SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

TALO KU SOCOTA GOLAHA GUURTIDA , ISIMADA PUNTLAND. W.Q. MUSHARAX CUMAR FARJAC

Waxaan idiinku bogaadinaynaa talaabooyinka aad u qaadeen badbaadinta Puntland iyo go'aanada aad gaarteen.

Malcuumaad: Waxaa jirta oo siyaasiyiint iyo indheer garadku isla dhex mareyaan in taliska fashilmay ee Puntland ay madaxda Ethiopia ku soo amartay in aaney dagaal la geli Karin Somaliland oo aaney soo celin karin wadanka laga qabsaday. Iskaba ilow xanta heshiiska dhex maray taliska Puntland iyo kan Somaliland. Mase ogtihiin in aan amarkaas oo kale la siin madaxda Somaliland.

Hadaba hadii talisku dan u hayo ummadda Puntland, waxaa waajib ku ahayd in uu u sheego amarka la siiyey. Mana ahayn in uu ka yeelo amarkaas dadka amarka bixiyey. Hadaan xukun jeclaysi jiirin, waxay u badnaan lahayd in dadwynuhu la jiri lahaa taliska ayna ka giriirixan lahaayeen amarka wadan shisheeye bixiyey.

Saas darted maadaama aanu talisku soo celin Karin wadanka la haysto, waxaan ku boorinaynaa Issimada iyo cuqaasha in ay soo xulaan guddi ka kooban qabiilada oo abaabula soo dhicinta wadanka maqan inta aan doorashada la gelin. Hadaad abbabushaan militiyada beelaha oo aad wadanka maqan soo dhicisaan, waa mid la idinku amaanayo, maamulka Puntlandna aad kula wareegi kartaan. In aana Issimadu ka amar qaadan Ethiopia dadku waa ogyahay. Mise way ka mar qaataan iyaguna? Dhaaxaan maqlayey Issin hebel ayaa Ethiopia jooga oo dac darraysan Addis Abeba.

Waxaanu idinka codsaneynaa in aad qodobada aad ku falanqaynaysaan shirkiina soo socda aad ku lafa gurtaan arrinta Guddiga Doorasha Puntland. La idiinkama xoog ogaalsana khiyaamookinka lala maagan yahay iyo sidii lagu maroorsan lahaa maamulka Puntland. Kor waayeel waa wada indho.

Xildhibaanada daacadda ah, Issimada, nabadoonada, musharixiinta iyo dadweynuhu waa ogyihiin khiyaamooyinka taliska fashilmay uu isku deyayo si uu xukunka ku sii mintido, iyo guddiga xaaranta ah oo doorashada loo abaabushay.

Waxaa la saadaalinayaa in ay ceeb weyni ka imaaneyso hadii laga yeelo taliska burcadka ku noqday wadanka waxay maagan yihiin.

Nabad iyo degganaan waxay ka imaaneysaa hadii aad soo saartaan go'aamo dadka oo dhammi u riyaaqo. Ummaddu waa caraysantahay, taliska Puntland ka jira waa la nacay oo dadweynuha Somaliyeed oo dhan baa ka soo wada horjeedaa. Hadaba talooyinkaan baanu idiin ku soo biirinaynaa:

Talo #1: In aad guddiga doorashada uu ka kala imaado gobollada iyadoo la tix gelinayo sida loo kala dad iyo deegaan badan yahay. Tusaale ahaan in goboladda qaarkood ay ka yimaadaan laba qof, ama saddex qof, qaarka waawyna ay ka yimaadaan afar qof. Hase yeeshee taasina waa in ay soo martaa Issimada gobollada.

Talo #2: In guddiga doorashada laga dhigo qabiiladda aan ku lahayn xildhibaano golaha baarlamaanka. Taasi waxay muujinaysaa cadaalad in aad ku kalsoon tihiin qabiilada aad ka qadiseen golaha baarlamaanka.

Talo #3. In la tix geliyo in lagu soo daro xubno xildhibaana ah oo ka socda qabiilada laga qadiyey baarlamaanka. Is weydiiya oo miyaaney iyagu ahayn reer Puntland? Tirada meesha ku qorani muqadas ma aha. Waxaan ku talinaynaa in wax weyn laga bedelo tirade oo ay xubno ku yeeshaan qabiilada ka maqan makhaayadda.

Talo #4: In aad guddi ka magacawdiin Issimada dhexdooda oo aad ka xulataan Issimada iyo nabadoonayaasha daacadda ah ee cadaaladda jecel.

Talo #5 : In magacaabidda guddiga doorashada ay ka timaado ganacsatada daacadda lagu yaqaan, guddiga Issimada, guddiga indheer garadka Puntland, culamaa-u-diinka siyaasadda ka baxsan ee lagu yaqaan Alla-ka baqidda iyo daacadnimada.

Waa in aad ogsoonaataan in dadweynuhu idiin arko haya'dda ugu saraysa Puntland, wadanka badbaadintiisuna ay tahay xil idinka idin saran. Waad aragtaan in aanu jirin talis dan u haya Puntland, hadaba idinkoo isku duuban waa in aad la wareegtaan maamulka Puntland. Xilkiina maamulka dawladnimada ku meel gaarka ah waa in uu ahado mid aad u gogol xaartaan sidii lagu gaari lahaa doorasho cadaalad ah oo xisbiyo leh, qof walbina hal cod leeyahay. Way sahlantahay, waxaana idinka caawiyaya hayadaha caalamiga iyo indheer garadka Puntland.

Puntland waxay leedahay aqoon yahanno aad addegsan kartaan oo idinla shaqaynaya, oo idiin keenaya hay'adaha caalamiga ah ee wadamada soo kobcaya ka caawiya doorashooyinka. Dadka qaarkood waxay ka baqayaan in aad xukunka ku dhegtaan markii aad muddo haysaan. Hadaba maxaa taas ku jaban hadii ay wadanka gaarsiinayaan barwaaqo iyo badhaadhe? Waxaad tihiin Issimo dadku doortay; Illahayna raali buu ka yahay qofkii ummadiisu doorato.

Talooyin fara badan baa la hayaa oo manta waxay taagan tahay "Bal shaba-shabana igu daya in aan soo boodo". Badbaadinta Puntland waxay u baahantahay in loo talo badsado. Hadaba hadey ka fursan weyso;

Talo #6: In guddiga doorashada ay soo magacaabaan musharaxiinta madaxweynanimada u baratamaya, iyagoo qof walbiba uu keenayo laba ruux oo aan ahayn qabiilka iyo jifida uu ka soo jeedo musharaxu.

Talo #7: Issimada iyo cuqaashow soo go'aamiya ficil aan keenin in dalka dagaal ka dhaco.

Dad weynuhu dhankiina buu soo eegayaa hadaad tihiin Issimada Puntland. Waxaa tihiin madaxa meesha ugu saraysa.

Hadaba Issimada iyo Cuqaasha shireysa ha ogaadaan in ay ka taliyaan wanaaga yo midnimada ummadda Puntland in aan la wiiqin.

Qof walba oo reer Puntaland waa ogyahay fool xumada ka taagan doorashada Puntland iyo sida wadanku u sii baabayo maalinba maalinta ka dambaysa.

Qof walba waa garanayaa awoodda uu leeyahay guddigaga doorasha iyo siyaabaha guddigu ay xildhibaanada baarlamaanka u soo xulaan.

Musharraxiinta madaxweynanimada dhammantood way ka war qabaan khiyaamada doorashada taliska fashilmay maaganyahay,

Talisyohow fashilmay waan laga yeelayn dastuur beenaadka la doonayo in lagu danaysto. Waa naga talo- Yaan wadanka la burburin. Hadaad talisyohow u malaysay in uu gobol qura oo aad xakunto uu kuu harayo, ha filan in taasi kuu hirgeleyso. Somaliya ayaa sidaan ku soo burburtay ee ha la bad-baadiyo Puntland, oo ha laga ilaaliyo dhibaatada weyn ee ka imaan karta siyaasadaha sirgaxan ee kooxaha yari ku aqdaamanayaa.

Waan laga yeelihayn xaraan quudatada ku bahoobay sidii ay u dulaynlahaaneen dadka iyo dalka. Maa ubka la kensaday wadanka lagu soo celiyo inta goori goor tahay?

