaaliya aysan maanta Soomaali kaligeed qaabka ay hadda u taal aysan xalisan Karin, taasna ay keentey in loo cid badsado, inta caalamku uu na daneynayana aan ka faa’ideysano.

Waxaa kale ee guul ah in TFG-dii diidaneyd wadahadal inay nala gasho ee ku heysey lama hadleyno argagagixiso iney maanta garowsadeen lagama maarmaanimada in la wadahadlo.

"walaalayaal waxaad ogtihiin xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahey, sicir bararka boqolaal jibaarmey, iyo tabar darida dhaqaale ee heysta dadkeena aan laheyn ilo dhaqaale oo dakhli ka soo galo, waxaad la socotiin burburka iyo bililiqada loo geysanayo ilihii dhaqaalaha sida suuqa bakaaraha, waxaa maalin kasta dhacaya karaamo dareynta insaanka ee inta kuwa madax sheeganayaa ay iska qabsadaan sida badeecadii dib looga soo gadayo dhaqaale aysan awoodin dadka la qabsadeyna la dulsaarayo taasoo culeys kale abuurtey. Waxaa intaas dheer waddooyinkii ay isticmaalayeen maraakiibta gargaarka sida ama kuwa kale ee u raran ganacsatada in isbaarooyin badda ah ay u dhiganayaan burcad badeed abaabulan, tanoo ayaduna ah qeyb ka mid cunaqabetynta shacabka. Ayadoo intaas oo dhibaato ahi jirto loogana jeedo in dadka inta xabadi dili weydey loo laayo gaajo iyo cudur ayaa waxaa bilihii u danbeeyey si xawli ah u soo kordhayey qorshe cusub oo aad uga fajiciyey caalamka iyo soomaalidaba, nagu abuurey naxdin iyo welwel weyn kaasoo ah dilka, qafaalashada iyo beegsashada shaqaalaha hey’adaha garagaarka ee isugu jira kuwa ajnabiga ah iyo kuwa maxalliga, arinkaasna ay u afduuban yihiin xilligan aan joogoo dad badan oo shaqaalaha hey’adaha gargaarka ah ka mid ah oo ku jira gacanta afduubayaasha aan damiirka laheyn .

Waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga, kan isbaheysiga, iyo ka shacabka Soomaaliyeed ka tacsiyeynayaa dhibaatadaas ay geysanayaan garaad laawayaashu, waxaana ugu baaqayaa kooxaha heysta dhibanayaashaas iney degdeg ku sii daayaan, anigoo halkaan ka faraya saraakiisha ciidamada muqaawada sharafta leh iney u hawlgalaan sidii loo soo deyn lahaa dhibanayaashaas, lana joojiyo dilalka gaadmada iyo afduubka iyo dhaca gaadiidka ee sharciga iyo caqligaba aan meelna ka heysan.waxaana ugu baaqeynaa in ay jiijiyaan cid kasta oo ku lug leh, lana soo daayo dadkaas aan waxba galabsan ee gacanta ka gardaran ku jira, sidoo kalena waxaan ugu baaqaynaa in shacabku uu gacan ka geysto ilaalinta shaqaalaha gargaarka, anigoo bulshada caalamka ugu baaqayna in arinkan sababtiisa ay leedahey ammaan darada uu dalku ku jiro ee ay ka danbeeyso joogitaanka ciidamada itoobiya, in si degdeg ah looga saaro dalka ,lana keeno ciidamadii bedeli lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa ciidanka muqaawamadu ineysan ka leexan hadafkii loo aasassey ee ahaa u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, kana hortagaan dhammaan falalka lagu aragagax gelinayo shacabka meel kasta oo ay ka yimadaan, lana ilaaliyo shaqaalaha hey’adaha gargaarka ah midab kasta iyo diin kasta oo ay leeyihiin, ayna u diyaargaroobaan marxaladda siyaasiga cusub ee uu dalku galayo mustaqbalka dhow, aysana u dhago nuglaan qaylo-dhaanada aan maslaxadda umaddu ku jirin ee lagu carqaladeyno in dalkaan iyo dadkiisuba ay nabad iyo horumar ku noolaadaan, si qoto dheer loo eego danaha ka danbeeya cid kasta oo ka hortimaada in nabad lagu dhameeyo arinka Soomaaliya, waana in loo hogaansamaa maalinka aan ku dhawaaqno xabad joojinta, ayadoo aan laga baxeyn dhufeysyada ama aan la dhigeyn hubka.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay is abaabulaan meelna iska dhigaan quusta iyo niyad jabka, ayna ka shaqeeyaan sidii ammaankooda iyo ammaanka dadka wax u qabanaya ay u ilaalsan lahaayeen oo aysan cid kale ku halleyn, anigoo ugu baaqayaa iney taageero muuqata hawlaha nabadda iyo kuwa muqaawamadaba siiyaan, shacabkuna waa inuu dantiisa iyo duruufta ay ku nool yihiin ka hormarsiiyaan danaha kale ee ku saleysan nin jecleysiga iyo qabyaaladda.

Fariin ku socota Beesha caalamkaWaxaan Beesha caalamka ugu baaqeynaa in aan dooraney nabada, anaga oo ugu daneyneyna shacabkeena. Waxaan ka dalbeynaa beesha caalamka in ay si dhab ah ugu soo jeesataan xal u helida dhibaatada ka jirta Soomaalia. Waa in si dhab ah loo hergeliyaa heshiiska lagu gaarey Djibouti. Waa in la qaado tilaabooyin wax ku ool ah si ay u soo noqoto kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed oo horey u dhumiyey kalsoonida uu ku qabo beesha caalamka.

Shacabka Soomaaliyed ma aha argagixiso waxuuna doonaayaa in uu ku nolaado nolosha ay ku nool yihiin ummaddaha aduunka ee la midka ah.

Waxaan dooneynaa in uu shacabka Soomaaliyeed helo dowlad wax tar leh oo hufan oo u daneyneysa una adeegaysa danaha shacabk. Dowlad hirgelisa dowlad wanaag iyo ku dhaqanka shareecada islaamka. Dowlad uu shacabk la xisaabtami karo. Dowlad nabad kula noolaata deriska iyo shacabkeeda.

Waxaan dooneynaa in la helo dowlad ka shaqeysa horumarka ummadda, horumarinta caafimaadka, tacliinta, kobcinta dhaqaala iyo horumarinta bulshada xag siyaasadeed iyo xag fikri.

Ugu danbeyn bulshada Caalamka waxaan marka kale ugu baaqayaa in ay gargaar bani’aadamnimo la gaaraan dadkaa maatida ah ee waddo kasta laga xirey, aysana u nuglaan dhacdooyinka looga gol leeyahey in dadka lagu baabi’iyo, Soomaaliya loogu ekeysiiyo meel bahalo galeen ah, waxaan dhankeena ballanqaadeynaa dhamaan deegaanada muqaawamadu ka taliso inaan sugeyno ammaanka shaqaalaha hey’adaha gargaarka ah, lana soo dedejiyaa keenista ciidamada qaramada midoobey oo ilaaliya ammaanka hey’adaha gargaarka, waana in loo gogol xaaraa sidii xukuumad loo wada dhan yahey dalku u heli lahaa, oo la wareegta mas’uuliyadda dalka Soomaaliya oo dhan.

Furitaanka kalfadhiga halkan ka akhri...

Waxaa soo tebiyey
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti

Faafin: SomaliTalk.com |  July 19, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS