WAXAA LA GAAREY WAQTIGII BULSHADA PUNTLAND OO WADAJIR U ABAABULAN AY
SAMAYN LAHAYD BANNAANBAXYO NABADEED OO LAGU CASILAYO TALISKA FASHILMAY
EE PUNTLAND -QAYBTA KOOWAAD.
Qore: Musharrax Cumar FarjacQorshaha nabad gelyo, Dhaqan-Dhaqaale, Hilitaan Maamul Ummadda Hagar
La'aan ugu Adeega, iyo Midnimada Puntland, Waxaa Waajib Ka Saaran Yahay
Guurtida oo Kaashanaysa Qaybaha Kale ee Bulshada Puntland.
Goormaa la sameeyaa bannaanbax lagaga hortegayo falalka xun ee
dawladeed?
Dawladaha xorta ah oo demoqraadiyaddu ka aasaasantahay waxay
dadweynahooda u oggolyihiin in ay ku bannaan-baxaan markii ay dawladu
wax qalad ah samayso.
Dadweynuhu Markey dareemaan in ay dawladu qalad ku jirto waxay wax ku
saxaan iyaga oo abaabula bannaanabaxyo ay ku muujinayaan sida aanay
raali uga ahayn falalka dawlada. Bannaan-baxyada taariikhiga ah ee
liddiga ku ahaa dawlad waxaa ka mid ah kii Hindiya ee uu abaabulay
Mahatma Gandhi oo dawladii aduunka ugu xoog badnayd ku cadaadiyey in ay
xorriyad siiso qaarad-hoosaadka Hindiya (Inida, Pakistan and
Bangladesh). Sidoo kale dhanka Mareykanka si loo joojiyo midab takoorkii
ka oognaa wadanka ayaa kooxo ka quustay in midab faquuqu joogsado ay
dawlad gobolledyada uu midab takoorku ka jirey ay ka bilaabeen
bannan-baxyo ka soo horjeeda midab takoorka ka oognaa raacidda gaadiidka
(basaska dadka madowga ah waxay fariisanjireen dhanka dambe, caddaankuna
wuxuu xaq u lahaa meeshu rabo in uu fariisto). Haweeney madow oo la
yiraahdo Rosa Parks ayaa diiday in ay baska ka fariisato dhanka dambe ee
madowga loogu tala galay. Falkaasi wuxuu curiyey in markii la xiray ay
ummadda madowga mareykanka iyo caddaanka taageera xaquuqda bani aadamka
ay iska joojiyaan raacidda basaska. Isla markaana dad badan ay ku soo
ban baxeen magaalooyinka koonfurta si ay u muujiyaan in aanay raali ka
ahayn midab takoorka ka jira raacidda gaadiidka. Bannaan-baxyada lidka
ku ah midab takoorka aad bay ugu baaheen dawlad goboleedyada koonfurta,
waxaana ugu caansanaa socodkii dheeraa ee Salma.
Banaan
baxyadaa waxaa dadweynaha madoobi ku gaarey sinnaanta xaquuqda dadka
madoobi la siman yahay dadka caddaanka.
Dawladaha dimoqraadiga ah waxay aaminsanyihiin in dadweynahoodu xaq u
leeyahay in ay ku soo bannaan-baxaan dawladda markii shicibku dareemo in
ay dawlada falkeedu ahayn mid ku dhisan cadaalad iyo dhawritaanka
xaquuqda shicibkeeda.
Ujeedada laga leeyahay maqaalkaan waa in la dareensiiyo dadweynaha
Puntland in ay ka gilgishaan, ka giriirixdaan, kana dhiidhiyaan falalka
foosha xun ee dawlad-ku-sheegga ka aloosan Puntland.
Taariikhda bannan-baxyadu dhacayaan, waa lagama maarmaan in ay
masuuliyiinta ama hogaamiyayaasha bulshadu qorsheystaan maalmaha iyo
meelaha ay ka dhacayaan bannaan-baxyadu, isku waqtina ahaadaan.
Waxaanu ku talinaynaa in ay dhacaan maalmaha iyaga suura gal u noqon
kara sida jimcayaasha marka Salaadda laga soo baxo. Annagu waxaanu soo
jeediney in bannaan-baxyadu bilawdaan bisha August kowdeeda 2008 (August
1st 2008), lana wado intii laga mira dhalinayo..
Hadaba halkaan waxaan ku falan qayneynaa oo ku lafa gureynaa sababaha
keenay in aanu kicino wacyiga siyaasadeed ee dadweynaha Puntland iyo
siyaabaha aanu u dooneyno in uu u dhaco mudaahiraadku.
Horeybaanu ugu sheegnay dhallinyarada saxaafadda Puntland in qalinku ka
xoog badan yahay hubka ugu xoog weyn. Hadaba waxaa manta la gudboon
saxaafadda Puntland sidii ay dadkooda iyo dalkooda qalinka ugu hiilin
lahaayeen una bad-baadin lahaayeen, ayna u daba qaban lahaayeen
Puntland. Waxaan ka rajayneynaa in ay dadka wacyigooda siyaasadeed kor u
soo qaadaan ayna dareen siiyaan in ay xaquuqdooda soo ceshan karaan.
Hadaba saxaafadu waa in ay mar walba tixgelin siiyaan xasiloonida, wax
walbina ku dhacaan si nabd gelyo ah.
Dulucda maqaalkaan dhan wuxuu ka yahay is barbar dhigid aanu isku barbar
dhigeyno xaquuqda dadweynaha ku nool dawladaha xaqa ah oo shicibkoodu
doortay iyo shicibka ku hoos nool taliska fashilmay ee Puntland oo aan
shicib dooran.
Dhanka kalena wuxuu qoraalku bayaaninayaa sida ugu hufan ee bannan-baxu
u dhici karo iyadoo la dhawrayo nabadda iyo deganaanta.
Midda hore, dawladda shacabku doorto ee ka jirta wadamada kale waa mid
xaq ah, midda ka aloosan Puntland ma aha mid xaq ah oo shicib doortay.
Arrintaasi isku qabad ma leh, mana qarsoona.
Su'aasha hore waa: Dadweynaha Puntland xaq ma u leeyihiin in ay
bannaan-bax liddi ku ah taliska fashilmay ee Puntland ku samayaan?
Jawaabtu waxay annaga nala tahay in ay dadweynaha reer Puntland ay xaq u
leeyihiin in ay ku bannan-baxaan dawlad cadaalad darro ku haysa shacabka
hadii ummadaha xorta ahi ay xaq u leeyihiin in ay ku banana baxaan
dawlad ay iyagu xaq ku doorteen.
Sua'asha labaad waa: "Hadii ay xaq u leeyihiin in dad weynuhu ku
bannan-bixi karo dawlad ku sheega ka jirta Puntland, maxay yihiin
sababaha ay shicibku ka xun yihinn? Hadaba si looga jawaabo suaashaan,
waxaa marka hore is weydiin leh,
· "Maxay dawlad isku sheegga Puntland u qabatay shicibka Puntland?"
· "Maxay ku qabataa dakhliga canshuuraha iyo deeqda ay adduunka caalamku
u fidiyeen shicibka Puntland?"
· "Maxay dawladdu ku samaysay lacagta adag ee laga qaado maraakiibta ka
kalluumaysata badweynta Hindiya iyo Khooriga Cadmeed?"
· "Maxaa lagu qabtaa lacagta laga qaado maraakiibta ku soo xirata
dekedda Bossaso?"
· "Maxaa lagu qabtaa lacagta adag ee laga qaado ganacsata wax soo
dhoofisa iyo kuwa wax sii dhoofiya?"
· "Ma jirtaa wax la taaban karo ee dadka loo qabtay?" iyo suallo fara
badan oo aanu ku wareernay idinkuna aad ku wareereysaan is weydiinteeda.
Waxaa maskaxdayada ku soo dhacay su'aalo farabadan oo maanka gadaya,
qaarkoodna ay dadweynaha ka caraysiinayaan, dadka qaarkiisna gaarsiinaya
waali iyo in ay wax halleeyaan.
Hadaba ujeedada maqaalku ma aha in dadka la gaarsiiyo heer ay wax bi'in
ku geystaan ee wuxuu ku egyahay in ay dadku dareemaan in ay xaq u
leeyihiin in ay muujin karaan in ay ka xun yihiin falalka foosha xun iyo
wax qabad la'aanta ka jirta Puntland, iyo sida shicibku uga xun yahay
takri falka lagu hayo khayraadka iyo dakhliga dalka.
Hadafka iyo miro dhalka bannan-buxuna noqdo in dadka maamulka foosha xun
isku xanjaynaya ay is gartaan oo ay iskaga tagaan maadaama aanay dadka
wax dan ah aanay u hayn. Waxaan la yaabanahay waxa maamulka qaarkiis uu
sugayo. Miyaaney arag in asaagood ay ka carareen maamulka naf la caariga
ah. Miyaanaey arag inta wasiiro, iyo wasiir-ku-xigeeno ka tagtay? Maye
madaxdii maamulka wax ka hayn jirtay? Ma sidaaseynu raali ka nahay mise
waa isa saxeynaa oo aayatiinkeena baynu ka talinaa?
Sideebaa loo samayn karaa bannan-bax lagaga soo horjeedo falalka qaabka
daran ee dawlad isku sheega ka aloosan Puntland? Maxaase ka imaankara?
Taliska Garowe manta ka amar-ku-taaglaynaya waa naf la caari aan is
ogayn. Dayga ba'ay waxaa rajo kaga jirtaa in maamulku ku soo noqdo
xukunka, diyaarna wuxuu u yahay in uu iibsado xubnaha baarlamaan ka jira
Puntland hadey ka yeelaan in kastoo aanaanu rajaynayn.
Ma mooganin in wadanka dhaqaale xumo ka jiro, ma mooganin in dad badan
ay gaajaysan yihiin; ma mooganin in xildhibaanadu ay ku jiraan dadka
dhaqaala xumadu saamaysay, hase yeeshee, taasi cudur daar uma noqoneyso
in ay codkooda iibsadaan. Waayo codka ay iibsanayaan waxaa iska leh dad
weynaha ay masalayaan. Ha ilaawina murtidii oraneysey –(NIN AGOON KU
XADAY QALIN QAAXO KAMA MAQNAATO).
Ruux walba oo ah xildhibaan wuxuu masalayaa dadweyne farabadan.
Dadweynahaasi raali kama aha in codkooda la iibsado.
Dadka badankiis waxay u haystaan in ay yihiin xubnaha baarlamaanka
meesha sartu ay ka quruntay. Hase yeeshee dadka qaarkiis waxay u
haystaan, goobta boogtu ay ka bogsan la'adahay in ay yihiin Isimada soo
xula xubnaha oo darka keena. Iyaga ayaa ka masuul ah dac darrada iyo
dhibaatada iyo duumada manta ku habsatay Puntland.
Isimadu waxay awood u leeyihiin in ay dib u soo ceshadaan xubnaha u
fadhiya golaha baarlamaanka markii ay ku shaqayn waayaan danta caamka
ah, ama ay ka gaabiyaan waajibaadkooda. Hadaba iyaga oo og in xubnohoodu
ay noqdeen kuwa biiri qaatayaal ah ayaaney waxba ka oran.
Xubnaha golaha baarlamaanku waa ilaaween xilkii la saaray, waxay
badankooduna noqdeen kuwo golahaba u tagay sidii ay luf-luf uga heli
lahaayeen. Isimada qaarkood waxaa lagu xantaa in ay wax-wadaag la
leeyihiin xubnaha ay baarlamaanka geeyeen, sidaa darted in aaney bedelin
kan ay uga barteen wax-la-qaybsiga. Hadaba arrintaan qoraal labaad baan
ku falanqayneynaa.
Xubnaha golaha barlamaanku waxay awood u leeyihiin in ay casilaan
taliska dawladda isku sheegga markii ay damcaan hadii 2/3 (saddex
meelood, hadii laba meelood oo ka mid ah) ay isku raacaan. Xubnaha
golaha baarlamaanku ma moogana musuq maasuqa, maamul xumada, kala boobka
hantida Puntland, takri falka khayraadka dabiiciga, kala qoqobashada
ilaha dhaqaale, dhaca, burcad badeedka, boobka, nabad gelya xumida ay
xubnaha dawlad ku sheegu u yihiin hormuudyada, abaabulayaasha, iyo kala
dhan-taalidda irisnimadii Puntland
Waxaa su'aali ka jirtaa "Miyaanay xubnaha golaha barlamaanka ka
giriirixankarin xumaha lagu hayo Puntland?"
Sow Puntland ma aha hooyo? Sow ma aha meesha dhashiinu u aayeyso, una
aayi doonto? Miyeydaan u nixi hayn hooyo Puntland? Ogaada in la idiin
jeedo inaad noqoteen dhurwaayo maandeeq qaarka dambe ka cantuugaya, la
idin arkayo xumaha aad faraha kula jirtaan, la idinku fiirinayo goortaad
is daba qaban doontaan. Ogow adiga xildhibaanka ah ayaan kula hadlaynaa.
Dhowaan waa la is cambaarayn, waana la tilmaamin inta xumaha iyo dhabar
jebinta ku haysa hasha "Maandeeq", taariikhduna waa dhaxal. Waxaan hubaa
hadii aydan idinku cambaarayn taliska Puntland halaagaya in dhowaan
tuugada nafsadeedu ay adiga kugu cambaaraynayaan in aad adigu tahay
meesha baruuruhu ka qurmeen. Xildhibaan waaga dambe u yeelo ceebta
dhabar aad ku qaadato. Adigu is weydii in aad noqoto tukaha
cambaaraysan. Ogow shicibku waa marag, waa kacayaa dhowaan,
xilligaagiina kuu dhammaa, adiguna ceeb la hoyatay. Jidad badan oo aad
wax ku saxdo baa kuu banaan. Mid ka mid ah naga qabo, waana naga talo.
Noqo adigu ruuxa isugu keena golaha xildhibaanada shir deg-deg ah. Noqo
ruuxa dhaleecada dusha uga tuura talsika xuma falka Puntland oo dalba in
taliska dawlad ku sheegu uu is casilo.
Ogowe hadii aanu halkaaga joogno waanu abaabuli lahayn shir deg-deg ah
oo qayr caadi ah. Hase yeeshee maahmaahdii may-mayga ahayd waxay tiri
"Ma roogin lan aa koo weelaase"—Micneheedu waa "Ma joogin nin bay kaa
dhigeysaa". Hah, haddaan joogi lahaa sidaas iyo si ka daran baan yeeli
lahaa.
Hadaad aragtaan dad waalan oo baabi'naya wadanka miyeydaan ka qaban
hayn?
Annaga waxay nala tahay in aanu ka qaban lahayn.
Qaabka loo doonayo in bannan-baxu u dhaco
Waxaa la doonayaa in bannaan-baxu u dhaco si hufan oo aan fadqalalo
lahayn. Hadaba waxaan soo jeedineynaa in bannaaanbaxa ay abaabulaan,
hormuudna ay u noqdaan Isimada, culamaa u diinka, nabadoonada,
ganacsatada, ururada haweenka, xildhibaanada, aqoon yahannada,
dhallinyarada jaamacadaha, dhallinyarada dugsiyada sare/dhexe iyo hoose,
abwaanada, askarta, iyo shaqaalaha dawladda. Hormuudyadaasi waa in ay
soo kiciyaan dadweynaha iyagoo ku dhawaaqaya in Talsika Puntalnd uu is
casilo.
Hadaba waxaa ka horeya bannaan-baxa arrimo nabad gelyada shiciba lagu
dhawrayo. Waad ogtihiin in talsika xukunka ku naaxay aanu ogolaanayn in
ay ka dhacaan xukunka. Waxay hadaba ku dadaalayaan sidii ay wax u yeeli
lahaayeen shicibka bannaan-baxa xaqa ah doonaya. Hadaba waxaanu ka
codsaneynaa Isimada iyo nabadoonada in ay wada shiraan oo ay ka shiraan
sidii ay ku daafici lahaayeen ayna ku ilaalin lahaayeen in aan shicibka
dhibaato loo geysan.
Hadaba:
· Waa in ay abaabulaan maliishiyada qabiilada oo ay si isku duba ridan
uguna qaybiyaan dhabooyinka, wadooyinka, iyo jidadka iyo garoomada
shicibu ku bannan= baxayo iyo meelaha ay isugu tegayaan oo Isimadu ugu
khudbaynayaa.
· Waa in laga ilaaliyo shicibka in ay soo dhex galaan dad qalalaase wada
oo shicibka dhexdiisa la soo gala hub.
· In loo abaabulo kala horeyn: Isimada iyo nabadoonada oo u horaya,
Culamaa-u-diinka, ganacsata, ururada haweenka, xildhibaanada, aqoon
yahannada iyo ardada jaamacadaha, dugsiyada sare/dhexe/hoose
dhallinyarada, shicib weynaha oo ku xiga.
Miliishiyada oo jidka ka ilaalisa shicibka. Sababta aanu miliishiyada
ugu qaybinay jidadka waa in ay daafacaan shicibka hadii talisku ka soo
weeraro dibadda.
· In shicibku aanu wax gardarro ah aanu ku kicin.
· In shicibku muujiyo nadaam iyo hufnaan iyo wax maqal ayna ka dambayaan
Isimada.
· Marka shicibku isugu tago goobaha loogu tala galay in ay dhegeystaan
isimadooda, nabadoonadooda iyo culamaa-u-diinka, ayna xafidaan
talooyinka loo soo jeedinayo.
· In la dhawro nidaamka banana baxa.
Qore
Musharax Farjac
Shacabka
Puntland oo soo dhaweeyay Murashax Cumar Cali Farjac - July 18