Reer Puntland ma moogana in la soo degsadey hub fara badan. Hadaba ma dadkaa lagu xasuuqayaa? Ma ubadka Puntland baad ku gumaarayaa? Ma hooyooyinkaad ku gaasiri?

Maxaa ciidamada calooshood u shaqaysta loo soo kiraystay? Maxay G-4 dooneysaa? War yaan shirkadaha shiseeye bob idinka ridin. War yaan dadka Puntland la isku dirin.

Maamuladii ka horeyey ma keenin ceebaha taliskaani keenay. Taliska fashilmay waa u damac xumo in ay soo hunguriyayaan in ay ku soo noqdaan xukunka Puntland. Waxaa caddaatay in ay doonayaan in ay soo celiyaan xildhibaano ay la yeesheen wax wada cunid, wadaag iyo wax qaybsi. Way cadaatay in ay doonayaa in ay gadanayaan xubnaha baarlamaanka si ay u helaan codka ay doonayaan. Hadaba ma qarsoona in xubnaha baarlamaanku beec yihiin, musharraxa bixiya lacagta u bandanna uu ku guuleysanayo madaxnimada Puntland.

Waxaad aragtaan talisku in uu ku go'aansaday in kooxdoodu maamusho wadanka hadii kale wadankuu burburo, oo gobolba meel aado. Hadaba talis yohow fashilmay lagu arag oo la deris xeeshaada iyo go'aamadaada. Hadaba ha ku fekerin in adiga haruubka caanaha ku jira laguu diido, in aad dhiisha weyn caanaha ka buuxa iyo haruubkaba aa daadisid.

Hadaba talisyahow fashilmay annaga xumo hanagu dhaleecayn sidii aad xildhibaanada sharafta leh aad u dhaleecaysay. Ma xuntahay hadii xildhibaanadu ay ku dhaheen wadanka biliqaysiga ka daa? Hadaba Abti gabyaagii wuxuu yiri "Aan ku raro, aan kugu reer dhaqdo hayna kala reebin,

Aan ku cuno aan kugu ciil baxo haiga caban waana,

Hadii aniga wiilkaygu dilo adiga wiilkaaga, waleeleynu nahay iyo dad aan wax isla waayeynin,

Hadiise adiga wiilkaagu dilo aniga wiilkayga, wareer baad wadaa iyo waxaan lagu walaaloobin". Abti taas kaa yeeli mayno mar dambe.

Waxaan kaloo uga digayaa musharaxiinta ku hanjabaysa in wadanku burburayo hadii aan iyaga la dooran. Walaalle, xoogga aad sokayaha ugu hanjabayso keen aynu wadanka ku soo xorraynee. Walaal keen militiadada aynu kuwa kale ku darnee oo aynu wadanka soo dhicinee. Boowe, dhulka naga maqan habeen walbaanu u barooranaa. Las Caano dhowaan waad soo hoyan, habluhu waa kuu buraanburi, abwaanaduna waa kuu gabyi- Ka soo hoyo horarka iyo waraabaha.

Markaan waxaa isa su'aashaan goormeynu ka baxaynaa musuq-maasuqa oo aynu heleynaa madax lagu doorto wax qabadkooda iyo daacadnimadooda?

Jawaabtu waa markii aynu helno xildhibaano iyo madaxweyne lagu soo doortay cadaalad. Haddeer ma hayno kuwa dadweynuhu soo doortay, ee waxaynu haynaa kuwa Issimadu keeneen. Ma Issimadaa ceebta leh ileen iyagaa keenay xildhibaanada la eedaynayo? Taasi waa maqaal kale ee la soco anaan waxba qarinayne.

Hadaba hadii aynu weyney wixii aynu dooneyney, waa in aan samaynaa wixii aan ka badin weyno. Hadaba maxay tahay wixii aynu ka badin weyney? Arrimaha aanu idinkula talinayno waa naga fikrad aanu u malaynay in ay ka roontahay tan aynu manta ku jirno.

Xildhibaanada Issimadu u soo xulayaan golaha baarlamaanka oo ay hor keenayaan guddiga doorashada waa in ay ahaadaan kuwa ay soo xuleen wax-garadka qabiilka, dhalliyarada, aqoon yahannada, culamaa-u-diinka, ururada haweenka, ganacsatada, ardada jaamacadaha iyo kuwa digsiyada sare/dhexe iyo qaybaha kale ee bulshada.

Marka xulashada xildhibaanku soo marto marxaladahaas, waanu hubnaa in dad wanaagsan ay u badnaanayaan. Xildhibaanadaasi waa in ay noqdaan kuwa daacad ah, oo aqoon u leh shuruucda, wax weyn ka yaqaan maadaama xilkooda iyo shaqadooda tahay sharci dejin. Waa in ay noqdaan kuwa ka hufan musuq-maasuq iyo biiri-qaatanimada. Wadamada aduunkanin aan aqoon sharci lahayn ma noqdo xildhibaan.

Waa in lagu tashado in xildhibaanada haatan soo gelaya ay noqdaan kuwa qabiilku soo ceshan karo markii ay ku arkaan in aanay xilkoodi gudan Karin. Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwa ogol in ku soo galaan doorasho markii la samayo tira koobka iyo xisbiyada. War wax garadow tala keen. Maantuu wadankaagu u baahan yahay talo iyo wax qabad. War hadaan wax gafnay maqaalkayaga soo dhaleecay annagana nala socodsii.

Waxaa dadku ogaadey in ballan qaadyadii ay ka mid ahaayeen 1. tirakoobka dadka, 2. Abaabulka xisbiyada Puntland iyo arrimo la mid ah oo keeni lahaa nadaam iyo kala dambayn aanay dhaboobin. Dadweynahu waa ogyahay ujeedooyinka ka dambaya hirgelin la'aanta arimahaan. Hadba kooxda xukunka haysata markey isku ogaadaan in ay gadan karaan xubnaha ay ku guuleysankaraan, ayey u arkaan in aaney dani ugu jirin doorasho shicibku ka qayb qaato in la samayo.

Maadaama dadka oo dhami soo jeedo oo aad u foojigoon yahay, guddi doorasho oo dhawr qof samaystaan waa wax aan socon hayn. Hadiise sidaa la damco in lagu muquuniyo Puntland iyo dadkeeda, waxaa ka imaanaya fool xumo iyo dhibaato u keeneysa colaad aan dad badani mala awaali Karin maanta.

Siyaasiyiinta qaarkood waxay aaminsan yihiin in Puntland kala googoayso oo gobol walba dhan u go'ayo. Dadka qaarkood waa danta ay doonayaan in Puntland kala firxato oo burburto. Ha moogaaninna hadii aad burburtaan in la idin gumaysanayo. Kor iyo hoosba cadow baad ku leedihiin. Ogolaada in magaciinii ba'ay oo sharaftii tolweynuhu lahaan jirey dhaci doonto. Maanta waxay joogtaa "Yaa maali jirayey". Puntland maantay hiil idiinka baahan tahay. Ka dhiciya yeyda leefeysa.

Ha moogaanina in beelaha deggan Pontland ay yihiin qabiilo isir wadaag ah oo aan kala maarmin. Ilko wada jir bay wax ku gooyaan. Dadkuna waa oday caruurtiis. Yaan dad dan gaar ah wata ku guuleysan ujeedooyinka lala fajaco oo ay leeyihiin

Hadaba si aan cadaawad sokeeye u dhicin, ha laga fiirsado falalka keeni kara kala fogaasho. Midna ogaada oo dastuur dhowr qof oo dan rabta in ay ku fushato danaheeda in aanu noo noqon Karin dastuur. Markaad akhriso dastuurka ayaad garaneysaa in qodobada badankoodu ay yihiin kuwa khiyaanooyin ku jiraan. Maxaa inoo diiday in aynu qaadanno kii horay loogu dejiyey Somalia.

Musharaxiin badan waxay ololohooda ka qaadeen dibadda iyagoo filaya in qurba joogtulug ku yeelan karaan saamayn, iyo sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dadka wax ka qaban kara beelaha ay ka yimaadeen iyo wadanka gudihiisa. In ay yihiin makiinada ukumaha dilaaciya (incubators) oo ukh geliya ukunta, dadka gudahuna yihiin ukumihii la dilaacinayey. Waxaan filayney in ay qurba joogtu tahay kulaylkii dibadda ka imaanayey oo ukunta dilaacin lahaa.

Qurba joogtii kaalinteedii gabtay, oo halkii laga rabay in ay wax ka bedelaan wadanka burburaya, waxay dan ka bideen in ay makhaayadaha kaga sheekayaan "Wadankii tuugaa baabi'say". Goormaad wadanka wax u qabaneysiin hadeyan manta ahayn. Ma ogtihiin in manta wadanku idiin baahan yahay? Goormaad wadanka wax ka bedelaysiin? Mise waxaad goosateen in aad ku abaadaan dibadda idinka iyo caruurtiinaba? Qurba jog, la idinku ba' la idinkuna hoog, saas ay tahay …….

Qurba joogta Puntland waxay u badan yihiin aqoon-yahannadii, indheer garatadii, siyaasiyiintii. Waxaanu sugaynay in ay iyagu noqdaan dadka u uruuriya lacag oo u dira Issimadooda. Beelaha qaarkood waxay samaysteen Issimo ay caleema saareen iyagoo aan ugu darin xoola goyn. Dadka badankooda ma yaqaaniin dhaqanka. Samaysashada Issinku ma aha in ruux la caleema saaro, dabadeedna looga dhuunto xilka, ee waa in dadkii xilka saaray ay waraabiyaan geedka ay abuureen. Dhaqanku waa in sannad walba loo xoola gooyo Issinka la caleema saaray. Hadii kale kama duwana wadaad kebed la saaray oo dad maata ah lagu yiri Issin baad leedihiine u taga. Waad aragteen ama ma mooganidin in Issinka gurigiisa habaqle oo dhan tegayo. Hadaba qurba joogey wadanka sicir barar maamulka fashilmay samayey baa ka jirae hoos isugu noqda oo Issimada dhaqaalohooda ka fekera, hadii kale waxay Issimadu gacanta u gelayaa taliska fashilmay iyo kuwa ka liita. Berri ha oranina nalooma sheegin. Issin gurigiisa habaqluhu socdo, xaaskiisii ka carooday, isaguna aan helayn masruufkii…, bal idinkuba noo sheega waxa uu samaynayo marka qoyskiisii uu masruuf u la'yahay iskaba daa martiyi u timid oo aanu soori Karin. Walaal qurbe jooge iska daa bakhaylnimada ee magacaaga (Issimkaaga) sharaf u yeel.

Maadama waxa la rabo in la maamulo ay yihiin shicibka iyo khayraadkooda, sidee baa shicibku awwod ugu yeelankaraa doorashada ay dooranayaan dadka maamulaya?

Maxay musharaxiintu ugu qaylinayaan in doorashadu dhacdo waqtigii loogu tala galay? Bal is weydiiya oo hadii xukunka ay qabtaan Issimada musharaxeebaa ka xun? Hadaba kan diidan waa ka xukun jacayl oo waxba ma dhaamo taliska fashilmay. Hadii uu jiro musharax ka xun taas, anigaa diyaar u ah in aan la doodno.

Annagu ma maqli karno musharax yiraahda hadii aanaanu markaan guuleysan weyno oo aanaanu xukun qaban, gobolkayagaan goosaneynaa. Taas waxay meel ugaga dhacaysaa sharafta qabiilka uu ka tirsan yahay iyo inta la caana maasha. Hadaba maxay xildhibaanadaasi dhaamaan maamulka fashilmay oo doonaya in uu xukunka ku noqdo ama Puntland ay burburto? Ari Boowe waa kud ka guur oo qanja u guur.

Walaal miyaadan ogayn in ay jiraan qabiilo reer Puntland ah oo aan weligood laga soo qayb gelin xukunka Puntland hadana aan weligood caroon ama aan goosan gobol ay leeyihiin. Miyaanad ogayn in ay jiraan qabiilo aan xildhibaan ku lahayn golaha Puntland—hadee hal qabiil ma aha, ee toban iyo shan bay ka badan yihiin—Bal hadaba cadaalad ogolaysii qabiiladeena reer Puntland. Waxaad u malaysaa in 4.5 tii lagu dhisay dastuurka Somalia aynu u baahannahay si aynu wax uga siino qabiilada aan goobta ku jirin.

Hadaba Musharraxa waxbaan goosaneynaa dhehayow, aamiin ii dheh aan inoo ducayee. Ogowe Curad baan ahay oo ducadaydu waa kacdaaye: "Ilaahay Issimada ha haleelsiiyo talada fiican, Ilaahay madax ha nooga dhigo talis khayr leh oo nabad iyo cadaalaqd inoo keena. Ilaahay ha nooga dhigo madax mid barwaaqo iyo bash-bash gaarsiiya wadankeena. Ilaahay hana haleelsiiyo sidii aanu isigu geyn lahayn dadka Somalia si nabad leh oo wanaag leh". Aamiin Allow Qaadir.

Hadaba waxaan Isimada shiraya ka codsaneynaa in ay goaano adag ka soo saaraan sida ay u habaynayaan Guddiga Doorashada. Dadweynuhu khibrad bay ku yeesheen doorashooyinkii horay u soo dhacay.

Waxay Puntland u ekaatay meel qof quri ka taliyo. Waxaa nagu maqaala ah in taliska fashilmay uu Issimada qaarkood laaluush siiyey, qaarna loo ballan qaaday xukun qaybsiga iyo arrima kale si ay idiinka dhabqiyaan shirka, una marin habaabsho danaha guud —Hadaba taasna ka gaashaanta, oo markaad aragtaan kan biiri qaataha ah ee aan idinla rabin in aad horuumar gaartaan, iska saara- Illahayna ha idinku guuleysiiyo kulankiina, yaan taladana la idinka afduubin.

Fara gelinta shisheeye

Waad ka war qabtaan shirkadaha shishaye ee soo fara geliyey Puntland, una arkay in xukunku u galo gacanta shakhsiyado danahooda u fulinaya. Hadaba taliska fashilmay wuu iska ilobey danaha dadka iyo dalka, wuxuuna ku mashquulay sidii danahiisa iyo danaha shishaye u hirgeli lahaa.

Waad ka warqabtaan in wadamo shisheeye soo fara geliyeen Puntland iyagoo ilaashanaya danahooda. Qaar kalena ay si toos ah ama si qarsoodi ah ay musharraxiinta dhan dhaqaale, siyaaso iyo miltary u gar-gaarayaan, qaar kalena ay doonayaan in ay carqalado ka samayaan oo ay sii hallayaan nabad gelyada ciir-ciiraysa.

Hadaba Issimada, nabadoonnada, wax garadka, mutacallimiinta, ardada jaamacadaha, dugsiyada sare/dhexe/hoose, ganacsatada iyo inta dooneysa wanaagga Puntlandn ha ka foojignaadaan arrimahaas.

Waa naga su'aale: Taliska fashilmay ma hurdaa? Miyaanu maqlihayn dhibaatada laga sheeganayo? Mise wuxuu rabaa in uu diktatooriyad ku muquunsado wadanka. Waan laga yeelihayn guddi beenaadka doorashada.

Bal sababaha faraha badan ee aanu qaar ka mid ah halkaan aanu soo taxayno, taliska fashilmay ha ku tago. Sicir barar dhaqaale, burcad badeed joogta ah, badeheena kheyraadkiisa ay maraakiib aan dabiicadda u naxayn ay kala boobayaan, dhul ka mid ah Puntland oo la qabsaday, Xildhibaano iyo Issimada qaarkood oo beec noqday, xildhibaanka ka gilgisha xumaha oo la soo dacwayo oo xuma lagu sheego, dhulkeena oo sun (toxic waste) lagu aaso, danta dadka iyo dalka maamul ilaawa oo patrol iyo macdan ku mashquulay, ummadii oo wada gaajaysan oo dhowr qofi iska qaataan xoolihii qaranka.

Waxaanu idiinku ducayneynaa in aad ku guuleysatiin shirkiina, uuna noqdo kii u mira dhala bulshada Puntland, ayna ka soo baxaan go'aamo khayr u leh dadwynaha dantiisa.

Aamiin Illaahow Qaadir.

W.Q.

Musharax Cumar Farjac

Musharrax Cumar Farjac: Bannaanabax Nabadeed oo lagu Casilayo taliska Fashilmay ee Puntland - July 19

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS